Khudbaddii Cadde Muuse ka jeediyey Garoowe - Oct 31, 2007
Khudbadda Madaxweynaha DGPL ee furitaanka kalfadhiga 19 aad ee Golaha
Wakiilada DGPL
Garowe Arbaca October 31, 2007
Guddoomiyaha,guddoomiye ku xigeenka, guddiga joogtada,dhammaan xubnaha golaha
wakiilada DGPL,xubnaha golayaasha dowladda,mas’uuliinta maamulka
dhexe,saraakiisha ciidamada qalabka sida,isimada,xubnaha bulshada rayadka
ah,wakiilada hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah,bahda warbaahinta iyo dhammaan
intiina goob-joogga ka ah munaasabaddaan furitaanka kal-fadhiga 19 aad ee golaha
wakiilada, waxaad dhammaantiin murwooyin iyo mudanayaal iga guddoontaan salaan
diirran.
Waxaan ku faraxsan nahay inaan ka soo qayb galo munaasabaddaaan macnaha iyo
qiimahaba badan ee furitaanka kal-fadhigaan.
Kal-fadhigani siyaalo badan ayuu kuwii ka horreeyey uga duwan yahay,wuxuu ku soo
beegmay xilli ay arrimo badani soomaaliya ka jiraan,xilli dhanna laga
quuldarraynayo dhismo qaran soomaaliyeed dhan kalena ay soo if baxayaan oo ay
isa soo tarayaan calaamado iyo astaamo muujinaya carqalado badan oo ay wadaan
qaran-diid ay hagayaan kooxo, maamulo iyo dowlado diiddaan in qarankii
soomaaliyeed dib u soo laabto, in shacabka soomaaliyeed uu sharaftii iyo
haybaddiisi ummadeed soo ceshado in mar kale soomaaliya ay madasha dowladaha
adduunka meeqaam iyo xurmo weyn ku yeelato.
Wuxuu kal-fadhigu ku soo beegmay goor ay ciidamo W/galbeed ah oo ay kaalinayaan
xoogag argaggixiso ahi qabsadeen L/caanood oo ah magaalo madaxda gobolka Sool ee
Puntland.
Wuxuu kal-fadhigaani ku aaddan yahay xilli la maleegayo lana falkinayo
mardabooyin loo la jeedo in Puntland la dabro oo xasilooni-darro iyo fowdo laga
abuuro.
Waxaa lagu jiraa xilli ay Puntland toogeysatey inay u saan-qaqqaeddo
dhammaystirka tiirarka dimoqraadiyadda iyadoo ay dib u eegistii dastuurku
gaba-gabo marayso loona gudbayo tallaabooyinkii xigi lahaa ee afti-gelinta
dastuurka iyo nidaamka axsaabta.
Waxaan shaki ku jirin inaan sinnaba khudbad iyo ereyo urursan loogu soo koobi
karin duruufihii iyo dhacdooyinkii soo gudbaanaaday muddadii u dhexeysey
kal-fadhigii 18aad ee golaha iyo kan aanu maanta furitaankiisa u gole fadhino.
Murwooyin
iyo mudanayaal,
Haddii aan si gudagal ah uga warramo xaaladihii la soo maray waxaa laga ma
maarmaan ah inaan xuso arrimaha iyo qodobbada soo socda :
I. Arrimaha dowladda KMG federaalka soomaaliya
Sida aad la socotaan dowladda KMG federaalka soomaaliya waxay qaadday
tallaabooyin lagu xasilinayo, nidaam iyo kala dambayna lagu soo celinayo
magaalada Muqdisho.
Inkasta oo ay arrintani ahayd mid aad u adag haddana ilaa iyo xad wax badan ayaa
ka qabsoomay dagaalkii lagu la jirey kooxihii hubaysnaa ee diiddanaa taabbagalka
iyo astaynta dowlad soomaaliyeed.
Waxaad ogsoon tihiin in kooxo isugu jira haraagii maxaakim-sheegatadii oo ay
argaggixiso shisheeye ahi garab siinayaan, saad, hub iyo taakulo kaleba ka
helayey dalal shisheeye ay dagaal burcadnimo ka wadeen Muqdisho iyo meel kastoo
kale oo ay taageeridda dowladda federaalka iyo rabitaanka qarannimada ku
tuhmayeen.
Si kastaba ha ahaatee waxaa la wada qirsan yahay in kooxahaas burbur iyo dhaawac
culus la gaarsiiyey.
Si kasta oo la dagaallanka argaggixisada guulo fara badan looga gaarey haddana
dibindaabyadii iyo hawlihii burcadnimo weli waa sii socdaan oo sidii la rabey
looga ma jibakeenin.
Inkasta oo ay dowladda federaalku guulo siyaasadeed gaartey aqoonsi ballaaranna
ay beesha caalamka inteeda badan ka heshay haddana weli waxaa muuqata in la
dabrayo oo hadba caqbado hor leh la hor dhigayo.
