Jawaab:Bilaal iyo u qiildayida shabaabka!!!
Inkastoo aanan macmiil u ahayn qoraalada afsomaliga lagu
daabaco ee kusoo baxa website-yada Somalida,waayo badiyaa waxay ka bilowdaan
kuna dhamaadaan caqiiqada foosha xun ee qabyaalada iyadoo aqoontuu doono
halahaado qorahuye aay aakhirka nuxurka qoraalkiisu ku dhamaanayo fikirka
reerkiisa.
Waxaanse marar indhahayga soo jiita doodaha ku saabsan
cilmiyada guud ahaan gaar kuwa diinta salka ku haya,waxaa dhawaan indhahaygu
qabteen qoraal kusoo baxay somalitalk oo cinwaankiisu ahaa Xaqbay ahayd
qaadacaada shabaabka ee shirka asmara. uuna qoray nin magaciisa kusoo
gaabiyey Bilaal hargeisaawi. Kaasoo sida cinwaanka laga dhadhansan karo uu
ku difaacayo kooxda shabaab iyo mowqifkeeda ku saabsan shirka Asmara.
ًWaxaanse ku bilaabayaa Bilaal qoraal ugu danbeeyay oo uu
isku dayay inuu sharxo siyaasada sharciga ah ee islaamka,waxaa ii sii
cadaatay in bilaal mowduucaan iyo kuwo kale oo uu qalinka u sito wax wayni
aaysan uga baxsanayn,isagoo arimo badan isku qalday,jawaabta uusiiyey
maqaalkii cilmiga huwanaa ee cabdiraxman warsame waxay u muuqataa mid ka
hooseeya oo aan ka hadlayn heerka iyo fahamka uu ka hadlayay cabdiraxmaan.
Qoraalka jawaabta ah ee uu Bilaal soo qorey waxaan jeclahay
inaan qoraal gaar ah ku faaleeyo,waxaanse ka xusayaa mid uu majaraha uga
dhacay oo sababtay in maqaalka oo dhami uu qaado wado qardajeex ah,oo ah
siyaasada sharciga qeexideeda waayo waxuu yiri siyaasada sharciga ah waxay
ku qotontaa daliilka quraanka iyo sunaha oo macnaheedu yahay in waxii aan
daliil lahayn aay noqonayso siyaasad khaldan,waxaana culimada ka faalootaa
siyaasada sharciga ah aay isku raacsan yihiin badidood in siyaasada sharciga
ah aay ku dhisan tahay ilaalinta diinta iyo in lagu maamulo
aduunka,waxaa kale oo la isku raacsan inta badan in siyaasada islaamka aay
ku dhisan tahay in lagu maamulo umada islaamka waxii masaalix ah ee aan ka
hor imaanayn sharciga,halkaas waxaa ka cad in aan laga eegayn siyaasadaasi
sharciga daliil ma looga helayaa amraya ama faraya in arintaas la sameeyo,
ee waxaa laga eegayaa sharciga maka horimaanaysaa oo ma jiraa daliil
mancinaya siyaasadaas.
Caalimka Ibnu Qayim oo arintaan sharxaya waxuu yiri " (ومن
قال لا سياسية الا ما نطق به الشرع فغلط وتغليط للصحابة، وهذا موضوع فرطت به
طائفة وجعلوا الشريعة قاصرة لا تقوم بمصالح العباد محتاجة الى غيرها "
"Cidii tiraahda siyaasad aan shareecadu ku hadlini ma jirto
waa khaldan yahay waxuuna u gafey saxaabadii rasuulka,waana arin aay ku xad
gudbeen kooxo,kuwaas oo shareecada ka dhigay mid gaaban oo aan u adeegayn
danaha adoomaha ee aay u baahan tahay wax kale."
