SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Go’aamadii 191 Odey dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed ay ku sixiixeen Magaalada Muqdisho oo dhameystiran.

Akh’ristayaasha sharafta lahow Taariikh-da ma duugoowdo ee waxaan idiin soo gudbinaynaa Go’aamadii ay gaareen Odey dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed iyo magacyada sixiixayaasha oo laga diyaariyey Buug weyn, inagoo Go’aamadii iyo Talooyinkii shir weynihii Dibu-heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed uga socdey Magaalada Muqdisho 15/07/2007  ilaa 30/08/2007, ay ku gaareen Oday dhaqameedyada oo waxyaabihii ka soo baxay ay madax dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed ay si wada jir ah u sixiixeen, islamarkaana mar kale madaxda  sare ee dowlada ay ku soo sixiixeen dalka SAUDI ARABIA, sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn waxa ka dambeeya heshiiskaasi, oo tan iyo markii uu dhamaadey shirkii dibu-heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ay soo baxeen isbedelo fara badan, oo aan hore looga filayn dalka, lana furay Xadka Kiiniya iyo Soomaaliya, khilaafna uu soo kala dhex galay madaxda sare ee dowlada, islamarkaana shirka  Baarlamaanka  dhexdiisa laga sheegey, ayna ka hadleen xubno badan oo xildhibaano ah, sidoo kale ay soo baxday in la xiro Gudoomiyihii Maxkamadda sare ee DFKMG iyo Garsoore sare oo ka tirsan maxkamada oo dowlada aysan wali xasiloonidii dalka si buuxda u soo celin, iyadoo ka tageysa kii aqoonta lahaa, qaadanaysa kii aqoonta yaraa, kuna jirto dagaal maalin walba, ayna ku burburayaan hanti fara badan, daadinaysana dhiig shacab fara badan oo aan waxba galabsan, Magaalada ASMARA ee dalka ERITREA-na lagu soo dhisay  Isbahaysi ka soo horjeeda dowlada, lagana yaabo in dalku lugaha la siigalo marxalad aan loo baahnayn, hadaba Go’aamadan ilaa iyo intee lagu hirgelin karaa?.

 Akh’ristow aynu eegno  Go’aamadii iyo Talooyinkii Shir weynaha Dibu-heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed oo isugu jira Xalinta khilaafaadka Beelaha  Soomaaliyeed,  Hub ka dhigida, Hanti isucelinta, Dowlad wanaaga, Dimugoraasiyadda, Xizbiyada Tirada Badan iyo Tiro koobka Dadka, Qaybsiga Khayraadka dalka iyo Hubinta Awood qaybsiga, Xag-jirnimada iyo Saameynta ay ku leedahay dalka, Midnimada Shacabka Jamhuuriyada Soomaaliyeed iyo Xuquuqda Haweenka, Go’aanadan oo ay ku saxiixaayeen Odyaasha  Duubabka Hawiye, Isimada Daarood, Malaaqyada Digil & Mirifle, Isimada Dir iyo Salaadiinta Beelaha Isbaysiga oo tiradoodu gaareyso 191-xubnood  ayaa waxayna  ayaa waxaan ugu horeyn soo qaadanaynaa:- 

Qodobka:-

1-Xalinta khilaafaadka Beelaha  Soomaaliyeed :-

Shir weynuhu wuxuu go’aamiyay  

1-Kowda Agoust shir weynuhu wuxuu aqoonsaday maalintii uu dhamaaday dagaalkii sukeeye ee soomaaliya ka socday intii u dhexeysay 1978-2007, dhamaan beelaha soomaaliyeedna waa is cafiyeen.

2-Dadka soomaaliyeed shirweynuhu waxa uu ugu baaqayaa xabad joojin iyo hub iska dhigis.

3-Laga bilaabo 1-da Agoust 2007-da ergooyinka ka soo qeyb galay shirka waxaa loo aqoonsaday ergooyin qaran oo matalaya Ummadda soomaaliyeed oo dhan.

