SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KAMBALA

Shirka CHOGM oo Kampala ka furmaya iyo Boqoradda Ingiriiska oo soo gaartay goobta shirka.

 

W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

 

Kampala, Uganda

 

Email:- farahblue_545@hotmail.com

 

Mobile: +256 (0) 774228112


 

 

Waxaa Galabta  magaladda Kampala ee Caasimadda wadanka Uganda soo gaartay Boqoradda wadanka Ingriiska Queen Elizabeth II oo in muddo  ah diyaar garoowgii ugu sareeyay loogu jiray soo dhaweynteeda, waxaana garoonka Diyaaradda ee Entebbe oo 42-km u jira Magaaladda Kampala ku soo dhaweyay Madaxweynaha wadankiisu uu shirka marti Yoweri K. Museveni iyo xubno ka tirsan Safaaradda Ingiriiska ee Magaaladda Kampala, waxaana Boqoradda safarkeeda ku weyliyay xubno ka tirsan qoyska boqortooyada iyo Saygeeda Prince Philip, waxaaana loo sii qaaday Boqoradda State house ka halkaas oo ay xalay kula casheysay Madaxweyne Museveni.

 

Wadanka Uganda wuxuu ku jiraa wadamada uu gumeysta wadanka Ingiriiska, waxaana boqoradda Queen Elizabeth oo 81-jir ah ugu dambeysa  sanadkii 1954-tii oo  hadda laga joogo 53-sano, waxaana xilligaas ka dul bababnayay dhulka Uganda calanka Gumeysiga, iyadoo markii ay shalay ka soo degtay Garoonka wejigeeda laga dheehanayay farxad aad u sareysa.

 

        Shalay ilaa xalay waxaa magaaladda ku soo dal-dalmayay  wufuuda ka kala imaaneysay daafaha caalamka, kuwaas oo isugu jiray Madaxweynayaal, boqorro, Ra’iisul wasareyaal iyo Wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalkaas.

 

          WAA MAXAY CHOGM?

 

CHOGM waxaa laga soo gaabiyay Commonwealth heading of Government Meeting, waana ururka  barwaaqo sooranka, waxaa ku mideysan wadamo ay ugu badan yihii dalalkii uu gumeystay wadanka INgiriisku, waxaana madasha shirka soo fariisanaya 53-dal, waxaa fureysa maalinta Jimacaha 232-ka bisha Hooyada Wadamadaas Queen Elizebeth, khudbadda 2-aadna waxaa qaadan doona Madaweyne Museveni.

        Shirkan waxaa la qabtaa sadexdii sanaba mar, waxaana looga hadlaaa arrimo badan oo ay ku jiraan Siyaadaadda, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Xaquuqada Aaadanaha, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta, cilimiladda, dimuqraadiyada iyo Nabadda, waxaana la saxaa wixii qalad ah ee ka dhaca wadamada ku bahoobay, sidaas oo kale waxaa Ingiriisku taakuleyn u sameeyaa wadamada saboolka ah ee ku jira dalalkaas 53-da ah.

 

        Siyaasad ahaan Wadanka Pakistan ee ku jira wadamada Barwaaqa sooranka ah ayaa laga yabaa in sanadkan la ganaaco oo si ku meel gaar ah looga saaro Commonwealth, kaddib markii qalalaaso siyaasadeed oo fool xun ay ka dhaceen, iyadoo digniin loo reediyay Madaxweyne Musharaf,iyadoo loogu baaqay in shirka ka hor uu dhammeeyo dhibkaas, isla markaana uu wada hadlay la samee dhinacyada ka soo horjeeda, waxaana haddii uusan wax ka qaban dhibkaas laga ganaaxi doonaa xubinnimadiisa Commonwealth sida hadda heysta wadanka Zimbabwe oo Madaxweyne ka yahay Roper Mugabe, waxana ajandaha ugu horeeyaahi uu noqon doonaa xaaladaha ka taagan Pakistan iyo Zimbabwe, iyadoo wadama hore ganaax nuucaas oo kale ah lagu riday wadamada S/Africa, Nigeria, Pakistan, Fiji Island iyo south pacific.

