SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
Goordhexe Maray Xalay Ahayd Diiday Gogoshiiye

PLAATS HAARLEM  ZONDAG

24/10/1998

Waxaan qoray tixdaan gaaban balse micnaha weyn leh Taariikhda kor ku xusan anigoo runtii aan ba ku talo galin in aan qoro Waxaan xasuustaa in erayga tixda ugu horeeya oo ah

Goordhexe Maray Xalay Ahayd Diiday Gogoshiiye

inuu maskaxdayda ku soo dhacay ilaa iyo hada ma aqaano waxa igu dhaliyey ama sababta keentay in eraygaasi madaxayga soo galo balse waxaan ku qiyaasay in hiloowga aan u qabo wadankeenii hooyo iyo dhabaatada uu ku jiray ilaa iyo hadana uu ku jiraahi ay sabab u ahayd ,,,

Hadaba waxaan jecelahay inaan idiin soo gudbiyo tixdaasi anigoo rajaynaya

In aqrinteedu idinku dhalin doonto in qabiilka iyo waxa aan caadada ka dhigay ay noqdeen wado sahlan oo cadawgeenu wadankeena ku qabsado dhib la’aan.

Sidaan ayaana ku bilaabay:- 
 

  1. Goor dhexe maxay xalay ahayd
  2. Diiday gogoshiiye
  3. Waxa gama’ ii diidayee
  4. Uuntii iga gooyey
  5. Galiilyada waxaa iigu wacan
  6. Gabi dhacyaalaynta
  7. Uurkayga gubayee
  8. Qalbigu ila gariiraayo
  9. Ee gabayga ii geeyayee
  10. Laabtu gocanayso
  11. Hadaan goobta soo dhigo
  12. Anoon gees u badanaynin
  13. Gafna aan qof saarayn
  14. Xumaan uunku wada gaystay
  15. Gar maqaadanaysaan
  16. Runtaa laga garaabaaye 
  17. Guulahay siduu yiri
  18. Hadaan galabta faaleeyo
  19. Qabiil gaabintii waa inaad
  20. Haybta garataaye
  21. Ood gacal lahaataa walaal
  22. Gees kastooy tahaye
  23. Maantase waxaa loo gadiyey
  24. Saan u garanaayo
  25. Gabagabo dagaal iyo
  26. Wuxuu guulahay nacaye
  27. Walaalkii ninkii god u qodee  
     
  28. Geeridii jecele
  29. Guri nabad inuu degena raba
  30. Waw garaad yariye
  31. Waxaan guul ku faanaa
  32. Markaan gowracnaa darise
  33. Ama weerar gaadmo ah
  34. Islaan aan gablaminaaye
  35. Gaddaas noqotay
  36. Soomaaliyeey garashadiiniiye
  37. Gayigeeni goof noqoy cidlo ah
  38. Gole colaadeede
  39. Guyaal hore sidii ay rabeen
  40. Gaalo yaa timide
  41. Googo’a dalkeenii markale
  42. Gaare nacab keene
  43. Daba go’a miyeydnaan arkayn
  44. Gaabi cududooda
  45. Miyeydnaan ka gubanayn dadyahow
  46. Heerka nala geeyey
  47. Mise waxaa go’aankeenu yahay
  48. Saan u kala guurnay?
  49. Afartaa ka sii gudub
  50. Ilayn gogol dhac weeyaane
  51. Gundhigiina waa kane
  52. Bal maqal gabagabayntiisa
  53. Geediga halkaan reerka gayn
  54. Waydin garansiine
  55. Intaan gaari karayaan
  56. Murtida gacan togaalayne
  57. Qalbiyada gadoomaan
  58. Rabaa inay gariiraane
  59. Gaawaha u soo cula
  60. Markaan gobodii weeyaane
  61. Halkaan gaar isleeyiyo
  62. Halkaa galabta aan joogo
  63. Guyaal hore halkaan soomaraba
  64. Kala gad weeyaane
  65. Gadgadoonka dunidaa sidaa
  66. Geerida horteede
  67. Cirka oo gamaamudan
  68. Daruur geesaha ishaysa
  69. Saymuhu isgaafeen mar qura
  70. Gugacna yeeraayo
  71. Intaan go,bo dhulkaba soo dhicinoo
  72. Raysba laba gaarin
  73. Geelu wuxuu u yaacaa
  74. Halkay gali ku taalaaye
  75. Waxaan uga goleeyahay
  76. Ma garan geela hadalkiisa
  77. Inaan nabada goobnaa haboon
  78. Oon is garanaaye
  79. Calankeenii googo’ay
  80. Markale la isla goobaaye
  81. Gargaar ruux natarayaa ma jiro
  82. Gaaliyo islaame
  83. Waa inaan anagu gayfanaa
  84. Xumaha goynaaye
  85. Gacmaha isa saarnaa
  86. Markale gacal walaalowno 
     