4-Shirweynuhu waxa uu isku raacay in loo bixiyey isbahysiga beelaha shannaad lamana oran oroan karo hada ka dib Others iyo  IWM.

2-HUB ISKA DHIGIDA

Shir weynuhu wuxuu go’aamiyay

1-In deg deg loo dhiso ciidamo qaran oo si fiican u tababaran, qalabkooda shaqo u dhamaystiran yahay, akhlaaqdooda iyo caqiiqadooda fiiican yihiin , mushaarkooda iyo daryeelkoodana  joogto loo siiyo bil walba dhamaadkeeda.

2-In dhamaan shacabka soomaaliyeed isku waqti hubka laga dhigo iyadoo lala kaashanayo beesha caalamka..

3-In la joojiyo hubka ka imaanaya debada lana xiro seyladaha lagu iibiyo hubka ee dalka oo dhan.

4-Si loo fudadeeyo barnaamijka hub ka dhigista waxaa haboon in maleeshiyooyinka loo sameeyo dhaqan celin iyo wax barasho xirfadeed mustaqbalka, si ay ula qabsadaan nolosha bulshada, iyadoo kaalmo la weydiisanayo beesha caalamka iyo dalalka saaxiibka la ah soomaaliya.

5-Iyadoo lala kaashanayo hogaamiye dhaqameedyada, culamaa’udiinka Ahlu sunnah wal jameeca, suugaanlayda, haweenka soomaaliyeed iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, waa in la sameeyo wacyi gelin  si joogto ah ugu baxda qalabka warbaahinta ku saabsan  barnaamijka hub dhigista iyo nabad galyada qaranka.

6-Go’aanada ka soo baxay shirweynaha ee ku saabsan hub ka dhigista iyo nabad galyada waa in loo aqoonsadaa mid sharci ah ama dastuuri ah, cidii ku xadgudubtana loo aqoonsadaa  iany tahay nabad diid iyo qaran jibis.

7-Nabadgalyada dalka iyo dadka  waxaa ka mas’uul dowlada, dadweynahana waxaa looga bahan yahay iany gacan buuxda ka gaystaan sugida nabad galyada dalka.

8-Qof kasta, beel kasta ama koox kasta oo shirweynaha ka dib dhibaato u gaysata ummadda soomaaliyeed, dowlada iyo dadweynahaba waxaa loo hortagayaa si wada jir ah shirweynaha sharciga ayaana la horkeenayaa, beel kastana  waa inay u hogaansanaataa nabad ku soo dabaalida dalka iyadoo doorkeeda ka qaadanaysa. 

3-HANTI ISU CELINTA

Shir weynuhu wuxuu go’aamiyay 

 1-Waa in si shuruud la’aan ah la isugu celiyo hantida ma guuraanka ah, mid qaran iyo mid gaar ahaaneed, oo ay ka mid yihiin Guri, Gaadiid,  Dhul deegaan , Dhul beereed, Beer, Warshedo, Hooso Qalabka taariikhiga ah, qoraalo qiimo taariikheed iyo mid dhaqaalaba  leh, Ceel Barkad iyo Xoolo nool.

2-Shirweynuhu waxa uu ka codsanayaa beelaha, madax dhaqameedyada beelaha, waxgaradka iyo dowladaba inay door wax ku ool ah ka qaataan dedejinta meel marinta hanti isu celinta. 

4-DOWLAD WANAAG, DIMUQRAADIYADDA, XISBIYADA TIRADA BADAN  IYO TIRO KOOBKA DADKA

Shir weynuhu wuxuu go’aamiyay 

1-Shir weynuhu  wuxuu weli ku howlan yahay arinta dib u heshiisiinta sii wadideeda, sidaa darteed wuxu   gudoomiyaha iyo gudiga dib u heshiisiinta u ogolaaday in shir dib u  heshiisiin isugu yeeri karaan markii loo baahdo.

