SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Wariyaasha Somali-yeed ee ku sugan dalka kanya oo sameestay urur cusub.

    (Somali journalist association in Kenya (SOMJAK))  

Xafladan oo ka dhacdaay Magaalada Nairobi ee ah caasimada waddan-ka Kenya, Xaflada oo ugu horeytiiba ku bilaabatay Jawi heer sara ah iyadoo ay ka soo qeeb galeen Qaybaha kala duwan ee jaaliyada somalida ee ku sugan dalgan Kenya.

Xafldan oo runtii aheed xaflad aad loo soo agaasimay, waxaa lagu caleema saarayay Gudoomiye cusub oo ay yeeshaan wariyaasha Somali-da ee ku sugan dalkan Kenya. Iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Wariyaal  bulshada Somali-yeed magac ku leh.

Ujeed-ka ugu muhiimsan ee xafladan oo aheed in la caleemo saaro Gudoomiyaha cusub oo ay yeeshaan wariyaasha Somali-da ah ee ku sugan dalka Kenya si heer sara ah ay u dhacday.

Inta badan dadkii ka hadlay Xaflada waxa ay ka dhawaajiyeen in ay haboonaan laheed in maanta ay haboonan laheed in aanu waddan-keenii hooyo joogno halka aan maanta waddan aanan laheyn aanu ka unkeeno ururo ama jaaliyado.

 Dhanka kale TV-ga Univesal ayaa goob joog ka ahaa Xaflada iyadoo ay si wacan u duubayeen wixi meeshii ka dhacayay waxaana Kaarimada u duubayay Gabar. Sidoo kale waxaa joogay wariyaal iyo madax ka socday Idaacada Frontier Fm oo dadka somalida ah ee Kenya ku sugan ay aad u dhageestaan

Sidoo kale waxaa xafalada ku sugnaa Dhaqaatiir, iyadoo madaxda jaaliyada Kenya ku sugan ay job joog ka ahaayeen.

Ugu danbeyntii waxaa xaflada si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Gudoomiyaha la caleema saarayay waa ninka lagu magacaabo Ismaaciil Shakeeti oo dad-kii xaflada isugu yimid u jeediyay hadal macaan, sidoo kale Mudane Shakeeti waxa uu balan qaadyo u sameeyay Warfidiyeen-ka Somali-da ah ee ku sugan dalka Kenya meel kasta oo ay joogaan in ay siin doonaan Carsharo iyo Tababar ku saabsan xirfadooda si kor loogu qaado aqoonta ay u leeyihiin saxaafada. Sidaas ayayna xafladii ku soo dhamaatay iyadoo loo hanbalyeenayo Mudane Ismacil Shakeeti oo ah nin Karti dheeraad ah lagu tabayo. Ugu danbeeyntiina waxaa lagu dhawaaqay magaca ururka oo noqnaya saxafiyiinta somaliyed ee ku sugan dalka Kenya Somali journalist association in Kenya (SOMJAK).
 

Ibraahim Da'ud Abdalle (Gentleman).

Nairobi-Kenya.


Urur Saxafadeed caalami Ah Oo xariirinaaya Guud ahaan wariyayaasha Dalka Somaaliya oo looga dhawaaqay dalka kenya.

  
Xaflad  si heer sare loo soo agaasimay oo ka dhacdaay Magaalada Nairobi caasimada dalka  Kenya, Xafladaa oo ay ka soo qayb galeen dhamaan bul shada kala duwan sida siyaasiin wax wax garad odayaan dhaliin yaro hawayn iyo shacabsomaliyeed oo  aad u tira badan.

Xafldaa ayaa waxay ahayd mid lagu,caleema saarayay Gudoomiye iyo  K/xigen cusub oo ay yeeshaan saxafiyiinta  Somaliyeed ee ku sugan guud ahaanba dalkan Kenya. Iyadoo ay goob joog ka ahaayeen saxaafada qaybaheeda kala duwan iyo wariyaal ajaanibi  ah.

xafladan  ayaa ahayd mid loo qabay baahi aad ufara badan madaama ay

jiraan wayiraal ama saxafiyiin ka soo cararay caasimada jamuuriyada Somalia ee muqdisho isla mar ahaantaana aan haysan wax ku daryeela dalka Kenya.

Gudoomiye kuxigeenka ururka suxufiyiinta somaliyeed wadanka Kenya mudane.cabdi rashiir maxamed xashi oo ku magac dheer(Duqa) ayaa isagu halkaasi ka balan qaaday inay wax weyn ka badali donaan dhamaan saxaafada somaliyeed ee ku sugan guud

ahaanba dalka Kenya misina ay u samayn donaan taba baro sy ku doonayaan inay ku hormariyaan saxaafada soamliya. Waa sida uu hadalka u dhogaye.mudane.Duqa.

Mudane. C/rashiid duqa. Ayaa waxaa  gaashaanka ku dhuftay inay manta saxaafada Somalia ama wariyaasha somaliyeed ay ku jiraam dhibaato aad u xun misina had iyo jeer loo gaysto dacadidyo kala duwan isagoo sheegay inay ka codsanayaan dhamaan shacbiyada somaliyeed meel walba ay jogaan inay ixtiraam siyaan qofka wariyaha ama saxafiga ah.waayo wariyaha maaha nin shaqsi u shaqaynaya  ee waxaa ka wada dhaxeeyaa dhamaan shacabka soamliyeed meel walba ay jogaan ayuu idhi G/doomiye kuxigeenka ururka suxufiyiinta

somaliyed dalka Kenya mr.cabdi rashiid duqa.

