MAXAY KU NUUGTAA AMA KA NUUGTAA ? (ARAGTI)waxaan ku bilaabayaa
magaca ilaahay(SW), naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato Nebi
Muxamed (NNKH), marka labaadna waxaan leeyahay macaamiisha Bogan
Somalitalk iyo dhamaan umada muslimiinta ahba Ramadaan kariim.
Beri baa waraabe waxaa uu kulmiyey dhamaan habar dugaag waxaaba uu kulankaas
ugu soo bandhigay qorshe uu damasanaa oo ahaa in magaca waraabe(Dhurwaa)
laga bedelo loona bixiyo Aamin, dood dheer kagadaal waxaa la isla meel
dhigay in warabaha la raaciyo Hal iyo nirig ay harab dugaag lahaayeen hadii
uu mudo asbuuc kusiman nabad qab kusoo hooyo waxaa lagu balamay in loo
bixiyo Magaca Aamin lana hirgeliyo Rabitaankiisa.
nasiib Darose hadii uu maalin iyo gelinkeed isceliyaba maalintii labaad
gelinkeedii danbe ayuu wuxuu soo dheelmay hashii oo uu naasaha Goostay iyo
nirigtii oo uu Bishimaha(Dibnaha)goostay.
hasha waxaa loogu yeeri jirey Mudhush Maadhush, sida caadada xoola dhaqatadu
tahay waxaa loogu yeeray hasha magaceeda si markaa nirigta loogu duwo deedna
loo maalo, maraabihii oo og inuu ku guuldaraystay rabitankiisii mudada dheer
ka qaatay ayaa markaa cod hoose ku yiri maxay ku nuugtaa ama ka nuugtaa oo
micnaheedu yahay hashuna naaso malaha nirigtuna Bishimo malaha.
Hadaba marka aad u kuurgasho aragti gaabnida golaha xukuumadda KMG ah iyo
karti la'aanta golaha shacabka ee baydhabo lagu fadhiidiyey mayaanay xaalada
DKMG ah iyo Hogaankeeda sareba la micno ahayn waraabihii damacu kagalay in
magaca laga badalo, maadaama hogaamiyaasha DKMG ah asal ahaan laga soo
minguuriyey xarfihii 4 ta ahaa ee jabhadaha ayna u xuubsiibteen magaca DKMG
ah miyaanay la micne ahayn waraabihii magac doonka ahaa.
Dhanka kale nin gabayaa ahaa oo xaalada gumaystaha iyo dhibaayinkiisa ku
cabirayey suugaanta ayaa yiri NIN WARAABE ARI RAACSADOO ARAR KUSII DAAYEY
AFKA MIYUU KA XIRIN SOO MARKUU EEGO CUNI MAAYO. taasoo lagu micnayan karo
xaalada maanta ka taagan guud ahaanba somaliya gaar ahaana Magaalo madaxdii
mudqisho, oo si taxadir la aana loo soo dhoobay ciidanka ITOOBIYA kuwaasoo
haatan ku sugan goobihii xudunta u ahaa qaranka Somaliya markii ay soo
xusuustaan dhacdooyinkii hore ee dhexmaray iyaga iyo xukuumadii somaliya
markiiba si arxan la'aana ugu weyraxa shacabka dhibaatadu daashatay, iyagoo
diirada koowaadna saaraya Dhalinyarada, Aqoonyahanada Culumaau diinka
ganacsatada iyo goobaha dhaqdhaqaaqa Aqoontu ka jirto oo dhamaantoodba ah
lafdhabartii dalka.
marka la isku soo duubo u xusul duubkii mudada dheer qaatay iyo kulankii
reer mbigathi waxaa ay ku sifoobeen waraabihii magac doonka ahaa.
xassan mataan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 22, 2007
Baarlamaanka
DFKMG oo qaban qaabinaya qorshe loogu yeerayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul
Wasaaraha DFKMG
Xildhibaan Maxamed Qanyare: "shir
45-casho socdey inay ku baxdo $8-milyan wax dhici kara ma ahan..."
Akhri...
Afhayeenka
Madaxweyne-xigeenka Puntland oo Shaqaaqooyinka Laascaanood ku eedeeyey inuu ka
danbeeyo Xaabsade.... Akhri
Wasiirka
Wasaaradda Caafimaadka Dr. Qamar Cali
"waxaana jira oo la keeni doonaa 40-Konteenar oo isugu jira Daawo iyo Qalab
Caafimaad oo yaala dalka".. Akhri...
Dagaal
Culus Oo Isniintii ka dhacay Magaalada Marka
iyo Xildhibaan Qanyare Oo Sheegay Inay Sharcigii Awood Qayabsiga Ku Tunteen
Masuuliyiinta Dowlada Ugu Saraysa..
Nin
Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo
xiray arrin la xiriirta Daroogo..."
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|