SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Tafaraaruqa Tabcanayaasha Tigreega

Labadii Laqdabo ku shesheesiisa Lillaahi ayey ku dagaalaan!

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
Trtipoli-libya

    Waxaa isa soo taraya maalmahaan dambe khilaaf u dhexeeya Madaxda sare ee Dawladda Empagathi, khilaafkan oo soo bilwdii dhisimihii xukuumaddii ugu horresay ee loo yagleelo Dawladda Empagathi, soona maray heerar iyo marxalado kala duwan, khilaafkan oo ku qutmao awood qaybsiga  iyo kala qaybsiga lacagaha soo galo ama laga helo Dalalka Shisheeye ee loogu deeqo Shacabka dhibaataysan ee la itaalka daran Qaxa, Sicir bararka iyo dhibaatooyinka kale ee aan la soo koobi Karin.

    Tafaraaruqa Tabcanayaasha Tigreega oo soo shaac baxay markii Maamul Gobeleedka Punt land uu heshiis la saxiixday Shirkad Shidaalka soo saarta, arantaasuu hor istaagay Cali Maxamed Geeddi isagoo ku doodaya inay waajinb tahay in Dawladda ay wax ka ogaato heshiiskaas, arintaas o ka caraysiisay C/Laahi yuusuf iyo Maamulka punt land, waxaa arinta sii cakiray oo sii murjiyey arin u eg: Kayga anaa iska leh kaaga kula lihi, oo ku saabsan maamulka Gobalka Banaadir iyo haggiidda Nidaamka Caasimadda ee Muqdisha oo Geeddi Jeclaan lahaa in looga dambeyo wax badan oo ku saabsan Maamulka Gobalka Banaadir maadaama uu yahay goof-yaalka(Inanka Goofka), balse arintaas ma dhicin.

    Khilaakan u dhexeeya madaxda sare ee Dawladda Empagathi ayaa waxaa sii kobciyey lacago laga helay Dalka Sacuudi Carabiya(KSA), lacagtaas oo gaaraysa ilaa 35.000000$ sodon iyo shan milyan oo Dollar, lacagtaan oo keentay is maandhaaf weyn oo sii huriyey is mari waagii horay u taagnaa, wuxuuna Maaso qabad siiyey jawigii horay u cakirnaa, lacagtaas oo loogu tala galay arimaha la xiriira Dib-u-heshiisiinat iyo Nabadaynta.

    Tafaraaruqa Tabcanayaasha Tigreega u dhexeeya waxaa cirka ku sii shareeray xarigga loo gaystay Guddoomiyaha Maxkamadda sare: Yuusuf Cali Haaruun, xabsi u taxaabidda Guddoomiyha ayaa waxaa lagu eedayey inuu ka dambeeyey Madaxweyne C/Laahi yuusuf oo ku soo duggaalay Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka: C/Laahi Yuuf Barre, arintaan oo ka caraysiisay Cali Maxamed Geeddi kuna dalbaday kal fadhi ay isugu yimaadeen Golaha Xukuumaddiisa in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo Guddoomayaha Maxkamadda sare, dhanka kalana xil ka qaadis ku sameeyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, balse dhagaha laga furaystay bayaanka Xukuumadda Geeddi lagana dhigay middaan shaqaynayn ama aan xilligaan la dhaqan galin Karin.

    Xiritaanka Guddoomiyaha maxkamadda sare waxay qayb ka tahay ku loolanka awoodda siyaasadda dalka ee u dhexeeya Madax weyne: C/Laahi iyo Ra’isul wasaare: Geeddi ee mudada soo jiitamayey kuna salaysan: Taydu ha Meel Marto iyo Anigaa Iri, balse ma ahan tani markii ugu horraysy ee khilaafka u dhexeeya madaxda sare ee Dawladda Empagathi uu bannaanka u soo boxo si weynna u shaac boxo, balse waxaa jirtay laba mar oo ka horaysay; labada kolbana uu soo kala dhex galay Wasiirka Arimaha Dibadda Xabashida Siyuu Misfin, kol waxay ahayd intii ay ku go’doon sanayeen Degmada Baydhabo, khilaafkaas oo u dhexeeyey Sadaxda nin ee kala ah: C/laahi, Geeddi, iyo Shiriifka hadda sheeganaya inuu dal Xoraynayo, Misfin wuu ku guulaysaty inuu u kala dab qaado kana boqoolo Degmada Baydhabo iyagoo gacmaha is haysta ama heshiis ah, kolkii xigtay waxay ahayd: markii ay yimaadeen magaalada Muqdisha ka gadaal sidii kalkii hore oo kale waxaa safar heshiisiin ah Muqdisha ku yimid Siyuu Misfin kuna guulaystay inuu isu keeno is afgardna dhex dhigo kana duulo iyagoo si wada jir ah adeegga u wada.

