Umubakar: Jawaab Ku Socota Abuu Ciise
Zahra Abdi Hersi.
Holland
umubakar@hotmail.com
Marjaca ummadda islaamka waa Al-Kitaab
Wa-Sunna,labaduna sheegi maayaan in diyada naagta ay tahay barka diyada ninka
Marka hore waxaan leeyahay intii e-mailka ii soo
dirtay oo iigu dhiiraggeliyay xaqa sheegistiisa in aan horay u sii wado iyo
intii akhrisay maqaalkaygii hore iyo intii ra’yigooda ka dhiibteen waxaan
dhammaan leeyahay jazaakumullaahu khayran,Allah innaga wada dhigo dhammaanteena
dadkii diintooda difaaci lahaa xaqa sheegistiisana aan cidna uga ganban xataa
hadduu yahay Ugaaska iyo garaadka ay ka heebaystaan dadka caamada ah oo iyagu
qabiilka la weyn halkii la rabay in ay manhaj ka dhigtaan kitaabka iyo sunnaha
rasuulka sallallaahu calayhi wasallama.
Inta aan u gudagelin ka hadalka diyada xoogaa aan
wax ka sheego khaladaadka ay dadka qaarkii galaan waana dadka hadalka Allah ku
qorayo lahjadooda ama afkooda ama af Soomaali ha noqoto ama af kale ha
noqote,waxaana sharci ahaan u mamnuucan ah in hadalka Allah lagu qoro af aan
ahayn carabi,laakiin sharraxiisa ama fasirkiisa waa lagu qori karaa afkii la
doono iyadoo waliba tarjumada lagu samaynayo hadalka Allah loo baahan yahay in
aad looga taxadaro aadna looga fiirsado ee aan lagu degdegin tarjumada,sida la
ogsoon yahayna tarjumadu waa ammaano ammaanaduna waa in loo gutaa sida ay
tahay,asxaabtii rasuulka sallallaahu calayhi wasallama sida Salmaan, Bilal,
Suhayb iyo asxaabta la mid ah Allaha ka raalli noqdee midna kuma qorin hadalka
Allah afkiisa balse qof kasta wuxuu bartay afka carabiga kuna akhrin jireen
waxna ku qori jireen,kuna xafidi jireen,Rabbina wuxuu qur’aanka ku soo dejiyay
af carabi,haddii ay dhacdana in qof ku qoro qur’aanka afkiisa sida qofkii
qora:Innaa Anzalnaahu fii laylatilqadri ilaa dhammaadka wuxuu qofkaasi ku sugan
yahay baadi,wuxuuse oran karaa Annaga soo dejinay (Qur’aanka) habeenka
qaddarka…...
Ummadda islaamka marjacoodu waa kitaabka iyo
sunnaha,Allahna kor ahaaye wuxuu wax kasta ku dhammeeyay kitaabkiisa wuxuuna
yiri:maanta ayaan idin dhammeeyay diintiina, waxaana idin taam yeelnay korkiina
nicmadayda (suuradda Al-Maa’ida,aayad lambar 3,) arrinka diyaduna waa arrin weyn
mana dhici karto in uu Allah ka tegay,sidaas daraadeed baanu u jirin hal aayad
oo caddaynaysa oo hadalka Allah ka mid ah in haweenayda magteeda ay bar tahay
ninkuna uu hal yahay,mana jiro xadiis saxiix ah oo arrinkaasi tilmaamaya,yacni
xadiis saxiix ah oo sheegaya in diyada naagtu ay tahay bar,halku uu ninku yahay
hal,balse waxaa jira axaadiis wada daciif ah oo aan la soo qaadan karin lana soo
daliilsan karin,qofka muslimka ahina sida asxaabtii rasuulka sallallaahu calayhi
wasallama lagu arkay haddii ay maqlaan Allah wuxuu yiri iyo rasuulka sallallaahu
calayhi wasallama wuxuu yiri waxay oran jireen waanu maqalnay waanuna adheecnay.
