Dowladda Federaalka ayaa waxay horey digniin uga soo saartay cid kasta oo ka
qaybgashay shirkii Asmara in ay gacanta ku dhigi doonaan.
amiinkhasaaro@yahoo.com
Barnaamijkii Radio Xoriyo
29 September 2007.
Dagaallo ba’an oo ciidamada cadowga lagu jabiyay.
Dil iyo xidhay dadwaynaha loogu gaystay meelo kala duwan.
Safaarada Wayaanaha ee Sudan oo noqotay xabsi lagu jidh dilo ardayda
Ogadenya ee wax kabarata Sudan.
======================
Dagaallo ba’an oo ciidamada cadowga lagu jabiyay.
Wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadenya ayaa noo soo sheegay
dagaallo badan oo dhex maray CWXO iyo kuwa gumayisga Itoobiya, kuwaasoo
si wayn loogu jabiyay ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysatada
Itoobiya. Dagaalladu waxay u dheceen sidatan;
27/09/07 weerar mir ah oo lala beegsaday ciidammada guamysiga ee ku
sugan Dig, waxaa loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Mar kale ayaa isla ciidammada weerar mir ah lagu qaaday 28/09/07, iyadoo
loo gaystay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Isla 27/09/07 malleeshiyo gumaysigu leeyahay oo lagu soo ururiyay
La-helow, oo Doollo ka tirsan, ayaa weerar lala beegsaday, waxaana lana
dilay 13, 5 kalana waa laga dhaawacay. Waxaa sidoo kale la qaqabtay
dhawr malleeshiyadaas ka mid ah, kuwaasoo la iska sii daayay, ka dib
markii looga digay inay gumaysiga mar denbe hub u qaadaan.
26/09/07 dagaal ka dhacay Booraale, oo Galaalshe ka tirsan, waxaa
ciidammada gumausiga lagaga dilay 10 askari, 15 kalana waa lagaga
dhaawacay.
24/09/07 dagaal ak dcay meesha lagu magacaabo Cali-fiidhe, oo Far-madow
u dhaw, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 8 askari, 11 kalana waa
lagaga dhaawacay.
23/09/07 dagaal adag oo isaguna ka dhacay Aloosane, oo Fiiq ka tirsan,
waxaa ciidammada deac-darraysan ee gumaysiga lagaga dilay 14 askari, 6
kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 23/09/07 dagaal ka dhacay Malqaqa, oo Galaalshe ka tirsan, waxaa
gumaysiga lagaga dilay 9 askari, 10 kalana waa lagaga dhaawacay.
22/09/07 Maraacaato dagaal ka dhacay waxaa ciidammada cadowga lagaga
dilay 2 asakri.
21/09/07 Oba, oo Jigjiga ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada
cadowga lagaga dilay 7 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.
20/09/07 Dheenka, oo Galaalshe ka tirsan, waxaa lagu miray ciidammada
gumayusigu leeyahay, waxaana loo gaystay lhasaare aan faahfaahintiisa la
haynin.
18/09/07 iska hor-imaad dagaal oo ka dhacay Abooshe, waxaa cadowga
lagaga dilay 2 askari, 11 kalana waa lagaga dhaawacay.
17/09/07 dagaal sidoo kale ka dhacay Gob-yarey, oo Sallaxaad ka tirsan,
waxaa ciidammada cadowga lagaga dilay 2 askari.
16/09/07 dagaal ka dhacay Ceel-xaar, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa
ciidammada cadowga lagaga dilay 2 askari.
15/09/07 dagaal isaguna ka dhacay Ilaala-dhawrka, oo Fiiq ka tirsan,
waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 7 askari, oo 3 sargaal oo
sarsare ay ku jiraan, waxaana lagaga dhaawacay 10 kale.
Isla 15/09/07 weerar mir ah oo lagu qaaday ciidammada gumaysiga ee
fadhigoodu yahay magaalada Garbo waxaa loogu gaystay khasaare aan
faahfaahintiisa la haynin.
12/09/07 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhex maray Jidhacle,
oo Haar-cad u dhaw, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 9
kalana waa lagaga dhaawacay.
11/09/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada
gumaysigu ee fadhigoodu yahay magaalada Sagag, waxayna u gaysteen
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
Isla 11/09/07 waxay CWXO weerar mir ah la beegsadeen ciidammada
gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tegay Haynsa-raac, waxayna u gaysteen
khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.
