Bismillaahi wassalaatu
wassalaamu calaa rasuulilaahi.
Horudhac
Waxaa jirtay inay qalabka
warbaahinta ee kajira Koonfurta
Soomaaliya ay baryahan iyo
muddooyin sii horreeyeeyba
qorayeen inay Itoobiyaanka ama
labaxeen ciidamadooda qaybo
kamida ama ay diyaargaroow ugu
jiraan siday ulabixi lahaayeen,
haddana dadka qaar kawarhelaan
ciidamadii oo loo jiheeyey meelo
kale ama meeshii lalahaa
ciidammaa kabaxay oo wali lugu
arko ciidamo fadhiyo ama kuwii
hore ha ahaadeen ama kuwo
cusubee. Dad badan ayaa niyadda
kafarxo markuu Males yidhaa
ciidamadayda durba waan labixi
sidaa awgeed waxaan jeclaystay
inaan bal isla fiirinno xaalku
siduu umuuqdo.
Yaa qabsaday Soomaaliya maxaase
loo qabsaday?
Intaannan wax kaleba kahadal bal
aan iswaydiinno labadaa
su’aalood, kadib waxaa
sahlanaani in laqiyaaso qiyaas
saxa mustaqbalka joogitaanka
ciidamada Itoobiya ay joogayaan
soomaaliya iyo kabixitaankooda
hadday kabixi.
Itoobiya, cadowgii soo jireenka
ahaa ee halista ku hayey
jiritaanka Soomaalida dad ahaan
iyo jiritaanka diintaa Islaamka
Geeska Afrika oo dhan.
Waa wax dabiici ah oo lugu
yaqaanno siyaasadaha dawladaha
hago in cadow daris kuu ah
dhibaato qotodheerna idiin
dhaxayso hadduu laciifo oo
tabardhigo loo taliyo si’uusan
mar danbe halis kuu galin, marka
waxay Itoobiya waligeed
eeganaysay fursaddan hadda soo
martay oo kale waxaana ubaryay
waa sammaad kadib markay
xaaladahan hoos kuxusan iridda
ugasoo galeen:
-
Soomaaliya oo kala daadatay
ayna adagtahay inay dib
ugusoo kabato si fudud.
-
Itoobiya oo gacanta ay ugu
jiraan dadka maanta
sheeganayo inay yihiin
madaxdii sharciga ahayd ee
qarankii Soomaaliya la odhan
jirey, dadkaasoo ah dad ay
isugu biirtay; badownimo, ay
badownimadooda sababtay in
lasiro oo lakhayaano sidii
ilmo yaroon qaangaadhin,
aqoonyar, aqoonyaridaas oo
sababtay inayba garan
waayaan xilka ay hayaan iyo
cidda ay uhayan iyo wixii
looga fadhiyey inay
layimmaadaan iyo nacayb
qotodheer, nacaybkaas oo ay
uqabaan diinta Islaamka oo
ay sheegtaan inayba haystaan
(taasoo ah wax lalayaabo).
-
Caalamka oo baryahan lugu
ugaadhsado wax layidhaa
”argagixiso ladirir” macnaha
haddaad rabto inaad dad ama
afraad aad layso ama
naafayso waxaad dhabarka uga
dhajini shabbad argagixiso
layidhaahdo, shabbaddaasna
waxaa bixiyo Maraykanka, mar
hadduu kuu ansixiyo waxaad
xor unoqonaysaa inaad
sammayso waxaad rabto adoon
cidna kahaybaysanaynin
sharci kuqabanayana uusan
jirin, waxaad heli markaa
xorriyad aad waxaad rabto
kusammayso. Itoobiya marka
shabbaddaas ayaa mar hore
lasiiyey oo ay magacayaga
kusoo qaadatay, waxaana
lahubaa inay Itoobiya ama
gummaadi ama xabsiyadeeda
dhigi kumanaan kun wa
hadayna noqon tobannaan kun
oo soomaali ah iyadoo
ku’eedeynaynso argagixiso.
-
Maraykanka oo ah dawaladda
aduunka maanta ugu tunka
wayn oo ay Itoobiya
gaashaanbuur lanoqotay sida
ay Israaiil ulatahay
Maraykan maadaama hal cadow
laleeyahay.