Siyaasada Sharciga ahi waxay ku qotontaa
quraanka,sunaha,ijmaaca,Ijtihaadka(shuruudihiisa leh).
waxaan intaas ku darayaa in aayada "اليوم
اكملت لكم دينكم واتممت عليكم نعمتى" ee uu bilaal u
daliilshanayo inay khuseyso dhaqaalaha,xisaabaadka,kaabayaasha
dhaqaalaha,siyaasada dowliga ah,waxqabadka guud,hantidhowrka,tacliinta,cilmi
baarista,ciidanka,booliska,taraafikada,in diinta islaamka aaysan kaamil
ahayn hadii aaysan arimahaas ka hadlayn,waxaan u malaynayaa inuu Ilaahay uga
toobad keeno hadalada noocaas oo quraanka in hawadeena aan ku fasirno
maahan,ama dooda inaad ku xoojisato,xurmo iyo eedaab buu leeyahay. iyo in
loo fahmo sidii aay u fahmeen qarniyadii fadliga lahaa .
Nebiga waxuu yiri xadiiska saxiix ah ee muslim wariyey
markii uu arkay nimanka bacriminta ku samaynayay timirta oo ku yiri u malayn
mayo inay wax tarayso,markii aay iska dhaafeen ee aay u qaateen in nabigu ka
mamnuucey markii danbe ee nabiga loo sheegay waxuu yiri ”idinkaa u ogaal
badan arimahiina dunida,ee waxaan ahayd ra,yi,maahayn waxyi” dhacdadaani
waxay daliil u tahay in Sida bilaal u daliishaday aayadu inaysan ahayn
quraanku waa kitaab hanuun hadii aad tiraahdo accounting,bio-technology,auditing
iwm cilmiyada oo dhan baa laga helaya waxaan u malaynayaa in aay tahay
arintaasi mid khaldan.
Hada ka hor ayuu sheekh Masri ah kitaab tasfiir ah qorey oo
la yiraahdo ”Jowhar Al-Quraan” waxuu si weyn iskugu dhabar jabiyey inuu
quraanka waafijiyo culuumta sayniska ah ilaa culimada qaar aay ku dhaliileen
kitaabkiisa inuu quraankii u muujiyey kitaab saynis,taasoo ah arin khalad ah
waayo waxaanu ognahay in culuumta aadanahu aay tahay wax tijaabo iskaga
jirto oo cilmi ama aragti maanta sax ah ayaa bari khalad noqon karta,hadii
maalintii aay saxda loo haystay aad quraanka cuskisid beri markey khalad
noqoto maxaa ka dhalanaya,halkaas waxaa ka fahmaynaa in quraanka aan lagu
lifaaqin waxyaabaha howlaha aadane ee khibrada iyo daahfurku hago.
Qormada cusub hadaan intaas uga baxo waxaan galayaa qormadii
maqaalku khuseeyay ee ” Xaqbay ahayd qaadacaada shabaabka ..”
Markaan si mug leh u akhriyey qormada bilaal waxaa iisoo
baxday inuu wax ku dhisey gafaf waawayn,islamarkaana uu qorahu si weyn u
cabsan yahay kooxda shabaab iyo afkaaraheeda madax dhul la dhaca ah.
Ugu horeyn gafka koowaad ee uu wax ku dhisey waa in uu
arinta saldhig uga dhigay inay tahay gaalnimo iyo muslimo,baadi iyo hanuun
iwm, waxaana culimadu islaamku isku raacsan yihiin in arimaha khuseeya
siyaasa sharciyah aay hoos galayso Ijtihaadka oo baabkiisu yahay khalad iyo
sax,kii khaldama uu leeyahay hal ajar, kii saxmana uu leeyahy laba ajar
hadii niyadu hagaagsan tahay.
Markeynu wax ku dhisno in raga qoraalka shabaabku ku
wajahnaa aay yihiin rag culimo ah oo aqoon durugsan u leh diinta, ilaa inta
aay qaateen mowqifka shirkaana ahaa rag aay shabaabku ku wardin jireen
magacooda iyo fatwooyinkooda, arintaan mowqif iyo aragti walba lala aadayo
usuulu caqiida ee gaalnimo iyo islaanimo waa baadi cad oo aay ku jiraan
kooxda shabaabka iyo inta afkaar ahi, khilaafka siyaasiga ah ama fikrad
qofku ula muuqatay in maslaxada umada islaamka ahi ku jirto qofkuna uu yahay
qof muslix ah oo aan fasaad hore looga baran,arinta uu sameeyayna aaysan
ahayn arin si cad uga hor imaanaysa nasuusta qadciga ah. taasoo u sahlaysa
bilaal iyo inta la afkaar ah in cid allaale iyo cidii aay isku qabtaan ama
ku kala afkaar duwanaadaan qaababka islaamka kor loogu qaadayo aay ku
shabeeynayan inuu khilaafey islaamka qaalna yahay kadibna si sahlan aay
dhiigiisa u xalaalsadaan waana qiilkaas midka aay u go,ayaan dad badan oo
muslimiin ahi maanta.