    Is maandhaafka u dhexeeya  Qabaqablayaasha sare ee Dawladda Empagatti wuu sii adkaaday, khilaafkiina cirka ayuu isku sii shareeray , arintiina waxay gaartay barako maleh, xaalkiina aad ayuu u qaraaraaday heer uu gaaray inaan la isla hadlin judhuna la isu dhihin la isna bariidin (Maxaad Qabtaa Qalbigey Qaboojisaa), arintaanina waxay muujineeysaa heerka uu gaarsiisan yahay ismaandhaafku, khilaafka xoogiisa iyo inta  baaxadiisu la egtahay, mana ahan mid sahlan ama fudud .

    Waxaana looga yeeray madaxda khilaafka u dhaxeeyo magaalada Baydhabo oo xarun u ah Baarlamaanka Dawladda Empagathi, balse waxaa is weeydiin mudan: miyuu awoodaa Baarlamaanku inuu la xisaabtamo ama mid walba doowgiisa mariyo? Mise sidii caadada ahayd ayaa waxaa imaan doona  Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Xabashida ee siyuu misfin siyuu uga badbaadiyo fashal iyo burbur ku yimaada masharuucooda ku aadan sii haysashada Soomaaliya,  iyo inay ku adeegtaan dadyowga had iyo jeer u taagan hirgalinta ajendayaashooda , sida iska cad  kol kasta waxaa guuleysan doona ninka aay Xabashidu taageero siiso ama ay u arkaan inuu si niyad sami ah u fulinayo awaamirta iyo qorshayaasha gurracan ee Tigreegu ka leeyahay Soomaaliya .    Waxaa hubaal ah in daba dhilifnimada labada nin aysan kala yareyn balse  ay ku kala fara dhuudhuuban yihiin dhex galka iyo ku milmidda heer uu gaaro  inaan laga sooci Karin amaba uu ka mid noqdo, waxaa dad badan rumeysan yihiin in Geeddi uga dhawyahay Tigreega,  sidaa darteed uu Baarlamaanku ku guul dareystay inuu xilka qaadis ku sameeyo ama ugu yaraan  uu kala xisaabtamo wax qabadka xukuumaddiisa mooshinadaasuu dabada ka riixayay taageersanaana  C/laahi Yuusuf balse aan meel mar noqon, wuxuuna intaa ku soo gaaray  taageerada uu ka heeysto Tigreega, maadaama uu luqaddii yaqaano in badana uu ku noolaa magaalada Addis Ababa, arimahaas iyo kuwa kale oo la xiriira ayaa sababay inuu sii hayo xilka Ra'isul wasaarenimada  .

     War bixinta sanad laha ah ee uu soo saaro Ururka Hufnaanta  Caalamiga ah ee xaruntiisu tahay magaalo madaxda Dalka Jarmalka ee Berlin  waxey ku xustay in dalal ay ka mid tahay Soomaaliya uu daashaday musuq maasuq iyo wax isdaba maris ka dhashay maamul xumada ka jirta  nidaamka garsoorka oo aan madax bannaaneyn iyo wax daba galo oo aan jirin hantida soo gasha Dawladda iyo cid la xisaabtanta meesha ay ku bexeen wixii la soo helay?  Ururkan oo ka soo saaro sanad walba warbixin Dalalka ugu nidaamka wanaagsan  iyo kuwa ugu nidamka xun wuxuu sanadkan Soomaaliya ku daray sadaxda dal ee ugu musuq maasuqa badan Dunida  waxaana ku weheliya Dalalka Ciraaq iyo Boorma  ayna soo raacdo Afqaanistaan .

