SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Xuska Maalinta Nabada Aduunka oo ay soo qaban qaabisay Jaaliyada Umada Somaliyeed ee Dalka Kenya ayaa Maanta lagu qabtay Magaallada Nairobi.
 
Sept 21, 2007: Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen madax ka kala socotay Baarlamaanka KMG ah ee soomaaliya Qaramada Midoobay, bulshada caalamka iyo dadweyne lagu casuumay ayaa looga hadlay mudnaanta ay nabada u leedahay aadanaha guud ahaan si gaar ahna dadka soomaaliyeed ee ay nabad la'aantu wali ku haysato meelo ka mid ah soomaaliya.
Gudoomiye ku xigeenka Jaaliyadda Umadda Somaliyeed ee Dalka Kenya Mudane,Cumar Cabdi Xaashi oo halkaasi ka hadlay ayaa u diray dadka soomaaliyeed meel walba oo ay
 
kala joogaan baaq nabadeed,wax walba oo colaad abuuri karana ay hal meel uga soo wada jeestaan,waxa uuna ka dalbaday caalamka in ay dadka soomaaliyeedba ku garab istaagaan Nabad ka dhalata dalka soomaaliyeed guud ahaan taas oo maanta loo mari karo Wada hadal noo furo Qeybaha kala duwan ee Somalida isku heysa Gacan ku heynta Dalka Somalia.
 
Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Jaalliyada Umada Somaliyeed ee Dalka Kenya Mudane, Cumar Cabdi Xaashi ayaa Sheegay in Maanta waxa ka socda Muqdisho iyo qeybo badan oo Somalia ka mid ah ay tahay Murugo aan ka go'ayn Laabta inta Wadaniyiinta ah,Waxaana uu intaasi ku darey in Magaallada Muqdisho ay Maalinkasta ku dhintaan dad badan oo Rayid ah oo aan waxba galabsan,Taasi oo ka dhigeysa ayuu yiri rajo xumo ay Jaalliyadaha Dibada kasii qaadaan Dalkoodii.
 
Guddoomiye ku xigeenka Jaalliyada Somalida Dalka Kenya Cumar Cabdi Xaashi ayaa ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay Nabad kuwada noolaanshaha,Taasi oo horseedi karta ayuu Yiri Guddoomiye ku xigeenka Jaaliyada Umada Somaliyeed ee Dalka Kenya inay Bulshada nabad kuwada nool ay gaaraan Horumar sida Dib u dhiska Dalkooda,Kor u qaadista Waxbarashada dalkooda,ilaalinta Caafimaadka Guud ahaan Bulshadooda iyo la jaan qaadista dhamaan Howlaha ay ku hamiyaan dhamaan Wadamada Aduunka inta Nabada ku caan-baxday,iyaddo uu ugu danbeyntii u Rajeyey Somalida meelkasta oo ay joogaan inay ka shaqeeyaan Horumarka Dalkooda waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:-
 
"Waxaan Ilaahay Somalida uga baryayaa inay Sanadkan kiisa kale ku gaaraan Nabad iyo Barwaaqo,Waxaana sidoo kale Somalida ugu Baaqayaa inaysan walikood Xornimadooda iyo Sharaftooda mugdi gelin,waxaana hadalkaasi uga dan leeyahay wararka ugu danbeeyey ee dalkeena ka imaanaya ma ahan wax lagu farxo mana jecleysanayaan dhamaan inta wadaniyiinta ah,Marka sidaasi darteed waxaan qabaa in labada dhinac isku muujiyaan tanaasulaad waliba kuwa Ciidamada shisheeyw wada waa inay ciidankaasi dalka ka saaraan si sanadkan kiisa kale nabad Somali ugu wada noolaato" sidaasina waxaa yir Gudoomiye ku xigeenka Jaalliyada Umada Somaliyeed ee Dalka Kenya. Mudane Cumar Cabdi Xaashi.
 
Dhanka kale waxaa halkaasi ka hadashay Guddoomiyaha Daladaha Ururada Bulshada Rayidka ee Dalka Kenya Marwa Yaasmiin Cali oo sheegtay inay Maanta aad uga xuntay Maalintii Nabada adunka inay Somalia ku jirto Fowdo iyo Kala danbeyn la'aan kasoo bilaabatay Sanadkii 1991 oo ah markii uu Dalka ka hayaamay Maamulkii Siyaad Barre,Waxayna intaasi ku dartay inay aad uga mahadcelineyso Munaasabadan Maalinta Nabada Aduunka ee Maanta lagu qabtay Nairobi oo ay soo qaban qaabisay Jaalliyada Umada Somaliyeed ee Dalka Kenya.
 
Sidoo kale Mas'uulka tirsan Shirkada Horumarinta Aflaanta Somaliyeed ee "Somallywood" oo lagu Magacaabo Ahmed Nuur Maxamed ayaa isagana halkaasi ka jeediyey Khudbad Xiiso leh oo soo jiidatay dhamaan ka qeyb galayaashii Munaasanadaasi lagu xusayey Maalinta Nabada Aduunka,Waxaana arimaha ugu badan ee uu ka hadlay aheyd in laba bil oo isku xigta ay Somalida kala qabsadeen Laba Shir oo mid waliba lagu sheegayo inuu Somalida Danahooda ku saabsan yahay,Waxaase uu Ahmed sheegay in Somalida ay ka dharagsan yihiin Wax waliba oo labadaasi shir looga hadlay,isagoo ugu danbeyntii usoo jeediyey dhamaan Somalida inay ka shaqeeyaan Nabada oo ay iska daayaan ishaysadka Dhexdooda ah,Waa sida uu Hadalka u dhigaye Mas'ulkasi ka socday shirkada Horumarinta Aflaanta Somaliyeed ee "Somallywood" Mr,Ahmed Nuur Maxamed.
 
Ugu danbeyntii Munaasabadaasi ayaa ku dhamaatay sidii loogu talagalay,Waxaana Qof waliba oo Munaasabadaasi kaso qeyb galay u Mahadceliyey Maamulka Sare ee Jaalliyada Umada Somaliyeed ee Dalka Kenya ee soo qaban qaabiyey Munaasabadan ku saabsan Maalinta Nabada Aduunka,Taasi oo ay Somalida Kenya ku tilmaameen inay Somalida ugu soo aaday Maalin adeg,waa sida ay hadalka u dhigeene.

 
W/Q.Abdulaahi Abdi Abdulle "Mantaana"
Mobile:- +254-729827800
Email:- mantaana003@hotmail.com
Nairobi,Kenya

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 22, 2007

baydhaboBaarlamaanka DFKMG oo qaban qaabinaya qorshe loogu yeerayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG
Xildhibaan Maxamed Qanyare: "shir 45-casho socdey inay ku baxdo $8-milyan wax dhici kara ma ahan..." Akhri...

plAfhayeenka Madaxweyne-xigeenka Puntland oo Shaqaaqooyinka Laascaanood ku eedeeyey inuu ka danbeeyo Xaabsade.... Akhri

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Qamar Cali
"waxaana jira oo la keeni doonaa 40-Konteenar oo isugu jira Daawo iyo Qalab Caafimaad oo yaala dalka".. Akhri...

Dagaal Culus Oo Isniintii ka dhacay Magaalada Marka
iyo Xildhibaan Qanyare Oo Sheegay Inay Sharcigii Awood Qayabsiga Ku Tunteen Masuuliyiinta Dowlada Ugu Saraysa..

  usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com