SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

LAASCAANOOD WAXAA LAQABSADAYMAALINTII REER PUNTLAND OGGOLAADEEN IN UU MAAMULO ODEY CADDE ,WAANA FUSHADAY QORSHIHIISII AHAA KA CIILBEEL CALAF ADDUUN OO HADDANA CURYAAMI  

W.Q. Muuse Xaaji (Abees)
Email: abees11@yahoo.com

CIDDII DOONTAA HA SHEEGATO AMA HA KU DIRIRTO LAASCAANOODWAXAASE RUNTU TAHAY MA JIRTO MANA JIRI DOONTO CID GUNTIGAKU QAADANAYSA SOOL, DHAXALWAREEJIN KARTA AMA KA RARAYSA UMMADDA EEBBE KU UUMAY GEYIGAAS, ARRINTUNA KAMA BADNALABA BEELOOD OO DERIS AH OO ISKU XAD-GUD-BAY WAANA SIDA SOOMAALIYA XAALKEEDU KU DAMBEEYEY BURBURKA KADDIB

Maamulka Riyaale oo aan damac adduun ka dhammaan ayaa qorsheystay In uu xukumo dal iyo dad ka baaxaad iyo barwaaqo badan inta uu hadda maamulo, sidaasna ku raadsanaya ismuujin Iyo in uu dunida kaga kasbado in loo aqoonsado dawlad Soomaaliya ka madax bannaan markii malaha hore loo yasay in aan 2 degmo (Hargeysa iyo Berbera) ahaan Karin dawlad.

Damacaas hawada weyn huwani wuxuu sidii dhalanteedka ugu iftiimiyey, aadna ugu dhiirriyey

in aanu Puntland ka jirin maamul soo jeeda oo xisaabtamaya ama u diyaargaroobay u tooghaynta Shuhubooyinka sheelan. Wuxuu xaqiiqsaday maamulka Co. Riyaale in aan oday Cadde Muuse oo hawlihiisu dibadaha u badan yihiin aanu ka badin Karin danihiisa gaarka ah, uuna ku maqnaado intuu doono, Sidaas darteedna ay suuragal u tahay in uu ka faa’iidaysto mas’uulkaas maqanaha iska ah, waana u meelmartay riyadaasi Riyaale markuu xog, xoog iyo sirba ka helay rag dhowaan madax sare ka ahaa Puntland sida Xaabsade oo ilaa 1988dii ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Abniga oo imminka dib ugu noqday Hargeysa oo uu hore uga yimid.

Xaabsade oo ka carooday shaqo ka joojin uu ku sameeyey Jeneraal Cadde wuxuu malaha go’aan ku gaaray in uu ka aargoosto oo dabin adag u dhigo Cadde Muuse, hase yeeshee haddii xaalku sidaas ahaa waxaa Xabsade dabinkii la helay Laascaanood oo ah gurigiisii iyo salkii uu ku fariisan lahaa, sidaasna ha lagu ogaado in aan danayste dal lahayn.

Riyaale oo horay u qabay ciil iyo caro badan oo isbiirsaday oo ay ka mid ahaayeen natiijo la’aantii uu kala noqday Laascaanood mar uu safar ku aaday iyo dhawr dagaal oo dhacay, wuxuu si taxaddar leh u qorshaystay in uu mar uun aargoosto oo kaabiga u yimaado Laascaanood, isagoo ay ku qaadatay 4 sano in uu100km soo durko, isagoo sannadba meel soo joogay su’aal iyo shiddo la’aan, deedna uu sahal ugu soo dhacay Laaska.

Waxaa muuqata hadda in maamulka Riyaale gaaray guul ugu muuqata ciilbeel kaddib markii uu qabsaday Laascaanood, hase ahaatee waxaan ka filayaa in ay talada ku darsadaan in ciilbee ay siyaadiso ciil kuu siisiyaada oo keli ah, waxaana tusaale wacan ugu filan xabbaddii Muqdisho laga bilaabay 1991dii waa taa ilaa hadda ka qiiqeysa, iyadoo cid waliba xusulduub ugu jirto aarsi iyo Ciilbeel,

Hore ayaana loo yiri “NIN MEELI U CADDAHAY MEELI KA MADOOW” . Taasoo macneheedu yahay nin colaadi u caddahay nabadi waa ka madoowdahay, ama waa diiddanyahay.

