SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Xuskii 25 guurada Xoreyntii Goldogob iyo shirka xoreynta Soomaaliya ee Asmara oo isku soo aaday waa guul
 
Maxaa kulmiyey labada guul?
 
Halyey Zakariya Xaaji Maxamuud oo wax ka xoreeyey Goldogob 1982 inuu hadda noqdo afhayeenka ururka xoreynta Somalia ee Asmara waa guul kale.
 
Ma nasiibaa mise qorshe ulakac.ah? 
 
Maalintii Shacabka Soomaaliyeed iyo xooggii dalka Soomaaliyeed ka xoreeyeen Goldogob cadowga Etiopía 25 sano ka hor  iyo maanta oo la asaasay jabhadda xoreynta Somalia ee Asmara   labaduba waa taariikh muhiim ku ah Somalia.
 
Maanta dalka somalia gaar ahaan Caasimadii somalia Muqdisho waxaa haysta cadowga Etiopía.  
 
Isbitaalkii ay ku jireen curyaamiintii xooga dalka Soomaaliyeed waxaa maamula Ethiopian
 
Taalooyinkii qaranka:  Sayid Maxamed A, Xasan, Axmed Gurey, Xaawo Taako waxaa maamula Ethiopian
 
Jaamacaddi qaranka, matxafkii qaranka, xaruntii acadeemiyada qaranka, Radio Muqdisho  xaruhimhii ciidamada qaranka waxaa haysta Ethiopians
 
Golayaashii cayaaraha iyo goobahii caruuraha Soomaaliyeed lagu xanaanayn jirey waxaa maanta haysta Ethiopia.
 
Damane Cabdilaahi Yusuf SSDF iyo Damane Ali Mahdi USC weli dhibtii waa wadaan iyo Ethiopia u adeegid mana ka daalaan. xoogagga xoreynta Somalia inay daalaan maaha 
 
Garoonkii diyaaradaha dalka, dekadii dalka iyo madaxtooyadii dalka iyo shacabkii Soomaaliyeed waxaa haysta Ethiopans
 
Waxaan hanbalyo u gudbinaynaa geesiga Zakariye hají Maxamuud oo hore uga soo qatb qaatay xoreyntii Goldogob Inc. Maanta noqdo aghayeenka Jabhadda xoreynta Somalia oo uu u guntado bal sidii Goldogob 1982 inuu u xoreeyo Muqdishu 
 
Rubuc qarni ka dib xoreyntii Goldogob waxaan soo dhoweynaynaa ururkan cusub ee Xoreynta Somalia ee maanta looga dhawaaqay Asmara anagoo filanayno inay shirkooda ku soo gebo gebeeyeen Abracada xuska Maalinta Xoreynat Goldogob 1982 halgankoodana hal ku dheg uga dhigtaan  iyo tusaale.
 
Guushii Goldogob rubuc qarni ka hor waa guul u soo hoyatay dhamaan shacabka Soomaaliyeed waxayna mudan tahay in laga xuso meelkasta oo Somali wadaniyiin ah oo xor ah joogaan maxaa wacay
 
Geesi Soomaaliyeed Zakariye :  Guul Gobanio ama Geeri.
 
CADOWGA MAANTA WAA KII GOLDOGOB LAGA XOREEYRY 1982  (Abdilaahi Yusuf iyo Ethiopia  waxaa ku soo biirey Gedi)
 
 
Jaamac Cali Xusuusdheer
xasuuq1982@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2007 

Ciidamadii Dowladda Federaalka oo gebi ahaanba isaga baxay deegaanada SOS iyo Suuqa Xoolaha
.Geedi oo kulan gaar ah la yeeshay Ganacsada Caddaani
.Kulan deg deg ah oo ay isugu imaanayaan kooxda Contact G.
.Qaraxyo xalay laga maqlay qaybo ka mid ah Muqdisho
.Daahir Riyaale oo diiday in uu la kulmo C/llaahi Yuusuf
Warar GoosGoos ah ka akhri halkan... Sept 8

Xildhibaanada Xaawo C/llaahi Qayaad oo booqatey Xabsiga Gobolka Baay   
"layma tusin kuwa dilallka u xiran, laakiin wajiyadooda ayaan arkey".... Akhri... Sept 8

Somalia: Warbixinta Gaarka ee Hubinta Cutnada iyo Nafaqada ee FSAU.. Bishii 8aad, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com