SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Magaalada Baydhabo oo marti gelinaysa xilka qaadis cusub 

shirkii la xisaabtanka Xukuumada ee Golaha Baarlamaanka uga socdey magaalada baydhabo in ka badan hal bil ayaa mudo laba maalmood uusan qabsoomin, iyadoo aan la shaacin sababaha uu u baaqanayey, balse xubno ku dhowdhow gudoonka Baarlamaanka waxay iigu sheegeen in arimo fasamo uu u baaqanayey  waxaana la filayaa inuu 11/09/007 maanta dib u furmo. 

Shirkaan maanta furmaya ee la xisaabtanka Xukuumada ayaa waxaa lagu wadaa in Baarlamaanka ay soo hor fariistaan qaar ka mid ah Wasiirada la xisaabtankoodu uu Baarlamaanku ka qabo xasaasiyad weyn, sida kan Batroolka iyo kuwo kale, Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee DFKMG iyo Hanti dhowrka guud ee Dowlada. 

Waxaa maalmaha soosocda la sugayaa inay ku soo biiraan fadhiga Golaha Baarlamaanka Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno kale oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano joogey gudaha dalka iyo dibada. 

Sida ka muuqata Magaalada Baydhabo marka la fiiriyo dhaqdhaqaaqa Xukuumada iyo Baarlamaanka ayaa waxaa laga cabsi qabaa in Magaalada Baydhabo ay marti gendoonto xilka qaadis cusub oo in mudo ah la hadal hayey, dadka arimaha siyaasada ku xeel dheer waxay ku sheegayaan arintan waligeed Soomaaliya kama dhicin. 

Dhinaca kale waxaa sii socda shirkii Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle oo maanta lagu qabtey Xarunta Siminaarada Caalin Center ee magaalada Baydhabo, iyadoo Amaankana goobta siweyn loo ilaalinayey, shirka waxaa ka soo qaybgaley Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh.Aadan Maxamed Nuur {Sh. Aadan Madobe}, wax go’aano oo ka soo baxay ma jiraan balse waxaa la sheegayaa in ay sameyteen Gudi iyo Af-hayeen, lama oga inta uu socndoono iyo waxa ka soo bixidoona, laakiin waxaa uu isbedel ku dhaliyey jawiga magaalada Baydhabo ee dhinaca Siyaasada.

 

Maxamed Macallin Cismaan All man

  

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2007 


Wararkii: ISniinta:

Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Oo Ka Qayb Galay Shirka Asmara Ee Eretariya ka Socda .

Ugaas cabdi daahir oo ah ugaaska beesha cayr ee habar gidir ayaa u duulay xarunta wadanka Eretariya ee asmara isagoo la sheegay inuu ka qayb galay shirka uga socda isabaahaysiga sida weyn uga soo horjeeda dowlada KMG ah iyo weliba Cidamada Xukumada Ethiopia.

Ugaaska oo dhowanahanba ku sugnaa magalada nairobi ee xarunta wadanka kenya ayaa u ambabaxay safar kedis ah oo la sheegay inuu ka qayb geli doono shirka ka socda wadanka Eretariya gaar ahaan xaruntiisa asmara oo uu uga socdo maxakiimta islaamka aqoon-yahanada qurba joogta ah iyo weliba xubnaha la baxay barlamaanka xorta ah .

Ugaaska oo bilihii hore ku sugnaa magaalada muqdisho ayaa bishii hore horaanteedii ka amabaxay magalada muqdisho isagoo tegey magalada nairobi islamrkaana saxaafada u sheegay inuu nairobi u tegey arimo caafimad islamrkaana dhowaanahanba halkaas ku sugnaa .

Tegitaanka ugaaska dalka Eretariya ayaa waxaa kasoo baxaya warar badan oo is khilaafsan iyadoo dadka qaarkiis hadal hayaan inuu ugaasku xiligii horeba kamid ahaa tageerayasha golaha maxaakiimta islaamka soomaaliyeed islamrkaana sidaa uga qayb galay halka dadka qaarkiisna ay sheegayaan inuu ugaasku u tegey arimo dano gaara ah .

Si kastaba ha ahaatee shirka asmara oo lagu wado inay bulsho badan oo soomaaliyeed u hanqal taagayaan ayaan la ogayn waxa kasoo bixi doona iyadoo xiligan dalka soomaaliya gaar ahaan caasimada muqdisho ay sii galeyso xili mugdi ah oo nabadii ay cirka isku shareertay xili ay magaalada casimada ah ku sugan yihiin dowlada KMG ahi  

Sekeriya Xaaji Cabdi Oo Sheegay In Shirka Asmara Uu Marayo Meelo Xaasaasi ah.

Shirka ka soconaya xarunta wadanka Eretariya ee Asmara ayaa galay meelo xaasaasi islamarkaana la sheegay inay kasoo qayb galeen qaar ka tirsan bulshada calamka .