2-Dowlada waa in si hagar la’aan ah u fuliso una sii wado barnaamijka dib u heshiinsiinta soomaaliyeed iyadoo u qeybinaysa:-

A-Dowlada waa in ay wada hadal la furto kuna dadaasho inay la heshiiso shaqsiyaadka, kooxaha, ururada iyo maamulada siyaasad ahaan ka soo horjeeda iyo cid kasta oo ka harta in wax lagu xaliyo dagaal, argagaxisnimo iyo xagjirnimo nooc kastaba ha ahaatee.

B-Dowlada waa inay gaarsiiso dib u heshiisiinta beelaha soomaaliyeed dhamaan gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka  iyadoo loo ogolaanayo degmo kasta iyo gobol kasta inay soo doorato  ama soo xushaan hogaankeeda maamul.

C-Dowladu waa inay abaabusho shirar waqtiyaysan  oo la isugu keenayo Culumaa’idiinka Sunna wa Jameeca iyadoo ujeeedadu tahay inay qeexaan soona bandhigaan qatarta xagjirnimada caalamiga ah iyo inay soo jeediyaan barashada iyo ku dhaqanka saxa ah ee diinta islaamka.

3-In la dhiso xukuumad tayo leh oo laga xulay  Baarlamaanka iyo dadweynahaba iyadoo la tixgelinayo aqoon, karti, waayo aragnimo, hufnaan, dabeecad wanaag iyo wadaninimo.

4-Iyadoo la dhowrayo Axdiga KMG ah xukuumada dhisayaa waa inay noqoto mid loo dhan yahay, kuna dhisan awood qeybsiga siyaasadeed ee run ah.

5-Iyadoo ilaalinaysa waqtiga KMG ah waxaa dowlada laga codsanayaa inay dhowrto meel marinta Axdoga KMG hirgelinaysana howlaha:-

Tiro koobka dadka, Diyaarinta dastuurka Federalka,  Afti dadweyne ku ansixinta dastuurka, sameynta sharciga xisbiyada badan,  Magacaabista gudiga doorashooyinka iyo ugu dambayntii qabashada doorashooyin xor ah oo madaxbannaan inta aanay dhamaan mudada ku meel gaarka ah ee sanadka 2009.

5-Shir weynaha dib u heshiisiinta beelaha soomaaliyeed wuxuu go’aamiyay kana codsanayaa Madaxweynaha dowlada Federalka KMG Mudane Cabdullahi Yuusuf Axmed   inuu kordhiyo muddada jirintaanka gudiga dib u heshiisiinta beelaha soomaaliyeed, iyadoo gudigaas awood buuxda loo siinayo:-

A-In mar kasta oo loo baahdo, gudiga isugu yeeri karo ama abaabuli karo shir dib u heshiisiineed oo heer kasta iyo nooc kasta noqon kara.

B-In gudigu hubiyo daba galna ku sameeyo meel marinta iyo habsami u fulinta go’aanada shirweyanaha beelaha soomaaliya.

4-QEYBSIGA KHEYRAADKA DALKA IYO HUBINTA AWOOD QEYBSIGA

Shir weynuhu wuxuu go’aamiyay 

1-Waa in dowladu  daraasaad ku samaysaa sida aan  qeyraadka dalkeena kula soo bixi lahayn loona xaqiijin lahaa ka faa’idaysiga.

2-Kheyaadka dalka waa hanti qaran waxaana ka mas’uul ilaalinta iyo qeybintoodaba dowlada  Federalka KMG, iyadoo ugu qeybinaysa si cadaalad ah isu dheeli tiran mudnaan gaar ahna siinaysa deegaanka kheyraadka ka soo baxay.

3-Waxaa loo baahan yahay in doono dadkii soomaaliyeed ee aqoonta lahaa, lagana howl galiyo hay’adaha dowlada heer qaran, heer dowlad goboleed, heer gobol iyo heer degmo intaba. 

6-XAGJIRNIMADA IYO SAAMEYNTA AY KU LEEDAHAY DALKA

Shir weynuhu wuxuu go’aamiyay 

1-Ilaalinta iyo xurmaynta waxaa ka mas’uul ah dowlada.

2-Waa in laga hortago waxa alaale wixii keeni kara kala qeybsanaan xaga diinta ah.