Maamulka Hargaysa oo adduunka ku sasaban jiray in nidaamka iyo nabadda ay haystaan awgeed loogu aqoonsado dawlad madaxbannaan, taasina soconweyday, ma wuxuu hadda u bandhigayaa in uu xoog ku qabsaday dad kale deegaammadood, uuna u dallacay gumeysi cusub oo ka soo if baxay Somaliya?

Waxaa Maamulka Hargeysa u cad in uu qabsado Gobollada Sool, Sanaag, Cayn iyo siduu yiri Gobollada Bari iyo Nugaal, sidaas awgeed waxaa hadda kaddib ka madoow nabadda wuxuuna door biday in uu dhinaciisa ka raaco dabka ka hanaqaaday Muqdisho iyo agagaarkiisa.

Reer Xamar waxay oran jireen (HEEH! SOO JOOG NINKII LAGA WAAYO, SOO JIIFAA LAGA HELAA).

Dagaalka hadda socda iyo kuwo badan oo hore u dhacay oo dhexmaray Puntland iyo Somaliland kulligood waxay ahaayeen dagaallo aan xaq ahayn oo aanay mudnayn shacabka walaalaha iyo deriska ah ee labada Beelood.

Waa dagaallo Cadde Muuse iyo Daahir Riyaale iyo labada kooxood ee iyaga hareeraha ka fadhiyaa ku danaysanayeen kuna lunsanayeen hantida ummadda oo ay sababo u yeelayeen. Waxay ka dhoohanyihiin kana dhego la’yihiin dhaawaca iyo argagaxa ay ku ridayaan xasiloonida bulshada, waxaana nasiibdarro weyn ah hoogga iyo halaagga ay u horseedayaan dhallinyarada dalka oo ay maalin walba siday doonaan isugu dirayaan isuguna gumaadayaan, waxaana aad uga xumahay in dhallinyaradii Soomaaliyeed ku dhowyihiin dabar go’ markay ka tashanwaayeen cadoowgood u heshiiyey oo ah dagaal oogayaasha shaqada ka dhigtay iska horkeenka dhallinyara iyo carruurta Beelaha Soomaaliyeed.

Waxay iigu muuqataa in dhibaatooyinka ka taagan Sool ay saldhig u yihiin

qodobbada soo socda:

1. Maqane ma joogenimada iyo majare habowga maamul ee ragaadiyey Puntland.

2.Dhabar iska wareenka iyo dhuuniraacnimada koox yar oo ku maxaabsata magaca Beesha Dhulbahante, kuwaas oo hadba dhinac hunguri ugu dhuuheeya.

3. Maamulka W/Galbeed oo aad u doonaya dhulweyn oo uu la shirtago si loo

aqoonsado, isla markaasna isu haysta in uu yahay Beesha keli ah ee leh dhaxalkii

Gumeysigii Ingiriiska.

4. Cadde iyo Riyaale oo saaxiibbo ku ah in ay abuuraan dhiillo colaadeed iyo in ay shacabka fidmo dhexdhigaan si ay ugu raagaan labada dhufays ee ay ummadda ku qashaan kuna kala qaybiyaan si aan waxba looga ogaan qorshahooda dhiigmiiradka ah.

5. Dhaqanxumada, anshax la’aanta, damaca waalan iyo aqoonyarida waayadan dambe Soomaalida deriska la noqday, waxaana aafooyinkaas oo idil hooyo iyo aabbe u ah qabyaaladda aan ku faanno, taasoo aan qoysna ka badbaadin, waxaana ka sii darray oo aan sii dalacnay markaan 30 sano oo aan dawlad ahayn kaddib horumar iyo sharaf dhinac walba ah ka doorannay waxaan maanta ku sugannahay oo ah oo keli ah xasuuqa shacabka iyo burcadnimo oo aan weliba hadda birta u sii afaysanayno.

