Wiilka Usama Bin Laden oo furay Xaaskiisii, kaddib markii loogu
hanjabay Dil!Haweeneyda u dhalatay waddanka Ingiriiska ee
lagu magacaabo Ziina Maxamed ahna Xaaska Wiilka Usama Bin Laden ee
Cumar Bin Laden oo u warramaysay Wargeyska “Asharqal-awsat” kaddib
markii ay ka soo laabatay Cimradii sanadkan ee dhulka barakeysan
ayaa waxa ay shaaca ka qaadday in ay qasab ku noqotay in ay iska
furto Ninkeeda, kaddib markii ay u cabsatay noloshiisa.
Cumar iyo Ziina oo mageceedii hore uu ahaan jiray Jane
Felix-Browne ayaa waxa uu guurkoodu soo jiitamayay hal sano, waxaana
ay xustay in guurkoodu uu ahaa mid wanaagsan aadna u adag, inkastoo
ay xoogaa ka weyn tahay wiilka Usama, halka da’deedu ay sii
caga-cageyneso 51-sanadood, Cumarna da’diisu ay tahay 27-sano.
Cumar iyo Ziina
Ziina oo Ayeeyo u ah 5-Carruur ah ayaa waxay horey u soo
guursatay 5-jeer intii aysan is baran ina Bin Ladin Bishii September
2006, waqtigaas oo ay ku wada kulmeen fasax dhulka Ahraamta Masar,
iyadoo Cumar Bin Ladinna uu qabay xaas kale, lahaana hal Wiil markii
ay is baranayeen Ayeeyadan Ingiriiska ah.
Iyadoo hadalkeedii sii wadata Ziina waxa ay sheegtay in
aysan marnaba jecleyn in go’aankaasi furriinka ah ay qaadato,
jecleydna in ay aragto ninkeeda oo ku dhimanaya dhabteeda, balse
furriinkani uu ka dambeeyay iyadoo labada lamaane midba midka kale
uu cabsaday Noloshiisa, gaar ahaan Qoyska Reer Bin Laden oo gebi
ahaanba ka soo horjeestay Guurkani, sababta ay ku diideenna waxay ku
tilmaameen Ziina oo ka dhalatay qoys Ingiriis ah.
Ziina waxaa kale oo ay carrabka ku dhufatay in ay ku qasbanayd in
ay ku qanacdo Furriinkani, maadaama wiilka Hoggaamiyaha Ururka
Al-Qaacida ahna Ganacsade Sucuudiyaan ah mar walba loogu hanjabo dil
iyo xarig.
“Aniga iyo Cumar waxaan si wanaagsan u soo wada gudannay
Waajibaadkii Cumrada magaallada Maka, xiriirkeennana mar walba waa
uu sii adkaanayay, balse waxaan wax walba rumeystay markii ay
aragtay fariimmo hanjabaad ah oo ninkeeda loogu soo diray
Mobile-kiisa, hase yeeshee uu ka gaabsaday in uu wax sharraxaad ah
ka siiyo”.
Ziina waxa ay ka gaabsatay in ay sharraxaad buuxda ka
dhiibto Handadaadaha Cumar uu kala kulmayo Qaraabadiisa iyo weliba
Xukuumadda Saudi Arabia, iyadoo xustay in shirkaddiisii guurkooda
aawadiis laga jartay Korontadii iyo Biyihii, shaqaalihiina aysan soo
xaadirin. Waxaa kale oo ay intaa ku sii dartay in Cumar uu u sheegay
in uu haatan u cabsanayo howlihiisa ganacsi, maadaama loogu hanjabay
in xabsiga loo taxaabi doono haddii uusan iska furin xaaskiisa.
“Haa waan jeclahay Cumar, laakiin Qadarta ayaanan ii saamaxayn in
aan isla sii noolaanno” ayay tiri Ziina oo sheegtay in Muslimad
ahaan ay dareemeyso in furriinkani uusan sharci ahayn, maadaama uu
yahay mid qasab ku yimid, iyadoo ku adkeysatay in ay weli jeceshahay
Cumar, maalin walbana ay ku wada xiriiraan Internet-ka qaybtiisa
wada sheekeysiga ee Messenger-ka, la’aantiisna aysan noolaan Karin.
“Haddii uu Cumar I dhaafay mar dambe ma guursanayo,
Jaceylkiisana waxaan la galayaa Qabriga” ayay tiri Ziina, waxayna ku
dhaaratay in intii karaankeeda ah ay ka hor tagi doonto furriinkani
ay ku tilmaantay sharci darrada, la tegi doontana Maxkamadaha
waaweyn, Qareenna qabsan doonto.
Ziina Mohamed waxaa kale oo wareysigeeda ay ku dartay in
Cumar Bin Laden uusan muddo 6-sano ah la xiriirin aabihiis Usama Bin
Laden, oo ay ku tilmaantay in uu yahay ninka ugu khatarta badan
Adduunka, Dowladda Mareykankana ciddii sheegta meel uu jaan iyo
cirib dhigay u ballan qaadday 50,000,000-Milyan oo Dollar.
Geba-gebadiina Ziina waxay sheegtay in maalmahaan ay ku
mashquulsan tahay barnaamij ku saabsan xiriirka iyada iyo ninkeeda
oo ay ka sii deyn doonto Telefishin ku yaalla Ingiriiska, halka
sidoo kalena ay haatan ku guda jirto daabicidda buug ka sheekeynaya
taariikhda iyo waqtigii macaanaa ay iskula soo qaateen iyada iyo
Cumar Bin Laden Saxaraha Saudi Arabia, Maka & Madiina, Jeddah iyo
Riyadh, lacagta ka soo xaroota Barnaamijkan laga sii deyn doono
Telefishinka iyo Buuggani ay soo daabici doonto dhowaanna waxa ay
sheegtay in ay tabarucaad ILAAHAY dartii u siin doonto dadka
masaakiinta ah.
W/T: Yaxye Yuusuf Khasaaro.
e-mail addresses:
yaxyekhasaaro@hotmail.com
yaxyekhasaaro@gmail.com