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen kooxaha sida weyn uga soo horjeeda dowlada KMG ah iyo weliba ciidamada xukumada la xulufada ah ee Ethiopia ayaa galay sida laga soo werinayo meelo xasaasi ah islamrkaana la sheegay in la samayeeyey gudiyo ka koban qaybaha bulshada ka qayb gashay ee maxaakimta islamka xubnaha la baxay baarlamanka xorta ah iyo weliba aqoon-yahaniinta soomaaliyeed ee qurba joogta ah .

Afhayeenka shirka asamra Sekeriya xaaji cabdi ayaa sheegay isagoo saxaafada u wamayey inuu shirku uda galay meelo miro dhal ah islamrkaana la filayo inay dhowaan kasoa baxaan qodobo dhaxal gal ah oo muhim u ah bulshada soomaaliyeed waa siduu hadalka u dhigaye .

Sidoo kale afhayeenka ayaa cadeeyey in shirka lagu aas-aasi doono isbaahaysi cusub oo ka kooban bulshada soomaaliyeed ee ka qayb gashay shirka .

Shirka ka soconaya xarunta wadanka Eretariya ayaa kusoo beegmaya xili ay walaac xoogan ka muujisay xukumada Ethiopia oo iyadu cutubyo ciidamadeeda ah ka joogaan dalka soomaaliya .

Rasaasta Ka Dhacda Qoriga Hoobiyaha Oo Xalay Ku Habsaday Guryo Ay Deganm Yihiin Dad Rayid ah .

Dad rayid ah oo ay ku jiraan caruur iyo haween ayaa habeenkii xalay ahaa ku geeriyooday weeraro hobiye oo ka dhacay meelo kamida casimada muqdisho .

Tiro rasaasta qoriga hoobiyaha ayaa habeenkii xalay ahaa ku habsaday guryo ay degan yihiin dad rayid ah oo ay ku geeriyoodeen in ka badan ilaa 5-qof o ay ku jiraan hooyo iyo sadex wiil oo ay dhashay iyo qof kale oo isna ka ag dhowaa halkaasi iyo weliba dhawaca oo lagu sheegay ilaa 7-qofood oo uu kamid yahay aabihii carurta geeriyootay .

Sadexda wiil iyo hoyadood ayaa ku geeriyooday hoygii ay deganayeen oo ku yaalay degmada wardhiigley islamarkaana ahaa guri ka samaysan jiingado iyadoo ay gurigaasi ku noolaayeen sadexda wiil ee geriyootay iyo hoyadood oo iyana dhimatay halka aabihii caruurtaasi dhalayna uu kasoo gaaray dhaawac halis ah oo ay firirka hoobiyuhu ka galay dhuunta islamrkaana loola cararay isbitaalka keytsaney isaga iyo haweenay kale oo caruurtaasi ayeeyo u ahayd oo iyana dhaawac kasoo gaaray madaxa .

Sidoo kale rasaasta hoobiyaha oo habeenkii xalay ahaa aad looga wada dareemay magalada muqdisho ayaa sida ay sheegeen dadka degan agagaarka madaxtooyada ee degmada wardhiiley ay ilaa sadex hoobiye ku dhaceen xaafado ka tirsan degmadaasi iyo weliba ilaa dhowr kale oo iyana sida ay sheegayaan goob joogayashasi degan xafadahaasi ka ag dhow ay ku dheceen xarunta madaxtooyada ee villa soomaaliya .

Weerarada badanaaba habeenkii dhaca ayaa waxyeelada ugu ba.ani waxay kasoo gaartaa dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan iyadoo ay salka ku hayaan amaanm darida caasimada muqdisho oo kasii daraysa xiliba xiliga kasii dambeeya .

faytin yaasiin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Sept 10, 2007

Ciidamadii Dowladda Federaalka oo gebi ahaanba isaga baxay deegaanada SOS iyo Suuqa Xoolaha
.Geedi oo kulan gaar ah la yeeshay Ganacsada Caddaani
.Kulan deg deg ah oo ay isugu imaanayaan kooxda Contact G.
.Qaraxyo xalay laga maqlay qaybo ka mid ah Muqdisho
.Daahir Riyaale oo diiday in uu la kulmo C/llaahi Yuusuf
Warar GoosGoos ah ka akhri halkan... Sept 8

Xildhibaanada Xaawo C/llaahi Qayaad oo booqatey Xabsiga Gobolka Baay   
"layma tusin kuwa dilallka u xiran, laakiin wajiyadooda ayaan arkey".... Akhri... Sept 8

Somalia: Warbixinta Gaarka ee Hubinta Cutnada iyo Nafaqada ee FSAU.. Bishii 8aad, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com