II. Xiriirka Puntland iyo dowladda KMG federaalka soomaaliya
Sida aad ka wada dheregsan tihiin Puntland waa D/Goboleedka keliya oo soomaaliya
ka dhisan waxayna xiriir wanaagsan iyo iskaashi la leedahay dowladda KMG
federaalka soomaaliya.
Puntland waxay danaynaysaa in dowladnimadii soomaaliyeed soo laabato,in
hannaanka federaalnimadu soomaaliya ka hirgalo,in midnimadii iyo qarannimadii la
iilay ay soo noqdaan.
Sidaa darteed waxay Puntland si buuxda u taageertaa dowladda federaalka, waxay
si bareer ah ula garab taagan tahay hiillo kasta oo looga baahdo.
Dhanka kale D/G Puntland iyo dowladda KMG federaalku waxay lee yihiin wada-tashi
waxayna mas’uuliinta labada dhinac si joogto ah isu dhaafsadaan fikrado iyo
wufuud taasoo wada shaqayntooda iyo iskaashigooda maalinba maalinta ka dambaysa
sii xoojineysa oo tabar iyo itaalba u yeeleysa.
Puntland dowlad iyo shacabba waxaa ka go’an taageerada, iyo gacan-siinta
dowladda KMG federaalka maxaa yeelay nidaamka federaalnimadu Puntland wuxuu u
yahay arrin dastuuri ah,federaalnimadu waxay reer Puntland u tahay arrin
masiireed iyo istaraateejiyadeed,waxay u tahay fiiro iyo aragti ka turjumeysa
mustaqbalka fog ee jeylalka soo aaddan.
Sidaa daraaddeed in hannaanka federaalnimo soomaaliya ka taabbagalo waa arrin
astaynaysa aayaha reer Puntland iyo sidoo kale guud ahaan shacabka soomaaliyeed.
III. Arrimaha Puntland
Muddadii ka dambeysey kal-fadhigii 18 aad ee golaha wakiilada waxaa la soo maray
hawlo badan oo saamays ku leh siyaasadda, aminga & nabadgelyada,
horumarka,arrimaha bulsha iyo astaynta & tayeynta maamulka dowladda.
III.a, Xiriirka dibadeed
Wufuud ka la duwan oo kala heer ah kana socota dowladda Puntland ayaa socdaal
shaqo ku kala bixiyey dalal badan. Wufuuddaasi waxay meel kasta oo ay tageen
wada-hadallo Puntland dan u ah la yeesheen mas’uuliintii dalalka ay booqdeen.
Sida aad la socotaanba aniga iyo wafdi aan hoggaaminayo waxaanu booqasho rasmi
ah ku tagnay dalalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Jamhuuriyadda
dimoqraadiga federaalka Itoobiya,iyadoo aanu madaxda dalalkaas ka wada hadalnay
sidii ay Puntland u la yeelan lahayd iskaashi dhinacyo kala duwan ku saabsan.
Waxay ku jirtaa in la xuso in booqashada Itoobiya ay dhinac socdeen kulamo
gaargaar ah iyo wad-hadallo aanu la yeelanay safaaradaha dalalka waaweyn ee Adis
Ababa fadhiya kuwaas oo muujiyey danaynta weyn ee ay Puntland u hayaan iyo sida
ay dalalkoodu diyaarka ugu yihiin iskaashi ay la yeeshaan iyo maal-gashi ay
shirkadahoodu Puntland ku sameeyaan.
Waxaa kaloo safar miro-dhal ah Itoobiya ku tegey Madaxweyne ku xigeenka Puntland
halkaas oo la isku soo af gartay arrimo badan oo labada dhinac iyo labada
shacbiba dan u ah.
Waxaa sidoo kale dalka Kenya booqasho ku tegey guddoomiyaha golaha wakiilada oo
wada hadallo la soo yeeshay ururro caalami ah oo ku tala gashan inay golaha
wakiilada u dhisaan xarun casri ah oo u qalanta isla markaana ay golaha u
fidiyaan kaalmo farsamo (technical assistance).
Waxaa iyana safarro shaqo dalalka Kenya iyo Tansaaniya ku tegey wufuud kala
duwan oo ka socota golaha xukuumadda iyagoo kulamo la yeeshay hay’ado iyo ururro
caalamiga ah iyo sidoo kale deeq-bixiyeyaal.Safarrada xubnaha xukuumaddu waxay
la xiriireen iskaashiga hay’adahaas iyo Puntland iyo sidii loo xoojin lahaa
loona tayeyn lahaa wax-qabadka hay’adaha ee Puntland.
Wafdi aan hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku gaarey Muqdisho halkaas oo
wada-hadallo waxtar leh lagu la yeeshay mas’uuliinta dowladda KMG federaalka
soomaaliya.
