SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

DHADO ROOB NOQON WEYDAY!!

Ciidankii oo dadka dhacaaya iyo dowladdii oo dhawraneysa!!! 

W/Q: C/raxmaan Shariif Max’ed {Taysiir} 
 

Qalad joogto loo galo wuxuu sii kordhinayaa dhibta iyo qalalaasaha oogan, ku qabatay iyo qaddarta ku habsatay shacabka daallan ee Soomaaliyeed, waxey u muuqataa inkaar cimrigeedu dheeraaday, inkastoo ay maanta dhariga karsamaya dhuxulo u sii yeelayaan maleeshiyooyinkii laga soo qaaraamay hoggaamiye kooxeedyada, ee la yidhi: Waxey ciidan Qaran u noqonayaan dowladda KMG. Haddana waxey taasi dhali doontaa, kacdoon 5-aad oo Soomaaliya ka curta. 

Maalin kasta oo jihada Bari ay Qoraxdu ka soo dhalaasho, magaalooyinka dalka ee ay ciidamada dowladdu joogaan waxey bililiqo iyo boob ugu geystaan dadka rayidka ah ee laga sharta badan yahay, waxey mararka qaarkood farateystaan guryaha iyagoo xiran dharka astaanta u ah ciidamada, oo ku andacoonaya iney baaritaanno sameynayaan, ilmada cirrooleyaasha, oohinta carruurta iyo baroorta dumarku, waxey iska noqotay arrin caadi ah, xigashooyinkooda halkan kuma soo wada bandhigi karo, laakiin, erayadeyda ayaan ku soo koobi doonaa, waxey dadkaasi cabashooyinkooda u bandhigaan, Allaha awooddiisa iyo xeeladdiisa adduunka ku maamula. 

Arbacadii aynu ka soo gudubnay ee 17-ka ay ku beegneyd bishan October, 2007, waxaa habeen xilli bar ah ay ciidamada ku sugan isgoyska Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ay xoog ku jabiyeen xafiiska KMG ah ee Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed uu ku leeyahay goob aan sidaa uga fogeyn isgoyska, waxeyna halkaa ka bililiqeysteen Kaamirooyin, Dukumiintiyo iyo agab kale oo lagu tababarayey ardayda jecel iney Saxaafadda Soomaalida ku soo biiraan Maqal iyo Muuqaalba. 

Ma aha dhacii ugu horreeyey ee ay ciidamadu ka geystaan xarumaha ay rayidku gaarka u leeyihiin ee magaalada Muqdisho ku yaalla, tiiyoo kuwa berri wax laga weydiin doono ee horbooda dowladda ay sheedda ka daawanayaan, iyagoo qosol iyo marxabbeyn ku soo dhaweeya tallaabooyinka bahalnimada ah ee ay maleeshiyooyinka tuutaha iyo kaakiga loo xiray ee iyaga ka amar qaata kula dhaqaaqaan bulshada, waxeyna si gaar ah ula eegtaan dadka waxgalka ah. 

Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed muddo 8-sannadood ah wuxuu soo saaray boqolaal Saxafi oo qaarkood wax la qeybsaday Saxaafadda Caalamka, waxa uu sidoo kale Naadigu xaruntiisa ku bixiyaa casharro iyo tababarro uu siiyo jiilal cusub oo u hanweyn iney ku soo biiraan qeybaha warfaafinta, run ahaantiina Saxaafadda Soomaalidu way kala dhantaalmi laheyd Naadiga la’aantiis. 

Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed waxaa aasaasay khubarro Saxaafadda dalka miisaan ku leh, oo markii ay maskaxdooda dhalaaliyeen oo ay waaya-aragnimadooda kaashadeen isla meel dhigay iney aqoontooda bulshada u gudbiyaan, si ay dhaxal u reebaan inta ay nolosha baaqiga ku yihiin, waxeyna Udbaha iyo Dhigaha Naadiga is dhinac dhigeen 14-10-1999-kii, mana jirto hay’ad ku taageerta dhaqaale joogto ah, sidaasoo ay tahay Eng. Mukhtaar Xasan Max’ud oo ah Guddoomiyaha Naadiga Saxaafadda Soomaaliyeed, ayaa muruqiisa, maskaxdiisa iyo maalkiisaba u huray si aanu subaxna xirmin Naadiga, waxaana xubno ka ah Suxufiyiintii hore iyo kuwa cusubba. 

La mood noqonse weyday ayey sheekadu usugu soo dhuratay, waxaa wax laga xishoodo ah, kuwa madaxda sheegtay inaaney illaa iyo iminka ka hadal tacadiga loo geystay Naadiga, halheys hore oo Soomaaliyeed ayaa ahaa: Dhado Roob noqon weyday!!, kalsoonida shacabkii rajada ka qabay iney wax ku ool u noqoto dowladdan waxey gaartay heerkii ugu hooseeyey, duniduna waxey u qeybsantay in quursatay iyo in quus gaarsiisay xaaladda Soomaaliya, Maleeshiyooyinkan Illaah way ka xishoon waayeen xaaraantiina way xalaashadeen, waxaanse eegi doonnaa goob ceebeedda ay isugu soo dhuran doonaan kuwan mehradda ka dhigtay boobka iyo bililiqada, ileen biyo meeshii god ah ayey ku soo hooraane.

taysiir55@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 21, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com