10/09/07 dagaal aad u qallafsan oo CWXO iyo kuwa guamysiga Itoobiya ku
dhex maray meesha lagu magacaabo Ku-naso, oo degmada Qallaafe ka tirsan,
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 60 askari, waxaa sidoo kale
lagaga dhaawacay 45 askari. Ciidammada gumaysiga waxaa dagaalkaas lagaga
furtay Qoryo Waawayn iyo yaryar isugu jira iyo qalab millatari oo kale.
09/09/07 Kala-jeexa, oo Shilaabo ka tirsan, weerar loogu gaystay
ciidammo gumaysigu leeyahay waxaa lagaga dilay 5 askari.
08/09/07 dagaal ka dhacay Jiingada, oo Fiiq ka tirsan, waxaa ciidammada
gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 08/09/07 dagaal adag oo ka dhacay degmada Sallaxaad, waxaa
ciidammada cadowga lagaga dilay 15 askari, 9 kalana waa lagaga
dhaawacay.
07/09/07 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar qorshaysan ku qaaday Xerada
Kaaluu ee ciidammada guamysigu ku leeyihiin magaalada Shilaabo, waxayna
weerarkaas guamysiga kaga dileen 35 askari, 26 kalana way kaga
dhaawaceen. Ciidammada gumaysiga ayaa markii weerarkan lala beegsaday
waxay ka guureen Xerada Kaaluu, iyagoo isugu urursaday Xeryo kale oo
magaalada ku yaalla.
Dil iyo xidhay dadwaynaha loogu gaystay meelo kala duwan.
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa waxyeellooyin kala
duwan oo dilay iyo xidhay isugu jira u gaystay dadwayne rayad ah.
20/09/07 waxay ciidammada gumaysiga ku laayeen meesha lagu magacaabo
Fiiq-fiiqyaha Faar-wayne dadka kala ah;
1- Maxamed Cabdi
2- Axmed Maxamed iyo
3- Tamaan C/llaahi
Markii ay taariikhdu ahayd 23/09/07 magaalada Dhagaxbuur waxay
ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen odayaal ka soo jeeda tuulooyinkii
dadka lagu xasuuqay ee Labiga iyo Hunjurri. Odayaashan ayaa la
xidhxidhay, ka dib markii ay gumaysiga u sheegeen in dadwaynaha ay
odayaasha u yihiini ay diideen inay sameeyaan ciidammo Dabaqoodhi ah.
Odayaasha la xidhxidhayna waxay kala yihiin;
1- Ibraahim Maxamed Galbeedi
2- Maxamed Cabdi Baddal
3- Bishaar Cabdi Jiilaal iyo
4- Rashiid Cabdi Jiilaal
21/09/07 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Yucub ku xidhxidheen dadka
kala ah;
1- Canbaro Maxamuud Barre
2- Saxardiid Maxamuud Barre iyo
3- Daahir Cabdi Ibraahim
18/09/07 magaalada Iimey waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka
kala ah;
1- Saafi Faarax
2- Qaas Gurey
3- C/llaahi Xasan
4- Kor-matoorrey Suufi iyo
5- Cabdi-madoobe Xasan Qalaad
12/09/07 magaalada Fiiq waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen koox
ka tirsan maamul ku sheegga iyo shaqaalaha degmada Fiiq, kuwaasoo diiday
inay ka qayb qaataan hawlaha lagu abaabulayo malleeshiyooyin cadowga u
adeega. Dadka noocan ah ee la xidhxidhay waxay kala yihiin;
1- C/llaahi Maxamed
2- Bashiir Cabdi
Dhuurre
3- Saxardiid Maxamed
Cali
4- Kayd Aw Xasan
5- Aaden Axmed Heebaan
6- Cali Sin-yare iyo
7- Caddeeye Mahdi.
Waxaa sidoo kale dadkan lala xidhay isla taariikhdaas
kor ku xusan gabadh ganacsato ah oo lagu magacaabo Khadra Maxamed
Ciireed.
Isla 12/09/07 waxaa magaalada Fiiq lagu soo
xidhxidhay dad laga soo qaqabtay deegaanka Koray, waxayna kala yihiin;
1- C/llaahi Macalin
Maxamed
2- Khaliif Macalin
Maxamed
3- Shaafi Macalin
Maxamed
4- Aamina Macalin
Maxamed
5- C/nuur Macalin
Maxamed
6- Khadar Muxumed
Digaale iyo
7- Imiir Mawliid
08/09/07 magaalada Wardheer waxay ciidammada
gumaysigu ku xidhxidheen dad rayad ah, waxaana noo suuragashay inaan
magacyadooda helno;
4- Cabdi-baasid, oo
magaciisa oo buuxa aanaan haynin
5- Cawke C/qaadir iyo
6- Cali Shiraac Cilmi
Safaarada Wayaanaha ee Sudan oo noqotay xabsi lagu
jidh dilo ardayda Ogadenya ee wax kabarata Sudan.
