Wararkii: Khamiis Sept 13, 2007
- Xaaji Cabdi Iimaan “Ciidamada Itoobiya waxay dalka u joogaan badaadinta
Dowladda Federaalka”
- Nin ganacsde ah oo xalay lagu dilay Xaafadda KPP ee degmada Hodan
- Qodobadii ka soo baxay shirkii kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee
Soomaaliya
- C/nuur Darmaan oo sheegay in uu wado olole ka dhan ah Dowladda
Federaalka
- Cali Geedi iyo C/qaasim oo shalay shir albaabadu u xirnaayeen wada
yeeshay
- Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo madaafiic isku weydaarsaday
Aricaddeeye
- Dad ku geeriyooday rasaas ay fureen Ciidamada Dowladda Federaalka…
- Qaar ka mid ah Ilaalada Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhaawacmay gaari la
rogmaday
- Shir aad loo soo abaabulay oo ay Gollaha sarre ee ONLF ku yeelatay
Minneapolis, Minnesota
Xaaji Cabdi Iimaan “Ciidamada Itoobiya waxay
dalka u joogaan badaadinta Dowladda Federaalka”
Xaaji Cabdi Iimaan Cumar oo ah Guddoomiyaha
Golaha dhaqanka Beelaha Hawiye qaybtooda ka qaybgashay shirkii dib u
heshiisiinta ee Muqdisho lagu soo gebagabeeyey oo shalay Hoteel Ramadaan
kula hadlayey saxaafadda ayaa joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka
Soomaaliya, waxa uu ku sheegay in tahay sidii ay u ilaalin lahaayeen
Dowladda Federaalka oo uu tilmaamay in haddii ay dalka ka baxaan aysan
Dowladda Federaalka ka sii shaqeyn kari dalka. Xaaji Cabdi Iimaan ayaa
sheegay in ciidamada Itoobiya ay badbaadinayaan Dowladd Federaalka, sidaa
darteedna uu isagu aamisan yahay in gacan siinayaan Dowladda Federaalka.
“Ciidamada Itoobiya waxay Soomaaliya u joogaan sidii ay Dowladda Federaalka
ugu celin lahaayeen sii joogista dalka, maxaa yeelay Dowlado hore ayaa meel
ay ka baxeen la garaneyn kadib markii ay ka hor yimaadeen dadku” ayuu yiri
Xaaji Cabdi Iimaan oo sheegay in si taasi aysan u dhicin ay Ciidamada
Itoobiya joogitaankooda keeni karto in Dowladdu sii shaqeyso.
Xaaji Cabdi Iimaan ayaa sheegay in Dowladihii ay
madaxda ka ahaayeen Cali Mahdi, Caydiid, iyo C/qaasim dhamaantood ay ka
shaqeyn waayeen kooxo iyagu aan dooneyn wax dowlad ah in ay ka dhisanto
dalka Soomaaliya. Xaaji Cabdi Iimaan oo isagu horey u sheegay in ka
tanaasulay mucaaradnimadiisii Dowladda Federaalka, Isla markaana ka qayb
galay shirkii dib u heshiisiinta ee xarunta gaadiidka lagu soo gebagabeeyey
ayaa sheegay in shirkaasi ay ka soo baxeen qodobo guulo ah oo la taaban
karo, waxa uuna sidoo kale sheegay in garabkooda ay doonayaan in ay
sameystaan xisbi mucaarad ah oo uu sheegay in yahay mid aan hubeysaneyn
balse la doonayo in uu toosiyo ummadda Soomaaliyeed, isla markaana uu saxo
qaladaadka ka dhex jira Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Dowladda Federaalka.
Nin ganacsde ah oo xalay lagu dilay Xaafadda
KPP ee degmada Hodan
Xalay fiidkii ayaa Xaafadda KPP
ee degmada Hodan waxaa lagu dilay nin ganacsade ahaa oo laga yaqaanay
deegaankaasi.
Ninkaan oo magacbiisa lagu
sheegay C/fitaax ayaa la sheegay in ay dilkiisa gaysteen kooxo ku hubeysanaa
bistoolad oo dhowr xabadood ku dhiftay.
Markii uu dhacay falka dilka ah
ee marxuumkaani loo gaystay ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamada Booliiska
Dowladda Federaalka oo iyagu isku gamaadaay goobtaasi oo ay dad badan isugu
soo baxeen.