Wafdigu wuxuu kaloo gacan ka geystey dardar gelinta iyo najaxinta shirkii dib u
heshiisiinta qaran, arrintaas oo jawi dhiirran iyo rajo weyn ku biirisay hawlaha
shirka.
III.b, Shirka dib u heshiisiinta qaran
Shirkii dib u heshiisiinta qaran wuxuu ka mid ahaa barnaamijyada iyo dadaallada
ugu muhimsan ee looga gol lahaa nabadaynta iyo dib u heshiisiinta soomaaliyeed,
taasoo saldhig u noqon karta soo celinta midnimada ummadda soomaaliyeed.
Waxaa shirka dib u heshiisiinta ka qayb galay ergo ballaaran oo Puntland ka
socotey ayna u dhammaayeen wakiilada bulshada rayadka iyadoo ay hoggaaminayeen
isimada Puntland.
Runtii ergada Puntland si weyn ayey uga dhex muuqatey madashii shirka waxayna
hawlaha dib u heshiisiinta ka qaadatay dowr hormuud ah oo ay Puntland sumcad
weyn iyo magac ku kasbatay.Ergada Puntland waxay madasha shirka ku soo
bandhigtay fikrado dareen waddaninnimo iyo kal-gacayl ku abuurtay dhammaan
ergooyinka shirka dib u heshiisiinta.
Waxaa xukuumadda soo gaarayey hambalyo iyo mahadnaq ay soo jeedinayeen madax
dhaqameedyo iyo mas’uuliin kala duwan oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee
soomaaliya arrintaas oo ku aaddan sida loogu bogey loona qiimeeyey dowrkii ay
Puntland ka qaadatay najaxinta shirkii dib u heshiisiinta qaran.
III.c, Horumarinta iyo tayeynta maamulka
Sida la la wada socdo waxay xukuumaddu muddaba ku hawlanayd horumarinta iyo
tayeynta maamulka dowladda.Waxaa la sameeyey daraasado badan oo arrintaan ku
wajahan.
Barnaamijkii astaynta maamul-sixidda Puntland waxaa laga dhaxlay daraasado,
warbixinno iyo talooyin ku aaddana sixitaanka, tayeynta iyo horumarinta maamulka
dowladda ee dhammaan laamaha iyo hay’adaha Puntland.
Barnaamijkaan waxay xukuumaddu u fidisay dhammaan wixii tas-hiilaad ah ee ay
guddiyadii astayntu u baahdeen.
Hore ayey xukuumaddu u ballan qaadday in la fulin doono talooyinka toosinta ah
ee ka soo baxda guddiyada astaynta si hadba la socota awoodda.
Si haddaba loo meelmariyo talooyinkii ay guddiyada astayntu soo bandhigeen loona
xaqiijiyo himiladii iyo ujeeddooyinkii dejinta barnaamijka astaynta looga gol
lahaa wxaa ilaa iyo hadda la qaaday tallaabooyin dhowr ah oo la xiriira
horumarinta maamulka, waxaana halka lagu xusi karaa :
1. Waxaa la dhisay hay’adda astaynta maamul-wanaagga
2. Waxaa la dhisay guddiga hab-dhowrka shaqaalaha rayadka ah (Civil Sercic
Commission)
3. Waxaa bilowday barnaamijka tayeynta hawlaha hay’adaha maaliyadda iyo
xisaabaadka. Barnaamijkaan waxaa fulinaya Bangiga Adduunka iyo hay’adda
UNDP.Barnaamijku waa mid ahmiyad ballaaran u leh horumarinta siyaasadda iyo
nidaamka maaliyadeed ee Puntland.
Waxaa qorshaysan in barnaamijkaani socdo muddo 2 sano ah.
4. Waxaa la dejiyey lana meelmariyey nidaam lagu sugayo in hawlaha wasaaradaha
iyo hay’adaha dowladdu u socdaan si habsami ah oo ka jawaabeysa hufnaanta iyo
wax-qabadka looga baahan yahay hay’adaha dowladda. Si arrintaas loo xaqiijiyo
waxa la meelmariyey tallaabooyin ay ka mid yihiin :
- Waxaa madaxa kharajka guud ee dowladda iyo curaaraha la saaray
gunno-xileedyada wasiirrada, wasiirru ku xigeennada,agaasimayaasha
guud/guddoomiyeyaasha/ maareeyeyaasha guud ee hay’adaha dowladda iyadoo ay
gunnadaasi ka baxsan tahay miisaaniyaddii u qoondaysnayd wasaaradaha iyo
hay’adaha dowladda.
- Kharajkii hawl socodsiinta (adeeggii) wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee
hore miisaaniyadda ugu qoondaysnaa waxaa loo daayey sidiisi iyadoo loogu tala
galay oo keliya in lagu wado hawl maalmeedka iyo qorshayaasha wasaaradaha iyo
hay’adaha.