3-Waa in manhajka waxbarashada dalka  ee tarbiyada diinta islaamka lagu saleeyo mabaa’diida shareecada islaamka  si gaar ahna  loola socdo.

4-Waa in dowladu aasaasto Gole Ifto oo marjac u noqda arimaha diinta islaamka.

5-Waa in la nooleeyo farista macruufka iyo reebitaanka munkarka loona jiheeyo culimada hanuuninta dhalinayarada soomaaliyeed shibil iyo ciidanba.

6-Waa in la aqoonsado kaalinta culumaa’idiinka  fursadna loo siiyo inay si ficil ah ugu qeybgalaan nabadeynta   ummadda iyo dib dhiska dalka.

7-Waa in fariisimada ciidamadanka la durkiyo goobaha lagu cibaadaysto hadii aysan dhib ku ahayn amaanka guud.

8-In dowlada u howl gasho fidinta iyo barashada shareecada islaamka iyadoo la dajinayo hanaan iyo qorshe laga bilaabo dugsiyada xifdinta Qur’aanka kariimka ah machida diiniga iyo jaamacadaha soomaaliyeed.

9-Waa la joojiyo khilaafaadka lana adeeco madaxda qaranka ee muslimiinta ah.

10-Shirku wuxuu soo jeedinayaa dhamaan qeybaha bulshada in Ilaahay loo noqdo oo Alle Baryo iyo inla soomo maalmo  sedex ah laga bilaabo maalinta arbacada ah 29-Agoust 2007. 

7-MIDNIMADA SHACABKA JAMHUURIYADA SOOMAALIYEED

Shir weynuhu wuxuu go’aamiyay 

1-Midnimada soomaaliyeed ay tahay mid muqadas ah oo qof kasta soomaali ah xil ka saaran yahay dhowristeeda.

2-Wixii la kala tabanayo waa in laga wada hadlo, cidii gar yeelatana loo garaabo raali gelina la siiyo, iyadoo madashaas laga duulayo dowladu waa in wada hadal la bilowdo waqtiga ku haboon maamulka Somali land lana gaaro heshiis xaq iyo cadaalad ku dhisan iyadoo la ilaalinayo midnimada qaranka soomaaliyeed.

3-Waa in Kheyraadka iyo maamulka si cadaalad ah loo qeybsada.

4-Dastuurka la qorayo waa inuu noqdaa mid ku salaysan nidaanka federaaliga oo xaq u siinaya qeyb kasta inay maamulato beesheeda, isla markaasna xil ku saaraan ilaalinta midnimda, dowlad wanaaga iyo u hogaansananta dowlada dhexe iyadoo dowlada dhexena  si wax tar leh u kormeerayso hab sami u socdka maamul goboleedyada iyo ilaalinta midnimada,  wixii khilaaf  ah soo baxa waxna u dhimi kara midnimada dalka  waa in lala kaashado dastuurka dalka iyo hay’adiisa sare ee cadaalada. 

8-XUQUUQDA HAWEENKA

Shir weynuhu wuxuu go’aamiyay 

1-In saamiga haweenka ee baarlamaanka la fuliyo.

2-In haweenka la siiyo kaalin wax ku ool ah xukuumada iyo garsoorka.

3-In qoondada haweenka maamulka gobolada la fuliyo.

4-Fulinta barnaamijka dib u heshiisiinta waa in haweenka ay ku yeeshaan kaalintooda heer qaran, dowlad goboleed, gobol iyo degmaba.

5-Haweenku waa in dib u heshiisiinta ku yeeshaan qeybtooda heer go’aan qaadashada iyo fulintaba.

6-in la dhiiri geliyo Ururada  rayidka ee haweenka.

7-In  baarurujin loo sameeyo  waxbarashada Gabdhaha (Promation of Girl Education Progarmes).

8-In haweenka loo sameeyo wax barasho xirfadeed.

9-In haweenka la siiyo fursad maal gelin ganacsi .

10-In haweenku tix gelin lagu siiyo qandaraayada ay dowlada bixiso.

11-In la dhiiro gelyo haweenka ganacsatada ah.

