SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Haween waxaa dilay nimeysan u jeedin oo  Haasaawiyey!!

“Dumaryohow Ragu Naxariis malahane yuu idin Rafaadin”

W/D:Haaruun Yuusuf Khasaaro
E-mail:haaruunkhasaaro@hotmail.com
        haaruunkhasaaro@yahoo.com

Ugu horeynba waxaan Wada og nahay oo aan la soconaa in jaceylka laga soo maray dhibaatooyin fara badan Hase ahaatee Wiilasha Sanadkaan iyo Gabdhaha Sanadkaan ayaa waxaa muuqata inay ku Ciyaaraan Jaceylka Sidey doonaana ay ka yeelaan, Qaar kalena ay yiraahdaanba Jaceylku waa Cudur ama Maba jiro, balse waxaa hubaal ah inuu jacaylku yahay Shey aad uqaali ah oo sina aan loo heli Karin haddii xitaa aad is tiraahdo bal iibso jaceylka aadan lacag ku heleyn aadana iibsan karin, haddaba jaceylka lama arko lamana maqlo, keliya un waa ladareemaa!!.  run ahaantii Dadkii hore waxey isku shukaansan jireen ama iskula kulmi jireen siyaabo dhowr ah oo ay kamid yihiin Dhaantada oo habeenkii markii lagaaro meel banaan ah  inta laysugu soo baxo la ciyaaro habeenkaasoo  idil, Ceelasha Biyaha laga dhaan sado oo marka Gabadhu Xoolaha Soo arooriso  oo ay wadaanta qaadi weyso ama ay xoolaha shubi kari weyso uu Wiilku ka qabto oo uu u waraabiyo Xoolaha  Sidaasina la isku barto lagana yaabo in uu jaceyl halkaasi ka dhasho iyo siyaabooyin  kale oo dhowr ah, hase ahaatee Gabdhaha Sanadkaan iyo Wiilasha Sanadkaan ayaa waxaa muuqata inay isku bartaan arrin taa ka duwan oo ku soo uruureysa  Lix Lambar (6-number) taasoo keentay in laga xariiro hawada, oo la iswado ilaa iyo dhowr bilood iyadoo la is garaneynin, jaceylkaas oo barashadiisa koowaad ay ahayd baqtiyaa nasiib oo qofka markii hore ee uu taleefanka soo dirayey uu isaga soo nasiib saday iyadoo marka uu qof waliba qadka Taleefanka dhinaciisa ka soo fadhiisto  aad moodeyso sidii Dad mar hore is bartay oo kale  marka aad u fiiriso qaabka ay u wada hadlayaan iyadoo ay intaasi u sii dheertahay in  labadaasi ruux mar waliba oo ay qadka Taleefanka isgu yimaadaan in Jaceylkoodu uu sii saa’idayo iyadoo labada dhinac Wiilka ama Gabadha Taleefanka iska bartay ay daqiiqad kala maqnaan karin oo markii la isla dahlayey daqiiqad kadib uu Wiilkii soo wacayo Gabadhii ama Gabadhu soo waceyso Wiilka oo aysanba u heysanba  inay  hadda wada hadlayeen  iyadoo marka ay Sheekadoodu sii daba dheeraato oo ay wax badan sii socoto ama ay sii hadaafiyaan Jaceylkooda Lixda Lambar ah,   marka dambe ay gaarto in lays balamiyo oo la isyiraahdo hebel ama heblaayo aniga waxaaan soo qaadanayaa dhar noocaas anna dhar sidaas ah ayaan soo qaadanayaa oo waxaan soo istaagayaa Boosteejadaas ama Hotelkaas marka la gaaro xiliga balantana  uu  Qof waliba Wiil ha ahaado ama Gabare, waxaa niyadiisa ku soo dhaceysa tolow gabadha aad balamisay ma Cuuryaanaa? mise ilbey la’dahay? sidoo kalena gabadhu ay is weydiineyso  Wiilka aad balamisay qaabkee ayuu noqon doonaa? ma Wiil dheeroo Madoobaa? mise waa Wiil gaaban oo da’yar? Amaba ma  Odey duq ah oo ilka dhacsadaybaa?  haddaba iyadoo qof waliba uu niyadda ku hayo arimahaasi  ayuu gurigiisa kasoo dhaqaajinayaa iyadoo mid waliba uusan garaaneyn cidda uu la kulmi doono sida ay u taalo, ama qaabkeedu yahay, balse niyaddiisu si weyn u guuxeyso, waxaa badanaa dhacda markii indhaha la iskudhameeyo ama la is arko uu Wiilkii noqdo Wiil yar oo 13-jir ah Gabadhiina ay noqoto Gabar weyn ama Wiilkii uu noqdo Nin weyn oo Da’ah Gabadhiina ay noqoto Qalanjo yar oo 14-ban jir ah, markaana indha la isku taago, oo haddii la noqon waayo qaabkii la isla rabay, isla markaana iyadoo la kala xishoonayo oo qofba qofka kale hoosta uga gunaanacayo ereyo ay ka mid yihiin “Kannaa sidaan miyuu u ekaa, wellee waa I daaliyey oo waqti badan ayuu iga lumiyey” “tannaa waji xun ahaa, alle anigaa khasaaray, waqtigii badnaa ee uga lumay ayaa wax walba iiga daran” markii gurigii loo laabtana waxaa dheer “Acuudu Bilaahi arkaasaa, kaasi waaba Odaye ilaahey mardambe ima horgeeyo lambarkiisa dambane hadii aan waco anigaba balaayo ha iga raacdo iyo erayo kale” Arrintaani keliya labada Lamaane ee qadka iska bartay dhib kuma keeto, ee waxay sidoo kale walwal iyo walaahow badan gelisay Waalidiinta dhalay, oo xitaa qaarkood carruurtooda ku waayay arrimaha noocaan oo kale ah, waxaana weli baadi goob loogu jiraa gabdho badan oo Qadka Taleefanka inta laga baashaaliyey si run ah hawada xaafaddooda looga saartay, meel ay cirib iyo jaan dhigeenna aan ilaa iyo hadda la garaneyn.

