SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


1997 / 1998 - Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), iyo  Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nuur Cilmi CUsmaan ( Nur Elmy Osman ). Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.



Wararkii: Nov 9, 2007

Khasaare Weyn oo Loo geystey Ciidamada Itoobiya ee Jooga Muqdisho iyo C/Laahi Yuusuf oo gaarey Nairobi

  • Bannaanbax looga soo horjeedo Itoobiyaanka oo ka dhacay Muqdisho -Jimce
  • Xasuuq ay ciidamada Itoobiya u geysteen shacabka Muqdisho - Tirada dadka la diley oo la sheegay in ay kor u dhaaftay afartan qof...
  • Xoghayaga Guud ee Qaramaad Midoobey oo sheegay in Ciidamo UN ah oo loo diro Soomaaliya aysan macquul ahayn...
  • Ugu yaraan 9 Askari oo Itoobiyaan ah oo Khamiistii Lagu Diley Muqdisho

Muqdisho: Jimce Nov 9, 2007: Dagaallo aad u xoogbadan oo Khasmiistii dhex maray ciidamada Itoobiya ee jooga Muqdisho iyo kooxaha iska caabinta ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidamadaas ayaa dhibaato weyn loogu geytey ciidamada Itoobiya.

Khasaaraha ugu xogga weyn waxaa ciidmada Itoobiya loo geystey shalay galab kaddib markii dagaal ka dhacay jidka 30-ka agagaarka Black Sea, halkaas oo la sheegay in lagu diley ugu yaraan 6 askarta Itoobiya, waxayna halkaas kaga carareen meydka 4 askari kuwaas oo xalay ku baryey jidka 30-ka aagga Black Sea.

Sioo kale Shalay ayey ahayd markii wadooyinka magaalada Muqdisho lagu jiidey meyd kale oo ah askari Itoobiyaan ah oo ku dhintay iska hor imaad ka dhacay aagga Suuqa Xoolaha halkaas oo lagu diley ugu yaraan 3 askari oo ah Ciidamada Itoobiya.

Waxaa wararku sheegeen in isku darka ciidamada Itoobiya ee la diley Khamiistii in ay tiradoodu gaareyso ugu yaraan 9 askari (3 Suuqa Xoolaha iyo 6 Jidka 30-ka) inkasta oo ay jiraan warar tibaaxaya in tiradu intaas ka badan tahay, ayna jiraan khasaare loo geystey gawaarida ciidamda ee Itoobiya.

Xasuuq Ka Dhacay Muqdisho:

Wararka laga helayo xaafado ka mid ah Muqdisho oo ah aaggagii ay shalay dagaaladu ka dhaceen ayaa waaberigii Jimcada la sheegay in lagu arkay meyd dad rayid ah oo ciidamada Itoobiya ay dileen, tirada rasmiga ah lama oga laakiin dad goob joogayaal ah ayaa ku sheegay in tirada dadka meydkooda la arkay lagu qiyaasay ugu yaraan 40 ilaa 50 qof iyo ka badan..

Wararka ayaa tilmaamay in dadkaas qaar loogu galay guryahooda, halkaasna ay ciidmada Itoobiya ku dileen dad shacab ah. Dhibka ugu badana waxa lagu soo waramay in ay u geysteen shacabka ka ag dhow suuqa xoolaha iyo Xamar Jadiid. Waxaana wararku tibaaxeen in dadka ay ciidamaad Itoobiya dileen in ay ku jiraan carruur iyo haween xaamilo ahayd.

Bililiqo ay geyteen Ciidamada Itoobiya:

Dhanka kale waxaa lagu soo waramay in Suuqa xoolaha dukaamo ku yaal ay xalay bililiqaysteen ciidamada Itoobiya ee aaggaas ku sugan, kana qaateen wixii lacag iyo hanti u oolaa shacabka. Waxaa kale oo wararku sheegeen in wixii aysan qaadan ay burburiyeen si xaasidnimo ah.

Askarta Itoobiya oo ah dal cadaawad dheer u dhexayso Soomaalida ayaa lagu yaqaan marka dagaal lagu jebiyo in ay xasuuqaan shacabka sida marar badan ka dhacda dhulka Soomaali-galbeed ee ay gumaystaan, dabeecadaas muddada dheer lagu yiqiina ayey la yimaadeen Muqdisho oo marka xooggaga iska caabintu ay jebiyaan ay dib ugu laabtaan carruurta iyo haweenka jooga xaafadaha ee aan waxba galabsan.

Barakac:

Dhanka kale wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa tilmaamay in qax aad u ballaarini uu ka socdo qaybo ka mid ah Muqdisho. Barakac ugu xoogga weyn waxaa lagu soo waramay in uu ka dhacay Wardhiigleey, Hodan iyo Howl Wadaag. Dadka barakacaya waxay u badan yihiin carruur, haween iyo waayeel.

