Yaa Qaban Kara Xilka Raysulwasaaraha DFKM
abdiqani
maxamed
cabdiqanimakhtal@hotmail.com
Todobaadyo muran iyo is qabqabsi Siyaasadeed oo hadheey wax qabadkii iyo
Siyaasadda DFKM ayaa waxaa soo gabo gabeeyey Proff Cali Maxamed Geeddi ka dib
markii uu xilka Raysulwasaarenimadda iska casilay iyada oo ay ku qal qaaliyeen
Beesha Caalamku iyo Dawladd Itoobiya gaar ahaan Wasaaradda Arimamaha Dibadda
Is casilaadan Cali Maxamed Geeddi oo aan la sii saadaalin ayaa waxa soo da
dajiyey Madaxweynaha Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf, markii ay kala istaageen labo
meelood oo aan is aagaayn, iyada oo ay wararka qaarna sheegayaan in ay gacan
saar aan sidaas u sii weynen ka dhex dheceen , waxaana ugu muhiimsanaa labadan
qodob is casilaadii Cali Maxamed Geeddi
1 Madaxweyne Yuusud oo Dawladda Itoobiya oo ay saaxiibo yihiin iyo Dawladda
Maraykan ka u sheegay in uu Xilka ka dagayo sidoo kale Ciidanka badan ee
Puntland ka yimi ee jooga K/soomaaliya uu dib u ceshanayo hadii aan Geedi
Jagadda Raysulwasaraha iska Casilin
2 Cali Maxamed Geedi Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya oo lagu Eedeeyey in uu
Lunsaday Hanti badan oo ay Leedahay DFKM ayna ugu Deeqeen Beesha Caalanka. ayna
ugu yaabka Badayn Arooskii wiilkiisa ee ka dhacay Magaaladdan Nairobi laguna
qiyaasay hantidii ku kacday 1.5milion oo Dolarrka Maraykanka .run ahaantii
lacagtani wax weyn bay u qaban lahayd Qaxoontigan Gaajadu iyo Hoy la'aantu ay ku
hayso Duleedka Magaaladda Muqdisho
Run ahaantii qodobadan sal dhiga u ah is casilaadda Raysulwasarihii hore ee Cali
Maxamed Geeddi ayaa ah kuwo ay dano gaar ahaaned u arkaan Dawladaha Maraykanka
iyo Itoobiya oo ka cabsi qaba in ay dib u xoogaystaan xoogagii Maxaakiimtu iyo
Alshabaab
Raysulwaare Geedi waa galbaday oo wixii uu ahaaba la tag, wax badan oo u
wanaagsan danaha wadanka Itoobiya ee saaxiibka la ah DFKM ayuu u qabtay ayna ka
mid ahayd in ay si sharci daro ah u soo gasho wadanka Soomaaliya ayna u xasuuqdo
kumanaan Soomaali ah
Su'aasha in badan oo Muwaadiniinta Soomaaliyeed isweydiinayaan ayaa ah Qof
noocee ah ayaa qaban kara Raysulwasaaraha Soomaaliya,Siyaasad noocee ah ayuu
wataa?
Su'aashan oo aan Jawaabteeda wax badan aan u Dhafaray, in badan aan isweydiiyey
ayaa waxaa muhiim ah in uu qofka Raysulwasaaraha qabanaya in laga helayo
qodobadan soo socda
1 in uu yahay aqoon yahan, aqoon caalami ah haysta
2 in ay Dawladda Itoobiya uu saaxiib la yahay isla markaasna, Xafiiska
Raysulwasaaraha Itoobiya laga soo saxeexaa waraaqdiisa cadaynta
Raysulwasaarenimo
3 in uu Raali ka haya qorshe kasta oo uu soo jeediyo Madaxweyne Cabdilaahi
Yuusuf
4 in uu Raali ka yahay in Puntland ay Khayraadkeeda la soo bixi karto kaligeed
5 sidoo kale in uu leeyahay dhaqaale wacan, Beesha caalamkana uu u cuntami karaa
marka aad Eegti qodoban kor ku xusa run ahaantii waxaa kuu muuqanaya in uusan
qofka doonaya in uu Dal iyo Dad u taliyo oo Go'aanadiisu fulayaan, uu san qaban
karin xilkan, waayo, waa Mas'uul wixii ka soo baxa Xafiiska Madaxweynaha iyo
Dawladda Itoobiya ku dhaqaaqi doona, waxaa hadaba aad u yaab badan Mas'uulka
Yurub iyo Maraykan uga soo huleelay in uu noqdon Maqaarsaar!!!
