SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

"Buufisku Qur’aan saar ma leh"

amiinW/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Reerku maalin hal mar ayay wax karsadaan, waa cid saboolnimo dilootay, wiilkoodii weynaa ayaa habeen habeenida ka mid ah xanuun ku soo booday, habartii waa ay naxday, waxay tiri “maandhow dhankee lagaaga badan yahay”, markaas ayuu ku jawaabay “Hooyo meel la iiga badan yahay ma garanayo, aniga oo dhan si si ayaan ahay”.

Carruutii kale ee walaalihiis ahayd waxaa walwal geliyey jirada uusan garaneyn ee walaalkooda ku soo korortay, qaarkood subaxaasi ma aadin dugsiyadoodii oo ay waxay doonayeen in ay walaalkooda wehliyaan oo ay maaweeliyaan, qaarkood waxay u baxeen sidii ay daawo ugu heli lahaayeen walaalkooda, waxay la tashiyo la soo sameeyeen dad fara badan, hase yeeshee wax natiijo ah waa ay ka keeni waayeen, habartii waxaa la soo darsaday walbahaar aan caadi aheyn, waxayna ka walwalsan tahay cudurka aan caadiga aheyn ee wiilkeeda ku soo booday, waxaana soo booqanaya habro badan oo deriska ah, waxayna soo jeedinayaan talooyin ku saabsna sidii lagu daaweyn lahaa wiilkaasi.

Haweenay ayaa waxay tiri “War wiilku armuu qabaa mingis?”, habartii waxay ku jawaabtay, “Heblow sidaas ayaan uga shakiyey”, waxayna iyadoon wax hubsan oo baaritaan rasmi ahna sameyn ayay waxay horey u duugatay oo lacag ahaa soo saartay, waxayna habrihii kala tashatay qaabka looga tumi karo, waxayna mid ka mid ahi tiri “naa waa in marka hore la kala gartaa in wiilka uu huumbeeyl hayo ama Xaaji Saleebaan”. Waxayna hooyadii wiilka dhashay iyo habrihii oo wada socdaa tageen meel mingiska lagu tumo, waxaana lagu wargeliyey in ay keenaan xooggaa lacag ah iyo alaabo kale oo loo diray.

Ciddu inkastoo ay sabool ahayd haddana habartu waxay ahayd habar dirac ah, waxayna u tafaxeedatay sidii ay ku heli lahayd lacgtaasi iyo alaabaha kale, habartii waxay rafataba waxay soo diyaarisay lacagtii iyo alaabadii.

Markii wiilkii la geeyey goobtii mingiska ayaa la bilaabay in laga tumo, hase yeeshee wax ku soo dega ayaa la waayey, balse ninka mingiska isagoo doonaya in uu kista lacagta ah disho ayuu habartii ku yiri “Canuga waxa ku dhegan jinni madax adag, ee mar kale ha la ii keeno”.

Labo todobaad kadib ayaa dib loogu celiyey, waxaa weli lagu waayey wax ku soo dega, habartii waxay ku calaacashay, “iga tag, lacagna I dhameey, caafimaadna kuma hayo”.

Haweenay iyana xooggaa isbideysay in ay ka roon tahay kuwii hore ayaa waxay tiri  “Naa wiilka qur’aan saar ma lagu dayey, maya ayay tiri, waxayna habartii soo jeedisay in wiilka qu’raan la saaro, waxayna hooyadii dhashay wiilka ra’yigaan dambe aad ugu riyaaqday, waxayna u soo wacatay todobo wadaad oo wiilka qu’raan u saara.

Wiilkii oo qu’raan saarkii lagu wado ayuu inta mar qura soo booday, waxa uu yiri “Hooyo anigu waan caafimaad qabaa 100%, balse cudurka I haya waa Buufis”. Habartii inta ay yaabtay ayay tiri “Waa maxay buufiska uu sheegayo”, gabadheedii ayaa fasirtay oo tiri “Hooyo aboowe waxa uu baahan yahay in dibadda loo qaado”, habartii yaab ayay afka la kala taagtay, oo tiri “Naa buufiska la sheegayo ma dibadda ha la ii geeyaa?”, gabadhii oo su’aashaasi ka jawaabeysa ayaa tiri “haa hooyo” “Alla Caqli xumaa wiilku, miyuusan ogeyn wiilku in reerku uu beerka dhulka ku hayo oo maalin hal waqti dabka wax la saarto” ayay habartii tiri oo ku calaacashay “illeen cudurkaan buufiska qur’aan saar ma leh, inta uu lacagta iga dhameynayey hooyo maxaad mar hore iigu sheegi weysay inta uu lacagta iga dhamaynayey oo kistii aan islaheyn Reerka jiilaalka ha uga boxo maanta meel cidlo ah ayey iga baxeen waxay habartii ku soo gababaysay “ badada isku tuuri laheedaa Tahriibi laheedaa adiga ayey kuu taalaa”.

Erayga Buufiska layiraahdo waa Eray soo baxay waqtiyadaan dambe waxaa inta badan loo nisbeeyaa dadka ay ku dhacday Waalida Debeda waxayna umada markii dambe ay kadhigeen cudur, markii ay meel aya saaraan waayeen.

Waxaan goobjoog u ahaa wiil dhalinyaro ah oo buufis dartiis  isu daldalay ka dib markii uu soo xirtay guri, wiilkaan reerkooda waxba ma laheyn waxay ahaayeen sabool oo wuxuu naftiisa u gooyey dibadda ha la ii diro, waaba la gartay dadka leh lacagaha in caruurtooda uu ku dhaco cudurka buufiska balse waxaa la yaab leh in cid sabool ah uu wiilkooda ama gabadhooda ay yiraahdaan “Hooyo iyo Aabbe Dibadda ha la i geeyo” ama uu isku rido cudurka buufiska.

Waxaan kaloo goobjoog u ahaa gabar cudurka buufiska dartiis isku dhigtay baabuur sidaasina ay nafteeda ku weyday gabadhaasi markii aan si hoose u baaray waxaan ogaaday in ka dhalatay qoys aan waxba haysan oo aan weligood ku fekirin dibad iyo wixii la mid ah.

Isku soo wada duuboo, dhamaanteen illaah ha naga koriyo cudurka Buufiska oo aan dhihi karo waa cudur aan la tacaalid laheyn, balse daawadiisu tahay in dibadda loo diro qofka uu ku dhaco, hase yeeshee waxaan leeyahay, dib ha loo xasuusto ereyadii Allaha u naxariistee Abwaan Cabdi Bashiir (Indho Buur) ee ahaa. (Dal barwaaqo ah iyo dad ka baahan), xaqiiqdii dalkeena waa barwaaqo, waxa uuna u baahan yahay dad garta oo ka faa’iideysta lana soo baxa barwaaqadaasi taas oo baabi’in karta cudurka Buufiska.

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Dafooy Gurigaa Ba’a: Haweenay lacag boqol Doolar ah ka soo qaadatay mid ka mid ah Xawaaladaha Akhri..

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 21, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com