       Waxaan wareysi layeeshay Hooyo Xabiibo oo ah Hooyo Soomaaliyeed oo ku nool Magaalada Muqdisho oo gabadheeda ku weysay lix lambar,  Waxaan bal weydiiyey, bal hadda sida ay ku timid in ay gabdheeda weyso, waxayna Hooyo  Xabiibo tiri  “ aniga waxaan dhalay labo Caruur ah oo kala ah wiil iyo gabar,  wiilku waa 18-jir gabadhuna waa 13-jir  labadoodaba waan ka samray waxaa la ii qaatay iney ii saqiiraan”, Hooyo sidaasi maxaad u leedahay Sow caruurtaadii maahan? Ayaan ku celiyey  Hooyo Xabiibo, waxayna iyadoo ilini indheheeda soo daaftay hadalkana qaadaneysa iigu jawaabtay “aniga labadaan Cunug Abbahood waxa uu iga dhintay iyagoo yar yar haddana waa qaangaaro Gabadhii aan dhalay ilaa hadda meel kuma sheego  si walboon u ilaaliyey, xitaa si Gabadheyda iigu dhowrsanaanto, oo aan uga yureysto kuwa caadeystay in ay la baxaan Gabadha yar yar iyadoo Waalidku ka war hayn, iyagoo caqliga ka xadaya, ayaa xitaa Lugta ka xiri jiray Gabadheyda, waxaana xariga ka furi jiray marka aan Shaqada ka imaado, laakiin taa waxba iima celin, oo halkii banaanka laga aadi lahaa, waxayba ku bedelatay in ay noqoto taleefan la yaal har iyo habeen, waxayna gacanka dhulka dhigi jirtay marka ay shanqarteyda maqasho, mar marka qaarkood xitaa marka aan Habeenkii Guriga ku suganahay waxaa soo dhaca Taleefan markii aan qabtana, waxaaba ila hadlaya Wiil yare, kalsooni isku qaba oo hadalkiisa ugu horeeyaba yahay “Meeday Hani”?, waxaadba moodaa in uu isagu leeyahay oo cid kaga sogeysa oo tixgelin ka mudan aysan jirin, markii ay soo hana qaaday waxaan is lahaa way yara caqliyeysatay oo markaan wixii sax iyo wixii qalad ah way kala garan kartaa, sidaas darteed waan iska daayey oo xor ayaan ka dhigay, markii ay xornimo dareentayna, waxay bilowday in ay xooggaa wareeg xafadeed bilowdo, markii aan iraaho “Xaggee ayaad ku maqneed”, Saaxibtay ayaan raacay, oo cajiin ayaan wada qaadnay ayaa war la iigu soo koobi jiray”, balse waxa uu wareeg xafadeedkii markii dambe isku bedelay in saacado badan la qarash gareeyo, oo Habeenkii xili dambe Guriga ay timaado, waano kor iyo hoos waan ku dayey, balse yaa iga hoos qaaday, Habeenkii dambe waxaa dhacday in ay guriga igu soo garaacday xili dambe oo xitaa Tuugadu xishooto, inta aan ishayn kari waayey ayaan qaylo dhegaha u saaray, waxaana habeenkaasi ku kala seexay sidaasi, markii waagii uu baryey ayay hoosta Kabaheedii ka qaadatay, sidaasna ay Gurigii iyo Anigaba gebi ahaanba nooga tagtay, ilaa iyo haddana Gabadheydii indho kama qaadin” ayay Hooyo Xabiibo hadalkeeda ku soo koobta.

