Warbixin iyo Faallo Shirka Casmara. (Sept 9, 2007)..
Warbixintii
iyo Faalladii:
Liibaan Cabdi Cali -Asmara-Eritrea
Hayaan_8@hotmail.com
Waxaa wali ka sii soconaya magaalada Asmara ee Dalka Eritrea
shirwayniha Dib-u-xoraynta iyo dib u soo noolaynta Somalia oo maalintii
khamiistii ka bilowday magaalada Asmara.
Shirka oo ay ka qayb galayaan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada
soomaaliyeed ee doonaya in dalka Somalia uu ka xoroobo gumaysiga
Ethiopia,waxaa uu u soconayaa si hab sami ah,waxaana si wayn loogu rajo
qabaa in ay ka soo baxaan natiijooyin hor seeda in dalka Somalia uu
dhaqso ku xoroobo.
Shirkan oo ay abaabulkiisa leeyihiin maxkamadaha islaamka iyo
baarlamaanka xorta ah,waxaa ka qayb galaya in ka badan 450 qof oo ka
kala yimid daafaha dunida,kuwaasi oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiinta
maxkamadaha islaamka iyo baarlamaanka xorta ah iyo qurbo joogga
soomaaliyeed oo joogitaankooda shirka si aad ah loo dareemayo.
Hadallo kul kulul
Ka qayb galayaasha shirka oo ay ka muuqatay qiiro diineed iyo mid
waddaninimo waxaa dhammaan tood ay ka sinnaayeen,sida loogu baahan yahay
in dalka Somalia laga saaro ciidammada Ethiopia ee xoogga ku qabsaday.
Guddoomiyaha midowga maxkamadaha islaamka Sheekh Shariif Sheekh Axmed
ayaa sheegay in dalka iyo dadka soomaaliyeed loo gaystay tacaddi ka dhan
ah bani aadminimada dowladda maraykankuna ay taageertay cadaawadda dalka
iyo dadka soomaaliyeed karaamadooda lagu bannaystay iyadoo buu yiri
Ethiopia ku taageertay sidii ay daka Somalia u gumaysan lahayd.
Waxa uu sheikh shariif beeniyay eedaymaha maraykanka ee ah in
maxaakimtu ay gabbaad siiyeen waxa loogu yeero argagixisada ,waxa uuna
yiri”Waxyaabaha ay cadowgu marmarsiyaha ka dhigteen ee ay buunbuuniyeen
waxaa ka mid ah in maxaakimtu ay ahaayeen argagixiso ayna hoy siinayeen
argagixiso,waxaasi oo dhanna sax ma ahan,waana beeb abuur ujeedka laga
leeyahay uu yahay in lagu bannaysto dalka dadka iyo diinta
soomaaliyeed”’
Xuseen Caydiid
Xuseen Caydiid oo horay ra’iisul wasaare ku xigeen uga ahaa kooxda
Mbagati haatanna ka mid ah siyaasiyiinta ka hor jeeda ciidamada cadowga
Ethiopia ee dalka Somalia qabsaday,ayaa dalbaday in laga cafiyo dhammaan
dhibaatooyinkii uu gaystay 11-kii sano ee uu ku soo jiray siyaasadda
Somalia isagoo qiray in waxyeello laxaad leh ay u gaysteen bulshada guud
ahaan hoggaamiye kooxeedyada soomaaliya.
Waxa uu caydiid intaa ku daray in uusan u iman Asmara in uu jago ka
helo ee ujeedkiisu yahay in uu gacan ka gaysto sidii dalka Somalia loo
xorayn lahaa.
Waxa uu yiri caydiid “Joogitaanka ciidammada gumaysiga Ethiopia waxa
ay mustaxiil ka dhigeen in lagu noolaado Somalia”
Shariif xasan Sheekh Aadan guddoomiyaha baarlamaanka xorta ah ayaa
isaguna sheegay in gumaad wali ka sii socdo Somalia,waxaana la yaab leh
ayuu yiri in Somalia oo ah dal madax bannaan xubinna ka ah Qm gabi
ahaantii na ay la wareegto Ethiopia iyadoo caalamkuna uu indhaha ka
qabsaday gumaadka iyo gabood fallada ka Dhaka ah Somalia iyo shacabka ku
dhaqan.