Ciidamada Booliiska uma suuragelin in ay gacanta
ku soo dhigaan raggii gaystay dilka marxuumkaan, basle waxay sheegeen
mas’uuliyiinta saldhiga degmada Hodan in ay wadaan baaritaano ay ku doon
doonayaan kooxihii gaystay dilka Marxuum C/fitaax. Ma ahan markii ugu
horeysay oo dad rayid ah dil loogu gaysto Magaalada Muqdisho, waxaana horey
dilala kala duwan loo gaystay dad isugu jiray ganacsato iyo Aqoonyahano,
waxaana sidoo kale arrintaasi barba socda hawgalo ay wadaan ciidamada
Dowladda Federaalka oo ay garab siinayaan ciidamada Itoobiya, iyagoo baadi
goobaya walxaha qarxa, waxayna sheegeen in ay doonayaan in ay xasilooni ku
soo dabalaan Muqdisho oo iyadu u muuqata meel ay ku sii xoogsadaan
rabshaduhu ku sii badanayaan iyo waliba dhibaatooyinka dadka rayidka soo
gaaraya.
Qodobadii ka soo baxay shirkii kooxda
Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya
Maalinii doraad ahayd ayaa
shir waxaa uu Magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ugu soo gebagaboobay
kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya, waxaana ka mid ahaa
Dowladihii ka qaybgalay shirkaasi, Mareykanka, Tansaaniya, Talyaaniga,
Sweden iyo Qaramada Midoobey, waxayna gebagabadiis shirkooda soo saareen
qodob dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen, in taageero loo fidiyo ciidamada
Caalamiga ah ee Midowga si ay dhaqsi ugu tagaan dalka Soomaaliya, in
Dowladda Federaalka laga taageero dhinacyada dhaqaalaha iyo Ciidamada,
in gargaar deg deg ah la gaarsiinyo dadka Soomaaliyeed ee ka baracay
dagaalada Muqdisho ka dhacay ee gobalada dalka ku dhibaateysan.
Kooxda Xiriirka Caalamiga ah
sidoo kale waxay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda u soo jeediyeen, in ay
la yimaadaan tanaasul si loo gaaro xal deg deg ah oo Soomaaliya
arrinteena maslaxo u noqda, sidoo kale kooxdaaasi waxay taageertay
qodobadii ka soo baxay shirkii Beelaha Soomaaliyeed ee Muqdisho horaan
lagu soo gebagabeeyay, kaas oo ay sheegeen in ay ka soo baxeen qodobo
muhiim ah oo sal u noqon kara dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
Alpha Cumar Konari oo ah Guddoomiyaha
Midowga Afrika oo isna shirakasi goob joog u ahaa ayaa ka codsaday
Dowladihii shirkaasi ka qaybgalay in Xaaladda Soomaaliya il gaar ah lagu
fiiriyo, isla markaana waxa uu dowladihii shirkaasi ka qaybgalay ku
booriyey in la dardargeliyo hawlaha nabad ilaalinta ee Soomaaliya.
C/nuur Darmaan oo sheegay in uu wado olole ka
dhan ah Dowladda Federaalka
Siyaasiga C/nuur Axmed Darmaan
oo Muqdisho si weyn looga yaqaano ayaa sheegay in uu ku hawlanaa olole
dhanka Dibadda ah oo uu sheegay in ay ku saleysan yihiin sidii loola
xisaabtami lahaa Dowladda Federaalka, isagoo tilmaamay inay sameystay
waxyaabo bini’aadannimada ka baxsan, oo ay ka mid tahay xasuuq loo gaystay
dad rayid ah oo aan waxba galabsan sida uu hadalka u dhigay.
C/Nuur Darmaan ayaa sheegay in
dhowr dowladood oo ka tirdan Midowga Yurub iyo waliba Dowladda Mareykanka uu
ka hadalayey arrimahaasi, isla markaana waxa uu sheegay in Dowladda
Federaalka laga xayiri doono dhamaan dhaqaalaha dibadda ka soo gala taas oo
uu ku macneeyey in ay tahay mid aan u qalmin, maadaama sida uu sheegay in ay
tacadiyo ka gaysatay gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Ma jirt faahfaahin intaa
dhaafsan oo uu C/nuur Darmaan ka bixiyey hadalkiisa, waxa uuna C/nuur
Darmaan isagu horey taageerayaashiisa ugu doorteen Madaxweyne xiligii
Dowladdii C/qaasim ee Magaalada Carabta ee dalkaa Jabuuti lagu soo aasaasay.
Cali Geedi iyo C/qaasim oo shalay shir
albaabadu u xirnaayeen wada yeeshay
Ra’isul Wasaaraha Dowladda
Federaalka Cali Max’ed Geedi iyo Madaxweynihii hore ee Dowladdii Tuulada
Carta lagu dhisay C/qaasim Salaad Xasan ayaa shalay shir ay albaabadu u
xirnaayeen ku yeeshay Hoyga uu C/qaasim ka degan Yahay magaalada Muqdisho.
