BAYAAN
TAAGEERO AH OO KA SOO BAXAY JAALIYA PUNTLAND EE JEDDAH
BAYAAN
TAAGEERO
Waxaa taariikhdu markay
ahayd 19kii Octobar 2007 isugu yimi shir odayashaa,
culimaa’udiinta iyo wax garadka jaaliyada reer Puntland
ee degan magaalada Jiddah ee Boqortooyada Sucuudi
Carabiya kaasoo laga arinsanayey xaalada colaadeed ee ka
soo cosbaanaatay degaanada Puntland. Falanqayn iyo
gorfayn dheer ka dib jaaliyadu waxay soo saartay
Bayaankan ka kooban afarta.
1. Waxaan si buuxda u
taageersanahay Go’aankii Garaadada Dhulbahante ku
gaadheen Laascaanood bishan Octobar 3, 2007, waxaan ku
boorinayna dhamaan reer puntland gaar ahaan beesh
dhulbahante meel kastooy joogaan si aan kala hadh lahayn
ay ugu istaageen hirgelinta qodabdiisa iyo difaaca
dalka.
2. Waxaan Hanbalyo
iyo Bogaadin u diraynaa Shacabka Laascaanood sida
soomaalinimada iyo wadaninimada leh ee ay uga gadoodeen
weerarka gardadarada ah ee lagu soo qaaday gobolkooda
waxaanuna la garab taagan nahay taageero hiil iyo hooba
leh, naf iyo maal
3. Waxaanu canbaaraynaynaa weerarka Gardarada ah ee
maamulka Waqooyi Galbeed ee la baxay “soomaliland” ku
soo qaaday gobolka Sool waxaan masuuliyada wixii ka
dhisha falkaa gardarada ah dush ka saaraynaa maamulka
soomalidiidka ah ee fadhiya Hargaysa, waxaana u
sheegaynaa inuu si nabad gelyo ah uga baxo meelaha uu ka
soo galay gobolka Sool.
ODAYASHAA SAXEEXAY
BAYAANKA
-
1. Cali Axmed Tuuhe
-
2. Cali Ismaaciil Guraase
-
3. Maxamud Ibraahim Xabashi
-
4. Yasin Bare Cilmi (Dable)
-
5. Dr. Maxamed Ciise
-
6. Caaqil Ibraahim Jaamac Faruur
-
7. Dr. Gaarase Xaaji Khaliif
-
8. Caydiid I. Daldal
-
9. Yasin Warsame Weyne
-
10. Maxamed Jaamac
-
11. Cabdi Salaan Maxamed Hay-deyin
-
12. Daahir Cali Ismaaciil (Ciiro)
-
13. Dowalad Faarax Falaag
-
14. Maxamed Cali (Ooji)
-
15. Maxamed Muxiyadin (Abu-Camaar)
-
16.
Sh. Cabdil Casiis Yusuf
-
17. Cabdiraxman M Sh. Cumar Xariri
-
18. Cali X. Xasan Shire
-
19. C/laahi M. Sh.Cumar (Case)
-
20. Yusuf Adan Cartan (Dibadyaal)
-
21. Maxamed Cilmi Xaashi
-
22.
Jaamac Dheeg Maxamed
-
23. Maxamud Kudheji
Jaaliyada Puntland Ee
Saudi Arabia - Jeddah
jeddpl@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com Oct 21, 2007
Dagaalo
Faraha Laysula Tegey Oo Ka Dhacay Meelo Kamida Caasimada Muqdisho...
Geeddi oo
Khudbad Dheer Ka Jeediyey Baydhabo
Geedi: "Soomaalidu waxay tiraahdaa luuq
luuq maroow aakhirkiis laami lee waaye":
khudbadii uu Geeddi ka jeediyey magaalada
Baydhabo oo dhamaystiran akhri halkan
C/llaahi
iyo Geedi yaa ku taageero badan Baarlamaanka?
.Golaha Baarlamaanka oo maanta kulan xasaasi yeelanaya
.Itoobiya oo si weyn uga carootay hadal ka soo yeeray..
.Max’ed Dheere “Abshir Bacadle waxa uu ka mid yahay..
.Tifaftirihii Wargeyska Ayaamaha oo la sii daayey..
.Kusimihii agaasimaha idaacadda Shabeele oo la aasay..
.Geedi oo dib ugu soo laabtay Baydhabo, sheegayna in..
.Banaanbax:xariga agaasimihii Hay’adda WFP oo..
Wararka oo dhan ka akhri halkan....
Oct 21
OHRC oo bayaan ka soo saaray dadkii
Itoobiya loo dhiibay
|