Arimaha siyaasada iyo dhacdooyinka soo dariya qaababka lagu
xalinayo waa arin ijtihaad ah, oo aay xaq u leedahay cidii gaartey heer
cilmi diineed,daacadnimo,biseyl,fahamka duruufaha ku xeeran arinta lagu
ijtihaadayo iwm..
Gafka labaad ee bilaal ku dhacay waa arin iyaduna aay caan
ku yihiin qolyahaan shababka iyo dadka la duuban afkaarahooda oo ah inaan
ilaahay looga biqin lagana fiirsan is-amaanida fikirkooda,howlaha aay
qabteen iyo wadada aay hayaan taas oo ah manhaj khilaafsan kii dadka
wanagsan lagu yaqiiney.
Bal si fiican u dhuuxa kalmadahaan uu bilaal ku xardhey
qoraalkiisa :
”Waxaa la helay nimco aan mudo kumanaan sano laga joogo la
helin,”
” Wuxuu allaaaah ina siiyay khilaafo islaami ah ama dawlad
islaami ah taas oo kazoo if baxday qaybkamida dhulkii hore loo odhan jiray
dhulwaynaha islaamka khaasatan dhulka ay degaan qowmiyada soomaalidu qaybo
kami ah”
” Waxaa samada kismaayo laga lulay calankii rasuulka scws”
” waxaa baaba’day in qabiil la’isku xidhiidhiyo”
Waxuu noo sawirayaa bilaal in aan islaanimo ka horeysay
shabaab aaysan jirin, kalmadaha qaarkoodna waa meel ka dhac weyn sida inuu
yiri waxaa la helay nimco aan la helin kumanaan sano, taasoo u muuqato
qorahu inusan ama taariikhda aqoon ama aay wax u dhintay afkaarta xamaasada
kaliya ku dhisan, waayo nabigeenii nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha
ahaatee inta laga joogo 1500 sano ka yar weeye nimco iyo naxariis ka weyn oo
dunida soo martey ama dib usoo maraysana ma jirto, sida uu sheegay sadexdii
boqol ee sano ee xigtay isaga ayaa u kheyr badan umadaan.
Waxuu si aan khajil lahayn saaxiibkeen afka ugu buuxinayaa
in la helay khilaafo islaami ah, waxaanan garanayn in bilaal uu fahamsan
yahay macnaha khilaafada islaamka iyo inkale, waxaynu ognahay in khilaafada
tahay macno ka gudo weyn sida fudud ee saaxiibkeen u sawiranayo.
Kalmada ah waxaa samada kismaayo laga lulay calankii
rasuulka!!! Waxaan u malaynayaa inay gaf wayn tahay,waana tii nabigu Mucaad
ibnu jabal markii uu u dirayay yemen isagoo daaci ah uu ku yiri hadaay kaa
dalbadaan inaad xukunka ilaahay ku ridid ama qaadid haka yeelin eee
xukunkaaga ku qaad waayo ma ogid ma asiibeysaa xukunka ilaahay mise ma
asiibeysid, waxaa nabigu dhowrayay in xukun ijtihaad uu saxaabigu u nisbeeyo
ilaahay,sax qofku waa inuu ku dadaalaaa inuu waafaqo sida xaqa ah iyo sida
ugu dhow nusuusta quraanka iyo sunada,laakiin meelaha tadbiiqiga ah ee u
baahan in xaalad nas la waafajiyo ama nas xaalad cusub la haleelshiiyo waxay
u baahan tahay aqoon durugsan iyo ijtihaad shuruudihiisa leh,kadibna
arintaasu waxay ahaanaysaa ijtihaad banii,aadam oo sax iyo khalad labadaba
noqon kara, mana gaarayo inuu noqdo xukunkii ilaahay iyo kii
rasuulka,arimahaan waxaa si mug leh u balbalaariyey imaam ibnul qayim
kitaabkiisa dahabiga ah ee ”qlaamul muwaqiciin can rabil caalamiin”.
