Buug Daalacasho
Dhaqansidaha Gobaad: Journal of Somali
Language, Literature, Culture, History & Social Development. ISSN:
1938-8454; Published by Gobaad Communications and Press,
Minneapoilis.
Gobaadpress@gmail.com
Amran Maxamed Daa’uud, Glasgow, Scotland, UK
aamrand@gmail.com
Bartamihii July, 2007, waxa aan fursad u helay in
aan goobjoog u ahaado shirkii cilmi-baarista Soomaalyeed ee ay marti
gelisey Ohio State University oo ku taal magaalada Columbus ee
carriga Mareykanka. Shirka oo aan xiise weyn u hayey in muddo ahna
aan isku diyaarinayey in aan goobjoog u ahaado oo dhegeysto bal waxa
aqoon-yahanka Soomaalidu soo kordhin karaan, ayaa haddana waxa xiise
gaar ah ii lahayd markii aan ka qayb galay Panel looga hadlayey
afka, dhaqanka & suugaanta Soomaalida oo weliba cinwaan wanaagiisa
ku sii bilay in aqoonleydii ka hadleysey ay doorteen in ay
isticmaalaan afkooda hooyo, waxa ayna xaqiiqatan u xoog sheegteen
dadkii aaminsanaa in aanu afka Soomaaligu u dhigmi karin afafka kale
marka dood-cilmiyeed lagu soo jeedinayo.
Aniga oo farxaddii Panel-kaas la tiicaya oo marna u
qaadan la’ sida Eebbe ugu sahley dadkii (Siciid Saalax Axmed, Anwar
Maxamed Diiriye, Cabdiraxmaan Faarax Barwaaqo) ka hadlay halkaas
afkooda & aqoonta fog ee ay u leeyihiin sooyaal-dhaqameedka
ummaddooda ayaan haddana fursad u helay in aan nuqul ka soo iibsado
buug uu mid ka mid ahaa aqoonleydii Panel-kaas ka hadleysey (Anwar
Maxamed Diiriye) tifaftire ka yahay uuna ugu magac daray
“Dhaqansidaha Gobaad”. Waxa aad ii soo jiitey markii aan Gobaad
dusha ka halacsaday sida magaca & astaanta kore la isku waafajiyey
oo ah in Gobaad aan u haystey magac hal la jecelyahay, tifaftiruhuna
uu u doortay hal taswiirteed shaati uu buuggu huwan yahay; waxa kale
oo aad iiga cajabiyey sida loo tibaaxay ujeedadda buugga oo magaca
“Dhaqansidaha Gobaad”, waxa uu i xusuusiyey sidii ay eray-bixinta u
sameyn jirtey hay’addii manaahijtu berisamaadkii, halkaana rajo
fiican ayaa iiga bidhaantay oo ah in weli dad eray-bixin xajmi &
macne durugsan leh sameyn karaa ay Soomaali u joogaan.
Waxa aan sidaa u leeyahay in ay goor hore iigu
dambeysey dad kala dhili kara ama ku himilloon kara macaanka afka
Soomaaliga oo intii aan qurbe joogey aan wax badan ka jalleecay
aqoonleyda Soomaalida in ay bal mar uun afka hooyo wax ka yiraahdaan
ama ku qoraan. Xaqiiqatan wax ay afka ku soo saaraan haba joogtee
badidooda oo aan siyaabo kala gedisan ula kulmay iyaga oo goobo ka
hadlaya ama aan akhriyey qormooyin ay dhigeen kumaba baraarugsana
muhimadda afkoodu leeyahay iyo in ay iyaga tahay kuwa la doonayo in
ay u hawl galaan sare u qaadiddiisu. Haddaba way ila tagtaye aan u
galo ujeedadda weyn ee aan ka leeyahay qormadan oo ah in Gobaad
waxaan kala kulmay aan wax ka iraahdo.
Marka aad kala furto baalasha Gobaad ee aad bogga
ugu horreeya dheehato waxa uu kugu barriidinayaa magacyo taxan oo
dad xirfado sare lihi ay ka dhex muuqdaan, oo ay weliba haweenna ku
jiraan. Waa tifaftiraha, kaaliyihiisa & golihiisa la talinta; inta
badan loogama baran arrin caynkaa oo kale ah wargeysyada Soomaalida.