Waxaa iyaduna Xusid mudan in Baarlamaanka Soomaaliyeed ay isku raaceen in Golaha
Xukuumadda laga keeno Baarlamaanka Gudihiisa iyo Dibadiisa, iyada oo taas uu aad
uga shaqeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadu sidii uu ugu miro dhalinlahaa una badali
lahaa Qodobadda 46-47
waxaadna Muuqata in Raysulwasaaraha Soomaaliya uu u badanyahay , Mas'uul aan ka
mid ahayn Baarlamaanka Soomaaliya,balse waxaa Muhiim ah in uu noqdo shakhsi
Siyaasadda Soomaaliya wax badan ku soo jiray ee aan hadeer bilaabin dhaqaale
Ururin hor leh
Xubnaha Ugu Dhaw Dhaw in ay noqdaan Raysulwasaaraha Sooomaaliya
Cali
Mahadi Maxamed waa Ruug cadaa Siyaasadda Soomaaliya siweyn ugu dhex muuqa tan
iyo wixii ka danbeeyey Qaran jabkii soomaaliya waxa uuna ahaa Madaxweynihii ugu
horeeyey ee Soomaali ay doorato markii Dawladii kacaankii la Riday
Cali Mahdi waxa kale oo uu ahaa Gudoomiyihii Shirkii Dib u heshiisiinta
Soomaalida ee dhawaan DFKM ay ku qabatay Magaaladda Muqdisho ee aan la ogayn
Ujeeda iyo ka Jeedada Shirkaas ilaa iyo hadeerna wax ka soo baxay ay Dadweynaha
Soomaaliyeed isweydiinayaa, iyada oo Dadka Saaladaaliya Siyaasadda Soomaaliya ay
ku macneeyeen in lagu majo xaabinayey Shir uu ku DHawaaqay Garad Jaamac Garad
Cali oo ka mid ah Isimada Soomaaliyeed kuwo ugu Faca weyn ayna Gogosha Shirkaasi
Taalo magaaladda Laascaanood
Cali Mahdi Muwaadiniin Badan oo Soomaaliyeed ayaa Siyaasadiisa la dhacsanaa
wixii ka danbeeyey Dagaaladii uu la galay Gen Caydiid markii uu ka fariistay
Siyaasadii Xiligaas ee ahayd Qoriga Afkiisa
Cali Mahdi ayaa waxaa uu Magaalada Baydhabo iyo Muqdishoba ka wadaa Abaabul
sidii uu ku helilahaa Booska uu Baneeyey Geedi oo ay Ilmaadeeryihiin , waxa uuna
shirar kala duwan la galay Odayaasha Beeshiisa ah
Maxamed
Shiikh Maxamuud Guuleed Gacmo Dheer oo ka soo jeedi Beesha Habargidir oo ah
Beelaha ugu Awooda Badan ee Hawiye, kana soo horjeeda DFKM ah ayaa waxa uu
Loolan adag ugu jiraa sidii uu u heli lahaa Raysulwasaaraha Soomaaliya
Kolkii uu Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweyne Yuusuf soo kala dhex galay
Khilaafkii siyaasadeed ee dhaliyey in uu Geedi Baneeyo Xilkii uu u hayey
Dawladda Fedraalka ah ee Soomaaliya ayaa dhagaha dad badani waxa ku soo dhacayey
waxaa Raysulwasaaraha Soomaaliya laga dhigayaa Mudane Gacma dheer.