Waxa uu ka codsaday hay’adaha samafalka in ay gargaar deg deg ah la
gaaraan kumannaanka soomaalida ah ee geedaha hoos daadsan ka dib markii
gumaysiga Ethiopia uu madaafiic uga barakiciyay guryohoodii.
Max’uud Axmed Nuur Tarsan oo ka mid ah qurbo joogga soomaaliyeed oo
khudbad aad u dheer ka jeediyay shirka ayaa ka codsaday midowga iyo
dowladda maraykanka in ay dib u eegaan siyaasadohooda ku wajahan
soomaaliya,ayna taageeraan rabitaanka shacabka soomaaliyeed isagoo
diiday in soomaaliya ay joogaan waxa loogu yeero argagixiso, dadkii
joogay hoolka ayaa mar qura ku qayliyay” we are not terrorists” Ma nihin
argagixiso.
Tarsan ayaa tilmaamay in qurba joogga soomaaliyeed uusan marna
taageeri Karin kuwa dalka u horseeday in uu gacanta u galo cadow soo
jireen ah.waxa uu yiri “ ma taageeri karno dowlad dadkeedii gumaad ku
haysa oo barakac ku wadda dadkeedii iyadoo fulinta arrintaana u
adeegsatay cadowgii soomaaliyeed ee soo jireenk ahaa”
Qodob xiiso leh
Arrin kale oo xiiso leh waxa ay ahayd tan ku saabsan waxa la doonayo
in la dhiso ma dowlad, jabhad, urur is bahaysi ama dhaqdhaqaaq hubaysan?
Arrintaa oo dood badan dhalisay inta badan ka qayb galayaasha shirkuna
ay aragti ka dhiibteenna waxaa ay tahay mid wali laalan, waxaase si
gacan taag ah lagu ansixiyay in barnaamijka waxa la dhisayaahi ahaado
mid siyaasadeed iyo difaac oo is wata.
Xildhibaan dhaqane oo dhawaan ka soo laabtay koofurta Somalia oo uuu
booqday ayaa warbixin ka dhiibay goobta, ka dibna sheegay in ay isaga
ula muuqato in la dhiso dowlad,laakiin Cumar Xaashi Aadan ayaa sheegay
in dowlad qurbo lagu dhiso aysan waxba ka tari Karin xaaladda ka jirta
Somalia, waxa uu raaciyay in uu goob joog ka ahaa dhammaan kulammadii
soomaalidu isku arkeen ee dibadda ka dhacay tan iyo 1991-kii isla
markaana aanay jirin waxa ay ku gaareen xilalkii loo magacaabay iyadoo
wax kasta oo la soo dhisayna ay ku dhammaadeen wax qabad la’aan,waxaa uu
Cumar xaashi ku baaqay in la dhisoo sida ugu dhaqsiyaha badan wax kasta
oo aan dowlad ahayn oo lagu gaari karo in dalka Somalia laga saaro
ciidammada Ethiopia ee ku soo duulay.
Gabayo iyo guubaabo ayaa sidoo kale goobta shirka laga soo jeediyay
ilaa haddana waxa uu u socdaa si habsami leh.waxa uu bilowdaa 8:30
subaxnimo ilaa salaadda duhur,ka dibna waxa la isugu soo laabtaa 5:00
galabnimo,waxa uuna soo idlaadaa 9:00 iyo wax la jira. Dooduha iyo
aragti is dhaafsigu waxa uu ka sii socdaa hoteellada ay deggan yihiin
ergada shirka ka qayb galaysa oo aad u fara badan,kuwaas oo gudaha
hoteellada isku waydaarsada aragtiyo isagana waraysta dhacdooyinka dalka
ka jira.
Waxaa kulankani kaga duwan yahay kuwii hore in dadka ka qayb galaya
ay yihiin shaqsiyaad soomaaliyeed oo waddaniyiin iyo islaamiyiin ah,
kana damqanaya dhibta dadkooda iyo dalkooda ku dhacaysa.
Dadka ka qayb galaya shirka sidoo kale waa mutacallimiin ay ku kulan
sanyihiin aqoontii iyo khibraddii siyaasadeed,diineed iyo milatari oo
intuba lagama maarmaan u ah xoraynta dalka Somalia.
Liibaan Cabdi Cali -Asmara-Eritrea
Hayaan_8@hotmail.com