12-In  caafimaadka hooyada iyo dhalaanka wax weyn laga qabto. 

9- MAGACYADOODA XUBNAHA KU SIXIIXAN GO’AAMADDA IYO BEELAHOODA.:-

DUUBABKA BEELAHA HAWIYE

  • 1-Imaam Max’uud Imaam Cumar =Abgaal
  • 2-Ugaas Max’uud Cali Ugaas  = Abgaal
  • 3-  Wak Ugas  Mobleyn= Axmed Islow Max’ed
  • 4-Sulaan Abuukar Islow Cusmaan =Wacdaan
  • 5-Ugaas Cusmaan Cilmi  Cumar = Ciise Mudulood
  • 6- Wak.Ugaas Ceyr =Ugaas Cali Max’ed Cali
  • 7-Suldaan Cali Axmed (Cali Horseed) =Suleymaan
  • 8-Sudaan C/naasir Jaamac Seed =Sacad
  • 9-Max’ed Sheekh Axmed =Saruur
  • 10-Axmed Ugaas Faarax =Duduble
  • 11- Wak. Ugas Murusade= Muxyidiin Xasan Axmed
  • 12-Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif =Xawaadle
  • 13-Islow Barre Iidle C/lle =Baadi cadde
  • 14-Wak. Ugas =Jajeele Islow Cabdi Wabar Xasan
  • 15-Ugaas Cali Ugaas Cusmaan=Jajeele
  • 16-Islow Max’ed Bille Gaabane =Jidle
  • 17-Ugaas xasan Ugaas Yuusuf Ugaas Idris=Ugaaska labada Juba & Hiiraan ee Gaaljecel
  • 18-Wak.Ugas Gaaljecel =Max’uud Ugaas C/llahi
  • 19-Suldaan Rashiid Dhure Cumar Suldaanka Jubooyinka
  • 20-Xuseen Cali Cumar=Gaaljecel
  • 22-Islow Bille Islow Cusman =Dagoodi
  • 22-Suldaan Cumar Xasan Kuusow =Shiikhaal
  • 23-Suldaan C/shakuur Sheekh Xuseen Shiikhaal Reer Ow Khudub
  • 24-Suldaan C/llahi Saciid Cusmaan =Hintire  Degmada Balcad
  • 25-Ugaas Abuukar Ugaas Xasan =Wadalaan
  • 26-Ugaas Xaaji Max’ed Kurtun =Silcis
  • 27-Ugaas Max’ed Max’uud Max’ed =Max’ed Gorgate
  • 28-Ugaas Axmed Macalin Cabdi =Shiikhaal Gobolka Hiiraan
  • 29-Ugaas C/lahi  Sh. Cilmi Cosoble= Xuskul Hawiye
  • 30-Ugas Xuseen Max’ed Cabdi =Hilibi
  • 31-Cumar Max’ed Afrax =Abgaal
  • 32-C/lle Max’ed Max’uud Abgaal
  • 33-Sheekh  Max’ed  Cabdi Shido =Abgaal
  • 34-Suldaan Cali Suldaan Axmed =Abgaal
  • 35-Axmed Max’uud Xasan =Abgaal
  • 36-Max’ed Abuukar Tuuryare=Abgaal
  • 37-Caaqil Macalin C/llahi Max’uud =Abgaal
  • 38-Malaaq Axmed Max’ed Layte =Abgaal

