dhamaan walaalayaal salaan kadib waxan filayaa in
walaalkeen abuu ciisa tarmadi uu ka hadlay maqaal ay qortay
walaasheen Zahra oo ku saabsanaa ma ilaawi karnaa waxii shalay
dhacay.
waxan filayaa sida aniga ay aragtidayda ila tahay
qaabka ay maqaalka u qortay walasheen Zahra iyo qaabka uu u fasirtay
walaalkeen ciise in farqi wayn uu u dhaxeeyo.
abuu ciisaa waxa aad ka hadashay laba qodob oo ay ka
hadashay Zahro oo aad ku dhaliishay hadii aysan ka noqona aad ku
tilmaamtay inay ku jirto danbi ilaahayna ay u noqoto. dhowr qodob oo
ahaa .1. qabyaalada 2. dhaxalka 3. gudniinka mida qabyaalada hadii
aan ka hadlo, waxay sheegtay walasaheen zahro in dhibaatada
soomaaliya ka jirta ay sababa leedahay, sababtaasna ay ugu horayso
qabiilka, waxan filayaa figradaas inay sax tahay oo qabiilka uu
yahay mushkilada soomaalida maanta kala gaysay, qofka soomaliya
joogana uu wax ku yahay hadba qabiilka uu ka dhashay.
haduu qabiil wayn ka dhashay waa qof sharaf ku leh
qabiilkaas wayn oo uu ka dhashay haduu qabiil yar ka dhashay si
kastoo aqoon uu u leeyahay waxuu ku shafar beelayaa qabiilkaas yar
oo uu ka dhashay, arimaha bulshada wax kaalin ah kuma lahan maadaama
qabiilkiisa uu yaryahay, siyaasada, dhaqaalaha iyo horumarka dalkana
miisaan kuma yeelanayo haduusan qabiilkiisa miisaan laheen, sidaa
daraadeed walaasheen Zahro wwaxay tilmaamaysay kana hadlaysay
mushkiladaa wadanka a jirta ee ku salaysan qabyaalada hadii aan laga
bixin inaanan wax horumar ah lagaarayn. waxayna tiri ((Waxaa ugu
horreeya xalka waddankeena in aanu marka hore erayga qabiil la isku
raaco in uu yahay eray af lagaado ah ama erey la isku caayo)).
hadalkaas oo macnihiisa aan ka fahmayno iyo
qabiilka soomaaliya ka jiro ee sida xun u shaqeeyo in maskaxdeena
aan kasaarno, oo aan noqono dad muslimin ah ilaahay dartiina u
walaaloobay qabiilna aan isku kala saaraynin. waxaana filayaa in
figradaas hadii sida ay tahay loo qaato ay tahay figrad wanaagsan
umadana dan iyo maslaxad ugu jirto, laakiinse taasi macnaheeda
maahan in nasabkii labaa bi'iyo, oo qofka nasligiisa aan la aqoonin,
macnaha loo baahan yahay inaan ka fahanana waxa weeye in qofka
soomaaliga ah uusan qabiil wax ku raadin ama wax ku noqon ee uu wax
ku raadiyaa sooomalinimo iyo aqoontiisa/xirfadiisa. marka labada
arin isma diidayaan Zahro iyo abuu ciise, hadalkuna isku meel buu u
socdaa. qodobka labaad ee ahaa in raga iyo dumarka ay isku
midyihiin, walaalkeen ciise waxuu ku tilmaamay in hadalkaas uu meel
ka dhac ku yahay Alle xigmadiisa.
waxan filayaa sida diinteena ay inoo sheegtay
majiraan wax kala sareen ah oo raga iyo dumarka u dhaxayso, taasina
waxaa daliil u ah. 1. xaga cibaadada iyo caabudida ilaahay waa u
siman yihiiin, oo gabadha 5 wakhti inay tukato ayaa laga rabaa
ragana sidoo kale 5 wakhti inay tukadaan ayaa laga rabaa. 2. ninkii
danbaaba ilaahay waa uu ka abaal marinayaa, dumarkana sidoo kale
ayuu ilaahay uga abaal marinayaa. 3. xaga zakada raga iyo haweenka
isku zakaa laga rabaa oo lama kala fadilin. 4. xaga waxbarshada inay
wax wada bartaan islaamka waa uu faray oo rasuulka waxuu yiri SCW(
cilmiga oo laraadiyo waajib bay ku tahay qofkaste oo muslim iyo
muslimad ah) ama sida uu yiri rasuulka SCW.
waxaase jira waxyaabo ay ku kala duwan yihiin xaga
abuurista, taasina waa wax ilaahay uu ugu talagalay oo xigmadiisa ku
dhisan, waxaana jira waxyaabo badan oo ragu ay ku fiican yihiin inay
qabtaan iyo waxyaabo badan oo aysan awood u laheen inay qabtaan ama
ay dhibayso dumarkse ilaahay u fududeeyay sida kala lamid. ragu
waxaa la hubaa in shaqada guriga dibadiisa ay uga fiican yihiin
haweenka, haweenkana waxaa lahubaa in raga ay uga fiican yihiiin
shaqada guriga, taasina waa abuuris ilaahay oo ninka inuu todobaad
ciyaal hayo waxaa uga fiican inuu bir wado tareen ka shaqeeyo.
