Shir
Xasaasi ah oo ay yeesheen Isimada Puntland..Warbixin dheer..
Kulan Maalmahaan lafiyey oo ay leeyihiin Isimada ugu waa weyn Puntland ayaa ka
furmay Caasumada Puntland ee Garoowe.
Kulankaan oo ka dhacay Xarunta Madaxtootada Puntland ,waxaana looga hadlayaa
difaaca dowlad gobaleedka Puntland iyo sidii Xukuumada loogu bandhigi lahaa
talooyin ku aadan howlgallada ciidamada dowlad gobaleedka Puntland.
Shirkaasi ayaa waxaa soo xaadirey Isimo ka badan 30 oo ka kala yimid gobalada
dowlad gobaleedka Puntland ,waxaana kasoo qeybgalay wasiirka Kulluumeysiga iyo
kheyraadka Badda DFS Xasan Abshir Faarax, Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse
Xirsi, Madaxweyne xigeenka P/land Xasan Daahir Maxamuud, Gudoomiyaha
baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi , dhamaan gudoomiyaasha gudiyadii
dhawaan uu magacabaay Madaxweyne Cadde Muuse ee hawlahoodu ku aadanayeen xaalada
xoraynta gobolka Sool.
Shirkaan ayaa waxaa khudbad dheer ka soo jeediyey Madaxweynaha Puntland
Gen.Cadde Muuse ,isagoo ka hadlay waxyaabaha dagaalka loogu soo qaaday Puntland.
Madaxweyne Cade Muuse Xirsi ayaa shaaca ka qaaday in sababaha dagaalka loogu soo
qaadey Puntland tahay burburinta dowlada faderaalka ee Soomaaliyeed.
Cadde Muuse ayaa usheegay Isimada Puntland in looga baahan yahay in ay go’aan
mideysan ka qaataan waxyaabaha ka socda SSC iyo guud ahaan Puntland ,isla
markaana ay Xukuumada ku biiriyaan talo sidii horey looga bartey.
Madaxweynaha DGPL ayaa isimada Puntland ku amaanay doorka ay ka qaataan waxka
qabashada waxyaabaha soo wajaha Shacabka Puntland ,loogana baahan yahay in ay
go’aan ka gaaraan dagaalka ay soo qaadeen waxa uu Cadde Muuse ugu yeeray Dad
isbaheystay.
Wasiirka Kulluumeysiga Iyo Kheyraadka Badda dowlada Soomaaliya Xasan Abshir
Faarax ayaa ka hadlay halkaasi ,isagoo ku dheeraaday waxyaabaha ka socda SSC iyo
guud ahaan Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu sheegay in Somaliland iyo kooxaha ay kaashaneyso ay soo weerareen
dhulka ay leeyihiin dadka Puntland ,isla markaana ay qabsadeen,isagoo ku
dhawaaqey in ay ka baxaan dhulkaasi.
Xasan Abshir ayaa halkaasi ka soo jeediyey Khudbad badashey Jawiga goobta shirka
,isla markaana la waayay qof dhaqdhaqaaqaya iyo mid hadlaya intaba.
Mr.Xasan Abshir ayaa ku booriyey Milateriga Puntland oo uu sheegay in ay dowlada
Soomaaliya horey ula wareegtay in ay ka qeyqaataan soo celinta deegaanada laga
qabsaday dowlada faderaalka ee Soomaaliya.
Taasoo uu ku macneeyey in hadii la qabsado gobalka ka mid ah Puntland laga
qabsaday dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,isagoo nasiib daro ku tilmaamay in
dad doonayaan in ay Soomaaliya dagaalo ku celiyaan.
Wasiirka ayaa usheegay Isimada Puntland in ay maanta utaalo talo culus ,loogana
fadhiyo talo lugu soo celiyo gobalka Sool oo ay magaalo Madaxdiisa joogaan
,maamulka la baxay Somaliland.
Khudbada Xasan Abshir Faarax oo ay ahayd mid qaatey waqti dheer ,ayaa gabi
ahaanba wuxuu kaga hadlay dagaalada ay soo qaadeen ciidanka Daahir Riyaale
Kaahin.
Wuxuu ujeediyey Xasan Abshir baaq Maamulka la baxay Somaliland ,isagoo sheegay
in looga baahan yahay in aysan dhiig Soomaaliyeed daadin ,hadii ay sii wadaan
waxyaabaha hada ay wadaan ay Puntland talaabteeda qaadeyso.
Shirkan waxaa laga soo jeediyey Warbixino xasaasi ah ,oo ku aadan xogta dagaal
Somaliland iyo In ay dagaaladaasi ka qeybqaadanayaan kooxihii DFKMGS ka saartey
Koonfurta dalka Soomaaliya.
Sirdoonka Xukuumada Puntland ayaa soo gudbiyey qoraalo iyo warbixino ku aadan
dagaaladaasi iyo xaqiiqda loohayo in ay Koox-dii Asmara ,joogaan Magaalada
Hargeysa isla markaana waxaa la cadeeyey in ay halkaasi joogaan Xubnaha ugu
sareeya Isbaheysigii lugu soo dhisay Magaalada Asmara iyo Saraakiil ka socota
dowlada Shisheeye.