ISIMADA BEELAHA DAAROOD

  • 1-Boqor C/llahi Boqor Muuse King-kong =Majeerteen
  • 2-Ugaas Cumar Ugaas Xersi =Mariixaan
  • 3-Ugaas Cumar Geele Max’ed Awrtoble
  • 4-Suldaan Max’ed Shire Jaamac= Tanade
  • 5-Garaad Max’uud Yuusuf Leelkase
  • 6-Ugaas  Xasan Ugaas Yaasiin =Dashiishe
  • 7-Garaad C/llahi Cali Ciid =Warsangali
  • 8-Islaan Xuseen Xaaji C/salaan =Warsangeli
  • 9-Garaad C/salaan Xasan Max’ed =Dhulbahante
  • 10-Ugaas C/llahi Ciise Nuur =Dhulbahante
  • 11-Ugaas Ciise Ugaas C/lle =Mariixaan
  • 12-Ugaas Bashiir Cabdi = Kabtaanle.
  • 13-Ugaas Max’uud Ugaas Max’ed=Biciid yahan.
  • 14-Suldaan Bashiir Cabdi Garas= Wabeeneeye.
  • 15-Suldaan Siciid Guuleed Muuse=Kaski qabe.
  • 16-Suldaan Max’ed Yuusuf Cabdi= Cali Xijiijle.
  • 17-Suldaan C/llaahi Xildiid soote= Amaanle.
  • 18-Suldaan Cabdi Bille Wasame= Amarti Waaq.
  • 19-Ugaas Axmed Ugaas Max’ed= Leelkase.
  • 20-Ugaas C/llaahi Cabdi Laba qayd= Ogaadeen.
  • 21-Suldaan Max’ed Cali Max’ed=Jambeel.
  • 22-Ugaas Max’uud Ugaas Siciid= Tiinle.
  • 23-Beel daaje. Salaad Cali Faarax= C/rixiim Suleymaan.
  • 24-Beel daaje. Cabaas bin Jaceyl= Ismaaciil Suleymaan.
  • 25-Beel daaje.Cali Faarax =Cali Jabraa’iil
  • 26-Garaad C/llahi Max’uud Dacar =Geese Guule
  • 27-Beel daaje.Max’ed Ismaaciil Cabdi =Ugaar Suleymaan
  • 28-Beel daaje Faarax C/llahi Max’ed =Cali Suleymaan
  • 29-Ugaas Xuseen Ugaas Max’ed =Cowl-yahan
  • 30-Suldaan Cabdi Cali Sokor =Max’ed Subeyr
  • 31-Suldaan Faarax Suldaan Max’ed =Maqaabul
  • 32-Ugaas Cali Buulle Cismaan =Bah-Geri
  • 33-Suldaan Irshaad Siigaale Guure=Tola moge
  • 34-Ugaas Ibraahim Aadan Geedi =Bar-tire
  • 35-Suldaan C/llahi Axmed Shidde= Abaas Guul
  • 36-Suldaan Cabdi  Cismaan Macalin Sagal Geri- Koombe
  • 37-Suldaan Muuse Nuur –Majeerteen
  • 38-Garaad Cali Aar =Warsangeli
  • 39-Ugaas Max’uud Baqow =Dhul-bahante
  • 40-Ugaas C/raxmaan  Xasan Cumar =Bah Geri
  • 41-Siid Cali Xaaji Xersi =Leel-kase