- Si kor loogu qaado awoodda wax-qabad ee maamulada gobollada waxaa loo
qoondeeyey kharaj bille ah oo suurtagal ka dhigaysa in maamuladaasi awood u
yeeshaan fulinta waajibaadka looga fadhiyo iyo mas’uuliyadda saaran.
- Iyadoo la tixgelinayo kaalinta ahmiyadda leh ee ay haweenku kaga jiraan
nolosha bulshada iyo horumarinta dalka waxaa ururrada haweenka ee heer gobol mid
kasta loo qoondeeyey kharaj bileed u suurta gelinaya in ururrada haweenku
fuliyaan barnaamijyada ay gobollada ka qabanayaan.
- Waxaa awaamir laga bixiyey fulinteedina lagu guda jiraa diiwaan gelinta
hantida dowladda (daaraha, dhulalka, gaadiidka, qalabka iwm) taasoo loo la jeedo
in hantida dowladdu noqoto mid ilaalsan oo aan la lunsan.
- Waxaa socda hawlo ay khubaro ka wadaan wasaaradda qorshaynta, hanti-dhowrka
iyo hay’adaha maaliyadda oo qayb ka ah barnaamijka iskaashiga Puntland iyo
hay’adaha caalamiga ah.
- Waxaa socda barnaamij ku saabsan idaacad iyo television ay dowladdu yeelato.
Arrintani waa mid muhim ah iyadoo ay Puntland muddo dheer ku taameysey
helitaanka idaacad iyo television
dowr ka qaata baahinta iyo bandhigidda waaqica siyaasadeed, dhaqaale iyo
horumarineed ee D/Goboleedka Puntland, wacyigelinta bulshada iyo guud ahaan
waxbarashada iyo toosinta dhaqanka.
Waxaan shaki ku jirin in hawlgelinta idaacaddaan iyo television-ku ay wax weyn
ka tari doonto kaalin weyna ay ka geli doonto horumarinta Puntland.
- Waxaa socda barnaamij la xiriira sare u qaadista wax-qabadka
hay’adaha dowladda kaas oo qayb ka ah heshiis ku saabsan kaalmo farsamo oo ay
fidisay UNDP.
- Waxaa degsan oo sanadka cusub la bilaabayaa barnaamij lagu tababarayo
shaqaalaha rayadka ah ee maamulka dowladda, iyadoo laga faa’ideysanayo
akadeemiyada Booliska ee carmo.
Barnaamijkaani wuxuu dowr muhim ah ka qaadanayaa sare u qaadista xirfadaha
shaqaalaha rayadka ah.
5. Iyadoo la taabbagelinayo barnaamijka ku saabsan horumarinta iyo tayeynta
maamulka waxaa la hawgeliyey wax-qabadkeedana la xoojiyey hay’adda hanti-dhowrka
guud ee dowladda.
Waa jiraan arrimo badan oo dabraya wax-qabadka hay’adda hanti-dhowrka una baahan
in sidii suurtagal ah wax looga la qabto (qalab, xafiisyo, gaadiid iwm).
Arrimahaan inkastoo tallaabooyin laga qaaday haddana weli wax badan baa harsan.
Dhan kale hawsha hanti-dhowrku waxay si hufan u fuli kartaa markii la sugo
wada-shaqaynta hay’adaha sharci-fulinta.
Waxaa dhowaan la qaban doonaa tababar iyo aqoon is weydaarsiyo lagu xoojinayo
wada-shaqaynta hay’adaha shari-fulinta.
Si kastaba ha ahaatee hay’adda hanti-dhowrku inkasta oo uu weli itaalkeedu yar
yahay haddana waxay qabatay hawlo badan oo wax ka taray saxitaanka iyo tayeynta
maamulka guud ee dowladda.
III.d, Amniga gudaha
Waxaa si weyn la isugu taxallujiyey sugidda amniga gudaha ee Puntland.
Sida la ogsoon yahay nabadgelyadu waa tiir aan la’aantiis la haweysan karin jawi
nololeed, xasilooni iyo horumar sidaa daraaddeed waxaa xoog la saaray kharaj
badanna lagu bixiyey sidii looga hortagi lahaa loona daba geli lahaa kuwa loo
adeegsanayo in amni-xumi Puntland laga dhaliyo.
Waxaa gacanta lagu dhigay oo xabsiyada lagu hayaa qaar ka mid ah burcaddii
falal-dembiyeedyada fulineysey iyadoo kuwa kalena ay hawlihii baaristu ku
socoto.
Dembiyada caadiga ah ee meel kasta ka dhacaa iyagu waa jiraan hayeeshee kuwaasi
ma aha kuwa sida daran xasiloonida iyo amniga bulshada u saameeya.
