SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BANNAANBAXYO

Banaaanbax ka dhacay wadanka Finland caasimadiisa Helsinki oo looga soo horjeedo Xasuuqa waxshinimada ah ee ciidamada Itoobiya ay Ku hayaan qowmiyada soomaaliyeed meelkasta ooy joogto (Sawirada)

Jimcadii oo ay bisha November ahayd 16 ayaa waxaa ka dhacay caasimada wadanka Finland banaanbax aad u balaaran oo lagaga soo horjeedo xasuuqa, barakicinta iyo qabsashada ay xabashidu qabsatey wadanka soomaaliya. Banaanbaxaas oo ay soo qabanqaabisey jaaliyada soomaaliyeed ee wadanka Finland ayaa waxaa ka soo qayb galay kumanaan qofood oo muwaadiniin soomaaliyeed ee degan wadanka Finland caasimiadiisa Helsinki, muujiyeyna dareenkooda ku aadan sida ay uga soo horjeedaan xasuuqa iyo barakicinta dadka soomaaliyeed ee loogu yimid guryahooda.


Jaaliyadda Soomaalida Finland

Muwaadiniintaas banaanbaxaas ka soo qayb galay oo isugu jirey dhalinyaro, dumar, aqoonyahano, culimaudiin, iyo weliba muwaadiniin Finlandes ah oo ayagu la qaybsanayey murugada lasoo deristey bulsho weynta soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto, ayaa waxa ay aad ugu qaylinayeen ereyo ay ku dheehan tahay qiiro aad u weyn iyagoo qaarkood ilmeynayey sida; DOONIMAYNO ETHIOPEAN, DOONIMAYNO DAWLAD AAN U NAXAYN SHACABKEEDA, ZENAWI AAD GURIGAAGA, BUSH BEDEL SIYAASADAAD MADOW EE KU WAJAHAN DILKA IYO XASUUQA SHACABKA SOOMAALIYEED, SOOMAALIYA SOOMAALIBA LEH, WAA LALA XISAABTAMI KUWA SHEEGANAYA MAANTA MASUULIYADA SHACABKA SOOMAALIYEED iyo ereyo kale oo badan. Waxaa sidoo kale barbar socdey heeso wadani ah iyo guubaabo ku soo xasuusinaya waqtiyadii la baadigoobayey gobanimada soomaaliyeed.

  

Hadaba waxaa xusid mudan in dadkaasi sameeyey dibadbaxaasi ay lug dheer kusoo mareen inta badan wadooyinka centerka Helsinki, ayagoo ku hakaday dhowr meelood oo ay u gudbiyeen fariin qoraal ah ee ku aadan cabashadooda. Goobahaasi ayaa waxaa ka mid ahaa hoyga iyo xafiiska madaxweynaha Finland, xafiiska European Unionka ee Helsinki iyo ugu dambayntii isugu soo ururay aqalka looga arimiyo wadankan Finland ee Golaha baarlamaanka. Waxaa dabadeed halkaasi ka soo jeediyey khudbado qaar kamid ah masuuliyiinta qabanqaabisey dibedbaxaasi. Waxaa xusid mudan in mar qura ay soo istaageen masraxa sadex xubin baarlamaan ee ka kala socda sadexda xisbi ee ugu waa weyn wadankan ee kala ah; (Social democratic party, National coalition party and the Green leugue). Wax a ay sadexdaasi masuul si buuxda ugu dhawaaqeen ineysan ka aamusi doonin waxa ka dhacaya soomaaliya oo ay cadaadis ku saari doonaan baarlamaanka Europe iyo beesha caalamkaba in sida ugu dhaqsaha badan loo joojiyo xadgudubka aan waafaqsaneyn qawaaniinta caalamiga ee ciidamada ethiopia ay u geysanayaan shacabka soomaaliyeed.

Waxa uu si gaar ah u sheegay masuulka xisbiga SDP Mr. Kimmo Kiljunen in ay wadankan degan yihiin kumanaan Soomaali ah oo haysta dhalashada Finland oo ah muwaadiniin Finlandes ah masuuliyadooduna na saaran tahay iyaga iyo dareenkooda ku aadan wadankoodii hooyo ee soomaaliyaba. Sidoo kale in loo daayo aayaha soomaaliya shacabka soomaaliyeed oo quwadaha shisheeye ay kala baxaan faragelintooda. Waxaa sidoo kale hadalkii intaa ka sii wadey Heidi Hautala iyo kaikkonen Antti Samuli. 

Intaa kadib ayaa waxaa sii socdey khudbooyinkii Culuma udiinka,indheer garatada Finland, guubaabooyinkii dhanka suugaanta soomaaliyeed oo runtii mudan in la xuso muxaadaro gaaban oo uu sheikh sugule dadka kula dardaarmay, iyo wiilyar oo sidoo kale qiiro geliyey dadkii halkaas isugu yimid dhamaantoo ka dibna buraanbur aad u qiimo badan oo halkaasi ay ka soo jeedisey gabadh soomaaliyeed, heeso iwm.  

