SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Dhacdooyin

Dhacdooyin  la-yaab  leh....!!!

(1) Nin  Xafladda Arooska Walaalkiis kaga qayb galay Libaaxyo..!!

     Wargeyska caanka ah ee la yiraahdo "The News", ayaa wuxuu qoray : in Nin reer Bakistaan ah, uu Beerta Xoolaha( Zoo ) ka soo kireystay 4-Libaaxood iyo 50-Fardood, si uu uga qayb-galo Xafladdii Arooska ee loo dhigayay Walaalkiis, una muujiyo Sharaf, Faan iyo Heybad. 

Ninkaan Bakistaanka ah oo ku nool magaalada "Moltan", wuxuu Libaaxyadan iyo Fardahan soo kireystay ka-dib markii uu heli kari waayay Maroodiyada loo adeegsado Fantasiyayaasha, Farxadda iyo Damaashaadyada ay Aroosyadu ka midka yihiin, taas oo ka mid ah Dhaqanka Dadyowga Gobolkaas. 

Ninkaan oo u hadlayay Wargeyska "The News", ayaa yiri:" Waxaan rabay inuu Walaalkey ku tago guriga Aroosaddiisa Maroodi dushiis, hase yeeshee, waxaan heli kari waayay cid iga kireysa Maroodiyo".

(2) Arday Jaamici ah oo Saaxiibkiis u dilay Baakad Sigaar ah darteed...!!!

     Degmo ka tirsan Gobolka "Al-Munuufiyah" ee dalka Masar, ayay dhowaan hareysay Masiibo iyo Murugo, ka-dib, markii uu Arday  Jaamici ah Toorrey la dhacay Arday kale oo Saaxiibkiis ahaa, oo ay wada ciyaarayeen"Shadrang".  Gacan-ku-dhiiglahan jaamiciga ah, oo la yiraahdo"Mamduux", ayaa la dhacay Marxuumka la yirahdo "Hani" Toorrey, ka-dib, markii laga badiyay (Mamduux) Ciyaarta, uuna diiday inuu bixiyo wixii lagu sharatamay oo ahaa "Baakad Sigaar ah", ka-gadaalna la dagaallamay; Markaas oo uu Gacan-ku-dhiigluhu Toorrey Laba-afle ah Wadnaha daray Saaxiibkiis"Hani", oo aan Naftaba dhulka la dhicin. Arrintan ayaan-darrida ah ayaa hadda Booliska la taal.  Waxaa muuqata inuu Mr.Mamduux qaadan kari waayay; in Ciyaartana laga badiyay, gacan-ka-hadalkiina loogu awood-sheegtay. Muxuuse Baakadda Sigaarka ah ee lagu sharatamay isaga bixin waayay ?!!!. Bal ha la rog-rogo arrimaha ay Ajashu ka midka tahay ee meesha ku jira...!!!

(3) Rumeyso ama ha rumeysan...!!!

     Wiil dhallinyaro ah, oo ka dhashay Beelaha aan hubaysnayn ee Soomaaliya, ayaa wuxuu dhagax yar ku tuuray Eeyo uu ka baqayay inay waxyeelleeyaan.  Wiil kale oo ku hubaysnaa qori "AK" ah, kana dhashay Beelaha hubaysan, derisna ay ahaayeen wiilka hore, ayaa dhibsaday wiiq-wiiqda Eeyada; Laba Eray oo la is-weydaarsaday ka-dib, ayaa Gacan-ku-dhiiglughu wuxuu Baas ku kala jeexay Marxuumka.

      Arrintani, walow ay dhowr sannadood hadda ka soo wareegtay, haddana waxay ahayd Ciil, Argaggax iyo Uur-ku-taallo hareysay Ehellada Marxuumka, oo deggan Degmada Madiina ee Muqdisho. 

     Inkastoo ay Eheladiisu muujiyeen inay ka xun yihiin fal-xumida wiilkooda, ehelada Marxuumkana tacsiyadeeyeen, haddana Gacan-ku-dhiiglihii ayayna ka qasnayn, oo meelihiisa weli iska mar-maraya, sida ka dhacaysa Gobollada dalka badankood....!!!

(4)  Ila qosol...!!!

     Nin Socoto ahaa, ayaa markii ugu horreysay booqday Yurub, wuxuuna fariistay Beer weyn oo kuwa lagu nasto ah, oo ku taalla "London". Wuxuu la yaabay qaabka ruux dhallinyaro ah, oo meesha marayay.

     Qof weyn oo agihiisa marayay ayuu weydiiyay, oo uu yiri;"Waar Ruuxani meesha marayaa, ma wiil baa mase waa gabar ?!!!".

     Qofkii ayaa ku jawaabay:" Wiil ma aha ee waa Gabar, aniga ayaana dhalay..". -Ninkii Socotada ahaa ayaa yiri:" Waan ka xumahay, iga raalli noqo, ma aanan moodayn, inaad adigu tahay Aabihiis...!!". -

     Qofkii ayaa ku jawaabay:" Maya, anigu ma ahi Aabbihiis, ee waxaan ahay Hooyadiis...!!!".

Waxaa diyaariyay:- Muxyaddiin M.Kaalmoy - kalmoi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2007

C/Laahi Yuusuf oo Xukuumadiisa ku Guubaabiyey sidii ay uga hor tegi lahaayeen Xawaaladaha iyo WFP...

yuusufMadaxweynaha DFKMG oo khudbad Xasaasi ah  oo dhinacyo kala duwan taabaneysa ka jeediyey Baydhabo gaar ahaan waxay khubadaasi ku saabsan tahay Xawilaadaha, Dugsyada Quraanka, Dh/dhexe, Jaamacadaha iyo hay'adda Qaramada Midoobey WFP.. Khubada oo ah Akhris iyo cod....

colTaariikhda Musharraxa Ra'iisul Wasaare DFKMG: Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).. Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com