Asalaamu Calaykum Waraxmaatulaahi Wabarakaatu
TIRMIDIYOW QOFAAN ADIGA AHEEN MA JAAHILBAA MISE ……….
camaar
Kulmiye66@hotmail.com
Sc wr wb dhamaan
Waxaan aad uga xumahay in aragtidaaada qofkii qaboo aragti ka duwan aad u aragto
inuu jaahil yahay, iyadoo qofka haduuba qaldamo loo cudur daari karo, laakiinse
qofkaasi maadaama uu aragtidayda aragti ka duwan qabo waa jaahil waxan filayaa
inaysan usluubta islaaamka ka mid aheen.
Nin ka labaxay tirmida qof aragtidiisa aragti kaduwan shegay
majiro ilaa waa kadaba qaataa wax uusan qofka muslimka ka mudana waan ku
sheegaa.
Waxaanse layaabay markay gabadha tiri fahan xumada tirmida.
Inkastoo hadal meel ka dhac ku ah walaalkay tirmadii uu yahay, hadana waxaa
dhici karto in uu sabab u yahay in hadaladaas oo kale la yiraahdo.
Mar aan aragti figradiisa kaduwan meeshan ka dhiibtay waxuu igu
salaamay Waxaan filayaa in walaal Camaar hadalka kusoobooday laakin
waxbadanna uusan kafiirsan laftiisa , taasoo arga gax igu riday, maxaa yeelay
waxan is waydiiyay tirmidi ma jaraan jar baa u taalo oo aad kasoo booday,
maxaadan se ka fiirsan, jawaabse kama bixin oo waxan ka baqay in uu waxaas iyo
wax ka wayn ka yimaadaan, meeshana danbi ka dhasho.
Laakiin aragtidii uu la kali noqday tirimida waxaa jawaab ka
bixiyay xasan wadaad, isagana waxuu ku yiri XASAN WADAAD JAHLIGU AAMUSKA AYUU
KUFIICANYAHAY , kadaroo dibi dhal taydaaba laqaatay markaan arkay xasan wadaad
cin waanka loo soo qoray, qof muslina oo wadaad u eg ama wax diin ah ka hadlayo
inuu qof walaalkiis aragti uu uga duwan yahay jaahil ku sheego waa wax laga
naxo, waxaadna moodaa tirmida in seeflaboodnimo ay xoogaa ku jiro iyo waxaan
kala garan waayay in aragtidiisa ay cajabisay oo uu u arko in tiisa cidaan ku
tagneen ay badi cad yihiin.
Dadka u hadlo nooca tirimidi oo kalana maahan dad wax xaliyo ee
waa dad kala geeyo aragtida umada meeshii la isku soo dhawayn lahaa, maxaa
yeelay hadal kaste oo laqoro meesha xun unbuu ka eegayaa, iyada oo lagayabo 73
albaab oo wanaagsan inaygali karto taasina waxan filayaa in ay salka ku hayso
fudeedka soomaalinimo ee nagujirto iyo cilmi yarida diineed oo aan haysano.
Taasoo qofkii labo kitaab akhristaba ka dhigayso inuu diinta
dhameeyay, koley tirimida madaafiicdiisa waa soo gamayaa ee waa inaan u sabarnaa
walaalkeen, inta seefta galka ay uga baxsan tahay, iyadaa dan galka u geli
doonto.
Waxaana hubaa in markuu mudo joogo uu isaga layaabi doono seef
labood nimadiisa iyo hadalada adadag ee uu ku hadli jiray.
Maxaa yeelay howlahaas waa looga horeeyay waana layaqaanaa
calaamadahoda iyo sababta keento, mardhan baanse falan qeen doonaa, guntii iyo
gabagabadii qofka muslimka ah waa inuu sadri wayn oo wax qaado leeyahay xushmad
iyo hadal wanaagsana ku hadlo, ixtiraamana aragtida kaduwan ee walaalihiis ay
qabaan uusana noqona mid ay afiicnaato aragtidiisa kaliya waxa kala daaqada
kasaaro.
Bye sc wr wb
camaar
Kulmiye66@hotmail.com
Afeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
.XASAN WADAAD
JAHLIGU AAMUSKA AYUU KUFIICANYAHAY |tirmidi
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 27, 2007
Su’aalihii Baarlamaanku weydiiyey wasiirka Wasaaradda dalxiiska iyo
duurjoogta Cali Xareed
Waxaa
ka mid ahaa: “Waxaan maqalney in dowladii TNG-da ay dowlada Liibiya la
gashay heshiis ay deyn uga qaadatay lacag dhan $7.5Milyan..”...
Akhri Jawaabaha
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..

