SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOORAMA
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Xubnaha Ururka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Awdal Sports Club oo sheegeen inuu gacan qabtay maamulaha shirkada Telesom ee Borama.

Ururka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Awdal Sports Club waxa uu kamid yahay ururada dhalinyarada ee gobalka Awdal ka howl-gala gaar ahaan magaalada Borama.

Xubnaha ugu sareeya ururkaan oo maanta shir jaraa’id ku qabteen xafiiskooda magaalada Borama ayaa Saxaafada ugu warbxiiyeen xaalada caraayaha gobalka uu marayo iyo wax qabadkii ururkooda dhinaca gobalka uu ka geystay.

Mas’uuliyiinta ururka waxa ay sheegeen in markii la aasaasay ururka ilaa hada horumar weyn uu gobalka ka geystay, iyagoo tibaaxay inay isku soo dhawaansho ku sameeyeen dhalinyarada gobalka isla markaana cayaarsiiyeen.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in koobkii ugu dambeeyay ee ururka uu qabto ee ka dhacay bishii Ramadaan magaalada Borama uu u dhacay si wanaagsan isla markaana ay kasoo qeyb galeen sideed kooxood.



Waxa ay u mahadnaqeen shirkada isgaarsiinta Telesom gaar ahaan xarunta Borama oo ay sheegen inay aad ugu qeyb qaadatay koobabkii ay dhigeen isla markaana ay aheyd shirkada koowaad ee garabkooda mar walba taagan.

Waxa ay sheegeen maamulaha shirkada Telesom ee gobalka Awdal Cabdiqaadir Aadan Nuur inuu yahay nin aad u jecel is dhexgalka bulshada iyo hurumarinta gobalka Awdal, iyagoo sheegay inuu habeen iyo dharaarta dhalinta Awdal garab taagan yahay mar kastana waxqabad uu la yimaado.

Waxa ay sheegeen in shirkada Telesom ay aad ugula qeyb qaadatay habsi usocodka koobkii Ramadaan-ka Borama ka dhacay isla markaana maamulaheeda uu bixiyay abaal marintii ciyaartoyda la gudoonsiiyay intii badneed.

Waxa ay sidoo kale xuseen in maamulaha shirkada Telesom ee gobalka Awdal Cabdiqaadir Aadan Nuur uu si weyn ugu qeyb qaatay isla markaana uu dhigay koobkii raja soo celinta ee Borama lagu qabtay muddo 5 bilood hada laga joogo kaasoo aad ugu farxeen dhalinta Borama isla markaana abaalkiisa aysan marnaba hilaami dooni sida ay yiraahdeen.

Waxa ay sidoo kale sheegeen hadii ay yihiin Ururka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Awdal Sports Club inay ugu mahadnaqayaan C/qaadir Aadan Nuur fikirkiisii ku aadaa dhismaha garoonka Biroole ee magaalada Borama kaasoo hada si dardar ah u socda isla markaana dhawaan ay filayaan in si wanaagsan loo dhiso.

Waxa ay shirkoodii jaraa’id ku sheegeen in maamulaha Telesom Cabdiqaadir Aadan Nuur uu u balan qaaday hadii dowlada ay siiso boos banaan si ay garoon ugu dhigtaan isaga uu xeen daabka garoonka u wareejin doono isla markaana dhismaha garoonkaasi gacan weyn ka geysan doono.



Waxa ay xuseen inuu aad usoo dhaweeyo dhalinyarada marka ay xafiiskiisa ugu tagaan isla markaana waji faraxsan uu kala horyimaado.

Xubnaha shirkaan jaraa’id qabtay ayaa waxa ay kala yihiin:

Guddoomiye Xasan Saciid Dheel-dheel
C/raxmaan Maygaag Jaamac
Jaamac Daahir Xaamud
Xasan C/laahi Dafe
Saciid Ismaacil Axmed

Ugu dambeyntii, Ururka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Awdal Sports Club waxa ay ugu baaqeen Jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo dhamaan Shirkadaha gobalka ka jira inay ku daydaan shirkada Telesom gaar ahaan maamulkeeda Cabdiqaadir Aadan Nuur isla markaana ay gacan qabteen ururada dhalinyarada ee gobalka ka jira maadaama dhalinta ay tahay laf dhabarka bulshada.

Abdifitahaam Ahmed
Email: abdifitahaam@gmail.com
Borama

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2007

Daadka Qado Sharafyada Siyaasadeed ee Baydhabo
baydhabo

Daadka Qado sharafyo siyaasadeed oo is daba joog ah oo ay ku maashoonayaan Xildhibaanada Baarlamaanka... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com