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Khartuum ee
wadanka Suudaan ayaa sheegaya in Safaarada Itoobiya ee halkaas ku taala
ay u soo tafa xaydatey sidii ay Ardeyda Ogadeniya ee wadanka Suudaan wax
ka barata uga qaadi lahayd Baasaboorada Itoobiyaanka ah ee ay sitaan.
Ardeydan oo qaadashada Baasaboorka kala kulmay
dhibatooyin badan markii ay Adis Ababa ka qaadanayeen ayaa waxay hada
xukuumada Wayaanuhu bilawday in Ardeyda Jaamacadaha Suudaan wax kabarta
laga uruurriyo Baasaborka, gaar ahaan marka Ardeygu u ubaahdo
cusboonaysiinta Baasaborkaa iyo socdaalada ama adeegyada kale.
Dhacdooyinka u danbeeyay ee aan soo qaadan karo waxay dhacdey doraad
abaarihii 11kii duhurnimo sacaada Africada Bari, kadib markii Ardey lagu
magacaabo Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Maxamuud uu tagey Saafarada Itoobiya
ee Kahrtuum isaga oo u baahnaa warqad socdaal uu ku soo booqanayo
eheladiisa oo degen Ogadeniya.
Intaas kadib, Cabdiraxmaan waxa uu shalay subax ku laabtey Safaradii si
uu u soo qaato Baasaborka iyo warqadii uu socdaalka, balse Cabdiraxmaan
inta gudaha lala galay ayaa wxaa lagu xidhay qol yar oo u kaaya
safaarada dhexdeeda, halkaas oo jir dil iyo garacaid lagu bilaabey.
Waardiyaha Safaarada oo u dhashey wadanka Suudaan ayaa maqley qaylada
iyo cabaadka ka yeeraya Safaarada dhexdeeda, kadibna inta ay gudaha
galeen ayey ka soo daayeen, waxaana loo qaadey Isbataal.
C/raxmaan ma aha Ardeygii u horeeyay ee laga qaado Baasaborkiisa,
bilihii u danbeeyay waxaa laga qaaday Ardey badan Baasaborkii ay ku
joogeen wadanka Suudaan.
29 September 2007
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15260 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,
Ogaden.com
Maalmahaa Talaadada & Sabtida 7:00PM – 7:30 waqtiga Afrikada Bari
XAGAABAXII 3:aad : WAX AAN LA
ARAG, FARXAD, IYO YIDIDIILO
30 Luulyo ilaa 5 Agoosto 2007, wuxuu Iskuulka AL-AZHARSKOLAN isaga oo la
kaashanaaya Dalladda Da´yarta Soomaaliyeed; Sveriges Unga Somalier (SUS)
iyo Masjidka Islamiska Förbundet i Järva (IFIJ) qaban qaabiyeen
XAGAABIXII 3-aad oo ku wajihnaa Waalidiinta Soomaaliyeed ee ilmahoodu
dhigtaan Iskuulka, xubnaha ururada, Dhallinta iyo Bulso waynta
Soomaalieed.
Abaabulkii Sannadkii hore ee 2006 tirada ka qayb galayaashu waxay
dhannaayeen 420 qof. Saxaafada degmada Avesta ka soo baxda waa lagu soo
qoray hawl galkaas. Ka qayb galayaasha xagaabaxa 3-sadaxaad waxay
dhannaayeen 370 qof. Ammaanka dartiis ayaa sannadkaan hoos loo dhigay
tirada dadka.
Ujeedada ugu muhiimsan ee Xagaabuxu waa; Nasashada Waalidiinta iyo
wacyigelinta qoyska iyo da´yarta Soomaaliyeed ee deggen Stockholm.
Goobta Xagaabuxu safar 2 saacadood ah ayay magaalada caasimadda ee
Stockholm u jirtaa.
Warka oo dhan Halkan ka akhri....
