SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HINDIYA
 
Arday Somaaliyeed Oo Lagu Magacaabo C/risaaq C/ Naasir Kuulow oo Arin Cajaaiba Ka Dhigay Jaamacad Ku Taala Dalka Hinida.
 
Somaaliya markii lagu kala tagay oo ay bur burtay ayaa Jiil kii ama Dhalinyaradii Cusbaa ee soo koraayey waxaa soo wajahday Waxbarasho la,aan Madaama Dalkii uu Noqday dal dagaal oo ay san wax nabada ah habayaraatee ay san ka jirin, Dhalin yaro is kugu jira Gabdho iyo Wiilal ayaa ukala hayaamay Qaaradaha Aduunka iyagoo ah Waxbarasho Doon Qaar kood waxa ay soo dhameeyey Waxbarashadii Dugsi Sare Dugsihooe Dhexe halka qaarka kalana ayba yihiin kuwa hada iyo kow doonaya in ay waxbarataan oo ay dalalka Aduunka ee Nabada ah ay Wax kabartaan.
 
Dalalka ugu badan ee Ardayda Somaaliyeed ay wax ka bartaan ayaa ah dalalka Sudaan Pakistaan Kenya Hinida Masar Malaysiya iyo Wadamo kale oo Carabaha iyo reer Galbeedkaba Ka mid ah, Ardaydaas ayaa sida ay Qoysaskoodu ukala hanti badan yihiin u kala aada Dalalka ay wax kabaranayaan waayo waxaa jir wadamo ay sag tahay Nolosho oo ay qaali tahay waxbarashuduna ay ba kasii daran tahay.
 
 Arydaaas Somalaiyeed ayaa marar badan kaalimo fiic fiican ka gala Iskuulada iyo jaamacadaha ay dhiganayaan arintaas ayaa waxaa layaaba Mucalimiinta iyo Ardayda Shi sheeye halka ay ku farxaan oo ay soo dhaweyeen Dadka Somaaliyeed yar iyo weyna meesha ay jogaan.
 
Guushii ugu Dambaysay oo Laga sheegay Qaybo badan oo Warbaahinta Caalamka ah Somalaidoo idilna usoo wada hoyatay ayaa waxa ay ka dhacday Dalka Hinidia Gaar Ahaan Jaamacad ku Taala Magaalada Haydarbad oo lagu magacaabo Osmania University, Guushaan lagu wada farxay ayaa waxaa soo hoyiyey Arday Somaaliyeed oo lagu Magacaabo Cacdirisaaq Cabdinaasir Faarax ( Kuulow ) waa Arday Da.yar oo 20 Jir ah Aad na ugu Wanaagsan Waxbarashada Qaybeheeda kala duwan gaar ahaan Qeybta uu barto ee Kambiyuutarka Iyo Dhaqaalaha  Ardaygaan ayaa Imtaxaankii Sanadkaan Ee Jaamacadiisa ka galay Kaalinta Kowaad isagoona ku Galay Buundooyin aad usareeyey Waxaa kusoo xigsaday Laba Arday Oo Hinida oo lagu kala magacaabo Chinky Sachedeva iyo Narandra Babu Laba daan arday ayaa kala galay Kaalimaha Labaad iyo Sedexaad Halka Ardayga Somaaliyeed ka galay Kaalinta Kowaad Arimytaas oo Arin lagu farxana ah.

 Ardaygaan Somaaliyeed C/risaaq Faarax Kuulow ayaa Maa,mulkii Jaamacada Osmania University waxa uu gu doon siiyey Abaal Marin qaali ah iyagoona ku booriyey Dadaalka uu Kaalinta Kowaad ee ku galay iyagoo Ardayda Jaamacada oo dhan ku booriyey in ay ku daydaan Kuulow oo ah Arday aad uwanaagsan oo waxbarashada jecel kuna dadaala.
 
Maamulka jaamacada Osmania University ayaa isagoo Faraxsan Ardygaan Somaaliga ah ee Kaalinta Qaaliga ah Galay aad u Amaanay isagoona Sheegay in uu yahay Arday Qiimo Sare ka leh Jaamacada iyo Guud ahaan Ardayda Somaaliyeed ee wax kabarta Dalalka Aduunka, Maamulka ayaa sheegay hadii Kuulow oo kale ay noqon lahaayeen Ardayda Somaaliyeed ee wax bartaa ay Sharf usoo jiidi lahaayeen dalkooda sidoo kalena ay noqon lahaayeen Arday kuwada wanaagsan wax barashada dalkooda iyo dadkoodana Wax utara oo wax uqqabta waa sida uu hadalka udhigaye.
 