Shirkaasi oo dhowr saacadood
socday ayaa markii uu soo gebagaboobay waxaa hadal kooban siiyey saxaafadda
C/qaasim Salaad Xasan, waxa uuna sheegay in dhamaan waxyaabihii ay ka wada
hadleen isaga iyo Ra’isul Wasaare Geedi ku idlaadeen guul, waxa uuna
C/qaasin ku tilmaamay Ra’isul Wasaare Geedi in uu yahay nin yahay nin mowqif
wanaagsan leh, isla markaana C/qaasin ayaa carabka ku dhiftay in uu ku
taageerayo mowqifkiisa, balse c/Qaasima faahfaahin dheeraad ah kama bixin
wixii ay isaga iyo Cali Max’ed Geedi ka wada hadleen, sidoo kalana C/qaasim
ayaa xusay in ay wanaagsan in dib u heshiisiinta Soomaaliyeed horey loo sii
wado, isla markaana si gooni ah in ay isku arkaan xubnaha Dowladda kaga
jira Beelaha Hawiye ay wanaagsanaan lahayd.
Warar hoose ayaa waxay
sheegayaan in C/qaasim iyo Cali Max’ed Geedi isla soo qaadeen sidii dardar
loo sii gelin lahaa dib u heshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed iyo waliba sidii
Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda kulan u wada qaadan
lahaayeen.
Ra’isul Wasaare Cali Max’ed
Geedi ayaa isagu maalmahan waxa uu wadaa dadaalo uu ku doonayo in mucaaradka
uu kaga dhaadhiciyo in ay Dowladda Taageeraan, waxa uuna horey kulan dalka
Jabuuti ugala soo qaatay Xaaji Abuukar Cumar Caddaani oo ka mid ahaa
taageerayaashii Golahii Maxaakiimta Islaamiga ah.
Dad ku geeriyooday rasaas ay fureen
Ciidamada Dowladda Federaalka…
Rasaas xoogan oo ay fureen
ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Sugan Suuqa Xoolaha ayaa
waxaa shalay ku geeriyooday saddex qof oo rayid ah iyadoo ay ku
dhaawacmeen tiro kale.
Rasaastan oo xooganeed ayaa
timid kadib markii ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka ee iyagu ku
sugan deegaanka Gantaalaha ee Xaafadda Suuqa Xoolaha lala beegsaday
gacmeed, kadibna ay iyana ku jawaabeen rasaas aan loom eel dayin,
waxaana sidaas ku nafwaayeen saddexdaan qofood, iyadoo kuwii dhaawaca
ahaana loola cararay Isbitaalada.
Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa
waxaa maalmahan dambe ka taagnaa rabshada la xiriira qaraxyada iyo
weerarada lagu hayo ciidamada Dowladda Federaalka oo iyana rasaas ku
jawaabay taas oo waxyeelo ka soo gaarto dada rayid ah oo aan waxba
galabsan oo iyagu deegaanadaasi degan, wallow ay jiraan kuwo kale oo
iyana isaga barakacay deeganaadaasi oo ay ku soo noqnoqdeen Weerarada
iyo qaraxyada ka dhanka ah Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee iyagu
fariisimaha ku leh degmada Heliwaa.
Qaraxii shalay ciidamada la
beegsaday ayaan la garaneyn haddii ay jiraan askar wax ku noqotay, balse
taliska ciidanka Booliiska, waxa uu sheegay in aysan jirin wax khasaare
ah oo ka soo gaaray qaraxaasi.
Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo
madaafiic isku weydaarsaday Aricaddeeye
Ciidamada maamulada Somaliland
iyo Puntland ayaa la sheegay in ay shalay iska hor imaad ku dhex maray
deegaanka Aricaddeeye oo 25Km u jira Magaalada Laascaanood ee Gobalka Sool.
Labada ciidan oo iyagu masaafo isku jira ayaa la sheegay in ay
isweydaarsadeen madaafiic kala duwan, lama garanayo khasaaraha ka dhashay
dagaalkaasi, mana jiraan labada dhinaca mas’uuliyiintooda wax ilaa iyo hada
ka hadlay arrintaasi, Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa iyagu si
hor fadhiya iyadoo horey dagaalo u dhex mareen.
Qaar ka mid ah Ilaalada Sheekh Aadan Madoobe
oo ku dhaawacmay gaari la rogmaday
Gaari noociisu ahaa Cabdi Bile
oo ka mid ahaa Gawaaridda Guddoomiyaha Baarlamaanka oo shalay ku rogamaday
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku dhaawacmay 8 ka mid ah Illaalada
Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheikh Aadan Max’ed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).
Rogmashada gaariga ayaa lagu
sheegay in ay timid kadib markii uu gaarigaasi xawaare saa’id ku socday,
waxaana Dhaawaca Illaalada Guddoomiyaha la dhigay Isbitaalka Magaalada
Baydyabo.
