SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Nov 7, 2007


Warbixin ku saabsan shirkii jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya ee Switzerland 
 
Shir sanadle ah  oo aay ka soo qeyb galeen dhamaan xubnaha jaaliyada Soomaalida  Ogaadeenya ayaa lagu qabtay magaalada Neuchâtel ee Switzerland. Kulankan oo ahaa mid irduhu u furan yihiin ayaa sidoo kale lagu marti qaaday walaalaheena Soomaaliyeed ee jamhuuriyadii xorta ahayd ujeedadiisuna  ahayd sidii xubnaha jaaliyada uga wada tashan lahaayeen sida ugu haboon ee loo dardar galin karo is la markaana loo kobcin lahaa waxqabadka laga sugayo xubnaha jaaliyada Ogaadeenya ee Switzerland. 

Shirkan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa lagu marti qaaday wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Jabhada Wadaniga Xorynta Ogaadeenya Admiral Maxamed Cumar Cusmaan, Madaxa Hogaanka Arimaha Dibada Mudane C/raxmaan SH. Mahdi, Ambassador Daahir Afeey, Profesor Yusuf Hassan Cusmaan Cadami, Profesor Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi iyo fanaanka weyn Jaangoow. 

Soo dhaweyn iyo mahad celin ka dib, ayaa daadihinta shir lagu wareejiyay Ambasador Daahir iyo Prof Cadami oo iyagu si xigmad iyo habsami leh u daadihinayay shirka.  Ugu horeyntii waxa lagu soo dhaweeyay madaxa Hogaanka Arimaha Dibada (HAD) mudane C/raxmaan Mahdi oo si qoto dheer uga warbixiyay  heerka halganka uu maraya, guulihii xaga dibada laga soo hoyiyay, yoolka la higsanayo iyo sidii lagu gaadhi lahaa.  

Warbixinta HAD oo ahayd mid dhameeystiran oo dhinac walba taabanaysay ayaa qancisay umadii meesha isugu timid, Mudane Mahdi wuxuu microfoonka ku soo dhaweeyay gudoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar Cusmaan oo halkaa ku soo bandhigay qudbad qiimo leh oo si toos ah u taabanaysay dareenka umadii shirka isugu timid kuna saabsanayd xaalada qalafsan oo uu gumeeysigu baday umadeena.  

Dagaalka militari oo uu gumeeysigu ku hayo umadeena waa sheyga uga yar, marka loo fiiriyo dhibaatooyinka kale ee faraha badan oo uu cadowgu u geeysanayo reer Ogaadeenya sida : gubida tuulooyinka, bara kicinta shacabka, cuna qabateeynta xaga dhaqaalaha, la dagaalanka horumarka nooc walba iyo bah dilida shacabka ayuu yidhi gudoomiyuhu. 

Itoobiya waa gumeysi gaamuray arxan daran oo macangag ah, wax faa’ido ahna lahayn, dhaqan iyo caadana ka dhigatay baabi’inta iyo bara kicinka shacbiga aan waxba galabsan. Aan dhowrina haba yaraatee xuquuqda aasaasiga ah ee bini’aadanka ayuu gudoomiyuhu hadalkiisa sii raaciyay. 

Mudane Admiral Maxamed Cumar wuxuu sharaxay ujeedada JWXO in eey ku dhisan tahay nabad ku wado noolaansho umadaha Geeska Afrika si taa loo gaadhana loo baahan yahay in shacbiga dulman ee Soomaalida Ogaadeenya helaan xuqooqdooda aayo ka talineed, tan ayaa ah mida kaliya ee keeni karta xasilooni waarta oo ka dhalata Geeska Afrika.

Gudoomiyuhu mar uu ka hadlayay halganka hubeysan JWXO hormuudka ka tahay, wuxuu xusay in JWXO tahay urur siyaasadeed kana soo qeyb qaadatay doorashadii kaliya ee si cadaalada uga dhacday Ogaadeenya, halkaas oo aay ku guuleeysteen aqlabadiyadii ugu badneyd ee baarlamaan goboleedka, ka dibna weeydiisteen in afti umada laga qaado sida ku cad dastuur ku sheega itoobiya ee loogu talo galay in rayul caalamka aduunka lagu qaldo. Halkaa waxa ku beenoobay sheegashada itoobiya ee ah in umadii rabta aay si nabad ah uga hoos bixi  karto gumeysiga itoobiya ayuu hadlkiisa sii raaciyay madaxweynaha JWXO.

