Wariye C/xakiim oo si wanaagasan loogu soo dhaweeyay dalka Kenya....
Waxaa magalada Nairobi ee dalka Kenya Qado sharaf fiican oo si wacan loo soo
agaasimay ay u sameeyeen wariyaasha ku sugan dalka Kenya saaxiibkood Wariye
C/xakiim cumar Jimcaale oo dalka Somalia ka soo duulay galabtimidii isniinta
saacadu marka ay aheed 3:00 Galabnimo, isagoo magalaada Nairobo soo gaaray
4:45 ee xilliga dalka Kenya. Si farxad ay ka muuqata ayaana loogu soo
dhaweeyay magalaada Nairobi.
Wariyaal badan ayaa dalka Kenya ku sugan si wacan ayayna wariye C/xakiim
u soo dhaweeyn, iyadoo soo qaadista Wariyaha ay gacan weyn ka geestay Somali
journalist Rights Association ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano (SOJRA),
intii ay soo dhaweeynta socotay wariyaasha waxa ay si taxader ah ooga
hadleen xaalku uu dalka ku suganyahay.

Wariye
C/xakiim Cumar Jimcaale waxa ay dableeysan hubeysani dhibaato ugu geestay
magaalada Mogadishu taariikhdu marka ay aheed 11/Agust/2007. isla habeenkii
dhibaatada loogeestay waxa subaxnimadeeydiila dilay marxuumada kala ah Mahad
Axmed Cilmi iyo Ali iimaan sharmaaake.

Wariye
C/xakiim oo runtii ay ka muuqato farxad ayaa u mahad celiyay cidwalba oo soo
dhaweyntiisa gacan weyn ka geesatay, waxaana kuu muuqana dhaawaca ka soo
gaaray weerarkii ay 8-eed dableey ah ay ugu geesatay magaalada Mogadishu.
Dhaawacuna waxa uu ka soo gaaray Gacanta bidix, nasiib karo jabkii soo
gaaray wali wax kabniin ah muusan helin iskaba dhaaf caafimaad toos ahee.

Sanadan oo
kaliya dalka Somalia waxaa lagu dilay 8 wariye, waxaana dalki ka soo qaxay
waiyaal fara badan oo intooda badan ay Qaxooti ku yihiin dalka Kenya. Waxaa
intaas sii dheer dhibaatada gaarka ah ee lagu hayo qof walba oo hoosha
warbaahinta Somalia ku hoolan dhibaatooyin kala duwan ayayna wariyaasha la
kulmaan sida, handadaaad, dil, afduubid iyo xanibaad loo geesto hoolahooda
gaarka ah.

Ibraahim
Da'ud Abdalle "Gentleman"
Nairobi-Kenya.
sayfudiin@hotmail.com