Arrimaha Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo laga shiray..!!
(Sanca):- Shir looga hadlayay Xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka
Yemen ayaa lagu qabtay Xarunta Caafimaadka Qaxootiga ee magaalada Sanca.
Waxaa Shirkan qabashadiisa codsaday Sarkaal ka socday Xafiiska "Danish
Refugee Council" ee magaalada Nairobi-Kenya, laguna magacaabo:-Chris
S.F.Petch iyo Sarkaal isagana lagu magacaabo "Stefano Tamagnini" oo ah
masuulka Hay'adda Dawliga ah ee Xagga Socdaalka(IOM) u fadhiya
Sanca-Yemen.
Labadan Sarkaal ayaa ka-qayb-galayaasha shirka soo hor-dhigay weydiimo
la xiriira:-Sababta ay dadka Soomaaliyeed uga soo qaxayaan dalkooda;
waxa ku qaadaya in ay badda iyo khatarteeda isku soo biimeeyaan; inta
meelaha kale u sii gudubta; waddooyinka ay maraan; tirada hadda joogta
gudaha Yemen; sida ay tahay xaaladdooda guud iwm.
Waxaa halkaas warbixin la xiriirta Su'aalahooda ka bixiyay:-
(a) Maxamed Xaaji-Cabdalla Miftaax, oo isagu ah Madaxa Guddiga Odayaasha
ee Qaxootiga Soomaaliyeed.
.(b) Dr.Cabdirashiid Maxamuud Cali,oo ah Takhtarka Xarunta Caafimaadka
Qaxootiga iyo
(c) Xabiiba Xaaji-Cismaan oo iyadu qaabilsan Arrimaha Bulshada..
Masuuliyiintan Soomaaliyeed ayaa dhammaan ka warramay xaaladda guud ee
Qaxootiga ku sugan Yemen.
Sida la Og-yahay waxaa dalka Yemen ku sugan, joogtana ugu soo qulqula
kumaan-kun qaxooti Soomaaliyeed oo ka soo firdhanaya dagaallada iyo
degganaansho-darrida ka jirta Soomaaliya. Qaxootigaas kuwa badan oo ka
mid ah ayaa ku halligma Badda u dhaxaysa labada dal,kuwa waxay u soo
tahriibaan dalal kale oo uu Sacuudigu ka mid yahay, kumaan-kun kalase
waxay ku sugan yihiin dalka Yemen kuwaas oo badankood aanan heysan nolol
fiican.
Docda kale,Masuuliyiinta Dawladda Yemen ayaa joogta uga cawda culays
dhanka dhaqaalaha, Ammaanka iyo Arrimaha Bulshada ah oo ay ku hayaan
qaxootiga ku soo qulqulaya ee jooga gobollo badan oo Yemen ah.
M.M.Kaalmoy,Sanca/Yemen...(kalmoi@hotmail.com)
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2007
C/Laahi Yuusuf oo
Xukuumadiisa ku Guubaabiyey sidii ay uga hor tegi
lahaayeen Xawaaladaha iyo WFP...
Madaxweynaha DFKMG oo
khudbad Xasaasi ah oo dhinacyo kala duwan
taabaneysa ka jeediyey Baydhabo
gaar
ahaan waxay khubadaasi ku saabsan tahay Xawilaadaha,
Dugsyada Quraanka, Dh/dhexe, Jaamacadaha iyo
hay'adda Qaramada Midoobey WFP..
Khubada oo ah Akhris
iyo cod....
Taariikhda
Musharraxa Ra'iisul Wasaare DFKMG: Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde)..
Akhri...