Gacma dheere waa Wasiirka Arimaha Gudaha ee DFKM, waxa kale oo uu soo qabtay
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeytan, sidoo kale waxa uu yahay ragga ugu dhaw
dhaw Madaxweynaha Soomaaliya,waa shakhsiga lagu tilaamo in uu Madaxweynuhu ku
Aamini karo sirta Dawladda ku meel gaadhka ah
Waxa uu hadeer Geed dheer iyo mid gaabanba ugu jiraa sidii uu u helo lahaa
Raysulwasaarenimadda Soomaaliya isaga oo shirar aad u Xaasasi ah la leh
Xildhibaanadda Habardigir iyo Madaxweyne Yuusuf,
Axmed
Cabdi Salan Aadan waa nin ugu dhalinta yar ragga u tartayama in ay helaan
Booskii uu Baneeyey Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Proff Cali Maxamed
Geeddi, Sidoo kale waxa uu Axmed Cabdi salan ka mid yahay Mulkiilayaasha
Idaacadda Codka dheer ee HORNAFRIK
Axmed Cabdisalan waxa uu Haystaa Dhalasho wadanka Kanadda ah, sidoo kale waxa uu
Saaxiibo isku dhaw yihiin Wasiirka Arimaha dibadda ee Itoobiya, waxa ayna
wararku sheegayaan in Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Itoobiya ay dabada ka
riixayso, waxa kale oo iyaduna jirta in ay Wasiirka Arimaha Dibaddaee Itoobiya
iyo Raysulwasaaraha Itoobiya ka wada Hadleen in Axmed Cabdi salan laga dhigo
Raysulwasaare Cusub
Axmed Cabdi salan ayaan sidii aynu horayba ku soo sheegnay waxa uu ka mid yahay
Mulkiilayaasha leh Idaacada Codka dheer sidoo kalena ugu Afka dheer Warbaahinta
Soomaalida, waxaana muhiim noqonaysa hadii Axmed Cabdi Salan Aadan uu noqdo
Raysul wasaaraha in ay codka Dawladda ay ku hadli doonto Idaacadu , waxa kale oo
uu Axmed Ka soo Jeedaa Beesha Caydh oo ah Beelaha ugu hubka iyo Siyaasiyiinta
Shaashadaha Warbaahinta ka muuqda inta badan ay ka dhasheen .
Proff
Cali Jimcaale Axmed waa aqoonyahan wax ka dhiga Jaamacad ku taal wadanka
Maraykan ka gaar ahaan Magaaladda New york, waxa uuna ka dhigaa Maadooyinka
Suugaanta iyo dhaqaalaha, sidoo kale waxa uu yahay Qoraa weyn, waxa uuna soo
saaray dhawr si weyn loogu akhristo Geeska Afrika
Proff Cali Jimcaale ayaa waxa uu taageero ka haystaa sida ay warbaahinta
Soomaalidu sheegayso Dawladda Maraykanka iyo Xukuumadda Itoobiya,iyada oo
wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Maraykanku uu sheegay in aysan jirin shakhsi ay
dabadda ka wadaaan
Proff Jimcaale Siyaasadda Soomaaliya ayaa iminka u cusub iyada oo ay wakhtigu
yahay mid aad u kooban, waxa kale oo jira dagaalo ay DFKM kula jirto Kooxaha ku
kacsan, waxa kale oo jira Taageeradda oo aad u sii yaraanaysa Hadaba Su'aasha
mudan in la isweydiiyo ayaa ah
Muxuu Proff Dibadd Joog ah oo hadeer ay Siyaasadda Soomaalidu u cusubtahay uu ku
soo kordhinkaraa ?!! jawabta waxaan u dhaafayaa Akhriystayaasha
Waxaa
kale oo jira Shakhsiyaad iyagu u hanqal taagaya in ay Qabtaan Jagadda
Raysulwasaarenimadda Soomaaliya,waxaana ka mid ah Proff Buubaa oo ka soo jeeda
gobaladda Waqooyiga Soomaaliya, oo isagu doonaya Saamigii ay la haayeen
Gobaladda W/galbeed, Togdheer, Sool, Sanaag iyo cayn hadii uu Madaxweynuhu yahay
K/Soomaaliya
Waxa kale oo uu Buubaa shirar la yeelahay Xildhibaadda ISaaq, Harti Waqooyi,
Gadarbursi Iyo Ciise si ay ula Loolan gareeyaan balse Madaxweynaha DFKM ayaan
taas ku qanacsanayn, doonayana in uu Raysulwasaaraha noqdo Mudane ka soo jeedaha
Beesha Hawiye si uu u qaboojiyo dhibaatada ka taagan Magaaladda Muqdisho
abdiqani maxamed
cabdiqanimakhtal@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
SomaliTalk.com | Nov 9, 2007
HAA: Ra'iisul wasaaraha
DKMG halaga keeno bannaanka

Dhegeyso: Qaabkii ay u dhacday doodii Baarlamaanka DFKMG ku ogolaaday in
dawladda laga keeno baannaanka...Faafin:
Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....


|