- Isbahaysiga Dib U Xoreynta oo Soomaalida Magaalada
Leicester u qabtay kulan balaaran
- Bannaanbax Looga soo horjeedo Joogitaanka Itoobiya ee
dhulka Soomaalida oo ka dhici doono Oslo, Norway
- Bayaan kasoobaxay Jaaliyada Sweden ay kaga xun yihiin
xasuuqa ka socda Muqdisho
Isbahaysiga Dib U
Xoreynta oo Soomaalida Magaalada Leicester u qabtay kulan
balaaran 10/11/2007.
Waxaa si diiran loogu soo
dhaweeyay magaalada Leicester wafdi balaaran oo ka socda
Isbahaysiga Dibuxoreynta soomaaliyeed wafdigaas oo kamid
ahaayeen xubnaha kala ah kuxigeenka gudoomiyaha fulinta
isbahaysiga dib u xoreynta soomaaliyeed Sakariye Maxamuud Xaaji
Cabdi, Maxamed Cabdi Yuusuf, Cumar Saleebaan, C/naasir , Aamino
Warsame kuwaa oo dhamaantood ka tirsan golaha dhexe ee
Isbahaysiga Dib u xoreynta Iyo Maxamed Xaashi oo asaga ah xubin
golaha dhexe balse degan magaalada Leicester.
Waxaa kale oo qadka
taleefoonka uga qayb qaatay Gudoomiyaha Isbahaysiga Dib u
xoreynta Soomaaliyeed Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ku sugan
magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.
Soo dhaweynta wafiga iyo marti
sharafta kale ee la socotay ayaa waxaa ka qayb qaatay qaybaha
kala duwan ee bulshada magaalada Leicester oo eey ka dhex
muuqdeen
Mr Said Ali Shire iyo
Cabdulaahi Shiikh Muuse. | cumar
saleban.
Markii layimid hoolka shirku ka
dhacayay ayaa waxaa hadalka soo dhoweynta furay
Mr.Axmed Jaamac oo asagu
ku hadlayay magaca dadka Magaalada Leicester oo asagu ka mid ah
odayaasha magaalada Leicester waxa uuna ku soo dhaweeyay.
Shiikh Cali Mowliid oo
asagu ka yimid magaalada Shiefield ee dalkaan ingiirska oo asagu
Halkaa ka soo jeediyay muxaadaro diini ah oo dadkii si aad ah u
baraarujisay, taas oo uga hadlayay yaad ku xiranaysaa asagoo
tusaale ahaan u soo qaaday Nabi Nuux(cs) , markii asaga iyo
wiilkiisa ay kala tageen asagoo sheegay qofkii ilaahay beeniya
in bari laga noqdo.Ibraahim (cs) uu bari ka noqday Aabihiis,
xitaa waqtigii nabiga (scw) ee asxaabtii ka bari noqdeen
eheladooda.
Muxaadaradii shiiqa ka dib
waxaa daadihintii shirka halkaa ka bilaabay Said Ali Shire
oo ku soo dhaweeyay micrifoonka.
Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf
oo asagana ka hadlay sababta dalkeena lagu magaamay runtii
Maxamed asagoo ka hadlay taariikh aad u dheer sheegayna laga soo
bilaabo ilaa sandkii 1884tii uu dhibka soomaalida si aada u
badnaa .
Asagoo sheegay 1884 shirkii
baarliin ee Africa lagu qaybsanayay ninkii ingiriiska ahaa oo
kahadlay soomaaliya inuu sheegay in soomaalidu eey yihiin dad
neceb cadaanka faafahayana oo gaaraya dhulbalaaran marka inay
tahay in lakala jarjaro.
Sidoo kale waxa uu aad uaga
sheegayay taariikhdii SYL iyo dhibaatooyinkii uu kala horyimid
gumaystaha asagoo xusay qaladaadka la galay waagaa inay ka mid
ahayd ayadoo leegadu samaysatay labo bug oo kala ahaa buug cad
iyo mid madow kaas oo markii danbe dadkii ku qornaa buuga madow
la iska cafiyay kaas oo uu keenay heshiiskii aan lala galay
talyaaniga kaas oo asaga uu codsaday in la cafiyo dadkii la
safnaa.