Laakiin casrigan hadda waxaa la arkaya dad marka
xaqa loo sheego ka kibraya oo waliba hadduu moryaan yahay oo cilmi dhegood
haysto,iskuna qaato in uu caalim yahay, wuu ka daran yahay, haddii lagu yiraahdo
war aayaddan fasirkeeda waa khalad ama lambarkaasi aad ku sheegtay ma’ahan ee
waa lambarkan ama xadiiskaasi waa daciif,waxaa dhici karta in uu weyraxo oo uu
noqdo sidii Al-Xajjaaj bin Yuusuf oo kale kaasoo yiri:qofkii i yiraahdo Allah ka
baq qoorta ayaan ka jaraya, sow lama arag moryaanta iyo jaahiliinta maskaxda iyo
quluubta ka gashay qabiilka iyo kaabo qabiilnimada marka la yiraahdo Allah ka
baq bistoolada uu sito ayuu kuugu dilaya,waliba kaba sii darano haddii ay
haweenay xaqa u sheegto.
Xadiiska macnihiisu yahay dumarka iyo raggu waa
ku siman yihiin magta illaa saddex meelood,kaddibna naagta diyadeedu waa barka
ninka diyadiisa,wuxuu Ibnu Xajar kitaabkiisa talkhiis al-xabiir uu ku sheegay in
uu xadiiskaasi ku jiro kala go’,lana soo qaadan karin, sheekh Albanina wuxuu
xadiiskaasi uu ku sheegay in uu yahay daciif wuxuuna ku xusay kitaabkiisa Irwa’
al-ghaliil,al-Nasaa’ina wuxuu xadiiskaas daciifka ahi uu ku sheegay kitaabkiisa
al-sunan al-kubra, Ibnu Kathirna wuxuu xadiiskaas daciifka ahi uu ku sheegay
kitaabkiisa Irshad al-faqiih,inta aan ognahayna culumada kama maqlin aayad ku
cad kala sheegidda magta ragga iyo dumarka,mana jiro xadiis saxiix ah oo ka
sugnaaday rasuulkeena sallallaahu calayhi wasallama.
Dad badan baa ku talaxtegay in diyada haweenaydu
ay 50 tahay halka uu ninku yahay 100 iyagoo aan arrintaasi u haynin wax daliil
ah oo ka sugan yahay kitaabka iyo sunnaha rasuulkeena sallallaahu calayhi
wasallama,haddii ay arrinkaasi jaahilnimo ka tahayna waa loo cudaddaari karaa,
hayeeshe waxaa laga doonaya in ay diinta bartaan, labada sheekh saxiixooda waxaa
ku xusan in nebigeena sallallaahu calayhi wasallama uu yiri:Rabbi qofkii khayr
la doono diinta ayuu fahamsiiya,Allaha na fahamsiiyo diinta, haddii uu ka
madaxadaygana oo ay arrintaasi ulakac u sameeyo wuxuu noqonaya qof denbi ku
jira, maalinta qiyaamana lagama yeelayo Rabbiyow dib ii celi waan soo baran
doonaaye.
Qofka muslimka ah waxaa looga baahan yahay
haddii arrini ku timaado oo aanu garanayn inuu weydiiyo dadka ehelka u ah sida
Rabbi uu yiri:weydiiya kuwa cilmiga leh haddaydaan wax garanayn (suuradda
Al-Anbiya’,aayad lambar 7)
Marka la soo hadal qaado diyada waxaa dhici karta in dadka qaarkii ay durba u
boodaan dhaxalka, kuna qiyaas qaataan dhaxalka oo waxay isku mid ka wada dhigaan
dhaxalka iyo diyada taasina waa arrin jahli weyn ah, maxaa yeelay wax aan isku
macne ahayn haddii isku macne laga wada dhigo jahawareer baa abuurmaya, xukun
marka la gaaraayana ama aan fasirayno hadalka Allah waxaa nalaga doonaya in aan
u fasirno sidii ay culumada u fasireen hadal kastana aan siino xaqiisa ee
ma’ahan inta labo aayadood la soo akhriyo ama la soo xafido haddana dadka in la
isaga dhigo qof caalim ah oo callaama ah.
Zahra Abdi Hersi.
Holland
umubakar@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 18, 2007
QORAALKII: Faham
Xumida Abu Ciise ee Diinta Islaamka | umubakar
Qoraalkii: .
Hakanoqoto hadalka
ay sooqortay (Zahra Abdi Hirsi) | Tirmidi
.
Jawaab Kusocoto
maqaaladii Abuu ciisa tarmadi iyo Zahra | camaar
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|