Isimada Puntland ayaa qaarkood oo ka hadlay shirkaasi iyagoo siweyn uga hadlay
xaaladaha dagaal ee ay Xukuumada Puntland ku jirto iyo talooyinka ay soo
jeedinayaan.
Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ah gudoomiyaha Isimada Puntland ayaa sheegay in
ayagu yihiin isimadii Puntland,isla markaana hadii ay Xukuumadu soo weydiisay
taladooda ku aadan arinta Sool.
Wuxuu sheegay Islaan Ciise Islaan Maxamed in ay Xukuumada talo ka siinayaan
arimahaasi ,dadka ku dhaqan Puntland oo dhana yihiin dad Jecel nabadgalyada
,aana looga baran Xukuumadooda iyo Shacabkooda toona dulaan lugu qaado dad
Soomaaliyeed.
Hadiise lasoo weeraray ay xaq uleeyihiin in ay iska difaacaan ,isagoo Islaanku
sheegay in loo baahan yahay in la difaaco jiritaanka iyo Midnimada umada
Puntland.
Isimada gobalka Sool ayaa halkaasi ka soo jeediyey waxyaabaha waqtigan ka socda
gobalkaasi iyo talooyin ay usoo jeediyeen Xukuumada.
Dhamaanba Isimada gobalkaasi oo uu kamaqnaa Garaad Jaamac Garaad Cali ,balse
khadka telfoonka lugula xiriiray ayaa sheegay in uu ku raacsan yahay talo walba
oo ay soo jeediyaan Isimada Puntland ee shirsan.
Isimada gobalka Sool ayaa dhamaantood waxaa ay sheegeen in dadweynaha Puntland
aysan cidna gardareysan isla markaana ay weerar qaawan ku soo qaadeen Somaliland
,ayna gacan lixaad leh ka siinayaan Xukuumadooda difaaca iyo gudashada
Waajibaadka saran ,kana saran deegaanadooda iyo Shacabkooda intaba.
Shirka Isimada oo socon doono ilaa maalinta beri ,ayaa laga bilaabo galabta
ambaqaadaya shirarkooda hoose ,isla markaana waxa ay Xukuumadooda usoo
jeedinayaan talooyin dhinaca Difaaca ah iyo go’aamo ku aadan Difaaca gobalada
Puntland.
Isimada Puntland oo intooda badan joogey shirka ayaa inta maqana waxa ay ka
heyaan deegaanada ay joogaan howlo Muhiim u ah umada Puntland ,isla markaana
waxaa lafilayaa In ay ilaa beri tagaan gabagabada shirkaasi.
Shirkan ayaan aheyn kii ugu horeeyey ee ay yeeshaan Isimada Puntland ,balse waa
mid door ah oo ku soo aaday xili ay xiisado dagaal ka oogan yihiin deegaanka
gobalka Sool.
Isimada Puntland waa awooda ugu sareysa ee deegaanada Puntland ,ayagoo
markaasina go’aan cad kaqaata waxyaabaha marba soo wajaha deegaanada dowlad
gobaleedka Puntland.
bashiir cumar cali/garoowe
bashiir137@hotmail.com
:::Qraal
ka soo baxay Jaaliyadda Sool, Sanaag, & Cayn ee Kuwait
:::KASOO
HORJEED DAGAALADA LAGA HURINAYO SOOL
:::BAAQ WADAJIR AH:
Waxgaradka Somaliland Iyo Puntland
:::BAYAAN
TAAGEERO EE JAALIYA PUNTLAND EE JEDDAH
::Maamulka
Puntland: Ciyi waaggii ka baryay
Madaxii hay’adda WFP Soomaaliya oo xabsiga
laga sii daayay
Oct 23:
Waxaa maanta xurriyaddiisi dib u helay oo xabsiga laga sii daayay madaxii
hay’adda WFP Soomaaliya Idiris Maxamed Cismaan oo muddo shan maalmood ah u
xirnaa ciidamada dowladda oo ka soo qabtay xafiiskiisa Muqdisho xilli uu ku guda
jiray shaqadiisi.
Md Idiris oo ay la socdeen qaar ka tirsan saraakiisha nabadgelyada Qaramada
Midoobay oo ay ilaalinayeen ciidamo ka tirsan kuwa midowga Afrika ee AMISOM ee
ku sugan Muqdisho kuwaas oo geeyay xafiiskiisi xarunta hay’adda WFP Muqdisho.
Md Idiris ayaa ka gaabsaday in uu wax war ah siiyo saxaafadda oo halkaa kula
kulantay taas oo la xariirta amar ay bixiyeen saraakiisha Qaramada Midoobay
iyadoo sii daysmada mas’uulkan ay ku soo aaday xilli shalay amar ka soo baxay
maamulka gobalka Banaadir iyo guddiga amniga qaran oo sheegayay in maxaabiista
xabsiyada ku jirta si dhaqsi ah maxkamad loo soo taago.
Dhinaca kale tan iyo markii la xiray sarkaalkan ay hay’adda WFP joojisay
howlihii samafal ee ay ka waday Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho oo ay hay’addu
gacan siinaysay dadka ka bara kacay rabshadaha Muqdisho ee ku sugan daafaha
Caasimadda.
bashiir cumar cali
bashiir137@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 24, 2007