Sidaas darted, waxaan walaalahayga Soomaaliyeed kula dardaarmayaa in aan baqno oo aan Alle ka baqno.

In aan eexanno oo aan dhinaceenna u eexanno.

In aan Alle u noqonno iyo in aan hubka iska dhigno, is deynno, is cafino, shidadana iska dhaafnno.

In aan qooqa, kibirka beenta ah, qabiil ku faanka iyo isla weynida hungada ah iska deyno.

In aynaan illaawin xisaabta aakhiro iyo Eebbe la kulankiisa.

In aan Alle u toobadkeenno kuna shukrino nimcadiisa, sidaas baana kheyrka, nabadda iyo sharaftu innoogu jirtaa, insha Allaah.

Sheekh Cali Majeerteen wacdigiisii waxaa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee:

“NINNA BAADDIL YUU CUNIN DADOOW BAADI BAAD TAHAYE”

Waxaan dib u xusuusinayaa qof kasta oo ka mid ah ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo murtidii dheheysay:

“MIYIR WAXAAD KUWEYDAAN ISWAAL KUMA MUHIIMTAANE“.

GENERAAL CADDE CIDINA MA GARAWSAN CARADAADA IYO BOOTADAADA BADAN EE BARKUMA TAALKA IYO ISTUSKA AH.

Generaal Cadde, aniga oo aan ka tegi hayn qaddarinta iyo xaqdhawrka Islam kala mudanyahay, markaad ka soo noqotay Dibadaha oo aad muddo dheer ku maqnayd, si aan loo qaateen Ahaynna ugu noqnoqonaysay, markaad soo gaartay Garoowe in aad hadashay internetka ayaan ka arkay, waana kula yaabay sababtoo ah:

Wajigaaga caro badan ayaa ka muuqanaysay, hadalkaaguna wuxuu ahaa booto iyo bushumaha dushooda iyo wax been u eg, waxaana haddii ay gari ku gasho ama gari kaa baxdo ku oran lahaa, waxba ha is xabeebin hana isku kicin dhiigga iyo sonkorta ee intaad sheydaanka iska naarto iska wareeji xilka aad sheegato ee kugu cuslaaday, in aad shaqadaas ku daashayna hore ayaad warbaahinta uga sheegtay.

Dadkeennii xaddaaradda iyo dulqaadka badnaa ee deganaan jiray Marka iyo Muqdisho ee loogu yeeri jiray Banaadiriga ee waayan dambe laba-goodle barakiciyey waxay oran jireen haddaad carooto miyaad ka badanaysaa dharkaaga, qolooyinka isboortiguna waxay yiraahdaan nin carooday laga badi.

Adiga oo Jeneraal ah haddii Cornel isku kalsooni gool wacan kaa dhaliyey kuma dhibin ee digtoonow ayuu ku yiri, waana kuu digay ee ha dareensan hana ka caroon ee wax ku qaado, waxayna la mid tahay (NINKII SEEXDAA SACIIS DIB DHALAY).

Generaal Cadde, nasiibdarrada jirta ayaa ah talo ma aad haysid, mana qaadanaysid, tabarna habasheegin oo waa adigii noqday madaxweynihii koowaad ee adduunka ku wargeliyey in $3 million laga xaday adiga oo safar ah. Haddaba waan ka xumahay in aan lacag iyo dal midna kuu badbaadin ee la wada xaday, marka xigtana malaha adigaa lagu xadayaa ee bal maxaa hadda kuu eg?

Waxaan kaloo ka xumahay in aanay isgeyin in aad ciidammadii Puntland u ruqsaysay mushahar la’aan, adiga oo dalka dibaddiisa joogana lagaa xado lacagta aad sheegtay, taasina waa inkaar aan soo daahin oo kaaga timid shacabkii xilka kugu aaminay, agoonta, maatada, shaqaalaha iyo ciidammada nooc ay yihiinba.