Afhayeenka M/weyne ku xigeen ka Puntland oo ka warbixiyey Xaalada
Dagaal ee Magaallad Laascaanood.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland
isla markaana uu akhriyey Afhayeenka Madaxweyne ku xigeenka Puntland
Mudan,
Ahmed
Abdi Samad Cali Shire ayaa looga hadlay Marxalada dagaal ee ka jirta
Duledka iyo Bartamaha Magaallad laascaanod oo ay ku loolamayaan
Maamulada Somali Land iyo Puntland,waxaana war saxaafadeedka lagu
sheegay in la soogaarey xilligi guud ahaan Gobolka laga saari lahaa
Ciidanka Somali Land,Waa sida hadalka WarSaxaafadedkaasi loogu dhigaye.
Afhayeenka oo Saxaafada ka hor akhriyey Qoraalkaasi ayaa sheegay in
Ciidamada Maamulka Puntland awood buuxda u yeesheen gacan ku heynta guud
ahaan Gobolka Sool oo ay baryahanba isku Awood Tijaabinayeen Awoodaha
Maamulada Somali Land iyo Puntland oo aysan ka muuqatan deegaanadooda
sida uu Dagaalka Sokeeye ula harey Gobolada kale ee Somalia,Waxaana uu
Afhayeenka carabaabay in Maamulka Puntland uu ahaa iska Caabin Ciidan
kusoo gardarooday Dhulka uu ka arimiyo,Ciidankaasi oo uu ku sheegay kuwo
hoos taga Maamulka Daahir Riyaale Kaahim.
Mudane,Ahmed Cabdi Samad Waxaa uu gaashaanka u daruuray in Saraakiil iyo
Ciidan ka socda Samali Land ay gudaha usoo galeen Magaallada
Laascaanood,Waxaana uu hadalkaasi ku sheegay inuu yahay mid ay buun
buuniyeey Warbaahinta oo aan wax sal iyo raadtoona ka aheyn Magaallada
Laascaanood,isagoo intaasi ku darey Afhayeenka in Raga la sheegayo inay
Soo galeen Laascaanood inay joogaan Dhinaca Howdka Laascaanood,iyaddoo
uu dhinaca kale sheegay inay jiraan Odayaal dhaqameedyo arinta ku jira
oo ay soo dirsadeen.
Afhayeenka Waxaa uu dhinaca kale Waxba kama jiraan ku tilmaamay in Xalka
Gobolka ay isku heystaan Somali Land iyo Puntland uu ku jiro in Xilkii
Wasiirnimo lagu soo celiyo Ahmed Abdi Xaabsade oo ahaa Wasiirkii hore ee
Arimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Puntland,waxaana uu taasi badalkeeda uu
sheegay in Xaabsade uu ka mid yahay raga u dhashay Gobolka,laakiin ma
ahan buu yiri nin ka weyn sharciga,isagoo arintaasi ka hadlaya waxaa uu
yiri.
"Hadalka sheegaya haddi xilkii lagu soo celiyo qof shaqsi ah dagaalka
Gobolka Sool waa joogsanayaa waxaan dhihi lahaa waa Eray ay isaga
hadaaqeen,dad aan saaxiib u aheyn Mas'uuliyada iyo waxa ay tahay,Waxaana
taasi daliil u ah Maamul Goboleedka Puntland kuma dhisna Nin iyo Xil
jeclaysi ee waxay ku dhisan tahay Rabitaanka Shacbiga iyo Isimada
Puntland,Marka Sidasi darteed anagu waxay inala tahay Arinta Gobolka
Sool inay ka dhexeyso Dowlad Goboleedka Puntland iyo Rag lacag ka soo
qaatay Maamulka Riyaale oo raba inay carqaladeeyaan Daganaanshaha
Deegaanada Sool iyo Naag,Laakiin Taasi ma dhaceyso inta uu yiri Maamulka
Puntland oo si xeeldheer uga feejigan qiyaanooyinka laga soo maleeyago
Hargeysa" Waa sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka Madaxweyne ku xigeenka
Puntland Mudane,
Ahmed
Abdisamd Cali Shire.
Ugu danbeyntii Afhayeenka Mr,Ahmed Abdisamad Waxaa uusheegay in ay
Maamulka Puntland Ciidankooda ku jiraan heegan kii ugu danbeeyey isla
markaana xillikasta la filan karo dagaal,isagoo intaasi ku darey in
Dadweynaha Reer Laascaanood ay is dajiyaan kuna kalsoonaadaan Maamulka
iyo Ciidanka Puntland oo uu sheegay inay Nabadooda sugi doonaan,Hadalka
Afhayeenka ayaa soo baxay kadib markii la shaaciyey in Laascaanood soo
galeen Mas'uuliyiin ka socda Maamulka Somali land .
FARDOWSA CABDI
Nairobi Kenya.