Cacdirisaaq Cabdinaasir Faarax ( Kuulow ) ayaa Iskuulkiisi Sare iyo Hoose kusoo dhigtay Gobolada Maamul Goboleedka Puntland Gaar ahaan Magaalooyinka Galkacyo iyo Goldogob Ee Goobolka Mudug, Omar Samatar iskuul ayuu ahaa iskuulkiisi sare halka uu kii hoose dhexena kusoo qaaday Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug, Kuulow ayaa markii lagudoonsiinayey Abaalmarinta waxa uu umahad naqay Macalimiintiisi hore ee Dalka Somaaliya Gaar ahaan Macalimiintiisi iskuulkii Sare Ee Omar Samatar Galkacyo Punland Somalia sigaara ayuu ugu mahad naqay maamulihii iskuul kiisi sare ee Galkacyo Mudane Cabdulaahi Nuur Salaad (Takar)  isagoona sheegay in ay ahaayeen Macaliim qiimo weyn ku leh si fiican wax usoo baray oo uu san ilaa wi doonin C/risaaq Afkiisa waxaa kasoo bur qanaayey Amaan iyo Farxad uu uhayo Macalimiintiisi hore iyo kuwa Shi sheeyaha ah ee hada Gacanta ku haaya oo wax baraaya.
 
Kuulow ayaa barta cilimiga Kambiyuutarka Iyo Dhaqaalaha  Kuulow oo Abaalmarintii markii lagu doon siiyey Qudbad xiiso badan kasoo jeediyey ayaa sheegay in Sanad ka kale ee soo socda uu rajaynaayo in uu sameeyo horu kac isagoona sheegay in uu dadaalkiisa laba jibaari doono haduu Alle idmo, Ugu Dambayntii Arydaygaan Qaaliga ah Taariikhduna ay xusi doonto Mudane Cacdirisaaq Cabdinaasir Faarax ( Kuulow ) ayaa Hambalyo iyo Bogaadin udiray Dhamaan Shacabka Somaaliyeed isgaoona ilaahay uga baryey Dadka Somaaliyeed in Alle Weyne ka saaro Dhibka iyo Dagaalada Dalkoodana uga dhigo mid nabad ah oo Xasilooni Taam ah ay ka jirto, guud ahaan Arydayda Somalaiyeed wax kabrta Dalalka Aduunka ayaa Hambalyo iyo Tahniyda Qaali ah udiray Ardaygaan iyagoona ugu Hambalyeeyey kaalintaan uu galay ee Qaaliga ah waxaa Fiicnaan lahayd in Ardaydu ay noqdaan kuwo ku dayda Ardaygaas oo sidiisa oo kale u Dadaala.
 
C/casiis Muxamuud Ibraahim
Hindia Haydarbaad

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 20, 2007

Mas’uul ka tirsan Qaramada Midoobey oo dib looga celiyay Magaalada Baydhabo
.Isbahaysiga Asmara oo la sheegayo in uu xal ka gaaray..
.Gacma Dheere oo ka codsaday Hay’adaha samafalka inay..
.Qaraxyo iyo Weeraro shalay ka dhacay suuqa Bakaaraha..
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sept 19

baydhaboBaarlamaanka DFKMG oo qaban qaabinaya qorshe loogu yeerayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha DFKMG
Xildhibaan Maxamed Qanyare: "shir 45-casho socdey inay ku baxdo $8-milyan wax dhici kara ma ahan..." Akhri...

plAfhayeenka Madaxweyne-xigeenka Puntland oo Shaqaaqooyinka Laascaanood ku eedeeyey inuu ka danbeeyo Xaabsade.... Akhri

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Qamar Cali
"waxaana jira oo la keeni doonaa 40-Konteenar oo isugu jira Daawo iyo Qalab Caafimaad oo yaala dalka".. Akhri...

Dagaal Culus Oo Isniintii ka dhacay Magaalada Marka
iyo Xildhibaan Qanyare Oo Sheegay Inay Sharcigii Awood Qayabsiga Ku Tunteen Masuuliyiinta Dowlada Ugu Saraysa..

 

usaNin Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo xiray arrin la xiriirta Daroogo..."

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com