Waxaa igu waajib ah oo aan ku faraxsanahay inaan halka hortiina mahad ballaaran
uga jeediyo ciidanka Booliska Puntland oo runtii si fiican uga hawlgalay sugidda
amniga guud iyo ka hortagga qorshaha ay burcaddu damacdo inay hawlo argaggixiso
ku fuliso.
Runtii markii la xoojiyey awoodda wax-qabad ee guddoomiyeyaasha maamulada
gobollada arrimaha amniga gudaha waxaa ku dhacay isbeddel tayo oo la dareemi
karo.
Arrintu ma aha una macna dhici mayso in wax waliba sidii la doonayey yihiin
marka laga hadlayo hawlaha amniga la xiriira.Waxaa loo baahan yahay in la sii
wado dadaalka loogu jiro sare u qaadista awoodda ciidanka Booliska,
dhammaystirka kaabayaasha laga ma maarmaanka ah sida
gaadiidka,isgaarsiinta,dhismaha ama dayactirka saldhigyada iwm.
Nuxurku waa astaynta aaladda iyo awoodda wax-qabad ee ciidanka amniga.
Waxaa sidoo kale loo baahan yahay in la xoojiyo tababrka xubnaha ciidanka amniga
iyo sidoo kale xubnaha hay’adaha nabad-sugidda.
Waxaa xukuumadda u degsan in arrimahaan si marxaladaysan oo awoodda dhaqaale la
socota wax looga qabto iyadoo run ahaantiina muddadaan dambe wax badan oo
baahiyahaas la xiriira la qabtay.
Waa wada ogsoonahay waana wada qirsan nahay in hawlaha amnigu u baahan yihiin
wada shaqayn tayeysan ee dhammaan hay’adaha shari-fulinta,arrintaas oo aan weli
halkii la rabey la gaarsiin una dhaweyn.
Si loo sugo helitaanka nidaam amni oo lagu seexan karo waxaa laga ma maarmaan ah
in fiiro gaar ah loo yeesho socodsiinta hawlaha maxkamadaha oo runtii ka mid ah
meelaha u baahan in si dhab loogu soo jeesto loona tayeeyo.
Xukuumaddu waxay dejisey barnaamij guud ahaan ku aaddan sare u qaadista hawlaha
hay’adaha sharci-fulinta iyadoo la la kaashanayo hay’adaha caalamiga ah.
Markii la isu soo ururiyo waxaan mugdi ku jirin in xaaladda amniga guduhu
marayso heer lagu qanci karo,hawlgalka ciidanka Booliskuna yahay mid soo
wanaagsanaanaya.
Qulqulka qaxootiga oo badidood tahriib u socdaan iyo dad soo barakacay oo
gobollada soomaaliya ka kala imanaya waxay saamays weyn ku leeyihiin xaaladda
amniga, ciriiri-gelinta adeegyada bulshada iyo sidoo kale caafimaadka guud.
Waxaa intaas dheer inay dadkaas ku dhex jiraan oo ay ku dhex dhuumanayaan kooxo
loo soo diray khalkhal gelinta Puntland iyo fulinta hawlo argaggixiso oo
qaarkood ay ciidamada amnigu gacanta ku dhigeen lagana helay xogo badan oo
xasaasi ah.
Waxay ku jirtaa inaan halka ka sheego in kuwa hawlaha argaggixisada loo soo diro
ay gacan iyo gabbaad ka helaan canaasir Puntland u dhalatay oo nasiib-darro aan
nala damiir iyo dareenba ahayn.
III.e, horumarinta kaabayaasha dhaqaale iyo bulsho
Waxaa laga wada warqabaa in kaabayaasha dhaqaaluhu ay yihiin saldhigga dhabta ah
ee horumarinta dhaqaale iyo bulsho.Waxaanu wada ogsoon nahay inaan horumar lagu
taami karin iyadoo ay maqan yihiin kaabayaasha gaadiidka (jidad,gegooyin
dayaaradeed, dekedo), biyo iyo tamar.
Sidoo kale bulsho horumar ma gaari karto haddii ayan helin adeegyada ay
caafimaadka iyo waxbarashada ka midka yihiin.
Sidaa darteed ayey Puntland mudnaan u siinaysaa mashaariicda iyo barnaamijyada
la xiriira kaabayaasha dhaqaale iyo bulsho.
Sida aad la socotaan waxaa Puntland u degsan qorshe 5 sano ah (2007-2011) kaas
oo saldhig u ah hawaha iyo barnaamijyada horumarinta ee dhinacyada
kaabayaasha dhaqaalaha (jidadka,gegooyinka dayaaradaha, dekedaha,
biyaha,tabarta), caafimaadka, waxbarashada iwm.
Fulinta mashaarciidaani waa kuwa u baahan kaalmo farsamo iyo mid maaliyadeed
Sidaa darteed inkastoo ay dowladdu si joogto ah u diyaariso saamigii ay ballan
qaadday haddana waxay inta badan arrintu ka fadhidaa dhanka hay’adaha caalamiga
ah iyo deeq-bixiyaasha.
