SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Sept 8, 2007

  • Ciidamadii Dowladda Federaalka oo gebi ahaanba isaga baxay deegaanada SOS iyo Suuqa Xoolaha

  • Geedi oo kulan gaar ah la yeeshay Ganacsada Abuukar Cumar Caddaani

  • Kulan deg deg ah oo ay isugu imaanayaan kooxda Contact Group ee arrimaha Soomaaliya

  • Qaraxyo xalay laga maqlay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

  • Shirka Asmara oo laga yaabo in ay ka qaybgalaan kooxda Contact G.

  • Daahir Riyaale oo diiday in uu la kulmo C/llaahi Yuusuf

  • Safaaradda Liibiya ku leedahay Muqdisho oo kulan qado ah u sameysay qaybaha Warbaahinta


Ciidamadii Dowladda Federaalka oo gebi ahaanba isaga baxay deegaanada SOS iyo Suuqa Xoolaha

Shalay 4:00 Galabnimo ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka eek u sugan SOS, Shaneeno Cabdi Waayeel iyo Warshaddii Barafuunka ay isaga soo baxeen, waxaana la arkayey ciidamadaasi oo watay Gawaaridda Tiknikada ah oo qaaday wadada hor marta hoteel Ramadaan. Ciidankaasi markii ay baxeen ayaa waxaa wadooyinka buuxiyey dadweyne aad u fara badan oo dhigay banaanbax ku aadan Shucuurta ku Aadan ka bixitaanka Ciidamada Dowladda Federaalka, waxayna ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “Diinta Islaamka ayaan ku dagaalameynaa”.

Mudo bil iyo bar ku dhawaad ah waxaa deegaankaasi ka socday dagaalo goos goos ah oo xoggooda ka dhacayeen habeenkii, taasina waxay keentay in deegaankaasi si aad ah looga barakaco, iyadoo dadweynuhu sheegeen in ay ku dhib qabeen joogitaanka ciidamadaasi, sidoo kale waxaa deegaankaasi ka xirmay dugsiyadii iyo Iskuulaadkii, sidoo kale waxaa xirmay ganacsigii iyo isku socodkii Gaadiidka iyo dadka. Bixitaanka Ciidamaani ayaan la ogeyn sababaha keenay, hase yeeshee habeen hore ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal aad u qaraaraa oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Afhayeenka Ciidamada Booliiska iyo xiriirka Saxaafadda ayaa waxa uu caddeeyey in halkaasi ay ciidamada khasaare ka soo gaartay.

BAAFIN:

waan idin salaamay marka hore dhamaantiina salaan ka dib  waxaan halkaan ka baafinayaa nin aniga awoowgeyga ah oo reer kismaayo ah oo magaciisa la yiraahdo NUUR MAXAMED MUUMIN oo ku magacdheer NUUR SHIGSHIGOOW markii iigu wardambeysay awoowgeyga wuxuu joogay wadanka SWEDHAN laakiin hada waxaan maqlay inuu usoo guuray wadanka ENGLAND UK hadii aqbaartiisa la helo waxaa baafinaayo wiil uu awoow u yahay oo layiraahdo MAXAMED JEELLE XASAN oo ku magacdheer HADAAFOOW runtii aniga waxaan ku suganahay wadanka imaaraadka carabta gaar ahaan magaaladiisa DUBAI wuxuuna igala soo xiriiri karaa taleefoon lambar 00971502186524 ama email address maxamedjeelle@hotmail.com  intaas ayaana uga baxay waadna mahadsan tihiin
 

Deegaankaasi waxaa weli ku sugan gaar ahaan warshadda Baastada ciidamada Itoobiya oo iyaguna shalay oo dhan ku jiray feejignaan aad u weyn. Saraakiisah sare ee Dowladda Federaalka ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin waxa soo dedejiyey ka bixitaanka ciidamada ee deegaanadaasi.

Geedi oo kulan gaar ah la yeeshay Ganacsada Abuukar Cumar Caddaani

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti waxay sheegayaan in halkaasi ay ku kulmeen Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo Ganacsade Abuukar Cumar Caddaani oo xiligaasi la sheegay in uu Ganacsaduhu ku sii jeeday dalka Ereteriya si uu uga qaybgalo shirka maalintii shalay ahayd ka furmay.

