SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Weeraro Hoobiye Oo Habeenkii Sabtidu soo geleysey Lala Beegsaday Ciidamada Ethiopia Ee Ku Sugan Garoonka Studyow Muqdisho.

Dagaalo ku dhufoo ka dhaqaaq ah ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay meelo kala duwan oo ay ku sugan yihiin ciidamada Ethiopia iyadoo laysu adeegsaday qoryaha baasuukaha iyo weliba qoriga hoobiyaha .

Xarunta Studyow muqdisho oo ay degan yihiin ciidamada Ethiopia ayaa waxaa weerar kedis ah kusoo qaaday kooxo aan la garanayn iyadoo ay u adeegsadeen qoriga hoobiyeha iyo weliba baasuukaha islamrkana sida ay sheegeen goob joogayaal ku sugan xaafada xamar jadiid ee agagaarka garoonka studyow muqdisho ayaa waxaa laga soo weeraray dhinaca ifka xalane ,dhinaca baar ayaan oo kaga aadan qorax kasoo bax iyo weliba dhinaca xaafada xamar jadiid islamarkaana ciidamada Ethiopia ay tacshiirad afarta gees u rideen .

Sidoo kale dagaalkan oo soconayey ku dhowaad ilaa 30-daqiiqo ayaa gaystay khasaaraha inta la ogyahay dhaawaca labo qof oo haween ah kuwasoo oo ay rasastu ugu tagtay hoyga ay deganayeen iyadoo ay ciidamada Ethiopia ay saaka subaxnimadii kusoo faafeen deeganka xaafada xamar-jadiid iyo weliba goobihii xalay weerarada lagaga soo qaaday.

Dagaalada Ku dhufoo ka dhaqaaqda ah ee badanaaba dhaca xiliga habeenkii ah ayaan la ogayn khasaraha nafeed iyo mida maalba ee ay gaystaan xaalada oo cakiran oo habeenimo ah awgeed iyadoo ay weheliso magaalada caasimada ah ee muqdisho oo aan amaankeeda laysku halayn karin .

Deegaanka Suuqa Xoolaha Oo Ay Iskaga Huleeleen Ciidamada Dowlada KMG ah .

Deegaanka suuqa xoolaha ee magaalada muqdisho oo ahaa goobaha ugu dagaalka badan tan xiligii ay istaageen dagaaladii xooganaa ee qarxay bishii maarso iyo abril ee sanadkan caasimada muqdisho ayaa waxaa guud ahaan iskaga baxay Ciidamada dowladda KMG ah oo ku sugnaa degaankaasi.

Ciidamada dowlada KMG ah oo aan weli la shaacin halka ay u guureen ayaa waxay baneeyeen dhamaan Goobihii ay ka deganaayeen suuqa xoolaha oo ahaa degaanka ugu dagaalka badan ee xiligan islamrkaana ay dadka shacabka ahi badankiisu ka qaxeen .

Sidoo kale dadka shacabka ah ee ku sugan deegankasi ayaa mujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin ka guuritaanka ciidamada dowladu ay ka geereen islamrkaana dhalinyaro isugu soo baxday wadada lamiga e isku xirta deegaankasi iyo magaalada inteeda kale ayaa waxay ku dhawaqayeen erayo ka turjumaya sida ay ugu faraxsan yihiin ka bixitanka ciidamadaasi .

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa ka bixitaanka ciidamada dowlada KMG ahi uga soo bexeen deegankasi iyadoo aysan jirin warar dheeraada oo laga helayo dhinaca dowlada gaar ahaan afhayeenada ciidanka dowlada KMG ah .

faytin yaasiin
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 9, 2007 

Ciidamadii Dowladda Federaalka oo gebi ahaanba isaga baxay deegaanada SOS iyo Suuqa Xoolaha
.Geedi oo kulan gaar ah la yeeshay Ganacsada Caddaani
.Kulan deg deg ah oo ay isugu imaanayaan kooxda Contact G.
.Qaraxyo xalay laga maqlay qaybo ka mid ah Muqdisho
.Daahir Riyaale oo diiday in uu la kulmo C/llaahi Yuusuf
Warar GoosGoos ah ka akhri halkan... Sept 8

Xildhibaanada Xaawo C/llaahi Qayaad oo booqatey Xabsiga Gobolka Baay   
"layma tusin kuwa dilallka u xiran, laakiin wajiyadooda ayaan arkey".... Akhri... Sept 8

Somalia: Warbixinta Gaarka ee Hubinta Cutnada iyo Nafaqada ee FSAU.. Bishii 8aad, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com