Inkasta oo ay carqaladdaasi jirto haddana hawlo badan oo ballaaran maaliyad
badanina ay ku baxdo ayey dowladdu toos u fulisaa,gaar ahaan jidadka, ceelasha
dhaadheer, gegooyinka dayaaradaha iwm.
Markii laga hadlo dhanka barnaamijyada waxbarashada iyo caafimaaka waxaa gar ah
in la qirto in hay’adaha caalamiga ahi ay hawlo caqligal ah qabtaan inakastoo
ayan heerkii la rabey gaarsiisneyn.
Si kastaba ha ahaatee dowladdu waa sii wadaysaa xoojinta barnaamijyada
horumarinta bulshada taasoo meel hormuud ah kaga jirta siyaasadda horumarinta
dalka iyo qorsha 5ta sano ee Puntland u jideysan.
III.f, Hawlaha nabadaynta
Muddadii ka dambeysey kal-fadhigii 18 aad ee golaha waxaa la qabtay hawlo badan
oo la xiriira nabadaynta beelaha iyadoo ay xukuumaddu hawlahaas ku bixisay
kharaj aad u fara badan oo runtii ciriiri iyo culays ku keenay miisaaniyadda
dowladda.
Runtii dadaal badan oo ay isimada iyo wagaradku qayb weyn ka qaateen ayaa laga
galay heshiisiinta iyo nabadaynta beelo ay colaadi dhex martay degaamo Puntland
ah.
Dowladdu waxay aad u danaynaysaa in dadweynaha Puntland uu nabad iyo istolaysi
ku noolaado si loogu sugnaado xasilooni iyo horumar.
IV.Colaadinta kooxaha soomaali-diidka ah
Siyaasadda Puntland ee ku aaddan difaacu waa mid cad oo lagu sugayo midnimada
D/G Puntland dal iyo dadba, waa mid aan saamaxayn in sinnaba loogu xadgubo
xuduudaha Puntland.
Dowladdu waxay danaysaa oo ay siyaasaddeedu ku salaysan tahay in nabad iyo deris
wanaag lagu la dhaqmo gobollada Puntland ee deriska ah.
Puntland waxaa muddaba ku soo wajahnaa weerarro ay wadaan kooxo iyo maamulo
iyadoo ay dalal shisheeye garab siinayaan oo ay taageero maaliyadeed,farsamo iyo
mid siyaasadeedba u fidinayaan.
Waxaa isweydiin leh maxaa sababaya in Puntland la colaadsho oo burbur iyo fowdo
la la maago. Waxaan shaki ku jirin in la xusi karo dhowrka arrimood oo soo socda
loona tirinayo waxa kallifaya dibindaabyada Puntland loo maleegayo :
01. Puntland waa tiirka dowladda KMG federaalka soomaaliya waxayna si cad oo
dibadyaal u taageertaa tabbagelinta nidaamka federaalnimada ee ay soomaali ku
heshiisey horena ugu qeexnaa dastuurka D/G Puntland.
Waxaa la ogsoon yahay oo aan cidnana ka dahsoonayn in ay jiraan kooxo soomaali
ah oo hadba magac la baxaya ged cusubna la imanaya oo diiddan in la helo dowlad
soomaaliyeed iyagoo door bidaya in dalku fowdo, dagaallo sokeeye, dowlad la’aan
iyo burbur ku negaado.
Kooxahaas oo muddadaan dambe ay hor kacayaan canaasirtii maxaakim-sheegatada
ahayd waxay garab ka helaan argaggixisada caalamiga ah iyo dowlado gensanaya soo
noqoshada qaran iyo midnimo soomaaliyeed iyo xasiloonida Geeska iyo Bariga
Afrika.
Si haddaba ujeeddadaasi u fusho waxay is tuseen in burbrinta dowladda federaalka
lagu gaari karo iyadoo fowdo iyo xasilooni-darro laga abaabulo Puntland.
02.Waxaa Puntland ka taabagelaya oo ay u saanqaadday hirgelinta nidaam
dimoqraaddi ah oo tusaale iyo muunad lagu daydo u noqon kara dowlad/goboleedyada
mustaqbalka qaybaha kala duwan ee soomaaliya ka unkami doona.
03. Puntland waa geyi nabadeed oo fowdo iyo dagaallo ka fayow taasoo ay kooxaha
soomaali-diidka ahi quuri la’ yihiin iyagoo door bidaya in Puntland ay la mid
noqoto qaybaha colaadaha iyo darxumada ku negaadey arrintaan oo ay Puntland ku
heshay sumcad ballaaran kuna kasbatay in beesha caalamka,maalgeliyeyaasha iyo
shirkadaha caalamiga ahiba ay daneeyaan.