Inkastoo saxaafadda aysan faahfaahin dheeraad ah ka bixin ka soo baxay, haddana warar waxay sheegayaan in labada mas’uul ay kulankaasi la iskula soo qaadeen sidii ganacsade Abuukar Cumar Caddaani uu dib ugu soo laaban lahaa Muqdisho oo uu ganacsigii uga sii wadan lahaa, warar ayaa waxay sheegayaan in Geedi uu ballanqaaday in Dowladdu ay bixineyso wixii khasaare ahaa ee ka soo gaaray dagaaladii ka dhacay Muqdisho.

Waa markii labaad oo ay isugu yimaadeen Ra’isul Wasaare Geedi iyo Ganacsade Abuukar Cumar Cadaani kulan, waxaana kulankaan dambe ka soo shaqeeyey Dowladda Jabuuti.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in kulankaani uu hordhac u yahay kulan la doonayo in ay isugu yimaadaan kooxaha Mucaaradka ah iyo Dowladda Federaalka.

Kulan deg deg ah oo ay isugu imaanayaan kooxda Contact Group ee arrimaha Soomaaliya

Waxaa Maalintii Isniinta ah la filayaa in ay Magaalada Roma kulan deg deg ah isugu yimaadaan kooxda Contact Group ee daneeye arrimaha Soomaaliya ee uu hor boodayo Mareykanka.

Kulankaan ayaan la ogeyn waxa soo dedejiyey qabashadiisa, hase yeeshee kulankaan ayaa lagu sheegay in uu yahay mid looga arinsanayo wajiga cusub ee la soo baxday arinta Soomaaliya, kadib markii shir balaaran ay isugu yimaadeen Askara dhamaan mucaaradka Dowladda Federaalka.

Kulanka kooxda Contact Group ayaa la sheegayaa in looga arrinsayo sidii ciidamo ka socda Midowga Afrika loogu diri lahaa Soomaaliya si ay gacan u siiyaan Dowladda Federaalka, warar kale ayaa waxay qeexayaan in kooxdaani ay soo saari doonto codsi loo jeedinayo Qaramada Midoobey oo ah in Soomaaliya loo diro sanadkaan dhamaadkiisa Ciidamo hoos taga Qaramada Midoobey si ay uga qayb-qaataan xaaladda nabadgelyo ee dalka Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya oo walaac ka muujisay mas’uuliyiin  ka qaybgashay shirka Asmara

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa la sheegay in ay walaac weyn ka muujisay markii shirkii Asmara lagu arkay rag ay si aad ah u baadi goobeysay kuwaas oo u haysatay in ay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya.

Raga sida aad ah ay walaaca uga muujisay waxaa ka mid ah Sheekh Xasan Daahir Aweys oo aan la ogeyn qaabkii uu ku tagay dalka Ereteriya, iyadoo dhowr jeer wareyso laga qaaday uu ku sheegay in uu ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Sheikh Xasan Daahir Aweys oo mudo 9-bilood ah aan lagu arag meel fagaare ah, kadib markii 29-kii December 2006 isgaa baxeen Magaalada Muqdisho una kicitimeen dhinaca deegaanka Kudhaa.

Afhayeen u hadlay Dowladda itoobiya waxa uu sheegay in shirka Asmara uu yahay mid qalalaase hore leh u keeni doona wadamada Geeska Afrika, hase yeeshee kooxaha halkaasi ku shiraya ayaa dhowr jeer waxay ku celceliyeen in aysan marnaba ogolaan doonin in ciidamada Itoobiya ku sii jiraan gudaha dalka Soomaaliya. 

Qaraxyo xalay laga maqlay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

Xalay fiidnimadii ayaa qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa laga maqlay qaraxyo iyo israsaaseyn u dhexeysay ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo aan la garaneyn deegaanka Carwo Idko.

