SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Puntland midnimo baa lagu dhisay

Xaaladda cakirin, dhibaatada iyo daruurta  maalmahaan hareeyay puntland, ma aha wax loo baahan yahay, waana masuuliyid dayacantay. Waxaanna runtii nasiib darro ah, layaabna leh in dagaalkan iyo kii ka horeeyay `04 lala beegsaday bisha barakeysan ee ramadaanka iyo xilli roobab ay da`ayaan. Waxaan wada oggnahay ciddii raxmada Alle ku badasha kibir iyo dulmi inay khatar ku sugan yihiin.Gobolladaani waxay ku caanbaxeen meelo ay nabadgelyo  ka jirto, lagu hanweynaa inay deegaamadoodana hormariyaan, Soomaaliweyn wax taraan. 

Haddii aan dib u jaleecno horaantii sanndkii `98, ilaalinta nabadgelyada waxay aheyd wixii ugu horeeyay ee horseeday in la dhiso maamul gobolleeda puntland.Waxa jiray in guddigii qabanqaabinta dhismihii maamulka iyo waxgaradka puntland, inay si fiican uga dooddeen arimaha la xiriira nabadgelyada. Diiradda waxaa la saarayay xilligii uu socday abaabulkii shirweynihii iyo saadaalin guud. shirarkaas doodduhu waxay ku saleysnaayeen qodobadaan hoos ku xusan:

  1. maxaa horistaagikara dhismaha puntland?. loona kala qaaday seddex oo kala ah:

    A) Khilaafaad  ka dhasha gudaha ?

    B) Dagaalo iyo weerar dibadda ah, inta lagu dhex jiro dhismaha?

    C) Dhaqaale xumo?

    2) Dhismaha ka dib maxaa la saadaalinkaraa? 

Dooddihii markii  si fiicana loo falanqeeyay, waxaa meesha laga saaray A,B.

Xarafka A wuxuu ku baxay, shacabka puntland melkasta ha joogeene, iyagaa hormood u ahaa rabitaanka in la dhiso maamulka, waxayna diyaar u la ahaayeen inay ku bixiyaan wax kasta oo ay helikaan(Fiiri sharaxaada C). Sidoo kale madaxdii jabhadihii ka jiray deegaanka, waxay aqbaleen inay shirweynihii uga soo qeybgalaan iyaga oo ka mid ah ergooyinkii gobollada. 

Xarafka B asna wuxuu ku baxay, markii si xasaasi ah looga doodday, lana dhageysatay talooyinkii ay soo jeediyeen rug caddaa ku xeel dheer xirfada ciidamada. 

Xarafka C, oo runtii  wax badan ka sahlan  khatarta ka imaankarta A,B baa noqday mid doodiisii dheeraatay, waxaana sabab u ahaa. Markii la bilaabay abaabulka maamulka, reer puntland waxay ka codsadeen UN inay kharashka ka qeyb qaataan. Waxay ballan qaadeen inay qeyb libaax ka qaadanayaan dhaqaalaha ku baxaayay dhisidii maamulka puntland.Hase yeeshee ballan-qaadkii UN wuu soo daahay, ugu danbeyntiina wuxuu noqday “ isku tashada, maxaa yeelay waxaad wadaan waa is balaarin”.

Alle mahadi kaalintaan waxaa buuxshay shacabka puntland meelkasta ha joogeene. Horaantii sannadkii `98 aad bay u yaraayeen huteelada ku yaalay magaaladda Garoowe, hase yeeshee reer Nugaaleed oo hoggaaminayaan Isimadoodii iyo waxgaradku waxay ku guuleysteen inay martigaliyaan kumanaankii ergooyinka ahaa , bilihii shirweynihii socday. sidoo kale gobollada kalana waxay keeneen dhaqaale cadaan  iyo xoolo nool isugu jira. Waxaa xusidmudan in dhaqaalihi lagu dhisay puntland ay ku jireen lacag ay iska soo uruuriyeen danyarta Sandaqadaha leh. Puntland waxay ku dhisantay, midnimo, xilkasnimo, kaladanbeyn, wax quurid iyo wax ka duwan isbarbar yaaca manta ka jira.