Hogaamiye Maxamed Cumar wuxuu carabka ku dhuftay in JWXO geed gaaban iyo mid dheerba u fuushay sidii si nadab ah qadiyada Ogaadeenya loogu xalin lahaa is la markaana diyaar u yihiin in itoobiya wada xaajood la furaan hadii aay raacdo wadooyinka caalamiga ah ee la raaco marka la xalinayo dhibaato u dhaxeeysa umad iyo gumeeystaheeda.  Gudoomiyuhu wuxuu ugu danbeeyntii ku boodhiyay qurba joogta Ogaadeenya guud ahaan gaar ahaana reer Switzerland in looga fadhiyo in eey la yimaadaan wax tar muuqda oo la taaban karo is la markaana qadiyada  horumarinteeda noqoto hadafka koowaad oo aay leeyihiin. Dadaal dheerad ah oo dhinac walba ah oo aay la yimaadaan Soomaalida Ogaadeenya ee ku nool wadamada xorta ah ayaa baajin karta in uu sii bato khasaaraha uu gumeeysigu ku hayo dalka iyo dadka soona dadajin karta guul kama danbeysa ah oo aay gaadhaan shacbi weynaha Ogaadeenya  ayuu qudbadiisii ku soo gabagabeeyay hogaamiyuhu. 

Ambassador Daahir Afey ayaa isagana qudbad qiimo leh shirka ka soo jeediyay, Ambassadorku wuxuu hoosta ka xariiqay in halganka JWXO uu ka mid yahay halgamadii umadu u soo gashay sidii aay isaga caabin lahayd gumeysiga itoobiya loona baahan yahay in si wada jir ah looga qeyb qaato hardanka loogu jiro sidii aay umadu ku hanan lahayd madax banaanideeda. 

Professor Yusuf Cadami ayaa isagana sheegay in xaqnimada halganka CWXO uu yahay marag ma doonto is la markaana qurba joogta Ogaadeenya looga baahan yahay in naf iyo maalba u huraan samata-bixinta dalka iyo dadkooda. 

Ugu danbeeyntii Prof Maxamed Cabdi Maxamed Gaandi ayaa soo bandhigay muxadaro cinwaankeedu ahaa Qaran & Qabiil meel ma wada gali karaan. Prof Gaandi oo in ka badan 27 sano u kuur galayay waxna ka qorayay hab dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamay ku dhaqanka qabyaalada in eey tahay caqabadaha sahlay in Soomaalidu si fudud cadowgoodu gacan ugu gasho laakiinse marka la helo qaran iyo is ku duubni in Soomaalidu si sahlan uga taqa lusto cadowgeeda soo jireenka ah. Prof Gaandi wuxuu aad ugu nuuxnuux saday dhibaatada aay leedahay tafaraaruqa iyo kala taga iyo faa’iidada is ku duubnida iyo midnimada. Cadawgii horey u heeystay Soomaalida Ogaadeenya ayaa maanta heeysta jamhuuriyadii xorta ahayd ee Soomaaliyeed taas oo ka dhigaysa umada Soomaaliyeed meel aay joogaanba in hal cadow leeyihiin waajibna tahay in loo howl galo sidii gumeeysigaa gaamuray banaanka la isaga marin lahaa ayuu Profesorku carabka ku adkeeyay. 

Hadii eeydaan hiil   iyo hooba la garab istaageeynin halganka xaqa ah ee CWXO, waa in dhibkiina laga magan galaa ayuu Profeserku qudbadiisa ku soo gabagabeeyay.  

Kulamkan ayaa ku dhamaaday waji murugo laga murugeeysan yahay dhibatada umada ku heeysata dalkii iyo rajo laga qabo hadii si dhab ah la isu garab taago JWXO  in eey soo afjarto dhibaatadaa. 


 

A.M.
abdimoh@hotmail.com
Neuchâtel, Switzerland 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 7, 2007

Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com