 

Wadanka Rwanda oo isna codsaday in lagu daro Commonwealth ayaa laga yabaa in la ansixiyo codsigooda, waxaana hore u soo gumeysta Rwanda wadanka France, laakiin hadda ay xiriirkooda uu aada u xun yahay “Waxaan filayaa in la aqbali doono codsigeena, waana ku rajo weynahay” ayuu yiri Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo ay saaxiib aad u dhow yihiin marti galiyaha shirka, waxaana haddii la aqbalo codsigiisa uu ka qeyb gali doonaa shirka kan xiga ee ka dhacaya wadanka Trinidad and Tobacco ee sanadka 2009.

           Ammaanka iyo muuqalka Magaaladda Kampala

 

Magaaladda Kampala oo ah magaalo hadda kuley ah, waloow aysan cimiladeedu fadhin oo laga yaabo in sacad kaddib uu roob xoog leh da’o ayaa si heer sare ah ugu diyaar garoowday shirkan oo markii ugu horeysay lagu qabanayo, waxaa xiran wadooyinka qaar, waxaa magaaladda lagu soo fasaxay ciidamo badan oo ammaanka suga, sida ciidamada MP ama Military Police, Special Police,  iyo kuwa sirdoonka, kuwaas oo la socon doona wax kasta oo dhaqaaq ah oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo martida shirka ka qeyb galeysa.

 

Col. Leapold Kyanda oo ah taliyaha sirdoonka military-ga iyo captain Owomugesha Herman oo ah taliyaha ciidanka ammaanka Garoonka Entebbe oo la shiray Madaxda dadka SOmalida ah ee Uganda ku nool ayaa isku raacay “Waxaan idinka codsaneynaa in aad dadkiina la hadashaan oo ay joojiyaan socodka badan inta ay joogaan martsharafta shirka ka qeyn galeysa si aan ammaanka iyo xasiloonida u dhowrno, waxaa jira meelaha qaaar aan la ogoleyn inuu yimaado qof aan casuuneyn, sidaas oo kale waxaan idinka codasaneynaa in aad documents ama waraaqaha dalkan ay ku degan yihiin dadkiina ay heystaan, waxaan galeynaa 7-maalmood oo la doonayo in qof kastaahi uu is xil-qaamo”

 

Magaaladda meel kasta waxaa ka suran Calanka Uganda iyo astaanka shirka, waxaa buuca dhaafay Hotelada, waa wufuuda joogtaahi ay dhan yihiin 10,00, waxaa xiran goobaha waxbrashada, ganacsiga iyo safaaraddaha kuwaas oo loogu baaqay todobaad holiday ah, qof kastana wuxuu ku faraxsan yahay qabashada iyo marti galinta shirka, waayo Uganda waxaa ka soo galaya malaayiin dollar .

 

Farxadda Madaxweynaha iyo mustaqbalkiisa.

 

Khuburadda dhinaca siyaasaddu waxay sheegayaan haddii shirkan uu ku dhammaado sida loogu talagalay in Madaxweyne Museveni riyadiisu u rumoobi doonto, wuxuu heli doonaa shacbiyada ka badan inta uu hadda heysto, sidaas oo kale mustaqbalkiisa siyaasadeed ayaa sii kordhaya, wuxuuna qorshaha ku darsanayaa inuu marka kale isku soo taago Madaxweynenimadda Uganda marka la gaaro sanaka 2010, waxaana todobaadkan uu ka mid yahay maalmihiisii ugu farxadda badnaa nololoshiisa, waayo shir nuucan oo kale ah weli ma uusan marti galin wadankiisa Uganda, gaar ahaan mudadii 21-sano aheyd oo uu isagau hayay.

 

W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)

Kampala, Uganda

Email:- farahblue_545@hotmail.com

Mobile: +256 (0) 774228112

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2007

C/Laahi Yuusuf oo Xukuumadiisa ku Guubaabiyey sidii ay uga hor tegi lahaayeen Xawaaladaha iyo WFP...

yuusufMadaxweynaha DFKMG oo khudbad Xasaasi ah  oo dhinacyo kala duwan taabaneysa ka jeediyey Baydhabo gaar ahaan waxay khubadaasi ku saabsan tahay Xawilaadaha, Dugsyada Quraanka, Dh/dhexe, Jaamacadaha iyo hay'adda Qaramada Midoobey WFP.. Khubada oo ah Akhris iyo cod....

colTaariikhda Musharraxa Ra'iisul Wasaare DFKMG: Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).. Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com