SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


2008 - State-ka Minnesota oo 150 sano jirsan doono

Ayadoo la ogyahay in 2008 Indhaha caalamku soo wada eegi doono Minnesota haddii ilaahay idmo shirweynaha xisbiga jamhuuriga ee ka dhici doona gobolka awgeed ayaa haddana Minnesota waxaa ay u diyaar garowoobaysaa xus ayada u gaar ah oo ah sanadguuradii ka soo wareegatay sanadkii Minnesota state noqotay 1858. Waxaana bilowday barnaamijyo lagu xusayo sanad guurada 150aad.

Taariikh kooban oof ku saabsan Minnesota USA

Waxaa deganaa gobolka qawniyadda Indian ah una badnaa qabiilka Dakota laakiin markii la soo gaaray 1840s waxaa soo batay cadaankii gobolka u soo guurayey taas oo keentay in madaxweynihii maraykanka ee markaas gobolka u soo diro nin cadaan ah oo la oran jirey Alexdandar Ramsey si uu heshiis ula galo qawmiyadda Dakota si dhul loogu helo cadaankii soo guurayey, Cadaankii ku noolaa Minnesota 1840 waxaa lagu qiyaasaa 6000 oo qof oo keliya laakiin markii la soo gaaray 1847 waxaa ay gaareen 150,000 oo qof taasoo keentay Minnesota loo aqoonsado Territory. Territory waxaa looga jeedaa dhul USA leedahay laakiin aan noqon karin state. Alexander Ramsey ayaa noqday governorkii ugu horeeyey ee Minnesota territory. Markii Minnesota noqotay state 1858 waxaa ku guulaystay inuu noqdo governorkii ugu horeeyey Henry Hastings Sibley oo ka tirsanaa xisbiga demoqraadiga.

Minnesota waxaa ku xoogbadnaa 1858 xisbiga demoqraadiga oo markaas aaminsanaa adoonsiga (Slavery) halka Jamhuuriga u doodayeen xuquuqda dadka madow. Khilaafka u dhaxeeyaa labada xisbi Minnesota waxaa uu gaarey in waqtigaas la kala qoro labo dastuur- midkii Jamhuuriga iyo midkii Demoqraadiga. Bilowgii qarniga labaatanaad (1900s) muhaajiriinta iman jirtay Minnesota ee qaadan jirey US Citizenship waxay u badnaayeen Scandanavian maanta 2007 muhaajiriinta qaadanaya jinsiyadda maraykanka waxaa u badan Minnesota Soomaali.

State-ka Minnesota waa state ugu Soomaali badan dhamaan United States of America. Waa state governorkiisa aqoonsaday Soomaali week June 26- July 2 . Waa state kii ugu horeeyey ee soo doorta Muslim Congressman – Waa state laga qiimeeyo codka Soomaalida. Soomaalida ayaa waxay ka mid noqdeen qoomiyadaha huwanta ee ku wada nool Minnesota ee xusaya 150 sano.

Maxmuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com

http://www.somalitalk.com/2007/nov/02nov807.html

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2007

Daadka Qado Sharafyada Siyaasadeed ee Baydhabo
baydhabo

Daadka Qado sharafyo siyaasadeed oo is daba joog ah oo ay ku maashoonayaan Xildhibaanada Baarlamaanka... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com