 

Waxaa sidoo kale soo afjarmay oo ay reer Finland ku guuleysteen in ay baajiyaan booqashadii lahadal hayey baryahan in uu ku yimaado wadankan Finland Gudoomiyaha baarlamaanka Embageti Aden Madoobe. Taasi oo tusaale cad u noqonaysa in cid kasta oo sheeganaysa masuuliyada shacabweynaha soomaaliyeed aysan soo haweysan booqashooyin Europe iyo America, lagana hortagi doono inta ay taageersan yihiin barakicinta iyo xasuuqa shacabkooda.  

Isku soo wada duuboo waxaa sidoo kale ka dhacaya inta badan caasimadaha Europe, magaalooyin fara badan ee Maraykanka iyo Canada banaanbaxyo looga soo horjeedo xasuuqa iyo faragelinta ciidamada Ethiopia ee soomaaliya.  

JAALIYADA FINLAND  

Waxaa soo tebiyey: C/Casiis Qodax: agodah@hotmail.com | Nov 17, 2007


Mudaaharaad si weyn la isugu soo baxay oo ka dhacey Minneapolis, Minnesota 

Dad ka tirsan ururadii soo qabanqaabiyey banaanbaxa oo lagu kala magacaabo, Somali Institute for Peace and Justice & United Somali Diaspora, ayaa ku qiyaasey dadka isu soo baxay ilaa kun qofood. Halka isu soo baxay uu ka dhacey ku taal bartamaha magaalooyinka mataanaha ee gobolka Minnesota.  

 

Dadka isu soo baxay ayaa ka cabanayey wax ay ku tilmaameen xasuuq ciidamada Ethiopia ee iminka ka taliya wadanka Soomaaliya u geysteen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalo madaxda, Mogadishu. Dadka ayaa watey boorar ay ka muuqanayeen masawiro gacmeedyo muujinaya dhib aad u baaxad weyn oo loo geystey shacab badan oo aan waxba galabsan. Boorarka qaar ayay waxay ku cabirayeen sida ay uga soo horjeedaan xariga loo geystey afhayeen golaha midnimada beelaha Hawiye oo labo isbuuc iminka u xiran dowlada Ethiopia. Waxay sidoo kale siteen masawir ay ka muuqdeen wariyayaal dhawaan lagu diley Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen milkiilihii HornAfrik, Ali Sharmarke, Mahad Elmi & Bashir Nur. Erayadii dadka isu soo baxay ay ku dhawaaqayeen ayaa waxaa ka mid ahaa, “Soomaaliya Soomaali baa leh”, “Arimaha Somaliya waa in Soomali loo daayo”, “Ethiopia ha baxdo” “Bush & Zanawiba oo argagixiso” iyo kuwa kale oo faro badan. 

Qudbado faro badan, gabayo iyo waliba baraanburo aan kala go’ laheyn ayaa iyagana halkaa laga soo jeedshey. Shaqsiyaadkii mudaaharaadka ka hadley oo aad badnaa ayaa waxaa ka mid ahaa Sh. Hassan Jamici oo wax ka dhiga Jaamacada shirciyada ee William Mitchel Law, Hassan Kornel oo ahaan jirey Kornel ciidamadii booliskii Soomaliyeed, Mohamed Abdullahi (Tiiceey) & Abwaan Ali Hasan oo caan ku ah filmkii flight 13. Waxaa sidaas oo kale halkaa sugaano kale duwan ka soo jeediyey Fadumo Kaahiye, Maryan Ahmed Diiriye & gabdho kale oo fara badan.  

Waxyaabihii dadku ka hadleen oo iyaga oo dhan ku wajahnaa ahmiyada midnimadu u leedahey ummada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ahaa “waxa in Ethiopian xamar ku xasuuqo walaaleheena Soomaaliyeed keeney  waa isku duubni la’aanteen” oo uu yiri Sh. Hassan. Sh. Hassan ayaa sidaas oo kale ku canaantey dadka magaalooyinkan dagan ee aan ka soo qayb  galin mudaaharaadka ineysan ahayn kuwa qiil u heysta maqnaanshahooda. Shiiqa ayaa ku celceliyey “ku kaalmeeya walaalihiina dhibaateysan codkiina, maalinkiina iyo maskaxdiina … ogaada aaqiro waa la is su’aalayaa qof kasta arintan wuxuu ka geystey”. Mohamed Abdullahi (tiiceey) oo ka mid ah isku dubaridayaashii mudaaharaadka ayaa isna dadkii isu soo baxay ku booriyey in ay iyagu donahooda u istaagan oo aysan dhowrin caalamka. Waxaa hadaladiisii ka mid ahaa “waxaa muuqata in cid waxa xamar ka dhahayaa ay dhibaysaa oo aan adinka aheyni jirin, aduunka ayaa ka hadlin, Islaamka ayaa waxba ka qaban, afrikana daa warkeeda … hadii aydaan idinku wax isu qaban cid wax idiin qabaneysaa ma jirto… Soomaaliyey dantaada garo”. Col. Hassan Korneyl oo isna halkaa qudbad dheer ka soo jeediyey ayaa wuxuu carabka ku adkeeyey in isu soo baxa la badiyo iyo in laga shaqeeyo sidii wadan dib loogu xoreynlahaa dib loo dhisi lahaa.  


