SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


Teknolojiyadda xagga Hubka ee Jarmalka oo sii horumaraysa..!!

(Garmeny):- Khabiir u dhashay dalka Jarmalka, kuna xeel-dheer xagga samaynta ‘Hubka’ , laguna magacaabo :-Tomas Mowetar’, ayaa shaaca ka qaday: in uu dalkiisu ka mid yahay dalalka ugu soo saaris iyo dhoofin badan xagga Hubka ee Aduunka.

Khabiirkan oo u warramayay Telefishan laga leeyahay dalkaas ayaa sheegaya:- In inkastoo ay Siyaasadda Jarmalku ka soo hor-jeeddo dagaallada kuna baaqayso in ay dawladaha Adduunku ku wada noolaadaan nabad, haddana, wuxuu sanooyinkii ugu dambeeyay soo dhigay Suuqyada Adduunka Teknolojiyad aad u sarreysa oo dhanka Hubka ah, gaar ahaan xagga: Taankiyada, Gujisyada Badda hoosteeda quusa iyo hubka fudud intaba.

Mr.Mowetar ayaa intaas ku daraya in uu Jarmalku sanooyinkaan kala soo hoyday Suuqyada Hubka lagu iibiyo ee Adduunka :-Macaash xad-dhaaf ah.

Khibiirkan ayaa tibaaxay :- In Dawlado badan oo dhoollatusyo ku sameeya meelo ka baxsan Xuduudahooda ay adeegsadaan oo ku faanaan Taankiga Jarmalka ee cajiibka ah, laguna magacaabo ‘Lionardo 2’. Wuxuu intaas ku daray oo yiri:-"Taankiyadaas; waxaa lagu yaqaannaa:-In ayan Karin Miinooyinka loo dhigo, u-qalabaysan yihiin si Elektoronic ah, isla markaanna ayan gefin hadafkooda oo toos u burburin karayaan”.”.

Wuxuu Mr,Mowetar’ daboolka ka qaaday oo kale:- In 16-Dawladood oo Yurub ah iyo weliba Kanada ay joogto u iibsadaan Taankiyada Jarmalka. Muddooyinkii ugu dambeeyayna ay Kanada Taankiyadaas uga hawl-gashay dalka Afgasistyaan, ka-gadaal markii ay Taankiyadeedii waxba ka tari waayeen Dhufeysyada Dagaalyahaniinta 'Daalibaan' ee ku yaalla Buuralayda dalkaa. –sida uu hadalka u dhigay-

Khabiirkan ayaa dhanka kale Carrabka ku dhiftay in mar kastoo ay dawladuhu oogaan dagaallo, ay taasu kordhinayso Macaashka(ribixa) ay helayaan Shirkadaha hubka sameeya.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay khabiirku in cid aanan Rukhsad ka heysan Xukuumadda Jarmalku aysan helayn Hubka BONN, Dawladaha Yurub iyo kuwa xubnaha ka ah NATO-na ay heystaan Rukhsadda Xukuumadda Jarmalka ee dhanka hubka.

Khabiirkaan reer Garmeny ayaa si cad daboolka uga qaaday in ay Dawladaha iyo Shirkadaha hubka soo saara ay dantoodu tahay, Macaashkooduna ku kordhayo in ay dadyowga Adduunku ku jiraan Dagaallo, Colaadduna ay joogto noqoto.
Haddaba Dadyowga ay Soomaalidu ka midka tahay miyaaney la gudboonayn in ay ku baraarugaan Arrinkan, oo xal u raadsadaan Colaadda dhexdooda ah.

Muxyaddiin M.Kaalmoy - kalmoi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 6, 2007

Daadka Qado Sharafyada Siyaasadeed ee Baydhabo
baydhabo

Daadka Qado sharafyo siyaasadeed oo is daba joog ah oo ay ku maashoonayaan Xildhibaanada Baarlamaanka... Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com