Dagaalkaan oo socday mudo dhowr daqiiqo ah ayaan la garaneyn khasaarihii uu keenay, hase yeeshee dadweynaha ayaa sheegay in rasaas habow ah ay dad ugu tagtay guryahooda.

Dagaalkaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xili maalintii shalay ahayd ciidamo ka tirsan Dowladda FEderaalka ay isaga soo baxeen xerooyin ku yaala deegaanka SOS, Warshaddii Barafuunka iyo Shaneemada Cabdi Waayeel, waxa uuna bixitaankoodii uu keenay in dad fara badan ay isugu soo baxaan wadooyinka, kuwaas oo ku dhawaaqayey ereyo looga soo horjeedo ciidamada Dowladda iyo Itoobiya.

Shirka Asmara oo laga yaabo in ay ka qaybgalaan kooxda Contact G.

Warar aanu ka helnay magaalada Asmara ee dalka Ereteriya waxay sheegayaan in shirkaasi ay ka soo qaybgali doonaan maalmaha soo socda kooxda lagu magacaabo Contact Group ee Mareykanku hor kaco.

Marka ay dhameystaan kulanka ay kooxdaani isugu imaaneyso Magaalada Roma ayaa la filayaa in go’aanada ka soo baxa shirka ay u gudbiyaan shirka Asmara.

Warar ayaa waxay sheegayaan in kooxdaani ay doneyso in ay isku soo dhaweyso Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda, si la isugu yimaado shirweyne qaran Soomaaliyeed oo awood qaybsi ah.

Maalinta Isniinta ah waxaa sidoo kale kulan ka yeelan doona arrimaha Soomaaliya golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, waxaana xoogga la saari doonaa sidii Soomaaliya loogu diri lahaa ciidamo hor leh oo ka qayb-qaata hawlaha nabad sugida ee Soomaaliya la doonayo in laga sameeyo.

Daahir Riyaale oo diiday in uu la kulmo C/llaahi Yuusuf

Dowladda Federaalka ayaa martiqaad u fidisay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Madaxwey-naha maamulka Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, waxaana durbadiisa aqbalay casuumaa-daasi Madaxweyne C/llaalhi Yuusuf, hase yeeshee Daahir Riyaale ayaa la sheegay in uu diiday in uu kulan kula yeesho Adis-Ababa C/llaahi Yuusuf, kadib markii uu cadaadis kala kulmay aqalka Wakiilada iyo Mucaaradka maamulka Somaliland.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland ayaa xiriir buuxa waxay la leeyihiin Dowladda Itoobiya, hase yeeshee Dowladda Itoobiya ayaa waxay ku cadaadineysaa Daahir Riyaale in uu ka soo qaybgali kulankaasi.

Safaaradda Liibiya ku leedahay Muqdisho oo kulan qado ah u sameysay qaybaha Warbaahinta

Safaaradda Liibiya ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa maalintii khamiista ahayd waxay kulan qado ah ugu sameeyeen dhamaan qaybaha warbaahinta sida Idaacadaha, Wargeysyada iyo Web-Site-yada.

Kulankaan oo ahaa mid isbarasho ah ayaa safaaradda Liibiya waxay bahadda saxaafadda kaga tacsiyeysay dilkii loo gaystay mas’uuliyiinta idaacaha Horn Afrik iyo Capital Voice Cali Iimaan Sharmaake iyo Mahad Axmed Cilmi.

Maalinta Axadda ayaa waxaa hoteel Shaamow ka dhici doona kulan lagu xusayo sanadguurada 38-aad ee Kacaanka Wadanka Liibiya, waxaana la filayaa in ay ka soo qaybgali doonaan dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada

Safaaradda ayaa sanad kasta dhigta xuska Kacaanka Liibiya, waxayna safaaradda Liibiya tahay safaaradda keliya ee 17-sano la soo dhaafay ku sugneyd Soomaaliya, waxa uuna safiirku ka carooday markii dhawaan warbaahintu sheegeen in safaarado dhawaan la furay ay noqdaan kuwii ugu horeeyey ee dalka laga furo dagaal sokeeye kadib. 

W/D: Amiin Yuusuf KHasaaro.

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 8, 2007 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com