Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle ee DFKMG oo uga socda
shir Al-baabadu u xiran yihiin Magalada Baydhabo.
Shir Al-baabadu ay u xiran yihiin oo ay isugu yimadeen
Xildhibaanada Beelaha Digil iyo Mirifle ee ku sugan Magaalada
Baydhabo oo looga hadlayo arimo ay ka mid yihiin dhismaha Dowlad
Goboleedka Koofur Galeed, Dimuquraadiyada, Nidaamka 4.5-ka, qaabka
uu umaamulayo Md. Gudoomiye Sh. Aadan Maxamed Nuur {Sh. Aadan
Madoobe} fadhiyada Baarlamaanka ayaa ka socdey gelinkii dambe ee
9/09/007 Guriga Xildhibaan Ibraahim Cabdi Nuur ee Magaalada
Baydhabo.
Shirkaan oo u muuqda mid mudo badan laga soo shaqeynayey ayaa
Ajendeyaasha hor yaala ee ay uga hadlayaan dhismaha Dowlad
Goboleedka Koofur Galbeed ayaa waxaa la sheegayaa in laga soo
shaqeynayey mudo ku dhowaad hal Sano, qaabka dhismaha maamul
Goboleedka Koofur Galbeed iyo shuruucdii lagu dhaqi lahaa, sida aan
wararka ku helney ayaa waxaa ku midaysan 3-Beelood oo waaweyn oo
Dega Gobolada Baay, Bakool, Sh/hoose, Gedo, J/dhexe iyo J/hoose,
Beelaha ku mideysan ayaa waxaa la iigu sheegey Beelaha Digil iyo
Mirifle, Beelaha Sede iyo Beelaha Absame, ku dhawaaqista maamulkan
Koofur Galbeed ayaa waxaa lala sugayey Odey dhaqameedyada Beelahaan,
Aqoonyahanada iyo qaar ka mid ah Siyaasiinta Beelaha ee ka qaybgaley
shirka dibu-heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed ee lagu soo
gebagebeeyey 30/08/007 Magaalada Muqdisho.
Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ayaa lagu wadaa inuu yeelan
doono Gole Baarlamaan, Gole Wasiir, mid Garsoor, Gole Odayaal iyo
Aqoonyahano ka saacida habsami u socodka hawlaha Maamul Goboleedka.
Sidoo kale Ajendaha shirka qodobadiisa arimaha dimoquraadiyada
iyo Nidaamka 4.5-ka ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa qaabka Awood
qaybsi ee DFKMG ay ka heleen Beelaha Digil iyo Mirifle, waxa ka
maqan iyo sida lagula xisaabtamidoono DFKMG mas’uuliyiinteeda sare.
Dhinaca kale warar hoose oo aan ka helney Xafiiska Gudoomiyaha
Baarlamaanka Md. Sh.Aadan Maxamed Nuur {Sh. Aadan Madoobe} ayaa
sheegaya in gudiyada Baarlamaanka Gudoomiyeyaashooda ay la kulmeen,
islamarkaana ay weydiiyeen su’aalo dhinaca maamulka iyo hawlaha
Baarlamaanka horyaala, taasoo su’aalaha qaarkood ay ku adkaatey inuu
maareeyo, balse uu ku qanciyey inuu u hawlgalayo sidii uu jawaabo
macquul ah ugu soo gudbin lahaa.
Hase ahaatee arimahaan hada socda ayaa waxay u muuqdaan kuwa
sanado badan la hadal hayey in dalka Soomaaliya laga hirgeliyo,
taasina waxaa sababay Maamulkii hore ee Militeriga intii uu jirey
ayaa waxaa uu abuurey in Beelaha qaarkood si gooni ah loo haybsooco,
islamarkaana la gumaado kuwaasoo dega Gobolada Waqooyi Bari, Waqooyi
Galbeed iyo kuwa dhexe, taasina waxaa ka dhashay kacdoon aan
xakameysneyn oo wata wajiyo Urur Beeleed, laakiin taasina dawo lagu
nasto ma keenin, waxaana xigey in Beelaha qaarkood mar kale si wadar
ah loo haybsooco iyadoo la gumaadayo, aakhirkiina waxay dhashey in
Beelihii dhexdooda ay dib isugu noqdaan, waxaana la qabtey shirar
kala duwan oo midkasta sii fogeynayay deganaashihii dadka iyo dalka
Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyey kii lagu soo dhisay DFKMG,
dhowaana waxaa lagu soo gebagebeeyey Muqdisho shir Beelaha
Soomaaliyeed, isagoo aan dhamaan ayaa waxaa furmey kalfadhigii
Golaha Baarlamaanka oo isagana hawshiisa ku bilowdey arimo aan
waligeed Soomaaliya ka dhicin balse u muuqda mid dhalanteed ah,
sidaas darted DFKMG iyaduna waxay ku socotaa mugdi ah oo in badan
dadka Soomaaliyeed lagu soo hagayey, mustaqbalkuna waxay keeni
doontaa in kooxdii talada qabtaa ay markeeda sameyso waxay sameyn
lahayd.
Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo
fatxumaalik@hotmail.com