Ma in Ubad la dhalaa argaggax
leh...?!!.
Daraasado-bulshadeed dhowaan la
sameeyay, ayaa waxaa ay soo ban-dhigtay: in qaar ka mid ah
waddammada reer-galbeedka ay Haweenkoodu wal-wal xoog leh iyo
walbahaar ka muujiyaan "Uur-yeelashada" iyo "Ubad-dhaliddaba". In
xitaa la dhalo, la koriyo oo la ababiyo hal canug, ayay haweenkaasu
u arkaan arrin raaxada, nasashada iyo farxaddaba ka qaadeysa labada
is-qabta..!!.
Waxaa Daraasaddii ugu dambaysay
lagu ogaaday in %10 ka mid ah Haweenka iyo %15 ka mid ah ragga ku
nool dalalka Maraykanka iyo Kanada ay diiddan yihiin guud ahaanba
in Ubad la dhalo, oo la noqdo " hooyo iyo aabbe". Tirada dadka
sidaas qaba ayaa weliba ku sii jirta koritaan xawli leh.
Culimada Cilmu-nafsiga iyo kuwa
Cilmiga mujtamaca, ayaa aad uga soo hor-jeeda, oo la dagaallama
fikraddaas, waxayna ogaadeen in sababaha loo diidayo waayadan in wax
la dhalo, ay ka mid yihiin: cabsi ay dadka dalalkaas qaarkood ka
qabaan oo ka sii walwalayaan shaqo la'aanta sii badanaysa iyo in
hadhow la dabooli kari waayo baahiyaha faraha badan ee Ubadka
dhalanaya iyo weliba argaggax laga sii qabo Mashaqooyinka dabiiciga
ah ee la sheegay inay dunida ku soo fool-leeyihiin, ee ay ma midka
yihiin:- is-baddalka Cimilada oo keeni doona : kororka Kulaylka,
ayna ka sii dhalanayaan: dhalaalka Barafka ceegaaga cirifyada
dunida, oo isaguna sababi doona daadad, fatahaadda webiyada iyo
Harooyinka iyo Musiibooyin kale oo dabiici ah.
Cilmi-baaristan ayaa intaas raacisay
in "Mac-hadka Caalamiga ah ee Daraasadaha Dimogarafiyada uu dhowaan
shaaciyay isaguna: in meel-dhexaadka Ubad-dhalidda ee Haweenka
dalalka reer Galbeedka uu hadda yahay laba Canug/haweeney kasta,
taas oo ku sii socota hoos u dhac....!!!.
Annagu Soomaali-ahaan, waxay
culimo badani u arkaan in: waqtiyada hadda nagu soo aaddan aynu u
baahan-nahay : is-guursi iyo Ubad-dhalid badan( taran ), waayo,
iyadoo aynu markii horaba tira-yarayn, marka laysu eego dhulka
Jamhuuriyadda xorta ah oo la eg 638.000-Km2. iyo tirada dadka
Soomaliyeed oo lagu qiyaasi jiray ku-dhowaad 10-milyan oo ruux
dagaallada ka-hor, ayaynu 20-sano ku-dhowaadkii ugu dambeeyay isku
aafeynay ,iskuna gumaadnay dagaallo sokeeye oo doqonnimo ah; ugu
dambeyntiina quwado shisheeye ayaynu isu sii adeegsannay, qiil
kastoo loo yeelaba...!!!.
Sidaas darteed,-Allaha ka dhigo
ee- markii ay nabad buuxda oo Soomaalinimo ku dhisan dalka ka
dhalato, kana hana-qaaddo, waxaa loo baahanayaa daboolidda halkii ay
banneeyeen Hanaddadii isugu jiray: Ciidammada Qalabka sida,
Siyaasiyiin, Aqoon-yahanno, Xoogsato, Haween, Dhallinyaro,
Farasa-yaqaanno iwm. ee ku naafoobay ama ku le'day dagaallada
doqonnimo( sokeeye ).
Dhaqaalaha, Aqoonta, Caqliga,
dib u dhiska dalka, hoggaanka Siyaasadda iyo horumarka guud , ayaa
intaba ku xiran dadka. Sidaas darteed, waa in ubad la dhalaa lana
tarmaa...
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2007
Ciidamadii
Dowladda Federaalka oo gebi ahaanba isaga baxay deegaanada SOS iyo Suuqa
Xoolaha
.Geedi oo kulan gaar ah la yeeshay Ganacsada Caddaani
.Kulan deg deg ah oo ay isugu imaanayaan kooxda Contact G.
.Qaraxyo xalay laga maqlay qaybo ka mid ah Muqdisho
.Daahir Riyaale oo diiday in uu la kulmo C/llaahi Yuusuf
Warar GoosGoos ah ka akhri halkan...
Sept 8
Xildhibaanada Xaawo C/llaahi Qayaad oo
booqatey Xabsiga Gobolka Baay
"layma tusin kuwa dilallka u xiran, laakiin wajiyadooda ayaan arkey"....
Akhri... Sept 8
Somalia:
Warbixinta Gaarka ee Hubinta Cutnada iyo Nafaqada ee FSAU.. Bishii 8aad,
2007


|