     Ujeedka aan warbixitaan u soo qaatay ayaa waxay tahay in musuqu yahay qayb kamida khilaafka u dhexeeya  madaxda sare ee Doowlada Empagathi , balse marka si kooban loo sheego xudunta khilaafka ayaa waxay tahay :

-Awood qeeybsiga u dhexeeya madaxweeyne C/laahi Yuusuf iyo Ra'iisul wasaare Geedi ee ku lug leh hab maamlka Dalka , kala hagidda Hay’adaha Dalka, Dabagalidda Wakaaladaha Dalka  iyo la xisaabtan kooda, arintaan oo ka dhax dhalisay labada nin khilaaf aan dhamaad laheyn oo joogta ah aynna muuqan xilli uu soo gaba gaboobayo .

- Dhaqaalaha iyo maaliyadda: xubintaan waa xubinta ugu culus dhalisayna muran xoog leh iyo is qabqabsi ballaaran, waxayna faraha ka baxaday cirkana isku sii shareertay markii Maamul Gobaleedka Punt land heshiis shidaal baris ah la galay shirkad Shiineys ah iyadoon Geeddi iyo xukuumaddiisa waxba lagala socod siinin,  ayse iska caddahay inuu C/Laahi wax ka  ogaa , arintaan oo keentay dood kulul uu soo jeediyay Geeddi kuna sheegay  inuusan ismaamul Goboleed xaq u laheyn inuu kaligiis heshiis la gaaro Shirkado Shisheeye iyadoon ogolaasho laga heysan maamulka dhexe ee Dalka , waxaa sii murjiyay arinta lacagtii laga soo helay Sucuudiga ee gaareeysay 35.000.000$ Sodon iyo Shan milyan oo dollar ee Geeddi gacanta loogu riday  taasoo C/Laahi ka xanaajisay isagoo ku tuhunsanaa Geeddi lacago hore oo laga soo qaaday isla Sucuudiga horraantii sanadkan .

    Waxaa kale oo qeyb weyn ka ah Tafaraaruqa Tabcanayaasha Tigreega xiritaanka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare: Yuusuf Cali Haaruun oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka: C/Laahi Yuusuf Barre oo ka goows heysta madaxweyne C/Laahi, taasoo Geeddi ka carey siisay uuna dalbaday in la sii daayo Gudoomiyaha Maxkamada Sare  xil ka qaadisna ku sameeyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

    Tafaraaruqa lixaadka leh ee u dhaxeeya Tabcanayaasha Tigreega wuxuu Iid Farxad iyo Reyn reyn u yahay  Isbaheeysiga dhawaan looga dhawaaqay magaalada Asmara  ee la magac baxay: Isbaheeysiga Did-u-xoreynta Soomaaliya iyagoo hal ku dhaggooda yahay: Allow laba Dibi isku Jaan qaad oo mid noo jabi aan Jiljilannee! 

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
Trtipoli-libya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

SomaliTalk.com | Sept 29, 2007

Labo Xildhibaan oo C/llaahi Yuusuf uga digtay in uu xil ka qaadis ku sameeyo Cali Geedi…
.Dagaalo aad u kharaar oo xalay ka dhacay Muqdisho...
.Markab Dagaal oo Faransiis ah oo loo soo dirayo Xeebaha..
.Ciidamadii Booliiska ee ku sugnaa Qabuuraha Barakaat oo..
.DFKMG waxba kama oga Barakaca Muqdisho ka socda...
.ONLF oo sheegtay in ay guulo ka gaartay dagaalo..
.Prof. Guure oo mar kale loo doortay Guddoomiyaha Ururka..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sep 29

Binti Jaylaani oo Minneapolis, Minnesota USA Ku soo beegan October 6, 2007

Go’aamadii 191 Odey dhaqameedyada Beelaha Soomaaliyeed ay ku sixiixeen Xamar oo dhameystiran.
Taariikh-da ma duugoowdo ee akhri Go’aamadii ay gaareen

Su’aalihii Baarlamaanku weydiiyey wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta Cali Xareed
xareedWaxaa ka mid ahaa: “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”... Akhri Jawaabaha

 

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com