Dr. Ahmed Hussein
Isse iyo Minnesota
Gudoomiyaha Arrimaha
dibedda ee Ururka Kulmiye/Somaliland oo booqasho ku imanaya Minnesota
Waxa jaaliyadda reer Somaliland ee
degen gobolkan Minnesota ay si weyn iskugu diyaarinaysaa socdaalka uu
maalinta Jimacaha ee bishan June ay tahay 29ka ku imanayo gudoomiyaha
arrimaha dibadda ee xisbiga weyn ee Kulmiye/Somaliland, Dr. Axmed Huseen
Ciise. Dr. Axmed oo ka mid ah musharixiinta u tartamaya jagada
Madaxweyne ku xigeenka ee Somaland, gaar ahaan dhinaca xisbiga kumiye
ayaa ka mid ah dadka sida gaarka ah uga qayb qaatay mashaariicda ugu
badan ee horumarineed ee laga fuliyay Somaliland. Waa uu Dr. Axmed si
gaar ah gacansaar ula leeyahay dalkan Maraykanka oo uu ku qaatay
waxbarashadiisa heerka Jaamacadeed, isla markaana uu sito sinjiyada
dalkan Maraykanka. Dr. Axmed Xuseen Ciise waxa uu ka mid yahay amaba uu
hormuud ka yahay dadka tirada yar ee waaxda Arrimaha Dibadda (US State
Dept) . wax ka weydiiso arrimaha Somaliland.
Haddaba Dr. Axmed oo socdaal ku soo
maridoona Washington, DC iyo New York, si gaar ahna ula kulmidoona
madaxda hey'adda State Department-ka ee dalkan Maraykanka maalinta
Khamiista ah, ayaa si gaar ah looga wada sugayaa magaaladda Minneapolis
ee gobolka Minnesota. Waxa la filayaa in uu shirar albaabadu u xiran
yihiin la yeelan doono kooxo kala duwan oo ka kala socda waaxyaha
Somaliland. Kooxaha ilaa hadda la hubo in uu si gaar ah ula kulmidoono
waxaa ka mid ah:
1- Xubnaha iyo taageerayaasha ururka
Kulmiye ee gobolkan Minnesota
2- Madaxda Somaliland Community of
Minnesota
3- Odayaasha beelo dhaqameedyada iyo
aqoonyahanada Somaliland
Waxa kale oo uu qabandoonaa shir weyn
oo u furan dhamaanba dadweynaha reer Somaliland, yar iyo weynba.
Haddaba waxa si weyn laguugu soo
dhaweynayaa in aad ka soo qayb gasho shirkan albaabada furan
Goobta: DAALO BANQUETTE
115 EAST LAKE STREET
MINNEAPOLIS, MN 55404
Goorta: SABTI, JUNE 30TH 2007
Saacadda: 3:00 PM -5:00 PM
Wixii su'aalo ah waxa aad kala soo
xiriiri kartaa dadka isku soo duba riday barnaamijkan oo ay u horeeyaan:
Yuusuf Budle (Gudoomiyaha xisbiga
Kulmiye ee Minnesota): Tell. 612-272-8118
Xasan Yoonis (Gudoomiyaha S/land
Community): Tell. 612-618-2969
Diyaariye: Khadar Jaambiir (Khadar
Jacayl)
Minneapolis, MN USA
La xiriir:
eawch@aol.com