Bidixda waxa ka ah boggaas baalka ugu horreeya Gobaad, waxa ugu
xiisaha badan oo indhahaaga & qalbigaagaba soo jiidanayaana waa
erayga lagu furay oo oranaya “wixii la qoraa qaruumo haree, muxuu
hadal qiime leeyahay”, oo lagu hoos qoray “Cabdi Deeqsi Warfaa
(Cabdi Cinemo)”. Waa eraygaas erayga qeexaya ujeedadda durugsan iyo
himillada ay ka leeyihiin soo saarayaasheedu buug-cilmiyeedkan,
waana wax naftu ku qanci karto kuuse diraysa in aad u sii dhabbe
gasho waxa gudihiisa ku sii qoran si aad isku waafajiso ama aad u
diiddo halqabsigiisa & tayada nuxurkiisaba.
Waad rogeysaa oo waxaa ku xiga bog ay ku taal
tusmadu. Marka aad sii gudubto waxa kaa soo horbaxaya eray kale oo
soo jiidasho leh, waana halka ugu horreysa ee Gobaad & nuxurku
iskaga soo dhacayaan, waxa ku qoran boggaas aan ka hadlayno “Gaaxda
Gobaad”, waxaana ku dhigan ujeedadda laga leeyahay Gobaad oo
faahfaahsan & soo dhowetyn u dhiganta “soo gal gudaha”. Waxa ku xiga
laba baal oo xambaarsan dadka qoray qormooyinkiisa & tilmaantooda oo
gaaban, waxana cinwaan u ah “Qalinleyda Tirsigan”. Halkaa wixii ka
dambeeya waxa is daba taxan qormooyin cilmiyeed midiba mid ka xiise
badan tahay oo markii aad mid u gudubtaba aad tii hore ku
hilmaameyso. Xiddigis ayaa ugu horreeya, waxayna si wacan qormadaasi
ii xusuusisay sheekooyin aan ka maqli jirey ayeyday & aabbahay oo
labaduba dad-xeebeed ahaa. Qormo dhaqaale oo si hufan uga hadlaysa
lacagihii geyiga Soomaaliyeed lagu isticmaali jirey oo weliba
taswiiro leh ayaa darafta ku haysa, mid caafimaad ayaana ku sii
xigta.
Qormo dhaqan oo aad u dhexgeleysa una faaleynaysa
sida ay iskugu milan yihiin hab-dhaqanka Soomaalida & siyaasaddu
laga soo bilaabo waayihii gumeysiga ilaa hadda ayaa ah mid aad xiise
gaar ah ugu abuuraya qofkii danneynaya in uu fahmo hab-dhaqan-xumida
siyaasadeed ee Soomaalida & waxa dhaqankii sooyaalka ahaa ka qabo
arrimahaas. Waa qormo meelo badan gacan-togaaleynaysa, waxa ayna ku
tusinaysaa dhanka wanaagsan & weliba godad ciladeysan oo
sooyaal-dhaqameedka Soomaalida ka buuxa. Waxa taas feerta ku haysa
qormo aan ka dhicin tan hore oo iyana nal weyn la dul joogsatey
suugaan-haweeneedka, waxana la oran karaa waa qormo muunad gaara
siisay Gobaad. Aan halkan ku hakadee, marka aad akhriso qormadan oo
loo bixiyey “Hal-abuur Hiddeedka Haweenka Soomaalida”, waxaa
markiiba haddii aad tahay haweeney Soomaaliyeed tin iyo cirib kugu
duxaysa farxad, taas oo ay sabab u tahay in raggeenu maanta u
heellan yihiin in ay banaanka soo dhigaan kartida &
suugaan-yahannimada walaalahooda dheddig. Si wacan ayaa loo qoray
qormadan, wax badan oo aan hore loola socon ayaana laga baranayaa,
waxaanan ku talin lahaa in haweenka Soomaalida ee awoodda u leh in
ay afkooda hooyo akhriyaan ay ka faa’iideystaan.