-
Dadkii Soomaalida ahaa oo
sidii ilma carruur ah oo
kale caqliga laga xaday
lagana dhaadhiciyey inayna
Itoobiya (Tigreegu) cadow
inoo ahayn iyadoo loogu
sheekeeyo tusaale ahaan,
Ra’iisul Wassaarahooda ayaa
soomaaliya joogi jirey oo
lakaalmeeyey oo waliba
baasaboor soomaali ah buu
haysan jirey, wuxuu sheegaa
inuu Soomaliya jecelyahay
asagoo baasaboor Soomaali ah
lasoo baxo oo dadka tuso iyo
wax lamida oon meeshaba
kujirin. Taasoo dad badan
hafisay, feejignaantii laga
qabi lahaa Itoobiyana
dabcisay. Maxaa iskuxidhay
laba dal iyo laba dad oo
kala dhaqan, kala diin iyo
kala dan ah haddii mid uu
kakale ninka madaxa u ah waa
magangaliyey. Macnaha waxaa
suurtogal ah inuu Males oo
qaxooti ah markale Xamar
yimmaado, taas waxba
kabadali mayso baahida
Soomaaliya iyo ta Itoobiya
ee soo jirenka ah caksigana
isku ah.
-
Soomaaliya oo saaxiibbo
la’aan ah, macnaha kaligood
meel cidla ah taagan. Waxaan
umalayn inaanan waligeen
saaxiibbo yeelan! Taasna
waxaa oogu wacan inaananba
yeelan siyaasi cabqari ah oo
fahma waxa dalka iyo dadku
ubaahan yihiin iyo meesha
laga dooni (geeljire ayaa
ina matala oo rabo inuu
gaadho go’aamo istirjaaji ah
oo laga yaabo inay ama
naliibaaniyaan ama afka
ciidda udarto ummaddoo dhan
sida haddaba taagan)
-
Iyadoo Itoobiya
dammaanadqaad dhaqaale, mid
millatari iyo mid
siyaasadeedba heshay in
lagarab qabani dhib kasta oo
kusoo gaadho halganka ay
kula jirto ”argagixisada”.
Taasna waxay siisay Itoobiya
calool adayg iyo geesnimo
aan hore loogu arag.
Kadib Itoobiya waxay
udiyaargaroowday siday gacanta
ugu dhigi lahayd Soomaaliya
iyadoon cidina ogayn marka
Maraykan laga reebo, askarteeda
madaxtinimada sheeganayso ayey
laqorshaysay sidii ay hawlaheeda
uhirgashan lahayd.
Maraykanka, maamul awood badan
oo muqlaysan (jahowareersan)
Sidii looga nixiyey 2001 dii oo
loo qarxiyey daarihiisii
dhaadheeraa jaho wareer ayaa
kudhacay oo meeshii nin
Alqaacidda ahbaa lugu arkay
layidhaahdaba madax madax ayuu
isugu tuuraa, oo heer wuxuu
gaadhay dad adeegayaal u’ahaan
jirey waagii hore ee uu
Soomaliya yimid oon xirfad,
maskax iyo aqoon kaleba lahayn
inuu uxilsaaro Soomaaliya inay
karraadiyaan argagixiso asaga
halis ku ah maadaama ay Wiil
Balaayo iyo Itoobiyaba intii
muddo ah kaga dhawaajinayeen in
Soomaaliya ay argagixiso joogto
lagamamaarmaanna tahay in laga
sifeeyo. Markay qolyahaas dad
masaakiina kolba soo qabtaan oo
ugeeyaan oo uu cabsi horleh sii
qaadoba, waxaa lagaadhay
xilligii ay mucjisada kadhacday
Muqdisho oo ay culamadii
islaamka isxilqaameen oo dadkii
heeryada karideen. Maraykan
mabda’ ahaan ma’aqbali karo inay
dawlad Islaam kudhisan ay
istaagto maanta iyo wixii
kadanbeeyo, colaadda uu uqabo
Islaamiyiinta kasokow waxaa
isburinayo mabaadii’diisa
kusalysan Dimoqraadiyada
xagjirka ah ee ay aaminsanyihiin
iyo midda islaamka ee culayska
saarayso uhogaansanaanta loo
hoggaansamo Allaha aduunka
abuuray .
Markii Maraykan lugu oriyey oo
layidhi Soomaaliya markale ayaad
kufashilantay ayuu lasoo baxay
qorshihiisa labaad oo ahaa
Itoobiya (lanasoco maraykanka
muddo dheer ayuu Itoobiya
xidhiidh millatari, mid
siyaasadeed iyo mid
mukhaabaraadba lalahaa oo
ciidankeeda tababarayey, ciidamo
kuwiisa ahna joogeen lacalla
hadday soomaaliya halisi kasoo
baxdo, waana intaan soomaaliya
si rasmi ah hadal hadal mooyee
luguba xaman inay dad asal raaca
joogaan).