Asagoo si aad ah ugu dheeraday
taariikhdii uu soo maray dowladihii kala duwanaa oo soo maray
dalka soomaaliya isagoo xusay in dagaalkii 1977tii lala galay
dowlada itoobiya eey nala dagaaleen dhamaan dowladihii west iyo
east ayna ka sinaayeen dagaalka nalala galay kan hada socdaana
uu kaas la xiriiro micnha ka danbeeyana uu yahay ka soo
horjeedka soomaali midoowda oo meel is taagta.
Isagoo xusay in soomaalida
qaabkeeda dagaalka uu aad u qaldan yahay marar badan loona
baahan yahay inay midoobaan qabyaalada is kaaya dayaan
cadowgoodana meel uga soo wada jeedsaan.
Aamino Warsame. Ayadoo
ka hadashay taariikhda soomaaliya, ayadoo xustay taariikhda raga
iyo dumarka waxay kaloo ka hadashay dhibaatada qabyaalada ku
hayso soomaalida.
Cumar Saleebaan.oo ka
hadlay sababta loo aas aasay shirkii Asmara isagoo sheegay inay
itoobiya 17 sano eey ka shaqaynaysay siday soomaaliya u qabsan
lahayd .
Isagoo sheegay inay halkaa
isugu yimaadeen dad gaaraya ilaa 400 qof kuwaas oo isku wada
raacay dhaamantood sidii gumaysiga wadanka looga saari lahaa.
Sakariye
Sakariye Maxamuud Xaaji
Cabdi. Ayaa asna halkaa waxa uu ka soo jeediyay qodbad aad u
xiisa badan asagoo sheegay asagoo ka sheegayay istiraatiijiyada
ururka iyo meesha uu higsanayo iyo waxa looga fadhiyo inuu qabto
ururka .
Mudane Sakariye waxa kale uu
sheegay in ururka hada samaystay laba buug oo ah kuwii leegada
oo kale oo ah buug cad iyo buug madow qofkii wadanka wax ka
xoreeya maanta wadanka in lagu qori doono buug cad kii diidana
buuga madow, waxa kale uu sheegay qabiilku inuu yahay laba afle
adna lagugu dilayo iyo adna aad wax ku dilayso marka eey mudan
tahay in layska daayo qabiilka.
Waxa kale oo halkaa ka haldlay
halkaa asagana maxamed xaashi oo asaga ah xubin ka tirsan
golaha dhexe balse degan magaalada Leicester .
maxamed cabdi yusuf | maxamed xaashi
Maxamed Xaashi waxa uu
ka hadlay xasuuqa ka dhacaayay magaalada muqdisho maalmahaan u
danbeeyay asagoo dadka ka codsaday dadkaa masaakiinta ah in
ilaahay loo baryo , mida kale asagoo sheegay in magaalada
Leicester looga baahan yahay laba arimood oo looga baahan yahay
.
a-in magaalada loo sameeyo
barnaamij siyaaseed oo looga dhaadhicinayo MP yada magaalada
xasuuqa iyo barakicin ka socota wadankeena sidii looga
dhaadhicin lahaa dadka walaaleheen oo muslimiinta ah oo nala
degan magaalada.
b- in la helo dhaqaale loo
ururiyo dadka walaalaheen oo dhibaataysan ayadoo laga duulayo oo
ay tahay in la qaato foomamka membershipka ururka lana buuxiyo
laiskuna dhaqaale .
waxaa intaa ka dib asna ka
hadlay halkaa Gudoomiyaha Gudiga Fulinta Shiikh Shariif
Shiikh Axmed oo Asaga qadka taleefoonka uga qayb galay
dadkana ku baraarujiyay in si aad ah loogu baahan yahay in
soomaalidu midoowda eeyna gumaysigana la dagaalanto iskana
xoreyso qof walba oo soomaali ahna eey waajib ku tahay inuu
dagaalkaas ka qayb qaato.
Intaa aya shirkii la soo
gabagabeeyay waxaana soo xiray oo ka hadlay oo dadkii ka soo
qayb galay mahadnaq u jeediay Faarax Diiriye oo asagu ka mid ah
odayaasha magaalada Leicester.
arabey abdi
hashi66@hotmail.com