Anigu kaama aamusi karo oo waxaan ka mid ahay Soomaalida aad xilka muhiimka ah u haysid, dhinacaagana dhaxan aan loo adkaysan Karin ayaa nagaga timid sababtuna waxay tahay:

1. Marka hore dhibaato weyni ma jirto oo dad walaalo iyo deris ah ayaa xurgufi dhexmartay, insha Allaahna dawo waa la helayaa gooray noqotaba.

2. Hadiibase ay dhibi jirto waxaa ka mas’uul ah aniga iyo adiga ee waa in aan gar qaadanno oo qiranno denbigeenna.

3. Mudadii aan tamashlaha ku maraynay Yurub iyo Asia yaan dalka iyo mas’uuliyaddeenna uga maqnayn?

4. Ciidankeenna daraawiishta ee hadda aan Taliyahoodii cusbaa cayrinnay,

Ciidammadiisii aan dayacnay ee laga adkaadayna aan iyagana hadda canaan

culus iyo cay aanay mudnayn u dirayno, soow ma aha kuwii aan hore u dayrinnay markaan shilimadoodii ka maarmiwaynay?

5. Guulihii badnaa ee ay hore u gaari jireen innaga oo iska maqan ma ka abaalmarinnay? Mase uga mahadcelinnay?

6. Haddii innagu aan gudanwayno waajibaadkeenna soow umaqalanno cayrin, yaase inna Cayrinaya oo cebeheenna bulshada u sheegaya?

7. Mase inta innaga tabaryar oo innaga hooseysa ayaan tab iyo tabar u leennahay?

8. Soow ma aha ciidankii aan Madaxweyne C/laahi ku niri kaxayso oo meeshaad doonto la’aad oo aan sidaas sahlan uga maarannay?

9. Soow Taliyahoodii hore Carays innagu ma ruqsayn, intoodii badnayd iyo saraakiishoodii kalena Xamar iska xaadiriya ma dhihin?

5. Waxay labadeennaba innala tahay in ceebta maanta taagan ay innooga horreeyeen ceebo badan haddii aan qiranayno, qaladkeenana aan dadku dib ugu dulqaadan doonin, waxaana ka gaabinnay murtidan soo socota:

“ MARKA HORE MARKAAB ADAG HADDAAD DHIGATID MAADHIINKA,

MUSKU HADDUU KU DHEERYAHAY LIBAAX KUUMA SOO MARO’E.

XALKA DHIBAATADA CAKIRAN EE DHAWR SANO KA DHEX-ALOOSNEYD MAAMULLADA

PUNTLAND IYO S/LAND WUXUU IIGU MUUQDAA SIDATAN:

1. In labada maamul ka wada fogaadaan arrin kasta oo dhibaatada si fogeynta karta ugana si dari karta taasoo noqo karta in xoog iyo xabbad La isu adeegsado, waana in labada geesoodba hubka dhulka dhigaan, isla markaana shacabka loo soo celiyo xorriyaddoodii lagana dulqaado argagaxa, amarkutaaglaynta iyo arbushka badan ee ay kala kulmayaan ciidammada hubaysan ee ay dhexda ugu jiraan, waana in gebi ahaanba ciidammada labada dhinac aanay soo gelin kana dhexmuuqan Laascaano. 

2. In ciidamada labada maamul la kala geeyo xuduudkii u dhexeeyey Gobollada Sool iyo Todheer waqtigii ay jirtay dawladdii Soomaaliya shuruud la'aan.

3. In markaas kaddib dhibaatooyinkaas lagu xalliyo si nabad ah, waxaana

Ila habboon in arrintaas lagu soo afjari karo in Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn loo daayo in ay iyagu ka tashadaan aayatiinkooda, loona daayo akhyaarkooda wixii ay talo ku gaaraanna lagu tixgeliyo laguna badbaadiyo, ayna ka baxaan Gobolladaasi  

isqabqabsi iyo dil iyo leystaan, waxaana laga qaadi karaa afti goobjoog laga wada yahay.

R ABBI TALADA TOOSAN, TOOBADDA IYO TIXGALINTA XASILOONIDA HA INNAGU HANUUNIYO

WABILLAAHI TAWFIIQ

W. Q. Muuse Xaaji (Abees)

Email: abees11@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoralkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 20, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com