Xildhibaanada Xaawo C/llaahi Qayaad oo ah Gudoomiyaha Xuquuqda
Aadanaha Haweenka iyo Caruurta Baarlamaanka FKMG oo booqatey Xabsiga
Gobolka Baay "layma tusin kuwa dilallka u xiran, laakiin wajiyadooda
ayaan arkey"
Xildhibaanada Xaawo C/llaahi Qayaad oo ah gudoomiyaha Xuquuqul
Insaanka Haweenka iyo caruurta ee Baarlamaanka DFKMG oo booqaty Xabsiga
Dhexe ee Gobolka Baay ayaa la kulantey Taliyaha Qeybta ciidamada
Asluubta Gobolka, taliyaha Xabsiga Gobolka iyo ku xigeenka Xeer
ilaaliyaha Gobolka Baay,iyadoo ujeedada booqashadeeda ku sheegtey inay
ahayd si ay wax uga ogaato xaalada dhabta ah ee ka jirta Xabsiga iyo
lacag yar oo deeq ah oo ay iyada ugu tala gashay inay gaarsiiso
Maxaabiista ku xiran Xabsiga.
Xildhibaanad Xaawo waxay su'aalo weydiisay Taliyaha Qeybta Asluubta
ee Gobolka, kan xabsiga iyo ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Gobolka,
su'aalihii ay weydiisay waxaa ka mid ahaa mudada ay xirnaayeen
maxaabiista xiran, inay jiraan kuwo cuntada ka soomey?.

labada xildhibaan iyo haweenka Asluubta oo ka muuqata duruuf iyo lebis
la'aanta
Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Jamaal Maxamed Axmed ayaa wuxuu yiri "
hada waxaa inoo diyaarsan 30 maxbuus inaan maalinta sabtida ah aan
xukuno, dhibta kale ee meesha taala waa Maxaabiista looma hayo wax nolol
maalmeed ku filan waana mid laga doonayey Dowlada, Caafimaadkooduna waa
uu liitaa, Xukuumada iyo Baarlamaankuna kama warhayaan, waana dadd
muwaadiniin ah oo dembi galay, waxayna leeyihiin in la ilaaliyo
xuquuqdooda,maadaama bulshada inteeda kale laga qabtey dhibkii ay ku
hayeen, waayo Baydhabo waxa ka dhici jirey waa la wada og'yahay, kuwa
Xabsiga ku jira waxaa ka mid ah 10- Maxbuus oo lagu soo eedeeyey
dilall, Xabsiguna kuma jiraan Maxaabiis in mudo ah la hayey, sida
sharciga uu qabo kuwa dilka geyta waxaa Xabsiga lagu hayn karaa
90-maalmood, kuwa kale waa 45-maalmood,sababaha waqtiga fogeynayo waxaa
ugu wacan goobaha kala duwan ee dilallka ka dhaca oo aan isu dhoweyn,
waxayna u baahan tahay in la tago, anigu gaadiid ma haysto oo waan iska
lugeeyaa, xitaa nabadgelyadeena ayaa khatar ku jirta, mana haysano wax
na ilaaliya, waxaa mararka qaar dhacda in ruux aan xukun ku ridney
qaraabadiisa ay taleefoonka nagula soo xiriiraan iyagoo leh, waxaad naga
helidoontaa jawaab kugu filan".

ku xigeenka Xeer ilaaliyaha
Taliyaha Qeybta Ciidamada Asluubta oo aan si gooni ah su'aalo kooban
u weydiiyey Aadan Cali Axmed ayaa wuxuu sheegey in xabsiga ay ku xiran
yihiin 79 maxbuus,ayna xukuman yihiin 23, inta kalena ay yihiin xukun
sugayaal,intii uu xilka hayeyna wuxuu sheegey in maxaabiis badan lagu
soo xirey.

Taliyaha qaybta iyo Xaawo Qayaad.
Mar aan weydiiyey in ay jiraan kuwo u xiran dembi qaran ayaa wuxuu
yiri " ma jirto wax dembi qaran galey oo inoo xiran, sidoo kale mar aan
weydiiyey xubno in muido ah ku xirnaa xabsiga halka ay ku dambeeyeen
ayaa wuxuu yiri "waxaa loo gudbiyey xabsiyada kale ee dalka, wuxuuna ka
meer meeray halka loo gudbiyey".
Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo ka codsatey inay soo aragto
xaalada maxaabiista, inkastoo loo diidey in wariyeyaasha ay raacaan,
markii ay soo dhameysatayey kormeerkeeda ayaa Xildhibaanada waxay ugu
deeqdey Maxaabiista xiran $300 oo ay ugu talo gashay in wixii loogu
qaban karo loogu sameeyo.

bidix Xaawo qayaad, dhexda Jamaal midig Xildhibaanada Raabaco
Mar aan weydiiyey waxyaabihii ay kula soo kulantey Maxaabiista xiran
ayaa waxay tiri "layma tusin kuwii dilallka u xiraa,laakiin waxaan arkey
indhahooda iyagoo iga daawaney shabaq yar,laakiin waxaan arkey
wajiyadooda, waxaan kaloo la kulmey kuwo kale oo xirxiran, waxayna isugu
jireen kuwo xukuman oo 29 ah iyo 48 aan xukunayn, oo dhaafay mudadii
xabsiga lagu haynlahaa, waxaa kaloo aan ku soo arkey mid u xiran mudane
Baarlamaan ilaa 30 cisho, loomana soo gudbin wax maxkamad ah, waliba
waxaa uu ka dhaawacan yahay lugta, midkii dhaawaca u geysteyna lama soo
xirin, waxaana la ii sheegey in midka dhaawaca u geystey uu yahay mid ka
mid ah ilaalada Golaha Wasiirada, dhamaan maxaabiistaas ma haystaan
gargaar Bani'aadaninimo iyo mid Dolwadeedba ayey tiri Xaawo Qayaad oo
hadalkeeda sii watada aya intaa ku dartey "in 35 kiis oo xadgudb loogu
geystey Haween ganacsato yar yar ah iyo kuwo guryahooda joogeyba ay
jiraa,kuwaasoo lagula kacay kufsi, waxaan keloo ka xumahay bay tiri in
Magaalada Kismaayo ay dhacday dil aan waafaqsanayn Shareecada Islaamka
iyo Xeerrarka Caalamiga".
Marka laysku soo duubo xaalada Bani'aadaninimada liidata ee
Soomaaliya ayaa waxay tahay mid aan lagu soo koobi Karin warbixino yar,
balse waxay bilow u tahay sidii laysaga kaashan lahaa sida looga
hortagikaro, xabsiga magaalada Baydhabo waxaa ka muuqda waxyaabo badan
oo u baahan in sharciga la waafajiyo, sida nidaamka dhibka badan ee
4.5-ka, kan shuruurcada Caalamiga, ciidamada ilaaliya ma aha kuwo sidii
loogu talagalay u yaqaana xuquuqda Maxaabiista, qaarkood waxaa ka muuqda
kutumasho xuquuqda maxaabiista,hlka kuwo kale ay yihiin kuwo jaantaa
rogan ku jooga, sidaas ay tahay iyaguna ma haystaan waxyaabihii
daruuriga ahaa ee ciidamada Asluubta lagu yiqiimey.
Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com