Si doo kale isaga waxaa halkasi ka hadlay aaqil maxamed xassan yuusuf oo aad uga mahad celiyay dhamaan saxaafada somaliyeed gaar ahaan gudoomiyaha iyi kuxigeen kiisa waxuuna yidhi aaqilka,sida.waxaa manta sharaf weyn ii ah inaan idinkala soo qayb galo manta xafladan qiimaha iyo qaayaha badan ee aad ugu casuunteen waxaan idinka donayaa masuliyiintiina inaad wax weyn kabadali dontaan dhamaan saxaafada somaliyeed meel walba ay jogaan qaas dalkan aan haatan kusuganahay ee Nairobi waxaan idin balan qadayaa inaan garab idinsiin doono hiil iyo hooba wadna mahad santihiin.

Dhanka kale waxaa isaguna qudbad aad iyo aad lagu wada dhagtaagay halkaasi ka soo jeediyay Gudoomiyaha jalliyada umada somaliyeed dalka Kenya isla markaana ah xogeyaha guud ee ururka suxufiyiinta somaliyeed dalka Kenya mudane ahmed cabdi samed cali shire waxuuna hadalkiisi ku bilaabay sidan, waxaa  manta sharaf weyn ii ah inaan idinkala qayb qaato xaflada qiimaha iyo farxada ka muuqata laguna caleema sarayo gudoomiyaha ururka suxufiyiinta somaliyeed dalka Kenya mudane ismaciil shakeeti anigoo ku hadlaya afka jalliyada soamliyeed ee Kenya iyo guud ahaanba afkiina waxaan garab taaganahay ururka hortayda manta lagu dhisay isla mar ahaantaana aan rajaynayo inuu gabi ahaanba ka hana qadi doono dalka Kenya wana idin garab taaganahay waxii aad nooga baahataana waa idilla qaban donaa hadii rabi didmo insha

allah.
 waxaa isaguna halkaasi ka hadlay wakiilka u qaabil dhamaan dalka Kenya ururka suxufiyiinta somaliyeed ee markiii lasoo gaabiyo loo yaqaano.(Nasoj.) mudane.C/wali ibraahim (Garyare) Waxuuna hadalkiisa ku bilaabay sidan, anigoo ku hadlaya misina wakiil ka ah dhamaan ururka suxufiyiinta somaliyeed ee loo yaqaano,(Nasoj.)waxaan manta halkaan ka balan qadaynaa ka urur ahaan inaan garab taaganahay ururka manta aan ka soo qayb galay la iguna casuumay caleema xafladii waxaa u sheegaynaa inaan garab qaban doono lana garab istaagi doono waxii ay nooga bahdaa hadii ay ahaan lahayd hiil iyo hooba wadna mahad santihiin.
  
Gaba gabadii xafladaasi ayaa waxaa qudbad aadba moodo ina loo soo agaasimay sida xaflada loo soo agaasimay ayaa waxaa soo jeediyay gudoomiyaha ururka suxufiyiinta somaliyeed wadanka Kenya mudane ismaciil shakeeti waxuuna yidhi,mahad rabi ayaa iska leh marka xigta waxaan si farxadi ay ku dheehan tahay ugu mahad celinayaa dhamaan gasoo qayb galashaada sharafta mudan noosoona huray waqtigooda waxaana leeyahay waad mahad santihiin marka xigta xilka la isaaray waxaan jeclahay ama aan balan qaadayaa inaan gudan doono sida la iigu dhiibay inaan kaga soo bixi doono wajibadka aad  I sarteen walaalayaal waxaana idin balan qadayaa inaan wax weyn ka badali doono hadii rabi idmo insha allah dhamaan saxaafada
somaliyeed meel walba ay jogaan ka sii gaar ahaan kuwa haatan jooga dalka Kenya idinkana waxaan idinka cod sanayaa inaad ila wadaan shaqadan aad ii idmateen manta sidaa iyo wabilaahi towfiiq.  
 
  
Ahmed hanad
  
Nairobi Kenya.tell.
  

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2007 

Ciidamadii Dowladda Federaalka oo gebi ahaanba isaga baxay deegaanada SOS iyo Suuqa Xoolaha
.Geedi oo kulan gaar ah la yeeshay Ganacsada Caddaani
.Kulan deg deg ah oo ay isugu imaanayaan kooxda Contact G.
.Qaraxyo xalay laga maqlay qaybo ka mid ah Muqdisho
.Daahir Riyaale oo diiday in uu la kulmo C/llaahi Yuusuf
Warar GoosGoos ah ka akhri halkan... Sept 8

Xildhibaanada Xaawo C/llaahi Qayaad oo booqatey Xabsiga Gobolka Baay   
"layma tusin kuwa dilallka u xiran, laakiin wajiyadooda ayaan arkey".... Akhri... Sept 8

Somalia: Warbixinta Gaarka ee Hubinta Cutnada iyo Nafaqada ee FSAU.. Bishii 8aad, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com