Ku: Madaweynaha Dowladda Federalka ee ku meel gaarka
Og: Madaweynaha Dowladda Goboleedka Puntland
Og: Maxkamadda Sare Ee Dowladda Goboleedka Puntland
Og: Dhamaan Isimadda Dowladda Goboleedka Puntland Tar:
16/10/07
Anigo ku haddlaya Magaca Dhamaan Abahay iyo Dhamaan Reer Cassaro, waxaa si
xaqdaro ah naloo ku dhacay dhul ay hanti badan naga gashay, Dhulkaas oo ah dhul
Garaaya 13km oo dherar ah iyo 2Km oo Balaca, Dhulkaas oo laga dhisay Airporka
Bosaaso,Kuma aanu Dacwonayno Dhulka Airporka ee lo yaqaan Areef, Balse waxaa
dhulkayaga Gudaha loo galay Qiyaastii 7Km, Markii aanu u Dacwoonay Madaxada
sare ee Puntland waxay nogu jawaabeen Meeshii ay na tixgelin lahayeen Dawladdii
Hore ee Abdullahi yusuf ayaa dhacaday iyadoo aan taasi sura gal, ahayn uuna
Abdullahi yusuf igu yiri Dhulka cassaro lama dhici karo mar aan u tegay isago
markaa ahaa Gudoomiya xaladda deg dega ah ee degaanada Puntland .
Waxaa wax lala yaabo ah in Dad qaxooti ka ah Puntland u dhashay lakiin aan
degaan ku lahayn in ay dhac boob ah u geystaan dad degaanka ay hanti iyo waqti
badan ka galay waxna u qabtay Dhac loo geysto Bareer ah, iyado wax cawil celin
ah iyo tix gelin aan lasiin.
Waxay noqonaysaa in dadka dhibtaa geystay ee ay kamid yihiin dadka madaxdda
ka ah puntland ay aano naga galaan, haddii aan arintaa wax laga qaban, waxay hor
istaagaysaa Horumarka iyo Nabadgelyadda Puntland, waxaa ku daadan doonah dhiig
aanu u raadsano raga falkaa ku kacay iyo waxaa ay dhaleen ee boobka ku haya
Dhaqaalaha Puntland iyo dadka Puntland iyado dad khalkhal ku abuura puntland
lasiiyo lacag, qofkii xishoodana xaqiisa la duudsiyo .
Waxaan caqliga geli Karin oo damiir xumo ah dadka puntland Dawanayaan rag EN3
dushiis iyo kalaay shaqadaan qabo, oo qaxoti ku ah dhulka puntland inta jagooyin
loo dhiibo ay dhaqaalihii ummadda qasriyo ka dhistaan gudaha puntland iyo
wadammada dibadda,
Waxaanu marka u hporaysa ka codsanaynaa in Madaxweynaha Dowlladda Federalka
ah uu arintaa dusha laga saaray wax ka qabto ,jawaabna naga siiyo.
Marlabaad waxaan u sheegaynaa madaxdda Puntland in aan ninah nin Dhici Karin,
Dowladdina dadka dhicin ee xeer iyo nadaab qofka wax looga qaado isagoo la
duudsiyin, arintaana deg,deg wax uga qabtaan intaysan cawaaqib xumo aysan
keenin.
Waxaanu ka codsanaynaa haddii sharciga iyo nidaamka ilaalinayaan maxkamaddaha
ka jiraa Puntland in ay joojiyaan arintaa waxna ka qabtaan.
Dadka dhulkaa qandaraaska lagu siiyey waxaanu u sheegaynaa in ay la mid
yihiin kuwa dhulkayagga dhacay, waxaan ka codsanynaa in ay faraha kala baxaan,
raaligelinah ka bixiyaan anagoo naqaan shaqsiyan iyo meesha ay ka soo jeedaan.
Waxaan ka codsanyanaa Issimadda Puntland ee xaqa iyo wada noolashaha Puntland
jecel in ay arintaa wax ka qabtaan, anagoo ku kalsoon waxay ku taliyaan oo
wanaaga, haddii aan arintaa wax laga qaban waxaan xaladayadda la socodsiin
doonaa dhamaan waddamadda ay khusayso arintaani ee dhaqaale ku bixiyey in
airporku hirgalo iyo dhamaan ciddii danaynaysa puntland in ay maal gashadaan iyo
dhamaan shirkadaha dulimaadka in ay ku degayaan in dhul shacab leeyahay uu yahay
oo wixii kasoo gaara ay ayagu ka musuul yihiin.
Waxaan dadweynaha Puntland u sheegaynaa in marnaba aanu ka soo horjeedin
Horumarka Puntland balse dhac bareer ah naloo geystay xaqyagana ay Daw tahay si
alla iyo sidii aanu ku raadsan karno, dhulkaas oo Dowladdi noo cabirtay ayna
naga qaatatay lacag aad u fara badan oo aanu ugu talagalay Dhul beereed
Timireed, ooh hanti badan ay naga gashay, anago dhulkaa ka qodnay 8 Ceel oo
Biyood ku aabuurnay abuur Timireed oo gaaraya 7000 oo Geed, taas oo ay waxyeelo
u geysteen Babaysha diyaaraddaha iyo dhulka oo u baahday ciid nafaqaysan.
Qoraaladaan waxaa xigi doona kuwa Ku tarjuman Af carabi iyo English oo aanu u
qaybin doona haydaha xuquuqda u dooda, Unka, iyo Dowladdaha Puntland Daneeya,
sida U.A.E Dubai, Shariqa iyo Raasa-khaima, Canada, U.S.A UK, iyo Jaraa,idyadda
caalamka, taas oo loo arki doono Aduunka Madax horror ah, anagoo hayna cadaymo
cad cad.
Waaxaan sugnaaba waa jawaab waafi ah
Amaan Badan.
Dr. Mohamed Abdullahi Omar (Cassaro)
mohassaro@hotmail.co.uk
Afeef: Aragtida qoralkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 21, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|