Khaladka meesha yaala waxaa weeye in bilaal iyo ragiisu aay
aamineen in wax kasta oo aay sameeyaan uu yahay xukunkii ilaahay, mowqif
walba oo aay qaataana uu yahay kii ilaahay rabay,calankoodu uu yahay kii
rasuulka wax allaale waxii lagu sameeyo calanka rasuulka hoostiisana aay
tahay xaq barax la,a, cidii khilaaftaana aay tahay in calankii rasuulka oo
babanaya ka hoos baxday,xukunka ninkii calanka rasuulka oo babanaya ka hoos
baxayna is weydiin ma leh oo waa u cad yahay.
Is daahirinta noocaas ah iyo isweylanidaasu maahan mid boos
ku leh dhaqanka dadka suuban,waxaa tusaale qurux badan noogu filan dhacdadii
in xitaa asxaabtii rasuulku aay marar badan naftooda tuhmi jireen, falal
badan oo aay sameeynayeena ka shakin jireen ilaahay raali maka yahay
mise,ilaa xad iyagoo jihaad ku jira oo daalan markii salaadu ka cadaatay oo
kaseexdeen nabiguna la socday, aay markii la tukaday ka dib aay weli hadal
ka taagnaa murugo laga qabo salaada laga seexday iyo salaada qalaha ah ee
aay tukadeen in Ilaahay ka aqbalay iyo inkale!!!.
Mida kale arinta gaalaysiinta iyo in dadka ehlu-qiblada ah
diinta banaanka looga jafo waa arin khatar ah,oo saldhig u ah afkaaraha iyo
ficilada khariban ee socda, dadka islaamka ah in diinta laga saaro waa arin
adag,waxay u baahanaysaa fatwo sharci ah weliba sida fiican jamaaci ah oo
culimo diinta ku xeeldheeri aay gaaraan, maahan koox inay iyadu khilaafyada
siyaasadeed ee kala dhaxeeya kooxaha kale-Xitaa haday yihiin kuwo
islaamiyiin ah- aay gaalaysiintu noqoto hub loo adeegsado, waxaan ognahay in
rag kuwaas ibraahim gaalnimada dabada u suraya la mid ah ama ka hooseeyaa
aay shabaabka taageeraan kuwaas oo lagu shabeeyay mujaahidiin waawayn.
Gunaanadkii iyo gabagabadii waxaan ugu nasteexayn lahaa
bilaal iyo ragiisu inay wax akhriyaan,islamarkaana ka faaiideystaan khibrada
ragii bud-dhiga u ahaa xarakaadka jihaadiga ah oo koow ka yahay qoraaga
kitaabka saldhiga u ah dhaqdhaqaaqyadaas ee la yiraahdo
العمدة فى اعداد العدة للشيخ
عبدالقادر بن عبدالعزيز kaas oo ka noqday afkaartii
saldhiga u ahayd jihaadka laga dhex bilaabay dowlado iyo shucuub islaam ah
sida Masar oo qorahu u dhashay oo aay kooxdiisa Al-jihaad, iyo kooxda kale
Aljamaaca Al islaamiyah ayaa labaduba dagaalo dhiig badani ku daateen la
gashay dowlada masar iyagoo aakhirkii yaqiinsadey in wadadaasu aay tahay
qardajeex khaladaad badana aay ku jiraan,islamarkaana aay kasoo noqdeen
kitaabka iyo ka noqoshada jamaacaadkaas waa arin waafi ah waxii tafaasiil ah
fadlan u noqo website-kooda
egyig.com.