MALAAQYADDA BEELAHA DIGIL IYO MIRIFLE

  • 1-Malaaq Xasan Shurre Max’ed=Hubeer.
  • 2-Malaaq Max’uud Max’ed Cabdi= Hadame.
  • 3-Malaaq C/raxmaan Ibraahim Cali= Laysaan.
  • 4-Malaaq Xasanow Cumarow Xasan =Xaryin.
  • 5-Malaaq Isaaq Ibraahim Xasan= Luwaay.
  • 6-Malaaq Max’ed Cabdi Garuun=Geelidle
  • 7-Malaaq Yuusuf Cali Sheekh= Disoow.
  • 8-Ugaas Bilow Xasow Xaydar= Macallin weyne.
  • 9-Malaaq Shariif Muxiyadiin Xaaji Aadan= Asharaaf.
  • 11-Malaaq Macallin Cil Barre= Jaroon.
  • 12- Suldaan Ibraahim Ciliyow Ibrow=Jiido.
  • 13-Suldaan Siidey Xaaji Max’ed Nuur=Dabare.
  • 14-Suldaan Cismaan Suldaan Cabdi= Geledi
  • 15-Suldaan Buube Suldaan Cabdulle=Bagadi.
  • 16-Suldaan Cismaan Max’ed Max’uud= Tunni.
  • 17-Malaaq Max’ed Guud Max’ed=Eemid.
  • 18-Malaaq Ibraahim Aadan Macallin =Qoomaal.
  • 19-Malaaq Malabow Malaaq Isaaq Xasan=Garwaale.
  • 20-Malaaq Jeele Ibraahim Xuseen=Waanjel.
  • 21-Ugaas Cali Damdamle =Garre.
  • 22-Malaaq Macallin Salaad Macallin=Yalalle.
  • 23-Malaaq Aadan Maxamed Teegoow=Reer Dumaal.
  • 24-Malaaq Siidow C/lle Cusmaan=Eylo.
  • 25-Malaaq Sheekh Cali Sh. C/llaahi =Helede.
  • 26-Malaaq C/rashiid Sh.C/salaan= Yintaar.
  • 27-Malaaq Sh.Aadan Cusmaan Cabdi=Gabaab-weyn
  • 28-Malaaq Ismaaciil Malaaq =Jilible.
  • 29-Malaaq Siidow Madoobe Muuse= Shanta Caleemo.
  • 30-Garaad Axmed C/kariim Xuseen=Gasaar gude.
  • 31-Ugaas Jaylaani Cumar Shariif= Abaajabal.
  • 32-Ugaas Jeylaani Max’ed Cukaash= Oroole.
  • 33-Malaaq Ibraahim Mayow Ibraahim=Haraaw.
  • 34-Nabadoon Shariifow Max’ed Max’uud = Shanta Caleemo.
  • 35-Liibaan Macallin Ibraahim = Shanta Caleemo.
  • 36-Xaaji Mustaf Xasanow = Shanta Caleemo.
  • 37-Aadan Malaaq Xuseen = Shanta Caleemo.
  • 38-Suldaan Sh.Aaboow Max’ed Nuur =Duube Digil

ISIMADA BEELAHA DIREED

  • 1-Boqor Raabi Yuusuf =Isaaq
  • 2-Caqil Cumar Cali Xasan=Isaaq
  • 3-Ugaas Sh.Xasan Jaamac Max’ed =Gadabuursi
  • 4-Suldaan Cali Obsiye Bidaar=Gadabuursi
  • 5-SudaanC/llahi Kibaar Faarax=Gadabuursi
  • 6-Suldan Abiib Sheekh Max’ed =Gadabuursi
  • 7-Caaqil Sh. Bulaale Climi Waaberi =Ciise
  • 8-Caaqil Sh. Xaamud Ducaale Abti doon =Ciise
  • 9-Caaqil Axmed Diiriye Cismaan =Ciise
  • 10-Suldaan Max’ed Abuukar Max’ed =Biimaal
  • 11Ugaas Nuur Ugaas Max’ed =Biimaal
  • 12-Ugaas Faarax Cabdi Sheekh =Biimaal
  • 13-Ugaas Max’ed Ugaas Aadan =Fiqi Mux’ed
  • 14-Sudaan Macalin Max’ed Max’uud Cali =Fiqi Mux’ed
  • 15-Nabadoon Xaaji Axmed Xasan Aadan =Fiqi Mux’ed
  • 16-Sudaan Axmed Nuur Sh. Muuse =Beesha  Saleebaan C/lle
  • 17-Nabadoon Xasan Nuur Dhegood =Beesha  Saleebaan C/lle
  • 18-Ugaas Xuseen Ugaas  Cumar = Qubeys
  • 19-Ugaas Gaarane Ugaas Cusmaan= Beesha Bohol Garas
  • 20-Ugaas Cabdi Yare Jaamac =B.Madalug
  • 21-Suldaan Xasan Sh.  Dhicis  =B.Madalug
  • 22-Ugaas C/xakiim Ugaas Max’ed =Baajamaal
  • 23-Ugaas Max’ed Buule Jiirow =Wardaay
  • 24-Nabadoon Xuseen Max’ed Saalax =Wardaay
  • 25-Suldaan Ismaaciil Diyaad  Cali =Aw  Saciid
  • 26-Ugaas Ibraahim Kuusow Ciise =Aw  Saciid
  • 27-Max’ed Indhamood  Cigaal =Dir