Waxaa tiriyay

Abdirahman Ebar

Email: ebar5@hotmail.com.co.uk

Gabay kale:

PLAATS/DENHAAG     29/10/1998 
 

  1. Inkastoon da’adeed gaarayoon
  2. Ahay nin soo daalay
  3. Deelay inaan galo marabin
  4. Dood horoon garane
  5. Waxse maanta igu diray
  6. Ayaan idin dareensiine
  7. Bal inaad ku diirtaan
  8. Murtida yaan u degayaaye
  9. Anigoon degdegahayn
  10. Ayaan soo dul marayaaye
  11. Waxaan soo bandhigayaa
  12. Dadyohow daawo qaaliyahe
  13. Damiir ruuxaloow maqal
  14. Diciif daayey hadalkiise
  15. Kala dilida dariskiyo
  16. Waxay diintayadu diiday
  17. Danta gaar duqooydooy
  18. Ka hara diro diraalaynta
  19. Isku duma dagaal nama mudnee
  20. Daacadna ahaada
  21. Qabiil daaya duug malaha oo
  22. Waa wax noo darane 
  23. Waa waxa dalkeenii qaribay
  24. Oon la degi waynay
  25. Waa waxa dariiqyada nadhigay
  26. Dayrka gaalada e
  27. Daacuun ka daran oo malahan
  28. Qiimo soo duxa e
  29. Adinkuna inaad dabo gashaan
  30. Ma ahan dowgiine
  31. Haku daalin soomaaliyeey
  32. Waan idiin digiye
  33. Afartaa hadii aan dabroo
  34. Dulucda sii aado
  35. Dumarkiyo caruurtii marqura
  36. Dibada loo dhoofshay
  37. Da’ayartii dalkeenu u maqnaa
  38. Waa ladaayacaye
  39. Afkoodii damiin bay ka yihiin
  40. Doojna waw sahale   <jarmal>
  41. Waalid laga dambeeyaan naqiin
  42. Laga ducaystaaye
  43. Maantana dacway taagantiyo
  44. Waa isoo dayaye
  45. Darajayn dhamaatiyo
  46. Wuxuu daa,imkeen yiriye
  47. Intaan daday dabool saaraybaa
  48. Kaaga sii darane
  49. Inta aan dibnaha soo marayn
  50. Daa bal hadalkoode
  51. Daa’imkeen inaan barino oon
  52. Diintayada raacno
  53. Daawadaydii waa taas
  54. Anigu doorka aan bidaye
  55. Daba qabashadaa ila haboon
  56. Inaan xumaha daynaaye
  57. Dariiqaas maraacnaa
  58. Intaan daad nawada qaadin
  59. Halkaas degay ninkii dood qaboow
  60. Hadalka kuu daayey..

Waxaa tiriyay

Abdirahman Ebar

Tel:079

Email: ebar5@hotmail.com.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 10, 2007 

Ciidamadii Dowladda Federaalka oo gebi ahaanba isaga baxay deegaanada SOS iyo Suuqa Xoolaha
.Geedi oo kulan gaar ah la yeeshay Ganacsada Caddaani
.Kulan deg deg ah oo ay isugu imaanayaan kooxda Contact G.
.Qaraxyo xalay laga maqlay qaybo ka mid ah Muqdisho
.Daahir Riyaale oo diiday in uu la kulmo C/llaahi Yuusuf
Warar GoosGoos ah ka akhri halkan... Sept 8

Xildhibaanada Xaawo C/llaahi Qayaad oo booqatey Xabsiga Gobolka Baay   
"layma tusin kuwa dilallka u xiran, laakiin wajiyadooda ayaan arkey".... Akhri... Sept 8

Somalia: Warbixinta Gaarka ee Hubinta Cutnada iyo Nafaqada ee FSAU.. Bishii 8aad, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com