      Hooyo Xabiibo markii ay hadalka dhameystay ayey mar kale ilin ku soo istaagtay, waxaan weydiiyey cidda ay dusha ka saari lahayd in ay gabdheeda waydo, waxayna iigu jawaabtay  “Hooyo, inkastoo ay qadar alle dhacday, haddana waxaan dusha ka saari lahaa midka gabdheyda madaxda ka galay ee kaxeystay, isagoo I qiimeyn oo xitaa haddii ay iyagu gaan weyday xaqqa aan ku leeyahay, isaga oo Nin Rag ah xormadii Hooyonimo fahimi waayey, balse doonaya in Gabar uu boobay Reer u dhaqdo oo ilmo u hayso”. Hooyo Xabiibo markii ay hadalka halkaasi marsiineysay ayaan mar kale weydiiyey in ilmo kale ay dhashay, waxayna ii sheegtay in ay wiil uu u wehliyo Gabadha ay haatan la’dahay, “xaggee ayuu jiraa, maxaase gacan ah oo uu ka gaystay raadinta gabadha walaashii ah?”.

      Hooyo Xabiibo oo markaan ilintii ay ooyin isku soo bedeleyso ayaa tiri “Maandhow wiil iyada ka weyn ayaan dhalay, balse isna waxa uu noqday duur gal (wareeg) aan waxba ka ogeyn waxa guriga ka dhaca, oo xitaa in ay la dhalatay laga yaabo inuusan warba ka hayn, oo heerkaas ayaan marayaa”, Hooyo Xabiibo aayaa ugu dambeyn waxa ay kalsooni ka muujisay inay Gabadheeda mar un heli doonto, iyadoo hadalka ku soo gebagabeysay talo ay u soo jeedineyso dumarka gaar ahaan Gabadha yar “Dumaryohow Ragu Naxariis malahane yuu idin Rafaadin”.

      Dhanka kale Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Fowziyo C/llaahi ayaa iyana ka mid ah Gabdhaha Soomaaliyeed,  ee Taleefanka ku kadsoomay, waxa ayna kahadleysay dhibaatada iyana ka heshay dhinaca Taleefanka waxa ayna hadalkeedii ku bilaawday sidatan:- “waxaan Maalin maalmaha ka mid ah aan Taleefan ku nasiibso ah ku galay Taleefan Guriga inoo yiil, micnaha waxaan  iska wacay Taleefan aanan garaneyn markii la iga qabtay ayaan hadalkeyga ku bilowday  “hello… haa … Aboowe Sahro ma joogtaa? Abaayo maba garanayo Sahrada aad sheegeyso, run ahaantii wuxuu ahaa wiil Codkiisa uu aad u qurux badnaa oo sowdkiisuna  uu I deeqay  balse maalinkaas intaas ayaan ku kala tagnay, Maalinkii xigay ayaan haddana waxaan wacay isla waqtigii oo kale haddana isagii ayaaba iga qabtay waxaan haddana weydiiyey  Aboowe khadiijo  ma joogtaa?  iyo magac been ah oo aan jirin, markaasuu yiri abaayo adiga sow Gabadhii maalinkii dhaweyd Sahro I weydiinaasay sow matihid? haa Aboowe waa aniga ayaan ugu jawaabay. “lakiin adiga dhibka aad wado maad joojisid” ayuu mar kale igu soo tuuray, “Aboowe aniga dhib mawado lakiin lambarkaan oo keli ayaa la  isoo siiyey ee waxaan raadinayey labo Gabdhood oo walaalo ah” ayaan ku hadal badsaday, markaasuu yiri “Abaayo hadda aniga ma aan garanayo Gabdhahaasee bye”. Waxaan ku iri iydoo uu I qaaday codkiisa “Aboowe Sowdkaada aad ayuu u macaan  yahaye” “Abaayo amaanta iga daa adigaaba iga cod wanaagsane” ayuu igu beer laxawsaday sidiyuu ila fahmay qorshaha, aniga markaas waxaan ula jeeday in aan fawdeeyo lakiin markii aan is baranay oo sifiican isu dhex galnay ayaa waxa uu Magaciisa ii gu sheegay Najiib in la yiraahdo,  Anigana Magayga ayaan u baasay waxaan is dhahaayey Wiilkaan jihada ka dhumi lakiin Anigaaba jaceyl xad-dhaaf ah u qaaday waxaan mudo aad u dheer wada soconaba oo hadalkeenu isku macaanaadaba, waxaa xirantay labo sanadood, intaas oo dhan isma aanan arkin aniga iyo asaga laakiin aniga hawada ayaan si xad-dhaaf ah uga jeclaaday waxaan xitaa diyaar u ahaa inaan guur daacad ah guursado isaguna uusan diyaar u aheyn guurkaas oo uuba isaga key dheeldheelayo” waxay intaasi kusii dartay  Fowziya “sanad kale ayaa noo dhamaaday, intaasna aanan wali is arag ayaan maalintii  Dambe waxaan u soo jeediyey Afkaar aan kaga codsanayey, in aan is aragno, maadaama mudo dheer aan daadihineynay Jaceylka, isla markanaa uu Dhafar badani na dilay, isna waa uu iga aqbalay”.