dumarkana inay maalin ka shaqeeyaan wado tareen oo la dhisayo waxaa
uga fiican inay bil guriga kashaqeeyaan, taasina waa xigmada ilaahay
ayaa ku dhisan. su'aasha meesha ka dhalanayso ayaa waxay tahay kala
duwnaanshahaas ma keenayaa in layiraahdo raga dumarka way
kasareeyaan? waxan filayaa xigmada ilaahay ee kala sareenta waxay ku
dhisan tahay waa cibaadadiisa ee maahan jinsi ama midab ama nooc,
ilaahayna waxuu quraankiisa ku yiri ( ilaahay agtiisa waxaa idinku
karaamo badan kan idinku cabsi badan). sidaa daraadeed wax la
yiraahdo kala sareen haweenka iyo dumarka inay jiraan islaamku
maqabo, waxuuse islaamku qabaa in xaga howsha iyo abuuristaba ay
raga iyo dumarka ku kala duwan yihiin.
inbadana waxaa dalka ka dhacdo in la yiraahdo anigoo
100 ah maxay ii sheegasaa qof 50 ah, taasoo runtii ah danbi wayn oo
ilaahay adoomadiis laga galayo, kibir iyo isla wayni uu ilaahay
reebayna lagu kacayo, Rasuulka SCW oo wax ka fadli badan uusan jirin
ayaa heshiiskii Sulxul Xudaybiya markii ay saxaabadii ka gaabsadeen
amarkii rasuulka SCW ee ahaa in tinta laxiirto xoolaha la qowraco,
Rasuulka SCW isagoo caraysan markii uu guriga soo galay qofkii
lataliyay ee yiri Rasuulka Allow adiga u bilow oo tinta xiiro
neefkana qowrac, waatii uu rasuulsa SCW sidii yeelay oo tinta
qoystay oo nin saxibay u yeertay oo looxiiray , Saxaabadiina markay
arkeen ayay wada sameeyeen sidii rasuulka uu faray, taladaasna waxaa
rasuulka siiyay xaaskiisa. marka qaabka ay soomaalida u isticmaasho
boqolay iyo kontonley waa qaabkii uu islaamka nahyay, qof laga yaabo
xag cibaado iyo xaq akhlaaq iyo xag dhaqanba ku liito ayaa oranayo
kontonlay maxay ii sheegaysaa,
marka walaasheen Zahro liidida dumarka ayay ka
hadashay waana wax islaamka uu nahyay qofkii yasana uu yahay qof
ilaahay adoomadiis ku xadgudbay, sidaa daraadeed wax islaamka iyo
diinta meel ka dhac ku ah aniga igama muuqdaan, waxayna ka hadashay
walaasheen waxa dhabta ah ee soomaliya ka jiro iyo sida looga bixi
karo.
3. gudniinka waxaan filayaa waxa soomaaliya ka socdo
laguma tilmaami karo gudniin ee waa dhabargoyn xunbaha taranka ee
haweenka, khitaanka rasuulka sheegayna waa kan raga, ee kan haweenka
waxaa lasheegaa culimaduna qabtaa hadii marka ay dhalato cirbad yar
sidaa looga dhiijiyo oo dhiig yar ka yimaado in ay gabadhu gudan
tahay, marka xiriir ka dhaxeeyo gudniinka gabadha iyo xadiiska
rasuulka majiro, mana haboono in aragtida saxda ah iyo diinta in la
iska horkeeno, maxaa yeelay diinta waxay ku dhisan tahay maslaxada
dadka ee kama hortimaado. soomaaliya waxa ka socdo ee haweenka lagu
sameeyana waa wax qofkii gaystay maalinta qiyaamo lawaydiin doono,
ilaahayna kula xisaabtami doono, sababtoo ah qof yar oo ilaahay
amaano kaaga dhigay in aad xubnihiisa iyo dareenkiisa aad sakiin ku
goo goyso maahan wax shareecada qabto, in qof kirkiisa isagoo nool
lagoo gooyana waa wax qiyaamaha la is waydiinayo, sidaa daraadeed
gudniinka raga wax ka hadlayo majiraan maxaa yeelay waa wax la isku
waafaqsan yahay arintiisuna ay diinta ku cadahay. dumarkse gudniinka
laguda waxaaba layiraahdaa gudniinka fircooniga waana wax laga soo
gaaray dhaqankii fircoon ee maahan wax ay diinta shaqo ku leedahay.
arinta Isimada ku saabsan xoogaa waxan filayaa in ay
Zahro ka eegtay dhanka dhibaatooyinka, waxaase jira isimo badan oo
wanaaga umada ka shaqeeyo, isimaduna maahan wax dhib leh hadii
dhanka wanaagsan loo adeegsado. isku soo duuboo Qabyaalada, Liidida
Haweenka iyo gudniinka fircooniga waa mushkilado ka mid ah
mushkiladaha soomaliya ka jiro dagaalada, furniinka iyo xadgudubyada
dalka ka dhacayana iyagaa asal u ah marka in laga waantoobo waa wax
qofkaste oo muslim ah laga doonayo.