Guushii markaa ay Maraykanka oo
dahsoon iyo Itoobiya oo muuqato
isla gaadheen waxay noqotay
guushii ugu fududayd uguna
farxadda badnayd ee maraykanka
usoo hoyato rididdii Taalibaanka
Afqaanistaan kadib. Maxaa yeelay
Marykanka askar badanna kagama
dhiman dagaalka, caalamkana
ma’oga inuuba si rasmi ah ugu
jirey marka halkaas waxaa uu
kahelay guul aad uqiimo badan oo
uusan diyaar u’ahayn inuu
iskadayaco.
Maxay kula tahay marka
kabixitaanka Maraykanka iyo
Itoobiya dhulka iyo arrimaha
Soomaaliya?
Waxay umuuqataa inay
kadhigantahay habeenkii xalay
ahaayoo tagay inay tacabkii ay
kusoo daaleen ooy sanadaha
qorshaynayeen maal iyo maskaxna
kulumiyeen ay hadh cad
kadhaqaajiyaan ayagoon waliba
wax halisa ama cadaadisa uusan
hayn oo ay dhacadiid ujiifaan
kalsooni ay iskuqabaan awgeed.
Midda kale Itoobiya yay ugu tagi
askarteeda iyo halyayada usoo
halgantay ee dal dhan gacanta
usoo galisay! Saraakiisha
qiimaha badan ugu fadhiya
qaranka Itoobiya sida Jaalle
Cali Maxamed Geeddi oy muuqato
wuxuu jagadan uqabtay, Xuseen
Caydiid oo si cad inoogu sheegay
inaan tuurro calanka culmaaniga
ah ee Soomaaliya oon
xadbeenaadka qaadno sidoo kalena
aan baasaboorka Itoobiya
qaadanno maadama baryahan
baasaboor la’aani jirtay, warkoo
koobanna nayidhi si tadawuc ah
Itoobiya ugu biirro, ma Wiil
Balaayo ayey dayici ooy dugaagga
utuuri, jawaabta waa maya,
Itoobiya raggaas qiimaha badan
meel cidla ah uga tagi mayso
marka ha kuu caddaato Itoobiya
iyo Maraykan meella umasocdaan
Soomaaliyana sanadaha soo socdo
waxay umuuqataa inay u’ekaani
xaaladda Afqaanistaan kajirto oo
kale. Iyadoo Itoobiya kummannaan
askari kuhayso gudaha soomaaliya
ayey dhaar beena kumaraysay
inuusan ciidan kajoogin dalka,
marka beentii unbaa halkeedii
kasii soconi. Ciidamadan
laleeyahay waa laqaaday waa
la’is dabamariyaa oo intay soo
jiireeyaan ayaa meel kale
lageeyaa ee ma’aha kuwo baxayo
ama kaa socdo.
Itoobiya afar xaaladood hadday
yimmaadaan waa suurtogal inay
ciidameeda labaxdo;
-
In cadaadis jabhadeed oo
kulul gudaha dalkeeda
kaqabsado ooy ciidankeeda
gudaha uga maarmi waydo.
-
In millatari ahaan lugu
jabiyo soomaaliya oy dabada
jeediso dalkeediina ucararto.
-
Inay Wiil Balaayo iyo
gacanyarayaashiisa ay
soomaaliya oo dhan 100%
hantaan sidaana uga
kaaftoomaan Adeerkood Males.
-
Inuu Maraykanka kacodsado
inay kabaxdo soomaaliya
illeen kamana maaranto oo
la’aantii meella gaadhi
mayso, kolkii horena asaga
dartii iyo taladiisa ayey
kusoo gashay meeshee.
Haddii afartaa xaladood middood
immaato ama wada yimmaadaan
kafilo Itoobiya inay soomaaliya
kabaxdo hadii kale kuxisaabtan
inay kugu dhax jiri oyna kaa
tagayn. Markay ugu roonaato
waxay dagi saldhigyo
istiraatiiji ah oo kabaxsan
magaalooyinka waawayn oo kafog
dadka si’ay dhaawacyo loo
gasytona uga fogaato sidoo kale
aanan loo arag ooy beenteeda run
ugu ekaysiiso, haddii loo
baahdoda ay guramd dagdaga ah
uga keento meel aan dheerayn.
Taas lafteeda shardi ayaa
kuxidhan oo ah inay ciidamada
Wiil Balaayo iyo kuwo Afrikaanka
ay hantaan ammaanka
magaalooyinka.
Akhri Qormadii:
Askartii Itoobiya