Waa markii ugu horeysay oo gaari
ka mid ah Gawaarida Sheikh Aadan Madoobey intii uu guddoomiyenimada qabtay
Rogmado oo ay ku dhaawacmaan qaar ka mid ah Illaaddiisa.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 13, 2007
Shir aad loo soo
abaabulay oo ay Gollaha sarre ee ONLF ku yeelatay Minneapolis, Minnesota
Maalinamadii sabtida ee aynu soo dhaafnay bishan septemberna ahayd 8,
waxaa ka dhacay magaalada Minneapolis shir si heer sarre ah loo soo abaabulay oo
ay ka soo qaybgaleen dad fara badan oo soomaalida reer ogadenia iyo soomaalida
walaahooda ah ee xonimada jecel. Shirkan ayaa ahaa mid ay xubnaha Jabhada
wadaniga xoroynta ogaadenia (JWXO) ee Minisota ay soo qaban-qaabiyeen.
Ujeedada shirku waxuu ahaa mid dadwaynaha reer ogaadeniya ay ku doonayaan
in madaxda gollaha sarre ee Jabhadu uga war bixiso socdaaladii ay kusoo
wareegeen wadanka maraykanka iyagoo kulama farabadan la soo yeeshay dhamaan
jaaliyadaha reer ogaadenia ee inta ay wakhtigoodu gaadhsiiyay. Dr. Mohamed
Siraad Doolaal, oo ah gudoomiyaha gollaha sarre ee ONLF ayaa si xiiso leh loo
sugaahaya hadalkiisa iyo waxii uu kala soo kulmay khaasatan socdaalkiisii uu
kutagay Washington DC.
Markii uu shirku furmay ayaa waxaa halkaa hadalo soo dhwayn ah ka soo
jeediyay xubno dhalinyaro iyo hooyoon ah oo aad ugu faraxsanaa halka uu marayo
halganka lagu xoraynayo ogaadenia iyagoo kula dardaarmay Dr. doolaal iyo
xubnihii kale ee la socday in si wanaagsan loo dardar galiyo qabsoomidii
shirwaynaha ururka.
Wax yar kabacdi waxaa haddalkii iyo khudbadii bilaabay DR. M S Doolaal.
Waxaa lagu soo dhaweeyay sacab mashxarad iyo niyad wanaag. Doolaal waxuu ka
warbixiyay waxyaabaha ay kala soo kulmaan Washington “US Department of State”
iyo waxay isku afgarteen. Khudbadu waydheereed xikmadunu way farabadnayd balse
waxaa ugu muhiimsanaa in dawlada maraykanku si fiican usoo dhaweeyay wafdiga
JWXO IYAGOO BALANQAADYO FARABADAN OO ISUJIRA TAAGEERO IYO AQOONSI BUUXABA U
SHEEGAY INAY LAGARAB ISTAAGAYAAN. Waxyaabaha laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa
xaalada qalafsan ee Ogadenia iyo guud ahaan geeska afrika iyo sidii waxlooga
qaban lahaa iyo waliba qaabkii ay jabhadu u qabsan lahayd shirwaynaheedii kaas
oo aan dhicin muddo eegga laga joogo 9 sanno.
Madaxda goobta ka hadashay waxay si dheer ugu dheeraadeen in loo baahan yahay
in ururku qabsado shirwaynihiisii affar sanadlaha ahaa, iyo qaabkii looqaban
lahaa. Golaha sarre ee Jabhadu waxay u xaqiijiyeen dadwaynaha in shirki qab
soomidoono mudo saddex bilood illaa affar bilood gudahood ah.
Gabagabadii shirka waxaa jaaliyadii kobtaas isugu timid laga buuxiyay waraaqo
“pledging money for the upcoming ONLF Conference” ay ku deeqayaan lacagtii
shirka lagu qaban lahaa. Waxaana ugu danbayntii la isku raacay lagana balan
qaaday wafdiga inay xaq tahay inaan sii wadno halganka taariikhiga ah ee lagu
xoraynayo shacabwaynaha dolman ee Ogadenia.
Asad & Zakariye Xaaji
Nin
Soomaali ah oo Talaadadii lagu xiray Maraykanka "ma aha Argaggaxiso ee waxaa loo
xiray arrin la xiriirta Daroogo..."
Shirka
Asmara oo looga dhawaaqay: (Ururka dib u xoreynta iyo soo nooleynta Shacabka
Soomaaliyeed)
.G/le C/Waaxid “Dadka la qabqabtay waxay ahaayeen kuwa
.Qaraxyo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho
.Dagaal mar kale ka qarxay deegaanka Baar-Magoog
.Golaha Midnimada Beelaha Hawiye oo wax laga xumaado ku
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Sept 12
Af-hayeenka Baarlamaanka DFKMG oo 48-saac u qabtey 10-wasiir iyo kaabayaashii
dowlada
Shirka
Horumarinta Bahwaynta Ismaciil Cali ee Waqooyiga America
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..