Xasan Jaamici oo ka hadlaya bannaanbaxa

Banaanbaxyo faro badan oo sidaan oo kale loo soo agaasimey ayaa waxay islamaalintii Shaley, Jimce, November 16, 2007, ka wada dhacayeen magaalooyin badan oo ku yaal North America, Washington, DC, Boston, MA, Toronto, Canada, Columbus, Ohio, iyo kuwa kale oo fara badan. Banaanbaxyadan ayaa dhacaya markii ciidamada Ethiopia ee ku sugan Soomaaliya ay ku dileen Magaalada Muqdisho dhowrkii maalmood ee ina soo dhaafey dad gaaraya ilaa 200 oo u badan caruur iyo haween. Waxaa iyadana muhiim ah in la sheego in aan wali dib loo soo dhisin dowlad ka dib is casilaadii wasiirka kowaad, Ali Mohamed Geedi. 

Waxaa soo tebisey: Duniya | dunia2007@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 17, 2007

somaliUK: Isbahaysiga Dib U Xoreynta oo Soomaalida Magaalada Leicester u qabtay kulan balaaran..

.Bayaan kasoobaxay Jaaliyada Sweden Wararka oo dhan ka akhri halkan.....


Banaanbax looga soo horjeedo xasuuqa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed oo ka dhacay Helsinki, Finland. 

( Helsinki ) ...Dad tiradooda kor u dhaafaysay 600 oo qof ayaa Jimcadii 16.11.2007 isugu soo baxay farasmagaalaha  caasimada dalkan Finland ee Helsinki banaanbax weyn oo looga soo horjeedo xasuuqa bani’aadninimada ka baxsan ee ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa Dowladda KMG ah ee la shaqeeya ay ka wadaan  guud ahaan daka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho. 

Dadkaasi oo aad u xamaasadaysnaa ayaa sitay boorar waawayn ay ku qoran yihiin xasuuqa xun ee lagu hayo shacabka Somaaliyeed, iyo ereyo mujinaya in Itoobiya ay ciidameeda kala baxdo Soomaaliya, Maraykanka iyo midowga yurubna ay joojiyaan taageerada ay siiyaan dowlada KMG ah, maadama ay shacabkeeda u horseeday xasuuq iyo cadaalad daro, waa sida ay dadku ku hadaaqayeene. 

Dadkaasi banaanbaxayay waxaa ay socod ka bilaabeen bartamaha magaalada, iyagoo tagay aqalka madaxweynaha Finland, xarunta midowga yurub iyo Baarlamaanka dalkan, waxaana meel kastoo ay tagaan loo gudbiyay waraaqo muujinaya waxa ay ku taamayaan ama la gudboon in jihooyinkaasi ay ka qabtaan xaaladda Soomaaliya. 

Banaanbaxani waxaa soo qabanqaabiyay urur cusub o dhowaantan lagaga dhawaaqay Finland, kaasoo la magac baxay Ururka dib u dhiska Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka dhashay taageerda shcabku u hayaan ururka dib u xoranta iyo soo nooleynta Soomaaliya ee Asmara lagu aasaasay. 

Ururkaan cusub ee Finland laga asaasay oo ay ku midoobeen qaar ka mid ah bulshada Soomaalyeed ee reer Finland ee taagersan ururka dib u xoraynta  iyo soo nooleynta Soomaaliya ayaa ujeedooyinkiisa waxaa ka mid ah :-

  • ka qaybqaadashada xoraynta dalka
  • Soo nooleynta walaaltinimada dadka soomaaliyeed ee la kala dilay
  • Baabi’inta qabyaalada
  • ka hortaga gobolaysiga iyo taageerista in la dhowro Soomaliweynta.

Mudaaharaadkaasi oo si wanaagsan u dhacay ayaa waxaa ay dadku ku dhawaaqayeen Bush ha dhaco, Meles ha dhaco. Waxaa ugu xiisa badnaa in dadku aanay soo hadalqaadin marnaba raga madaxda ka ah dowladda kmg ah ee la shaqaysa gumaysiga Ethopia, mar aan weydiiyay mid ka mid ah sababta ay ragaas ajnabiga u haystaan , kuwii Soomaaliyeedna ay u soo qaadi waayeen, ayaa hal mar dhowr qof oo aan is ogayn waxay ku jawaabeen isku eray ah : Kuwaasi  qiimaba ma leh oo iyagu waa wakiilo fuliya wixii la soo faro, sidaas darted ayaanaan u soo hadalqaadin, mana istaahilan in la xusaba. 

Ma ahan markii ugu horaysay ee Finland lagu dhigo banaanbax noocan oo kale ah, waxaa horaantii sanadkan ka dhacay banaanbax weyn oo looga so horjeedo dowladaha Maraykanka iyo Ithopia oo iyagu ka danbeeya dilka, xasuuqa iyo burburka Somaaliya. 

abdirazak sugulle | abdirazaks@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 17, 2007

Ciidamada Itoobiya oo Muqdisho ku Xasuuqay ugu yaraan 40 qof oo shacab ah
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com