Lahaystayaasha is haysta ayaa na heysta
Owliyo72@hotmail.com
Lahaystayaasha
Xiriirka ka dhexeeya xaqiiqada siyaasadeed ee maanta Soomaaliya ka jirta iyo
aqoonta aan u leenahay ayaa ah labo shey oo isa sudhan, waxaase lagama maarmaan
ah in sidan loo dhigo. Xaqqiqada/reality waxey noqotaa aqoon/knowledge, waxa
la’ogyahayna waxey noqdaan sida waxa hareeraheena ka dhacayaa ay sida dhabta ah
oo ay ujiraan ay u yihiin.
Siyaasada Soomaaliya 17kii
sano ee ugu dambeeyay waxey aheyd wax soosaarkii Ethiopia/Ethiopian product.
Muuqaalkaasi wuxuu soo maray heerar iyo qaabab kala duwan, wuxuuse dhamestirmay
shirkii Embagathi oo ay Ethiopia ku dhiiratay iib geynta nooca dowladeed ay
Soomaaliya ka damcsan tahay, kaas oo ay ku mashquulsaneyd 14kii sano ka hor
shirkaas oo ay si jiitan iyo daal farabadan ka dib TFGda si sandulle ah ku
dhalisay.
Hadaba waxaa la’odhan karaa, in uu hardan weyni ka dhexeeyo riyadii hore ee
lasoo cusbooneysiiyay ee Ethiopia iyo tijaabada fashilan ee riyadaas ka hor
yimid. TFGda oo sidii aan kor ku xusay ah badeecad Ethiopia ayaa durbadiiba ay
soo foodsaartay xilligii baaba’a iyo kala daadashada, oo ay ugu wacan tahay
khilaafaadka isdaba jooga ah iyo madax banaani la’aanta go’aamada C/laahi Yusuf
madaxweynaha TFGda iyo Cali maxamed Geedi ra’iisul wasaarah TFGda,
Hadaba waxaa in la xuso mudan, inta ay talada Soomaaliya Ethiopia kali ah ka
go’do, in khilaafaadka TFGda dhexdeeda uu noqon doono khilaaf soo noqnoqda
marwalba oo aan xal loo helin.
Is haystayaasha.
Caro eebe waxa ay ku dhici ciiduna
inkaari, waa niman caloosha iska
neceb ciidanna is mooda.
Burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya waxey eersatay, qabqablayaal aan
ajanda siyaasadeed iyo karti shakhsiyadeed midna isku dhaamin oo aan iyaga
laftoodu midba midka kale indhiisa buuxin Karin. Ka hor shirkii Carta waxaa
jiray 14 shirar dib u heshiisiin oo dhowr dal lagu qabtay, waxa marwalba
fashalinayay shirarkaasi waxa ay ahaayeen dhowrka qabqable ee ummadda fursadaha
aadka qaaliga u ah kaga lumiyay is naceyb iyo wax isku qab qabsi dagaal
oogayaashaas dhexdooda ka jiray.
Shirkii Embagathi waxyaabaha uu aadka ugu dheeraada waxaa sababaha ugu
waaweyn ka mid ahaa xalinta qilaafaadka dagaal oogayaasha dhexdooda ka jiray.
Tusaale ahaan Muuse suudi wareysiyadii uu BBcda laanta afka Soomaaliga sii
deysay wuxuu C/laahi Yuusuf ku tilmaamay “nin kabo ka waaweyn raba inuu xirto”,
halka uu isna C/laahi Yusuf ugu hanjabay qabqablayaasha Xamar hadii ay is
hortaagaan natiijada shirka Embagathi kasoo baxda uu badda ku shubi doono.
Ka dib dhismihii dowlada TFGda, waxaa ay dowladu saldhig ka dhigatay Jowhar,
oo marti loogu ahaa Maxamed Dheere oo xilligaa ahaa gudoomiyaha degmada Jowhar.
Waxaa xusuus mudan, in khilaafyada xilligaa jiray ay dhowr jeer Ethiopianku
dhexdhexaadiyeen C/laahi Yusuf iyo Maxmed dheere. Markii ay dowladu u wareegtay
Baydhabo, waxa uu Maxamed Dheere warbaahinta ka yidhi, “Waxaa noo yimid oday
dhaqameed Daarood ee mahaan madaxweyne ma’imaan”.
Waxaa ay khilaafyadii soo jiitamayay ay ku dambeeyeen, in labada nin ee ugu
sareeya TFGda, madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha oo ah labo qof oo aan horey
xiriir uga dhaxey, balse la’isku tolay ay ugu dambeytii wada shaqey kari
waayeen. Dowlada Ethiopia ma aha markii ugu horeysay oo ay dhaxdhaxaadin
kasameyso C/laahi Yusuf iyo Cali Maxamed Geedi, mana noqondoonto markii ugu
dambeysay ee khilaafyadani dhacan.
Nahaysta
Mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya wuxuu u jajuuban yahay dagaal oogayaal
ummaadda qiimaheedii iyo sharaftii shacabka dhulka lagalay. Raagaas oo aan anigu
u bixiyay siyaasiyiintii aakhiru zamaanka, waxey galaafteen madaxbanaanidii,
midnimadii iyo horumarkii ummaadda Soomaalioyeed. Dhibtii lagala kulmay
burburkii ay horseedka ka ahaayeen siyaasiyiintii aakhiru zamaanka, waxey dadka
iyo dalka beylah uga dhigeen khatar kasta oo dibadda, dariska iyo dalka
gudihiisaba ka imaneysay.
Inta talada dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay gacanta ugu jirta siyaasiyiintaas
aan kor ku xusay, mustaqbalka soo socda ma’aha mid kheyr laga filan karo arimaha
Somaaliya.
Dadka Soomaaliyeed waxaan kula talin laha, in umadda marlabaad dib loosoo
nooleeyo, iyadoo waxyaabaha ugu horeeyay ee xooga lasaarayo ay yihiin;
Ø Ku dadaalista dib u heshiinsiinta iyo soo celinta
amaanka
Ø Ka tagista qabiilka iyo qabyaalada
Ø Ka shaqeynta midnimada dadka iyo dalka
Ø Taageerista cadaalada iyo sinaanta dadka Soomaaliyeed
Ø Dhiirigalinta horumarka nolosha iyo tacliinta
Ø Sooclinta karaamda iyo sharaftii ummaddu laheyd
Gabogabadii
Waxaan gabogabadii qoraalkeyga kusoo xiri lahaa, lahaystayaasha is heysta
ayaa nahaysta, in qormadan micnaha laga faa’iidi karo oo ay xambaarsantahay uu
yahay, sadex geesoodka barmuuda ee dadlka iyo dadka Soomaaliyeed ay manta ku
sugan yihiin. Waxaan kusoo khatimayaa tix yar oo gabay dheer kamid aheyd.
Ma dhamaan aduunkuye,
ilmaha dhaxal haloo reebo.
Awliyo dadweyne
Owliyo72@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoralkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 20, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..
|