Jihaadka gaalada soo duushey ee xooga ku qabsatay dhulalka
islaamka kama hadlayo maqaalkaanu waa arin sharci ah,waxaanse ka hadlaynaa
waa kan dadka muslimka ah ee hadaay doonaan shacabka lagu laynayo ama
shakhsiyaad muslim ah inta lagu shabeeyo gaalnimo kadibna lagu dilayo xitaa
masjidka iridiisa hadii laga helo sida aay marar sameeyeen kooxda
shabaab.waa kaas kan aan diidanahay oo u aragno fidmo horteed.
Jihaadka aan diidanahay waa kii nahrul baarid ee dhowr boqol
oo dhalinyaro carbeed ahi inay tageen xero qaxoti oo boqolaal kun oo
falastiniyin ahi ku jiren aay isku hubeeyeen ama lagu hubeeyay kadibna aay
halkaas booto iyo dhaar ka bilaabeen kadibna dagaal ku qaadey ciidanka
lubnaan, iyagoo ka diley tiro door ah, maxay noqotay natiijadii kaamkii
nahrul baarid ee hoyga u ahaa kumanaan falastiiniyiin masaakiin ah waa
burburey dhamaantiis, kooxdii fatxul islaam waxay noqdeen dhimasho,dhaawac
iyo maxaabiis,sumcad xumo iyo dhib weyn iyo culeys ayaay ku soo kordhiyeen
mujtamaca suniga ah oo awalba dhibaatooyin weyni ka haysteen dalkaas
shiicada iyo kirishtaanka la dega,arintaan oo culeys siyaasadeed iyo mid
nabad galyo kusoo kordhisey,waxaa xusid mudan in nimankaasi aay diideen
ergooyin badan oo dhibaatada looga hirtagi lahaa in dagaal weyni ka dhaco
meeshaas oo shacabka muslimka suniga ah ee lubnaan aay ku baajinayeen
masiibo in halkas ka dhacdo,samadoonkaas waxaa hormuud ka ahaa culimo diinta
ee suniga sida raabidada culimada falastiin,muftiga lubnaan culimo si weyn
loo yaqaano dhamaan samadoonkaas waa diideen kooxdaasi,aakhirkiina markii
aay u adkeysan waayeen madaafiicda ayaay culimadii lasoo xiriireen bal in
caruurta iyo naagahooda loo badbaadiyo iyagiina meeshaas baay ku
dhamaadeen.miraha laga gurtey jihaadkii fatxul islaam aay la galeen ciidanka
lubnaan weliba qaybtiisa suniga iyagoo kilometiro aay u jirto israaiil
aaysan hal rasaas ah ku ridin waxaa la weydiinayaa bilaal iyo raga la
jidbeysan dagaalada indhaha la,a ee ku dhisan ismiidaaminta.
Warkii oo dhan bilaaloow xamaasad iyo qaylo umad iyo aayo
laguma dhiso ee miyirka iyo runta usoo dega iskana dhaafa seefta gaalaysinta
iyo xero ka saarka ee aad wadataan culimada iyo shacabka waxgaradkiisa.
W.Q sheekh abuubakar
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
SomaliTalk.com | Oct 3, 2007
C/llaahi
Yuusuf oo u diyaar garoobaya saddex sano guuradii ka soo wareegatay
doorashadiisii
.Itoobiya oo xulanaysa ciidamada kala qayb qaadanaya..
.Xasan Turki “Intaan la xaajoon laheyn Yuusuf iyo Geedi..
.Weriye C/Xakiim C. Jimcaale oo xaaladdiisa caafimaad laga..
.Iska hor imaadyo dhex maray Somaliland iyo Puntland..
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Oct 2
Qoraal lagu burinayo xariga Gudoomiyaha Maxkada sare oo loo
Akhriyey Baarlamaanka DF
iyo Af-hayeenka Baarlamaanka oo waqti kama dambeys u qabtey Wasiiradda
ka dhego adeygay u yeerista Baarlamaanka..
Akhri Oct
1
Midowga Ganacsatada
G/Banaadir oo Axadii Bilaabay inay Lacag deeq ah u qaybiyaan Dadka
waxyeeladu ka soo gaartey dagaalada Muqdisho iyo barakaca..
Akhri Oct 1
Khilaafka
C/laahi Yuusuf iyo Geedi oo ku salaysan arrimaha batroolka, lacago laga soo
qaaday sucuudiga
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|