04. Sida la ogsoon yahay laga soo bilaabo 1995 Puntland waxay ka gudubtey
heerkii baahida hawlaha samafal iyo gargaarka beni’aadannimo waxayna u
tallaabsatay dib u dhis iyo horumar ay inta badan gobollada soomaaliya ka qatan
yihiin.
05. Shacabka Puntland oo leh dareen iyo dhaqan qaran-jacayl kuna dheggan
midnimada ummadda soomaaliyeed iyo soo celinta sharafta iyo karaamada
soomaaliyeed,taasoo ah dhaqan iyo aragti ka fog ujeeddooyinka ay kooxaha
soomaali-diidka ahi toogeysteen.
06. Degaamada Puntland oo hodan ku ah Eebbana uu ku mannaystay khayraad dabiici
ah oo mug weyn oo dhiirri-gelisey in shirkadaha caalamku indhaha ku soo hayaan
taasoo mustaqbakal dhow Puntland ka dhigaysa geyi ay dadweynuhu barwaaqo iyo
ladnaan ku nool yihiin, geyi u tallaabaya wax soo saar iyo horumar dhinacyada
kala duwan ee nolosha.
07. Meel-dhaca juqraafi ee Puntland oo leh istaraateejiyad ballaaran oo ahmiyad
u leh dhaqdhaqaaqa gaadiidka badaha iyo ganacsiga caalamiga ah, taasoo ay
kooxaha argaggiixisadu u arkaan irridda loo mari karo khalkhal gelinta iyo fowdo
ku fidda dalalka Geeska iyo Bariga Afrika.
08. Waxaa Puntland ka socda barnaamijyo lagu soo saarayo khayraadka dabiiciga ah
ee dhulka iyo badaha Puntland ku duugan, taasoo loo arko in mustaqbalka ay
Puntland noqonayso cududda dhaqaale ee soomaaliya.
Xaqaa’iqa qaarkood la soo xusay waa kuwa loo sababaynayo colaadda ay kooxaha
qaran-diidka ahi Puntland u hayaan iyo waxa maarada looga la’ yahay inay
xumaynta Puntland ka waantoobaan.
Si kasta oo xumo loo maleego dibindaabyo iyo carqaladna loo falkiyo marnaba
Puntland ka hari mayso jiritaankeeda, astaynta nidaamka federaalnimada
soomaaliyeed, horumarka bulshadeeda iyo ku dhaqanka hannaanka dimoqraaddiga ah
ee ay mabda’a iyo yoolka ka dhigatay.
Dowladda Puntland waxaa ka go’an inay daafacdo siyaasaddeeda,danaheeda iyo
amaanada ay xambaarsan tahay ee uu shacbigeedu ku aaminay.
V. Weerarrada Puntland ku wajahan
Arrimaha lagu soo carrabaabay cutubka 4aad ee qormadu waxay soo jiideen in
weerarro iyo dagaallo toos ah marar badan lagu soo qaado degaamada D/Goboleedka
Puntland.
Waxaa la wada xusuusan yahay dagaalkii ballaarnaa ee ay maxaakim-sheegatadii iyo
kooxihii garab siinayey ku soo qaadeen gobolka Mudug.
Qorshaha dagaalkaasi wuxuu ahaa mid qoto-dheer oo ujeeddooyin silloon oo culus
laga lahaa hayeeshee hiilada Eebbe iyo isku duubnida Puntland dowlad iyo shacbi
ayaa argaggixisadaas looga guuleystey oo ay ku hungoobeen xumihii ay
damacsanaayeen.
Burburkii maxaakim-sheegatadii wuxuu dhaliyey in maamulka Hargeysa ee w/galbeed
loo adeegsado fulinta barnaamijkii fashilmay.
Maamulka Hargeysa wuxuu hore ugu can baxay colaadinta shacabka Puntland.
Waxaa la xusi karaa :
1. Wuxuu October 2004 weerar ku soo qaaday Oog oo ahayd xadkii Puntland iyo
w/galbeed kala qaybinayey.
2. Wuxuu weerar ku soo qaaday Guumeys oo ahayd halkii ay ciidamada Puntland
xadka ka degganaayeen.
3. Wuxuu weerarradiisi ku soo simay Ari-caddeeye oo 30 km keliya L/caaood u
jirta.
4. Muddo 3 sano ah ayuu maamulka Hargeysa wadey daandaansi iyo weerarro.
5. Bishii April ee sanadakan ayuu haddana maamulka w/galbeed soo weeraray
magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag.
6. Isla bishii April ee sanadkaan ayuu maamulka Hargeysa weerar kale ku soo
qaaday isla magaalada Dhahar.
7. October ee sanadkaan 2007 waxaa weerarro isdaba joog ah lagu soo qaaday
magaalo madaxda gobolka Sool ee L/caanood oo ay ciidamada soomaali-diidka ahi
dhinacyada ka fariisteen inkastoo ay u suurtageli weydey in gudaha u galaan
magaalada geesiyiinta ee L/caanood galaan.