SALAADIINTA BEELAHA SHANNAAD

  • 1-Suldaan Axmed Rashiid Sh. Shuceyb =Lixda Shiidle
  • 2- Suldaan C/laahi X. Qaaneey =Shanbare
  • 3- Suldaan Muxuyadiin Mukhtaar Muudeey = eylo
  • 4- Ugaas Cali Ugaas Xasan        =Makane
  • 5- Ugaas Xaaji Xuseen Maxamed =Hintire
  • 6- Caaqil Maxamed Cismaan Orow =Hintire
  • 7- Ugaas Cabdi Xasan Yarow = Mahuraan
  • 8- Ugaas Abuukar Qalaad Hadaafow =bah salaamo
  • 9- Ugaas Muxumad Xasan Daa’uud =Gasar
  • 10- Ugaas Muxumad Sh. Shaafici =Sedex Cumar
  • 11- Ugaas Cabdi Siraad Ibraahim =Dagiine
  • 12- Suldaan Cumar Ciid Qaaris =Reer Geedow
  • 13- Sh. Axmed Sh. Maxamed = Ku simaha  Boqorka kaboole
  • 14- Ugaas Sh. Xasan Yare Xasanow =jilib reer masad
  • 15- Caaqil Aweys Huneero =Mushunguli
  • 16- Suldaan Luqmaan Xasan Xuseen =Ceytire
  • 17-Ugaas C/qaadir Ugaas Axmed Deer =Reer Ow Xasan
  • 18-Ugaas Max’ed Bashiir Ugaas Xasan =Midhibaan
  • 19-Suldaan C/xaliim C/maalik =Ajuuraan
  • 20-Ugaas Aadan Cabdow Sheekh =Muusa dheri
  • 21-Suldaan Max’uud Muuse Ayax Dhowre =Yibir
  • 22-Ugaas Cabdi Guure Max’ed =Garjante
  • 23-Ugaas C/raxmaan Axmed Siyaad =Yaxye Saalax
  • 24-Sudaan Sheekh Cali Max’ed =Carab Max’uud Saalax
  • 25-Ugaas Faarax Gacal Guuleed =Tumaal
  • 26-Ugaas Baani Aadan Baana =Baajuun
  • 27-Malaaq Suufi Muudey Cali =Bandhabow
  • 28-Nabadoon Xaaji Abuukar Aweys Cali =Sedex Geedi
  • 29-Iikar Xaaji C/llahi =Camuudi
  • 30-Malaaq Xaaji Mahdi Nuuroow =Moorshe
  • 31-Nabadoon Xaaji Abuukar Aweys =Iskaashato
  • 32-Malaaq C/qaadir Shiikhey =Ku sime malaaq dhabarweyne
  • 33-Nabadoon Max’ed C/qaadir Max’ed =faqey Culimo
  • 34-Nabadoon Islow Ibraahim Nuur =Yacquub
  • 35-Nabadoon C/llahi Seyid Cali =Asharaaf
  • 36-Nabadoon C/qaadir Sh. Max’ed shiino =Reer Maanyo
  • 37-Max’ed Seyid Jaamac =Shiikaal Gandershe
  • 38-Nabadoon Sheekh Cusmaan Sh. C/llahi =Shiikhaal Jaziira
  • 39-Suldaan Cabddow Sheekh Max’ed =Beesha Marko
  • 40-Suldaan Bashiir Saalax Cali =Meheri
  • 41-Suldaan C/qaadir Cumar Faarax =Meheri
  • 42-Caaqil Seyid Nuur Sheekh C/qaadir =Reer Baraawe
  • 43-Suldaan Cumar Barre =Yaxar
  • 44-Suldaan C/llahi Axmed Xasan =Reer Aw Xasan
  • 45-Suldaan Cusmaan Khaalid  =Reer Aw Xasan
  • 46-suldaan Najiib Sheekh Cali  Xasan  =Reer Aw Xasan
  • 47-Suldaan Seyid Xasan Axmed =  Carab Soomaali

                            Dhamaad

 Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
Email: fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com