Madaxweynaha DGPL oo golaha wakiilada hortooda kasheegay inuusan dadka
usheegidoonin inuu khayraad soosaarayo..
Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse ayaa maanta (Arbaca Oct 31, 2007) golaha
baarlamaanka DGPL ka hor sheegay in uu dhammaaday xilligii uu ka hadli jirey
khayraadka dabiiciga ayaa la soo saarayaa ama uusan mar dambe dadka u sheegi
doonin in uu soo saarayo khayrad balse uu ka hadli doono difaaca.
Faahfaahin dheeraad ah kulankii baarlamaanka Puntland hoos ka akhri...
waxaa Magaalada Garoowe ka furmay Kalfadhigii 19 Aad ee baarlamaanka Puntland
.
Kalfadhigii 19aad ee baarlamaanka Puntland ayaa saaka ka furmay Magaalada
Garoowe ,waxaana ka soo qeybgalay baarlamaanka Puntland inta badan Madaxweyne
Cadde Muuse,Kuxigeenkiisa Xasan Daahir Maxamuud ,Xildhibaan Xasan Abshir Faarax
,Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo wasiirada Puntland intooda badan.
Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa furey shirkaasi isagoo
halkaasi ka soo jeediyey hadal ku aadan furitaanka Shirka iyo waliba waxyaabaha
ka socda gobalada Sool ,Sanaag iyo Cayn.
Wuxuu sheegay in fadhiga baarlamaanka looga wada hadlayo Doorashooyinka soo
socda iyo Difaaca dowlad gobaleedka Puntland ,isagoo sheegay in loo baahan yahay
in Sharciga iyo Midnimada wax walba laga hormariyo.
Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa halkaasi ka soo jeediyey Khudbad uu ugu
talagalay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka Puntland ,wuxuna Islaanku si weyn
uga hadlay waxyaabaha ka jira gudaha Puntland.
Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi ayaa markaasi ka dib halkaasi ka
hadlay ,isagoo su’aalo kala kulmay baarlamaanka Puntland ,kuwaasoo laga
weydiinayey waxyaabaha keenay qabshada Magaalada Laascaanood iyo waxqabadka
Xukuumadiisa.
Gen. Cadde Muuse wuxuu sheegay in ay jiraan khaladyo dhinaca Maamulkaa ,isagoo
shaaca ka qaaday in ay Xukuumadiisu ka gaabisay dhinaca Milateriga ,balse wuxuu
sheegay runta hada la ogaaday ayna ku sii jeeday kor uqaadida dhaqaalaha
Puntland.
Wasiirka Kulluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumada KMG ah Xasan Abshir Faarax
ayaa ka hadlay isna shirkaasi ,isagoo siweyn uga hadlay arimaha Sool ,Sanaag iyo
Cayn.
Wuxuu tilmaamay Xasan Abshir in aan loo baaheyn is eedayn xiligan la sheego
,isagoo tibaaxay in wixii layskugu qabo layskugu soo laabto markii deegaanada
Puntland lugu soo celiyo gacanta dowlad gobaleedka Puntland.
Wuxuu kaloo Xasan ka waramay Arimaha dowlada Soomaaliya ,wuxuuna cadeeyey in ay
dowlada Soomaaliya mudada uhartay wax weyn ka qabaneyso arimaha nabadgalyada ee
dalka Soomaaliya.
Intaasi ka dib Mudanayaal ka mid ah baarlamaanka Puntland ayaa su’aalo kooban
weydiiyey Madaxweynaha Puntland ,isagoo Madaxweynuhu ujawaabayey Xildhibaan
walba soo weydiiya Su’aal.
Kalfadhigan 19aad ee golaha Wakiilada ee Puntland ayaa sii socon doona Maalmaha
soo socda ,waxaana looga hadlayaa Doorashooyinka Madaxtinimada Puntland.
Magaalada Buhoodle ee gobolka Cayn ayaa waxaa ku qulqulaya Issimo reer
puntland.
magaalada Buhoodle ee gobolka Cayn ayaa waxaa gaaray Issimo ka soo jeeda
gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Issimadaasi waxaa ay ka kala ambabaxeen magaalooyinka Garowe iyo Laascaanood.
Issimada magaalada Buhoodle gaartay waxaa ka mid ah Garaad Jaamac Garaad Cali
Garaad Jaamac oo isagoo uu horkacayo issimo iyo waxgarad badan ay shalayto ka
ambabaxeen magaalada Laascaanood.
Waxaa kaloo Issimadaasi gaartay magaalada Buhoodle ku jira Garaad Saleebaan oo
isagoo hormuud ka ah issimo iyo waxgarad shalay ka ambabaxeen magaalada Garowe.
Ujeedada ay issimadu isugu tageen magaalada Buhoodle ayaa lagu sheegay in ay
tahay sidii ay uga arrinsan lahaayeen arrinta gobolka Sool ee Somaliland ay
qabsatay, halkaasoo ay ka jirto dhibaato ay ciidamada Somaliland ay ku hayaan
dadka magaaladaasi.
bashiir omar ali
bashiir137@gmail.com
bashiir137@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|