Af-hayeenka Baarlamaanka
DFKMG Sh. Aadan Maxamed Nuur oo 48-saac u qabtey 10-wasiir iyo kaabayaashii
dowlada
shirkii la xisaabtanka Xukuumada Prof. Geedi ee
Golaha Baarlamaanka uga socdey Magaalada Baydhabo in ka badan hal bil ayaa
shalay dib u furmey, waxaana hoolka shirarka Baarlamaanka soo xaadirey
143-mudane sida uu sheegey Gudoomiyaha Baarlamaanka, Shirkaan shalay ay isugu
yimaadeen mudanayaasha ayaa waxaa lagu waday in Baarlamaanka ay soo hor
fariistaan qaar ka mid ah Wasiirada la xisaabtankoodu uu Baarlamaanku ka qabo
xasaasiyad weyn, sida kan Batroolka iyo kuwo kale laakiin waxaa u yeeritaankii
Baarlamaanka aqbaley Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo Hanti Dhowrka guud ee
dowlada, halka Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee DFKMG Dr. Yuusuf Cali Haaruur uusan
imaan, isagoo jooga Magaalada Baydhabo.

Kulankii shalay oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Baarlamaanka
Md. Sh. Aadan Madobe oo ay wehliyaan labadiisa ku xigeen ayaa ugu horeyn waxaa
uu gudoomiyaha xog’haynadiisa u wakiishey in qaab dhismeedka 14-ka Gudi ee
Baarlamaanka, Gudoomiyayaashooda iyo sida xubnaha ay ugu jiraan ay u akh’riyaan
xildhibaanada, waxaana gudoomiyuhu amrey in sedax gudi oo ay ka mid yihiin
Gudiga Arimaha Dibada ee Baarlamaanka, kan Xuquuqul insaanka Haweenka iyo
caruurta, Gudiga Maaliyada in isla marka uu shirka soo gebageboowo
Gudoomiyayaashooda ay doortaan maadaama qaarkood ay wasiiro noqdeen, halka
qaarkoodna xubinimada Baalamaanka gebihaan laga qaadey, iyadoo aan laga baxeynin
nidaamka 4.5-ka.
Xubnaha Baarlamaanka Federaalka KMG ayaa markii ugu horeysay u
balan qaadey in xubin kasta $50 ay ugu deeqayaan Isbitaalka Magaalada Baydhabo
iyo Alle ha u naxariistee Iskuulka loogu magacdarey Dr. C/lla Deeroow, kadib
markii qaar ka mid ah Mas’uuliinta Iskuulka ay Baarlamaanka u soo gudbiyeen
codsi dhaqaale, iyadoo deeqdan ay tahay tii ugu horeysay oo Baarlamaanka ugu
deeqo hawlo muhiim ah oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax loogu qabanayo intii
uu jirey.

Hanti dhowrka Guud ee dowlada
Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Maxamed Nuur {Sh. Aadan
Madobe} ayaa mudo 48-saac u qabtey inta dalka gudihiisa joogta iyo inta maqana
dalka marka ay soo galaan si dhakhso ah ay ku yimaadaan10-Wasiir oo ay ka mid
yihiin wasiirka Wasaarada Maaliyada, Wasiirka Arimha Diinta iyo Aw-qaafta,
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka,
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Wasiirka Tamarta iyo Batroolka, Wasiirka Dalxiiska
iyo Duurjoogta, Wasiirka Deegaanka iyo Wasiirka Dibu-heshiisiinta, waxaa kale oo
la wacay Xisaabiyaha Guud ee DFKMG,Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya iyo
Kaabayaashii kale ee Dowlada iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare inkastoo Hanti
dhowrkii loo yeerey markii uu la damcay inuu warbixin siiyo Baarlamaanka laga
diidey isagoo aan hadlin Wasiirka Maaliyada in la dhegeysto warbixintiisa.
Wicitaanka Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee DFKMG uu yeeray
Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dadka arimaha sharciga ku xeel dheer ku tilmaamey
mid sharcidaro ah, islamarkaana ay siman yihiin Awooda Gudoomiyaha Baarlamaanka,
Garsoorka iyo Xukuumadda, laakiin warar hoose oo aan helney waxay sheegayaan in
uu ka soo horjeedo wicitaanka Gudoomiyaha Baarlamaanka, waxa keli ah ee u yeeri
kara ay tahay Madaxweynaha DFKMG Md.Col/ C/llaahi Yuusuf Axmed oo dalka Ethobia
safar ugu maqan.
Dhinaca kale Safarka Madaxweynaha ee uu ku joogo dalka Ethobia
ayaa dadka qaarkood waxay ka muujinayaan aragtiyo kala duwan ,waxayna qaarkood
ku sheegayaan inuu ku maqan yahay hawlo culus oo isbelweyn u keeni kara awooda
Dowlada, waxaana la sheegayaa in Madaxweynuhu uu xanibay dhamaan lacagihii qaab
deeq ahaan ku imaan jirey ee Soomaaliya iyo kuwa kale ee Dowlada.

Gudoomiyaha labadiisa ku xigeen.
Waxaa habeen hore magaalada Baydhabo lagu diley mid ka mid ah
Ciidamada Booliiska ee ka hawlgala Magaalda Baydhabo, Agagaarka Suuq yaraha
Mursal mana jiraan wax mas’uuliyiinta Gobolka iyo kan degmada Baydhabo ka
Hadley.
Lama garanayo sababaha dilka Askarigaan balse waxaa lagu sheegey
in loo diley Qori uu watey, waxaa uuna marayey meel aysan inta badan ciidamada
Dowladu ku badnayn
hase ahaatee qaybaha kala duwan ee Ciidamada qalabka sida midka
dhinta diyadiisa laysma weydiiyo, halka kan dhaawaca ahna isaguna uusan helinba
daryeel ku filan, waxaa keloio intaa u sii dheer in midka nool uusan qaadan
mushaar u qalma, waxaan dalka joogaa Ciidamo Ajnabi ah oo maalintii ku shaqeeya
ugu yaraan $25, koodii dhinta ama dhaawacma waxaa uu leeyahay wax u qalma,
isagoo difaacaya dalkiisa, dadkiisa iyo diinta uu aaminsan yahayba, caruurta uu
ka tago waxy leeyihiin daryeel iyo wax-barasho marka uu ka noqdo dalkeena waxaan
uu ku faanayaa bal Akh’ristoow isweydii adiga, keena dhimanaya maalin kasta ama
dhaawacmaya Ujeedadiisa iyo Cida dilaysa iyo kuwa uu iska dilayo.
Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 12, 2007
Boosaaso: Beesha
Ismaciil Cali oo Caleema Saartay Boqor Cumar Ismaciil Sanweyne..


|