       Miskiin waa Qof wax jecel oo aan loo hayn jaceyl dhab ahe, Fawziyo waxay sheegtay in ay maalin balameen, markii ay kulmeena, waxay sheegtay in ay ka codsaday in ay is guursadaan, oo uu Reerkiisa iyo Reerkeeda arrinta loo wada sheego, sidaasna wax waliba ku soo gebagaboobaan, haddiise taasi dhici Karina halkaan lagu kala tago, waxayna sheegtay in uu la soo booday “Abaayo aniga sidaad la socoto waan ku jeclahay maxaa sidaad ii leedahay sidii markii hore aan kuu jeclaa ayaan haddana kuu jeclahay”, Fawziyo waxayna tiri “ileen ninkaan jaceylku daacad kama ahayne, markii aan iskululeeyey oo aan muujiyey inaan carooday  ayuu wuxuu igu yiri ‘sidaas maad garatay Abaayo Maanta iyo wixii ka dambeeya yaanan arag wajigaada runta ayaan kuu sheegayaa aniga waligeey hal sano ayaad sheegaysaaye hal minit xitaa kuma jeclaan waligeyna Caloosheyda ma gelin Jaceyl aan kuu qabo, marka Abaayo na kala daa Aniga iyo Adiga ma isqaadanee!!’ intaas wixii ka dambeeyey waxaan  dareemay in jaceyl inyarba allaha ka dhigee uusan ii hayn uusana ii soo jeedin, intaas kadib  illin ayaa  soo buuxisay indheheyga waxaana ku fikiray oo iska dhaadhiciyey in labo sano aan soo waday jaceyl lugooyo ah, oo aan ku magacaabay (Love 6 Number)  meesha aan  faa’iido iyo guur xalaal ah  ka sugaayeyna waxaan la kulmay khasaaro Khasaaro lagu daray, taasina waa mid aanan ilaawi doonin inta Cimrigeyga ka dhiman ayey tiri Fowziya”  kuna calaacashay  “Dumaryahow  waxaan idinkaga digaayaa in aad iska joojisaan Taleefanada baqtiyaa nasiibka oo aad la hasaaweysaan ruux aadan garaneyn, Gabdhayahow Ragu waa lugooyee ha aaminina intuu adiga Lug kugula jiro lug kale ayuu wadaaye ka digtoonaada, Anigaa ku lugo’oo ku anfariiraye, Dumaryohow yaa Jaceyl labo sano u dhafray oo waxba ku waayey?, Dumaryohow waxaan idinkaga digaa inuu idinku dhaco dhibka aan anigu la kulmay oo kale, Ragu Naxariis malahane yuu idin rafaadin” Fawzsiyo  waxay hadalkeeda ku soo koobtay (Rafaadaye Aaway Raaxadii)?,  intaas oo dhan waxay ka mid ahaayeen ereyadii ay ku hadaaqeysay, balse akhriste, Soomaalidu waxay ku maahmaadaa (Illaahay faro ma wada simin), sidaas darteed dadku ma wada sinna mid wanaagsan ayaan ku jiri kara mid xunna waa uu yeelan karaa, Taleefanku waxa uu noqday mid si weyn loogu qaraabto haatan, laakiin waxaa la yiri (Haween Waxaa dilay nimeysan u jeedin oo haasaawiyey), marka Haweenow Aragtida ka door bid in aad maqasho aad iska ogaatide.

      Dhamaad…

W/D:Haaruun Yuusuf Khasaaro

E-mail:haaruunkhasaaro@hotmail.com

        haaruunkhasaaro@yahoo.com

Afeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.XASAN WADAAD JAHLIGU AAMUSKA AYUU KUFIICANYAHAY |tirmidi

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 27, 2007 

Su’aalihii Baarlamaanku weydiiyey wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta Cali Xareed
xareedWaxaa ka mid ahaa: “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”... Akhri Jawaabaha

 

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com