Bannaanbax Muqdisho:

Bannaanbax xooggan oo looga soo horjeedio joogitaanka ciidamada Itoobiya ayaa maanta (Jimce) ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan jidka 30-ka.

Dadka bannaanbaxayey oo isku yimid aagga Baar Ubax iyo Al-Baraka ayaa ku dhawaaqayey erayo dhan ka ah joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, dadkaas oo xamaadaysan ayaa aad uga caraysan dhibaatooyinka ay ciidamada Itoobiya ku hayaan Soomaalida iyo joogitaankooda dalka Soomaaliya.

Xaaladda Muqdisho ayaa ah mid cakiran oo kacsan gaar ahaan aagagga Suuqa Xoolaha, Black-Sea, Al-Baraka, Xamar Jadiid, iyo Baar Ubax.

Maanta (Nov 9, 2007) waxaa 317 maalmood ka soo wareegtey markii ciidamada Itoobiya ay Muqdisho qabsadeen, waxayana hadda Muqdisho u muuqataa in uu ka soo ifbaxayo kacdoon cusub oo looga soo horjeedu joogitaanka ciidamada Muqdisho si ay u baxaan.

Qaramada Midoobey: Ciidamo UN ah loo diri maayo Soomaaliya

Dhanka kale xog-haya guud ee Qaramada Midoobey Ban K-moon ayaa beeniyey warar sheegayey in ay jiraan qorshe Soomaaliya loogu dirayo ciidamado ka socda Qaramada midoobey, isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu sheegay in aysan macquul ahayn, waxna soo kordhinayn, in Soomaaliya loo diro ciidamo ka socda Qaramada midoobey.

Baydhabo:

Dhanka Baydhabo, madaxweynaha DFKMG ayaa shalay galab ka dhoofay Baydhabo waxana uu xalay gaarey Nairobi, waxaana safarkiisa ku weheliya Cali Mahdi Maxamed.

Safarkan oo aan hore loo sii shaacin ayaa lagu macneeyey in C/Laahi Yusuuf uu Nairobi u tegey sidii uu beesha caalamka ugala tashan lahaa cidda laga dhigayo Ra'iisul wasaaraha DFKMG.

Cali Mahdi iyo Ra'iisul wasaare-nimada:

Dadka siyaasadda odorosa ayaa tilmaamay in haddii Cali Mahdi Maxamed loo doorto ra'iisul wasaaraha DFKMG ay shacabka Soomaaliyeed heli doonaan fursad ay Cali Mahdi wax kaga weydiiyaan in uu ka jawaabo eedaymaha ku saabsan Sunta halista ah ee la sheegay in Soomaaliya lagu duugey xilligii uu madaxweynaha ka ahaa Muqdisho, waana su'aal iyo fursad u furmi doonta weriyayaasha..

Shalay waxa magaalada Baydhabo yimid wafti ka socda beesha caalamka, kuwaas oo la hadlay baarlamaanka DFKMG, kaddibna ku laabtay Nairobi: HALKAN KA DHEGEYSO WIXII AY YIRAAHDEEN..

Wararkii hore ee: Dadweynaha Muqdisho oo ku ballamay in ay sii wadi doonaan banaanbaxyada

Waxaa Magaalada Muqdisho ka bilowday banaanbaxyada looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo waliba tacadiyadda ay gaysanayaan waxaana shalay Magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo arrimahaasi.

Banaanbaxayaaha ayaa waxay ku qaylinayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “in Ciidamada Itoobiya ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya” “Beesha Caalamaka ha eegaan dhibaatooyinka iyo tacadiyada ay ciidamada Itoobiya ku hayaan Bulshada Soomaliyeed”.

Dadka oo watay boorar ayaa waxaa horkacayay dhallinyaro iyo Odoyaal kuwaas oo watay Makaroofano oo ay dadka ugu yeerayeen ina y ka soo qaybgalaan banaabaxa looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Itoobiya, waxayna banaanbaxyadaani ka dhacan jidka Sodonka iyo jidka Warshadaha ayaa dadka wajiyadooda waxaa ka muuqatay caro aad u xoogan, kadib markii ciidamada Itoobiya ay dileen labo wiil oo w alaalo ah, taas oo ay si weyn uga wada naxeen dhamaan ummadda Soomaaliyeed.

Dadkaasi banaanbaxayey ayaa waxay ku ballameen in ay maalin walba dhigi doonaan banaanbaxyada ay kaga soo horjeedaan joogitaanka ciidamada Itoobiya.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 8, 2007

 

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com