Marka aad sii socoto sheeko-xariiro laab-qaad leh
ayaad dhexda uga dhacaysaa, waxa ayna si wacan kuu xusuusinaysaa
Soomaaliya oo berisamaadkii joogta, mid ah, bulshaduna ay
balweyneyso. Gabay kugu reebaya murugo & farxad wada socda ayaad u
gudbeysaa. Hal-abuurku waxa uu gocanayaa barwaaqo & baraare la soo
idleystey, dabadeedna rafaad & raaxo la’aan ayuu u guda gelayaa,
wuxuuse rajo wacan kuu bidhaaminayaa marka uu gebo-gebada yimaado oo
uu kuu sheego in aan tan Alle laga quusan, dadaal & iimaanna wixii
lumay looga daba-tegi karo laguna soo celin karo. Qormada ugu
dambeysaa waa mid aad u dheer, waa wareysi hal-abuur, heeso &
suugaan aan weligay maqli jirey cid suubisayse aanan garanayn ayey i
xafidsiisay oo i bartay magaca ruuxa allifey, waana “warsan &
weersan ii soo waceey iyo kuwo kale”.
Dhammaadka Gobaad waa xaashi cad oo aan dhanna wax
kaga oollin & gudaha jaldiga oo lagu dhigay dastuurka & hab-raaca
Dhaqansidaha. Waxa uu ballanqaadayaa dastuurku in uu soo bixi doono
Gobaad sannad walba mar oo uu ku soo bixi doono afafka Soomaaliga &
Ingiriiska. Waxa uu ku siinayaa xog waafi ah oo haddii aad doonayso
in aad wax ku soo qorto aayaha kaa dherjinaya hab-raaca & xilliga
kama dambeysta ah ee la aqbalayo soo gudbinta qormooyinka.
Buugga si fiican ayaa loo soo agaasimey, af macaan
ayuu ku qoran yahay, waxaanan oran karaa si hufan ayuu u bidhaanshey
una soo bandhigay ujeedaddii laga lahaa ee lagu sheegay “Gaaxda
Gobaad”. Waa aqoon godad ay ku ragaaddey dib looga soo faagey; waa
mid muujinaya aqoonta suugaaneed, hab-dhaqan-wanaagga & tayada afka
hooyo. Waxa aan rajeynayaa in uu Gobaad noqdo mid isku xira bulshada
& dhaqankeeda.
Way jiraan dhaliilo mase badna, waxaana ila qumman
in haddii aan wanaagiisa ku muraaqooday aan wax ka bidhaansho
meelaha u baahan wax ka qabadka ama ka beddelka:
Dhanka tifaftirka waxaa ku jira meelo dhawr ah oo
higgaaddu ka jaban tahay, una maleyn maayo aqoon-xumo tifaftire ee
waa ilduuf, waana in laga digtoonaadaa, lagana saxaa kuwa soo socda.
Xulashada erayadda & hab-dhigaalku waa dhag-dhag, waxaase mudan in
la jilciyo (ereyada ad-adag dhammaadka lagu macneeyo) si aanu dadka
qaarkii (weliba inta badan) oo akhriska Af-Soomaaliga & fahamkiisuba
ku adag yihiin aan loo baylihin. Intaa uun ayaan hadda ka oran
lahaa!
Hambalyo: Reer Gobaad way ka afeefteen siyaasadda,
taas oo aan u dareemi karo dhawrsasho soo saarayaashiisu ay ka
dhawrsanayaan siyaasad-ku-sheegta wasakheysan ee dalkeennii hooyo &
bannaanadaba ka taagan, waxaanan oran karaa “hambalyo”, waayo jid ka
duwan kan ragga Soomaalida badankoodu hayaan ayaad na tusteen, taas
oo ah in aan “fadhi-ku-dirirka” hiil loo noqon & in ay jiraan arrimo
muhiim ah oo in laga hadlaa, oo wax laga qoraa ay dad la’aan meel la
kuududaan.