SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print



Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Baarlamaanka DFKMG Soomaaliya oo markii ugu horeysay isku raacay in la bedelo qodob iyo qaabka ay u dhacdey doodii oo dhameystiran...


Codayntii in dawladda laga keeno bannaanka: 226 xildhibaan oo soo xaadiray Nov 7 dhammaan Gacanta ayey u taageen in dawladda laga keeno bannaanka baarlamaanka

Xildhibaan Axmed Ducaale Geele {Xaaf} mar aan weydiiyey qaabka ay wax u dhaceen ayaa wuxuu yiri isagoo ay farxad weyn ka muuqato "Xubnihii Kutlada la baxay waa is dhiibeen, markii ay ogaadeen in laga badan yahay",kadib markii dooda Baarlamaanka la soo gebagebeeyey.

        

Doodii xubnaha Baarlamaanka u socotey maalmahaan ee dhinaca wax ka bedelka Qodobada Dastuurka DFKMG ayaa si rasmi ah loogu soo gebagebeeyey Xarunta shirarka Baarlamaanka ee Magaalada Baydhabo, wuxuuna ahaa Qodobkii ugu horeeyey ee xubnaha Baarlamaanka FKMG ay si rasmi ah isugu raacaan, iyadoo gebogebeynta doodaan ka hor xubnaha Baarlamaanka ay u soo wateen Mooshino kala duwan, waxaana la hadal hayaa in qaar ka mid ah Mooshinadii Baarlamaanka ay dib u bilaaban doonaan.

Ansixinta Qodobkaan la bedelay ee ah in Xukuumada laga qaato gudaha iyo dibada ayaa ah mid ku yimid culaysyo kala duwan oo in mudo ah laga soo shaqeynayey, taasoo dadka arimaha siyaasada Soomaaliya ku xeeldheer ay ku sheegeen in is casilaadii Prof. Geedi ay qayb ka ahayd in qodobkaan la ansixiyo, waxayna ku sababeynayaan Prof. Geedi safarkiisa ugu dambeeyey ee uu ku tegay dalka dibadiisa intii uusan is casilin, waxaa jirey in Khudbada uu ka jeediyey Baarlamaanka ee iscasilaada la sii diyaariyey islamarkaana loo dhiibey inuu Akh-riyo sidaasna lagu soo gebagebeeyo khilaafkii labada mas'uul, sida aan ka helney ilo wareedyo hoose oo ku dhow Mas'uuliyiinta sar sare ee dowlada.

Dhinaca kale waxaa jira hadal hayn fara badan oo dhinaca magacaabista Ra'iisul wasaaraha cusub, hadii aan soo qaadano hadalada ugu culus waxaa ka mid in Ra'iisul Wasaaraha aan laga qaadan banaanka, sababtoo ah midkii hore ayaa laga qaatey dibada, isagoo aan la fahmin ayuu hawshiisa iska watey, kanina hawlaha kala duwan ee Hay'adaha UN-ka iyo kuwa kale ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa laga yaabaa bey leeyihiin in waqtiga ugu dhamaado, iyadoo aan waxba la qaban.

Hadaba marka laysku soo aruuriyo hawlaha socda ayaa waxay yihiin kuwo aan si dhab ah loo saadaalin Karin,waayo Ansixinta Baarlamaanka uu Ansixiyey qodobo kala duwan oo aan hore Qorshaha ugu jirin ayaa waxay muujinayaan in Isbedelo siyaasadeed oo aan laqiyaasi Karin ay dalka ku soo fooleeyihiin, laakiin wax kasta waxay kala cadaan doonaan marka ay dhamaato magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub.

Hadii aan wax yar ka iftiimino hawlahaan socda dadka qaar waxay carabka ku adkeynayaan in ay tahay hawl loo baahnaa, balse ay ka dambeeyaan culaysyo waaweyn oo ifafaalaheedu ay ku sheegayaan in ay ka mid , tahay xil ka qaadista is daba socota iyo iscasilaada.


Lab axildhibaan oo la hadal hayo in ra'iisul wasaare laga dhigayo

Dadka ku nool magaalada baydhabo ayaa waxay maalin walba isweydiiyaan magaca Qabashada xilka ugu sareeya Xukuumada cusub iyo Golaheeda Wasiirada, waxayna leeyihiin saaxiibada Zanaawi miyaa nala barayaa mise mid dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax u qabta ayaa la keeni doonaa, waxayna leeyihiin sideen ku aaminaa saaxiibada Zanaawi waayo kuwii hore waxay ku dhawaadeen in Saanad ay isu qaataan, laakiin midka cusub ma dowlado kale ayaa wata mise waa mid ku yimid rabitaanka shacabka?, inkastoo Madaxweyne Yuusuf uu hore u sheegey in la tartamidoono.



Xildhibaan Dr. Cali Baashi Cumar oo sheegey "in Magaalada baydhabo ay ku badan yihiin dadka……"

38 Ruux oo ka kala yimid Degmooyinka ku hareeraysan Gobolka Baay, islamarkaana ahaa dad in mudo ah Indhaha ka bukey xaga Araga ayaa Isbitaalka Magaalada Baydhabo loogu sameeyey Qaliin Indhaha ah.

Dr. Cali Baashi Cumar
Dr. Cali Baashi Cumar

Hawshaan qaliinka Indhaha oo socotey mudo laba maalmood ayaa waxaa iska kaashadey Xildhibaan Dr. Cali Baashi Cumar Rooraaye iyo Hay'ada wadaniga ee ZAMZAM, Dr Cali Baashi Cumar oo aan wax ka weydiiney xubnahaan uu ku fuliyey Qaliin ayaa wuxuu ku sheegey "in ay ahaayeen intooda badan dadd da'a ah, waxayna ahayd buu yiri mid tijaabadii Koobaad oo aan ku sameyno Gobolka Baay, waxaana doonaynaa inaan tiro intaan ka badan qaliin ugu sameyno Isbitaalka Magaalasda Baydhabo Bilaha soo socda".

Mar aan weydiiyey ma jiraan kuwo qaliinkooda lagu guulaysan waayey ayaa Dr.wuxuu ku jawaabey "ma jiraan wax lagu guulaysan waayey qaliinkooda, waxayna ahaayeen kuwo hore aan ugu soo sameyney baaris, islamarkaana ahaa dad u baahan qaliinka Indhaha, wuxuu keloo Dhakhatarku sheegey in Gobolka Baay ay ku badan yihiin dadka Indhoolayaasha ah, waxayna u baahan yihiin in loo sameeyo wacyigelin badan, maadaama qaarkood aysanba ku baraarugsanyen in wax laga qaban karo in lagu sameeyo Indhahooda qaliin".

Dhakhtarka mar aan weydiiyey cudurada laga helay dadkaan da'da ah ee Indhaha loo fiiqey ayaa wuxuu ku sheegey "Wuxuu ahaa Xuubka Indhaha daboola, mana ahan nooc jeermis keeno, balse waa mid Araga Indhaha oo kali ah qariya".

Maxamed Macallin Cismaan{All-man}Somalitalk Baydhabo.
faxtumaalik@hotmail.com

Baarlamaanka DFKMG oo Ansixiyey in Ra'iisul wasaare iyo Wasiirada laga soo magcaabi karo xubno ka baxsan Baarlamaanka
Arrintani waxay awood buuxda u siineysaa in.... Akhri...

 Faafin: SomaliTalk.com | Nov 8, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com