Haddaba waxay in la isweydiiyaa meesha ku jirtaa haddii dableyda w/galbeed ay
weerarro dhuumaalaysi ku-day ah soo qaadayeen maxay marakan u soo bareereen oo
ay weerar qaawan L/caanood ugu soo duuleen ?
Waxaad la wada soctaan in kooxo diiddan soo celinta dowladnimada
soomaaliyeed,maxaakim-sheegatadii,dowlado lid ku ah soomaaliya,shakhsiyaad
siyaasadda ku fashilmay oo Asmara laga hago iyo argaggixiso shisheeye ahi ay isu
bahaysteen la dagallanka dowladda KMG federaalka soomaaliya iyo D.Goboleedka
Puntland ee soomaaliya.
Waxay kooxahaasi marakan adeegsanayaan maamulka Hargeysa oo sida la ogsoon yahay
fulinaya ujeeddooyinka laga leeyahay la dagaallanka dowladda federaalka iyo
fowdo iyo khakhal la geliyo Puntland.
Kooxaha dhibaatada soomaaliya looga caal wayey waxay maamulka Hargeysa siiyeen
maaliyad fara badan,hub iyo gaadiid waxayna ku biiriyeen canaasir ah argaggixiso
ajnebi ah oo haatan xog badan laga hayo.
Waa run in Puntland iyadoo xeerineysa darisnimo, soomalinnimo,macna weyn iyo
qiima badanina dhiigga soomaalidu ugu fadhiyo ay muddo dheer u dulqaadaneysey
daandaansiga maamulka Hargeysa hayeeshee waxaa hubaal ah in dulqaadka Puntland
uu xad iyo meeluu ku dhammaado leeyahay.
Waxaan halka hambalyo iyo boogaadin uga jeedinayaa dadweynaha L/caanood oo si
kharaar oo ay geesinnimo ku idishahay isu hortaagey in cadowgu cagaha soo dhigo
gudaha magaalada L/caanood.
Dadweynaha reer L/caanood waxay naftooda u hureen magaca iyo jiritaanka
Puntland, waxay caddeeyeen inaan cadow ku negaadi karin dhulka Puntland.
Waxaan kaloo hambalyo halka uga jeedinayaa isimada iyo waxgaradka reer Sool iyo
Cayn oo daandaansiga iyo weerarka maamulka Hargeysa ka itaagey mowqif adag.
La ma ilaawi karo mowqifka waddaninnimada leh ee isimada iyo guud ahaan shacabka
Puntland oo muujiyey sida ay diyaarka ugu yihiin in ciidamada Hargeysa laga
saaro l/caanood iyo dhammaan degaamada Puntland.
Dowladdu waxay ballan ku gashay in dableyda Hargeysa si degdeg ah looga saaro
ciidda Puntland, waxay ballan qaadday in maamulka w/galbeed uusan dib u haweysan
daadaansi dambe oo uu Puntland la soo aado.
Murwooyin iyo mudanayaal,
Waxaad ku kalsoonaataan kuna seexataan in dhowaan dhulka Puntland ee lagu soo
xadgudbey la xorayn doono oo dableyda Hargeysa si foolxun looga saari doono.
Dhanka kale Puntland waa sii wadi doontaa oo weliba dardar hor leh gelin doontaa
fulinta barnaamijyadeeda siyaasadeed, amni iyo horumarineed.
Waxaan ku faraxsan nahay abaabulka uu dadweynuhu galay iyo sida ay uga caroodeen
daandaansiga iyo xuma-doonka maamulka Hargeysa iyo kuwa uu u adeegayo.
Waxaan mar kale ugu baaqayaa shacabka Puntland in halkaas laga sii wado
abaabulka iyo isu diyaarinta daafaca dalka.
Waxaan mas’uuliinta laamnaha dowladda ugu baaqayaa in loo wada jeesto ka
qaybgalka abaabulka iyo hawlaha difaaca Puntland iyadoo isla markaana si xooggan
loo wadayo hawlaha maamulka iyo u adeegidda bulshada.
Murwooyin iyo mudanayaal,
Waxaan rajeynayaa in kal-fadhigani ka jawaabo marxaladda ay Puntland marayso iyo
saha maanta la joogo, waxaan rajeynayaa inuu guul ku dhammaado.
Ugu dambayn anigoo idin kaga mahad celinaya soo dhoweyntii iyo dhegeysadkii
wacnaa waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqayaa in kal-fadhigii 19 ee golaha wakiilada
DGPL uu furan yahay.
Maxamuud Muuse Xirsi
Madaxweynaha Puntland
Oct 31, 2007
Cadde Muuse oo
Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa..
anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey
idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay
Batroolka..


|