Runtii doodihii waxay culusaadeen markii la soo gaaray qodobka labaad, oo lagu saleeyay waayo-aragnimo hore iyo saadaalin. Culeyska waxaa keenay markii miiska la soo saaray Xarafka A oo ka tirsanaa qodobkii koowaad. Hase yeeshe ku habboonaaday in loo soo qaato, si lagu odoraso xilliga maamulku hawlgalo. aragtiyadii waxay u bateen in khaladaadka ay ka mid yihiin shanta qodob ee hoos ku xussan ay deegaanka puntland u horseedikaro khilaafaad, midnimo la`aan iyo waxaan lagu farxin:

  1. Xukun jeceyl,
  2. Xumaan maamul.
  3. Xoogsasho,
  4. Xigto,
  5. Xeer la`aan.

Waxaan filayaa in qofkasta uu dareemikaro culeyska ay leeyihiin shantaan qodob oo ka mid ahaa saadaashii waxgaradkii falanqeeyay xilliyada puntland fooda ku soo hayay. waxaanna shaki ku jirin in dhibaatooyinka soo maray puntland iyo mida ay xilligaan ay  ku dhexjirto, ay udub dhexaad u yihiin qodobadaas kore, natiijooyinkii ka dhashayna ay noqdeen sidaan hoos ku qoran:

  1. Dagaal sokeeye iyo hoggaan la`aan,
  2. Daryeel, waxqabad iyo nidaam la`aan,
  3. Dan gaar ah iyo ii daa,
  4. Da`dii iga yareyd baan kuu soo dirayaa,
  5. Dastuur la`aan ay ka danbeyso yaan la degin.

Markii la isku soo duubo, qoraalkaan waxaan ku hakinayaa “ Haddii puntland lagu dhisay caqli iyo cudud mideysan, aysan innaga dumin khilaaf iyo waxaan guul lagu gaaraheyn ”.

Annaga oo ka duulaya puntland nabad iyo nolol waxaan ugu baaqaya dhamaan waxgardka reer puntland iyo samajecalka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba:

  1. Inay ka qeyb qaataan sidii xal loogu helilahaa khilaafaadka jira, 
  2. Inay ka qeyb qaataan soo celinta midnimadii, Ixtiraankii iyo kaladanbeyntii,
  3. In laga wadatashado sidii laga yeelilahaa aayaha deegaamada puntland,
  4. Waa ramadaan aan Alle ka barino inuu Soomaali oo dhan dhibaatada ka saaro.

    AAAAAMMMMMMMMMMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIINNNNNNNNNNNNN 

Waxaa qoray: 
shakib_dhowre@hotmail.com

SomaliTalk.com | Oct 4, 2007


C/llaahi Yuusuf oo u diyaar garoobaya saddex sano guuradii ka soo wareegatay doorashadiisii
.Itoobiya oo xulanaysa ciidamada kala qayb qaadanaya..
.Xasan Turki “Intaan la xaajoon laheyn Yuusuf iyo Geedi..
.Weriye C/Xakiim C. Jimcaale oo xaaladdiisa caafimaad laga..
.Iska hor imaadyo dhex maray Somaliland iyo Puntland..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 2

baydhaboQoraal lagu burinayo xariga Gudoomiyaha Maxkada sare oo loo Akhriyey Baarlamaanka DF
iyo Af-hayeenka Baarlamaanka oo waqti kama dambeys u qabtey Wasiiradda ka dhego adeygay u yeerista Baarlamaanka..
Akhri Oct 1


Midowga Ganacsatada G/Banaadir oo Axadii Bilaabay inay Lacag deeq ah u qaybiyaan Dadka waxyeeladu ka soo gaartey dagaalada Muqdisho iyo barakaca.. Akhri Oct 1

Khilaafka C/laahi Yuusuf iyo Geedi oo ku salaysan arrimaha batroolka, lacago laga soo qaaday sucuudiga

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com